Sunday, May 4, 2008

Mashruuca Seeraha, Kobcinta Xoolaha Dhoofka iyo Beeraha G. Oodweyne














Oodwayne.blogspot.com

01/05/08

Mashruucani waa laf dhabartii dhaqaalaha degaanka Gobolka Oodweyne isla markaasna ah kii lagu yiqiinay degaankan intii aan la kala baylihin ee aan waqti hore kabihiisa loo kala tuurin afarta baynul jaho. Lixdanii iyo Todobaatanadii ka hor waqtigii ay soo if baxday kala kaxee oo iska hor gee beelaha waqooyiga ee Siyaasaddii Dawladdii Cabdirisaq X Xuseen ilaa Siyaad Barre Waxaa laga shaqaynayey sidii loo Burburin lahaa Mashruuc kastoo keeni kara ilo dhaqaale iyo isku filaansho si maskax iyo maalba loo jihaysto koonfur oo degaankan iyo kuwo la midaba loo mija xaabiyo.

Seerihii degaanka ee caanka ku ahaa DAAQa sida Ceel Xume, Kaba dheere Duleedkiisa ilaa Buuraha Gacan Libaax oo ah dhul hodan ku ah daaqa Cawka iyo Biyaha... Xaaxi ilaa bananka Tuuyo dushiisa Lo'da iyo adhigaba lagu sii dayn jiray.

Waa in maanta maamulka degaanku ee Gobolku soo celiyo isagoo la kaashanaya ganacsatada iyo Hay'adaha una furaya indhahooda si ay wax ula qabtaan wada tashi leh iyo huritaanka maalgalinta. Halkan Maxjarka ay rabto dawladdu in Lagu baadho xoolaha uu ku habboonaa degankan marka Maraakiibtii qaadi lahayd soo xidhaana loo daabuli lahaa Xoolaha si loo dhoofiyo. Waxaanu u sheegayna madaxda degaanka Gobolka Oodweyne inay u doodaan oo u sheegaan dawladda in Maxjarka Caafimaadka iyo Kobcinta Xoolaha xaruntiisa Dhabta ahi tahay Oodwayne oo ay hoos yimaadaan 50 tuulo in ka badan.

Seerihii iyo ceelal baaxad leh na laga sameeyo oo dhakhaatiirta iyo shaqaalahaba loo dhiso guryihii ay degi lahaayeen (Compound), haddii taasi u cuntami waydo waa inay ganacsatadu maal gashato Maxjarka oo 100,000 oo neef iyo ka badanba marsiin kara bil walba Caafimaad iyo daryeel joogta leh haddii loo baahdo dhaqniin iyo kobcin tamarta si neefku ku suuq galo isagoo helay muddo yar oo bil ah inuu daaq iyo biyo wacan helo taasoo gaadhsiisa, inuu maro shaybaarkii baadhista caafimaadka si loo siiyo shahaadooyinkii ama Certification of Health Registrar.

Waxaa loo ballamiyey nin Carbeed Xoolaha inuu inaga taakuleeyo dhoofkooda markaa ma xaj ilaa xaj ayeynu carabka sugnaa mise waa inay Jabuuti ku tidhaahdo Carabta annaga ayaa Soomaliland xoolaheeda gacanta kuugu hayna iyo dhoofinta maamulkeedaba.


Bal waxaan rabnaa inay dhab ka tahay iyo in Waddaniga Ganacsadaha ah ee u dhashay Soomaaliland ilaahay mooyee inaanu waligii qof kale isu daba taagin xoolaha la dhoofiyo...Waana ilaahay nimco qani ah oo uu na siiyey. Ma suurto gashaa inuu nin Carabi patroolkiisa uu isu kay daba taago. Waayo maya Jawaabtu!!!


"Ilaahay qofna maduleeyo ee qofku isagaa is duleeya".


Anigana in Maamulkaygu i duleeyo ilaahay baan ka magan galay.


Xoolahana Qiimaha iibgaynta iyo dhoofintu waa inuu la jaan qaadaa sicir bararka haddii quutal daruurigii cirka isku shareeray waa in Qiimaha neefkuna kor u koco 35% oo ah inuu ku iib galo $ 45 neefka adhiga ahi inta aan la dhoofin oo uu kor u kacaa kii guduhuna 15% oo ah in ninkii reer miyiga ahaa u goysa raashin uu quuto.

Ganasadaha runta ahina waa kii aan isu daba taagin nin kale sidii uu lacag u samayn lahaa,( Creative Thinker) waana kii Fursadaha samaysan lahaa reer Oodwaynow waxaa la idiinka fadhiyaa maamul iyo nin deeq ilaahay siiyeyba sidii aad Maxjarkiinii u Furi lahaydeen una dibaaqan lahaydeen xoolaha aad degaankiina ku soo barbaariseen ee neef neefka aad u kala taqaaneen oo Cashuur dakhli ah oo degaanku leeyahay iyo mid Dawladeedba aad ula soo bixi lahaydeen una samaysan lahaydeen isku filaansho dhaqaale, waa la idiin sheegayoo waxa af cad la idinku yidhi Gobol baad sheegateena markaan xafladdan Furitaanka Gobolka ku kala dareerno hanaga daba imanina ee isku filaada. Waa yahay ee isku filaansho waa ilo dhaqaale abuuro oo cashuur meeshii aad kala soo bixi lahayd iyo horumarka degaanka u tabaabushayso waa fikrad guud oo ku socota Maamulka Cusub.

Ilaahay baa deeq iyo raxmad leh abaartii laga bax oo gu’giina waa kan curtay ee soo KAABO ilo dhaqaale iyo shaqo abuuris keenta horumar kaamil ah.

Intaa waxa ii dheer mashruuca ceelasha biyaha ee gaagaaban ee loo yaqaan Ceelal Dixeedka oo ku xeeran Beerato iyo dal dawan(Valley of Water Wells). Kuwaas oo qof joogiisa la qodi karo oo aan u baahnayn mashiino waaweyn iyo qalab culus.(dhererkiisu waa ilaa lanba Mitir) oo soo maaxda kuna shaqeeya Solar Water Pump, Diesil Pump iyo wadaamo hadba inta aad isticmaali kartona ka dhaansatid, waa kuwa beeraha iyo wax soo saarka aad ku waraabin karto.

Beeraha la waraabiyo ee biyaha joogtada ah leh waxaad ka soo saari kartaa khudaarta la isticmaalo ee nolol maalmeedka sida Tamaandhada, Basasha, Dabacasaha, Saladhka, Kamsarada, iyo wax walba oo aad heli karto Siidhkiisa.

Si loo beerto khudaartan kala duduwan ee maalin walba loo baahdo oo kaga soo kabanayso shaqo la’aanta jirta waa inaad xidhiidh adag la samaysaan hay’adaha iyo Wasaaradda Beeraha xarunna looga furaa Oodwayne.....halkan aan ku soo laabto mar kale hadhuudhka, Aarabakhida iyo digirta oo ah( seaonal crops).

Iyaguna waa meelahii dabiiciga ahaa ee ay ka baxayeen Oodwayne - Beerato. Iyo meelo kale oo badan oo ilaahay ku manaystay ciid iyo biyo ku wacan beerista, taasoo iyana ina tusaysa inuu degaankani yahay qani laakiin dabran yahay.

Dedaalka wax soorka caafimaadka qaba ee ka fog qabiilka iyo dib u dhacuna waxuu abuuri karaa iskaashi iyo wax soosaar. Waxa aafeeyey qaaradda madow manta waa hayb sooc qabiil kala sheegasho iyo xaasidnimo. Halkan waxaan ula beegsaday inaan hor dhigo maamulka degaankani inay dedaalaan oo ay ku deydaan kuwa la midka ah cimilo iyo degaanba. sidaas bay Soomaliland horumar ku gaadhi kartaa kuna kasban kartaa dakhli isku filaansho cashhuur iyo wax qabad lagu gaadho GOBOLKII LA HIGSANAYEY INAANU FASHILMAN!.



wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"

Oodwayne.blogspot.com

Toronto, Kanada

Gudoomiye Kuxigeenkii Komiishanka Doorashooyinka Oo Xilkii Gudoomiye Ku-xigeenimo Laga Qaaday,

Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews
May 04, 2008

Hargeysa(Qaran):- Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta xilkii Gudoomiye Ku-xigeenka gudidaasi ka qaaday, iyaga oo ku sabaabeeyey xilka qaadistiisa inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqeynta komiishanka doorashooyinka, iyo sidoo kale isaga oo sameeyey tallo goosi u gaar ah, oo aanay gudida intooda kale ku waaqafsanayn.

Sida waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexaanyahay Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kaba-weyne] oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Warsaxafadeedka laguma sheegin cida loo magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka gudida doorashooyinka Qaranka, Sidoo kale waxa Warsaxafadeedka digniin kama danbeys ah loogu jeediyey Gudoomiye Kuxigeenkii Hore ee Gudidadaasi.

“Shir ay isugu yimaadeen xubnaha gudida komiishanka qaranku maalintii sabtidii ay ee ay taariikhdu ahayd 3/5/2008Shirkaasi oo ku qabsoomay xarunta komiishanka Qaranka ee Hargeysa waxa gudoominayey Gudoomiyaha Komiishanka,”sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeedka.

Waxaana lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Gudoomiye Kuxigeenka gudida doorashooyinka qaranka Md. Xirsi waxa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqeynta ka dhaxeysa komiishanka doorashooyinka qaranka, isaga oo sameeyey tallo goosi u gaar ah oo aanay gudida intooda kale ku waaqafsanayn, marar horena looga digay, sida awgeed waxay gudidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:-

1. In laga qaado xilkii gudoomiye kuxigeenka komiishanka doorashooyinka qaranka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 4/5/2008
2. In digniin kamadanbeys ah loo jeediyo Md. Xirsi, kaas oo ah inaanu mar kale ku kicin gefaf noocaas oo kale oo ka dhan ah xeer-hoosaadka gudida doorashooyinka.

Waxaanu halkan ugu sheegaynaa ummada Somaliland in markasta inay naga go’an tahay gudi ahaan inaanu u gudano xilka nalagu aaminay, oo aanu dhameystirno si waafaqsan xeerka iyto shuruucda loo dhigay diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummada in meel hawli ka socoto aan khaladaad laga waayeen, waxaase muhiim ah in si wadajir ah markasta loo saxo oo la toosiyo wixii khaldamay si loo gaadho himilooyinka uu qaranku hiigsanayo.

Waxa markasta waajib ah in xubinkasta oo ka mid ah gudida doorashooyinka qaranku inuu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex-milmo hawlaha Siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo dhowr sanaanta gudidada doorashooyinka”