Sunday, May 4, 2008

Mashruuca Seeraha, Kobcinta Xoolaha Dhoofka iyo Beeraha G. Oodweyne














Oodwayne.blogspot.com

01/05/08

Mashruucani waa laf dhabartii dhaqaalaha degaanka Gobolka Oodweyne isla markaasna ah kii lagu yiqiinay degaankan intii aan la kala baylihin ee aan waqti hore kabihiisa loo kala tuurin afarta baynul jaho. Lixdanii iyo Todobaatanadii ka hor waqtigii ay soo if baxday kala kaxee oo iska hor gee beelaha waqooyiga ee Siyaasaddii Dawladdii Cabdirisaq X Xuseen ilaa Siyaad Barre Waxaa laga shaqaynayey sidii loo Burburin lahaa Mashruuc kastoo keeni kara ilo dhaqaale iyo isku filaansho si maskax iyo maalba loo jihaysto koonfur oo degaankan iyo kuwo la midaba loo mija xaabiyo.

Seerihii degaanka ee caanka ku ahaa DAAQa sida Ceel Xume, Kaba dheere Duleedkiisa ilaa Buuraha Gacan Libaax oo ah dhul hodan ku ah daaqa Cawka iyo Biyaha... Xaaxi ilaa bananka Tuuyo dushiisa Lo'da iyo adhigaba lagu sii dayn jiray.

Waa in maanta maamulka degaanku ee Gobolku soo celiyo isagoo la kaashanaya ganacsatada iyo Hay'adaha una furaya indhahooda si ay wax ula qabtaan wada tashi leh iyo huritaanka maalgalinta. Halkan Maxjarka ay rabto dawladdu in Lagu baadho xoolaha uu ku habboonaa degankan marka Maraakiibtii qaadi lahayd soo xidhaana loo daabuli lahaa Xoolaha si loo dhoofiyo. Waxaanu u sheegayna madaxda degaanka Gobolka Oodweyne inay u doodaan oo u sheegaan dawladda in Maxjarka Caafimaadka iyo Kobcinta Xoolaha xaruntiisa Dhabta ahi tahay Oodwayne oo ay hoos yimaadaan 50 tuulo in ka badan.

Seerihii iyo ceelal baaxad leh na laga sameeyo oo dhakhaatiirta iyo shaqaalahaba loo dhiso guryihii ay degi lahaayeen (Compound), haddii taasi u cuntami waydo waa inay ganacsatadu maal gashato Maxjarka oo 100,000 oo neef iyo ka badanba marsiin kara bil walba Caafimaad iyo daryeel joogta leh haddii loo baahdo dhaqniin iyo kobcin tamarta si neefku ku suuq galo isagoo helay muddo yar oo bil ah inuu daaq iyo biyo wacan helo taasoo gaadhsiisa, inuu maro shaybaarkii baadhista caafimaadka si loo siiyo shahaadooyinkii ama Certification of Health Registrar.

Waxaa loo ballamiyey nin Carbeed Xoolaha inuu inaga taakuleeyo dhoofkooda markaa ma xaj ilaa xaj ayeynu carabka sugnaa mise waa inay Jabuuti ku tidhaahdo Carabta annaga ayaa Soomaliland xoolaheeda gacanta kuugu hayna iyo dhoofinta maamulkeedaba.


Bal waxaan rabnaa inay dhab ka tahay iyo in Waddaniga Ganacsadaha ah ee u dhashay Soomaaliland ilaahay mooyee inaanu waligii qof kale isu daba taagin xoolaha la dhoofiyo...Waana ilaahay nimco qani ah oo uu na siiyey. Ma suurto gashaa inuu nin Carabi patroolkiisa uu isu kay daba taago. Waayo maya Jawaabtu!!!


"Ilaahay qofna maduleeyo ee qofku isagaa is duleeya".


Anigana in Maamulkaygu i duleeyo ilaahay baan ka magan galay.


Xoolahana Qiimaha iibgaynta iyo dhoofintu waa inuu la jaan qaadaa sicir bararka haddii quutal daruurigii cirka isku shareeray waa in Qiimaha neefkuna kor u koco 35% oo ah inuu ku iib galo $ 45 neefka adhiga ahi inta aan la dhoofin oo uu kor u kacaa kii guduhuna 15% oo ah in ninkii reer miyiga ahaa u goysa raashin uu quuto.

Ganasadaha runta ahina waa kii aan isu daba taagin nin kale sidii uu lacag u samayn lahaa,( Creative Thinker) waana kii Fursadaha samaysan lahaa reer Oodwaynow waxaa la idiinka fadhiyaa maamul iyo nin deeq ilaahay siiyeyba sidii aad Maxjarkiinii u Furi lahaydeen una dibaaqan lahaydeen xoolaha aad degaankiina ku soo barbaariseen ee neef neefka aad u kala taqaaneen oo Cashuur dakhli ah oo degaanku leeyahay iyo mid Dawladeedba aad ula soo bixi lahaydeen una samaysan lahaydeen isku filaansho dhaqaale, waa la idiin sheegayoo waxa af cad la idinku yidhi Gobol baad sheegateena markaan xafladdan Furitaanka Gobolka ku kala dareerno hanaga daba imanina ee isku filaada. Waa yahay ee isku filaansho waa ilo dhaqaale abuuro oo cashuur meeshii aad kala soo bixi lahayd iyo horumarka degaanka u tabaabushayso waa fikrad guud oo ku socota Maamulka Cusub.

Ilaahay baa deeq iyo raxmad leh abaartii laga bax oo gu’giina waa kan curtay ee soo KAABO ilo dhaqaale iyo shaqo abuuris keenta horumar kaamil ah.

Intaa waxa ii dheer mashruuca ceelasha biyaha ee gaagaaban ee loo yaqaan Ceelal Dixeedka oo ku xeeran Beerato iyo dal dawan(Valley of Water Wells). Kuwaas oo qof joogiisa la qodi karo oo aan u baahnayn mashiino waaweyn iyo qalab culus.(dhererkiisu waa ilaa lanba Mitir) oo soo maaxda kuna shaqeeya Solar Water Pump, Diesil Pump iyo wadaamo hadba inta aad isticmaali kartona ka dhaansatid, waa kuwa beeraha iyo wax soo saarka aad ku waraabin karto.

Beeraha la waraabiyo ee biyaha joogtada ah leh waxaad ka soo saari kartaa khudaarta la isticmaalo ee nolol maalmeedka sida Tamaandhada, Basasha, Dabacasaha, Saladhka, Kamsarada, iyo wax walba oo aad heli karto Siidhkiisa.

Si loo beerto khudaartan kala duduwan ee maalin walba loo baahdo oo kaga soo kabanayso shaqo la’aanta jirta waa inaad xidhiidh adag la samaysaan hay’adaha iyo Wasaaradda Beeraha xarunna looga furaa Oodwayne.....halkan aan ku soo laabto mar kale hadhuudhka, Aarabakhida iyo digirta oo ah( seaonal crops).

Iyaguna waa meelahii dabiiciga ahaa ee ay ka baxayeen Oodwayne - Beerato. Iyo meelo kale oo badan oo ilaahay ku manaystay ciid iyo biyo ku wacan beerista, taasoo iyana ina tusaysa inuu degaankani yahay qani laakiin dabran yahay.

Dedaalka wax soorka caafimaadka qaba ee ka fog qabiilka iyo dib u dhacuna waxuu abuuri karaa iskaashi iyo wax soosaar. Waxa aafeeyey qaaradda madow manta waa hayb sooc qabiil kala sheegasho iyo xaasidnimo. Halkan waxaan ula beegsaday inaan hor dhigo maamulka degaankani inay dedaalaan oo ay ku deydaan kuwa la midka ah cimilo iyo degaanba. sidaas bay Soomaliland horumar ku gaadhi kartaa kuna kasban kartaa dakhli isku filaansho cashhuur iyo wax qabad lagu gaadho GOBOLKII LA HIGSANAYEY INAANU FASHILMAN!.



wa Billahi Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdilleh "Sigis"

Oodwayne.blogspot.com

Toronto, Kanada

Gudoomiye Kuxigeenkii Komiishanka Doorashooyinka Oo Xilkii Gudoomiye Ku-xigeenimo Laga Qaaday,

Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews
May 04, 2008

Hargeysa(Qaran):- Komiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta xilkii Gudoomiye Ku-xigeenka gudidaasi ka qaaday, iyaga oo ku sabaabeeyey xilka qaadistiisa inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqeynta komiishanka doorashooyinka, iyo sidoo kale isaga oo sameeyey tallo goosi u gaar ah, oo aanay gudida intooda kale ku waaqafsanayn.

Sida waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexaanyahay Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kaba-weyne] oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Warsaxafadeedka laguma sheegin cida loo magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka gudida doorashooyinka Qaranka, Sidoo kale waxa Warsaxafadeedka digniin kama danbeys ah loogu jeediyey Gudoomiye Kuxigeenkii Hore ee Gudidadaasi.

“Shir ay isugu yimaadeen xubnaha gudida komiishanka qaranku maalintii sabtidii ay ee ay taariikhdu ahayd 3/5/2008Shirkaasi oo ku qabsoomay xarunta komiishanka Qaranka ee Hargeysa waxa gudoominayey Gudoomiyaha Komiishanka,”sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeedka.

Waxaana lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Gudoomiye Kuxigeenka gudida doorashooyinka qaranka Md. Xirsi waxa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqeynta ka dhaxeysa komiishanka doorashooyinka qaranka, isaga oo sameeyey tallo goosi u gaar ah oo aanay gudida intooda kale ku waaqafsanayn, marar horena looga digay, sida awgeed waxay gudidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:-

1. In laga qaado xilkii gudoomiye kuxigeenka komiishanka doorashooyinka qaranka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 4/5/2008
2. In digniin kamadanbeys ah loo jeediyo Md. Xirsi, kaas oo ah inaanu mar kale ku kicin gefaf noocaas oo kale oo ka dhan ah xeer-hoosaadka gudida doorashooyinka.

Waxaanu halkan ugu sheegaynaa ummada Somaliland in markasta inay naga go’an tahay gudi ahaan inaanu u gudano xilka nalagu aaminay, oo aanu dhameystirno si waafaqsan xeerka iyto shuruucda loo dhigay diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummada in meel hawli ka socoto aan khaladaad laga waayeen, waxaase muhiim ah in si wadajir ah markasta loo saxo oo la toosiyo wixii khaldamay si loo gaadho himilooyinka uu qaranku hiigsanayo.

Waxa markasta waajib ah in xubinkasta oo ka mid ah gudida doorashooyinka qaranku inuu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex-milmo hawlaha Siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo dhowr sanaanta gudidada doorashooyinka”

Monday, February 25, 2008

Komishinka Doorashooyinka oo Burco Fadeexad la Kowsaday

Burco(Togdheernews..25feb.)- Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee dhawrkii maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Burco, ayaa fadeexad weyni kala soo deristay xil ka qaadista Guddoomiyihii


hore ee Gudiga doorashooyinka qaraka ee gobolka Togdheer Md, Maxamed Faarax Aadan iyo Buuxintii jagadaa.

Xilka qaadista guddoomiyaha hore, ayaa ka dhalatay ka dib markii xisbiga talada haya ee UDUB ku eedeeyay inanay ku qanacsanayn dhexdhexaadnimadiisa. haseyeeshee ay labada xisbi ee Mucaaridku KULMIYE iyo UCID cadeeyeen inaanay wax eed ah u ahayn dhamaanba xubnihii hore ee komishanka u qaabilsanaa gobolku.

Dooda xisbul xaakimka ee eedaynta xubintaas, ayaa la sheegay inaanay lahayn wax raad ah oo ay u soo daliishadeen eedaymahooda oo ay keeneen ama ka sheegeen xisbiyada kale hortooda.
Xubnaha gudiga komishanka, ayaa waxa si weyn ugu dhaliilay xisbiyada mucaaradka, oo iyagu go’aanka ay xil ka qaadeen guddoomiyaha hore ku tilmaamay mid caddaalad drro ah, isla markaana aaany ku qancayn.
Doodii iyo Eedaymihii xisbiga dawlada, oo isagu aan dheg-u-dhigin difaacii labada xisbi ee kale, ayaa waxa ay abuurtay buuq iyo xiisado xoogan oo hadhaysay.

Gudoomiye-ku-xigeenka komishanka Qaranka, oo isagu xubnaha wefdiga hogaaminayay Md, Xirsi Cali X. Xasan oo Wariyaha Jamhuuriya Gobolada Bariga Somaliland Kayse Axmed Digaale, wax ka weydiiyay sababta keentay eriga Guddoomiyihii hore ee komishanka Gobolka Togdheer inay salka hayso eedaymihii uu soo jeediyay xisbiga UDUB waxa uu yidhi; “Anaga go’aankaa gaadhanay wax eedd ah ama dambiya oo uu leeyahay-na ma jirto”.

Balse mar la weydiiyey asbaabaha waqtigan kelifay in xubintaa oo qudha laga saaro sagaal xubnood ee kale maadaama aanay jirin wax dembiya, isla markaana ay ku qancsan yihiin labadii xisbi ee mucaaradku,waxa uu ku jawaabay; “Sidaan kuu sheegay wax dambi ah ma galin eedna ma laha, balse anagaa xiligan sidaas garanay.”

Sidoo kale Buuxintan jagadaas, ayaa iyana ka dhashay fadeexadii ugu weynayd, ka dib markii xubnitii loo keenay buuxinta booskaas lagu deedafeeyay inay isku ardaa ka soo jeedaan mid ka mid ah xubnihii koomishanka ee wefdiga ahaa [Maxamed Kabo-weyne]. Arrintaas oo noqotay mid si weyn uga cadhaysiisay waxgardakii dadweynihii, iyagu arimaha la socday, kiuwaas oo ku doodayey in ay kal garan waayeen nooca ay yihiin shuruudaha laga doonayo qofka jagada, haday tahay aqoon, kartida, Qabiilbaa iyo in kale.
Xiisadan oo aad u aloosnayd ilaa shalay waxay keentay in ay baajiso safarkii xubnaha Komishanku ugu bixi lahaa dhinaca gobolada bariga.

Dhinaca kale, Deyr Mxamed Cilmi, oo ka mid ahaa Odayaashii dadaalka ugu jiray dhamaystirka hawshaa, oo Jamhuuriya wax ka waydiisay arimahaa wax uu yidhi; “Waxaanu ilaa shalay (Doraad) ku hawlayn arimahan markii aanu maqalnay in gudigii xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii hore ee komishanka gobolka ayaanu u tagnay komishanka waxaanuna ka waraysanay wixii dambi iyo eedayn ah ee sababay erigan, aniga oo Odayaal iyo waxgarad badan ah, waxay noo sheegeen inaan wax allaale wax dambi ah iyo eedd ah aanu lahayn ninkaasi, masuuliyadiisana ka galin, balse waxaanu u garanay inay go’aan ay siteen Xubintaas kaliya ka reebaan sagaalkii xubnood ee kale.”

Md, Deyr arrintan ka hadlay waxa uu ku tilmaamay “mid fadeexada iyo ceeb ah oo ka sii daran go’aanka hore ee ay xilka kaga qaadeen guddoomiyaha hore, markii buuxintii jagadan loo xulay nin aqoonyahaan ah oo laysku wada raacay laguna qancsan yahay-na, hadana mar kale xubnaha Komishankii ku eedeeyay ninkan waxay isku reer yihiin Ina Kabaweyne oo lama rabo, waxay-na taasi noqotay arrin fajac iyo Amakaag, waxayna noo cadaysay tuhinkii nagu jiray ee ahaa wax loo soo dhiibay ayay jeebada ku sitaan oo niman go’aan caddaalada ku salaysan gaadhi karaba maaha. Waxaana isweydiintu tahay Waa ayo? cida komishanku qancinayo ee aan joogin.

Intaa ka dibna waxa lagu kala dhaqaaqay markii waagii beryay, ayaa la keenay xubin sadexaad oo la soo xulay markii horena aan la hadal hayn. Haseyeeshee aanu ku qancay markii la tilmaamay inuu qaban karo booskaa, waraaqihiisiina la dhameeyay komishankii ogolaaday, iyada oo aanan garanayn cida talada siinaysa. Komishankii habeenimadii ayay sii dhamaystireen subaxiina waxay maamulka gobolka iyo cidii ay khusaynaysaba u direen qoraalkii magaacibista xubintaa iyo in la dhaariyo ka dibna waxay u ambabexeen dhinaca gobolada Bariga, hadana koox UDUB ah oo ordaysa, ayaa timi gobolkii oo diidan ninkii sadexaad ee la doorta.”

Waxa Deyr hadalkiisii ku soo koobay “Markaanu arimahaas oo dhan aragnay, waxa noo muuqatay in nimankan meesha maraya cid kale oo qarsooni ay hagayso oo cid la raaligalinayo aan Burco joogin, waxa’se yaab leh hadii arin tan ka weyn iyo muran doorasho yimaado sida ay u kala saari ummada oo go’aan u yeelan doonaan, waxaan xusuustay waar ruugcadaagii hore ee aan la dareemi jirin siday wax u wadaan ma ragan ayaa bedelay. Walee hawli waa kow.”

Kayse Axmed Digale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

Monday, February 18, 2008

Swiss-Group / Caritas Oo Waxbarasho U Xidhay Boqol Haweenka Burco






Written by Yuusuf I. Warsame
Monday, 18 February 2008

ImageBurco(Hormoodnews)-Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa maanta ugu baaqay Hayadaha Samafalka ee gacan siiyaan waxbarashada iyo taabo gelinta ku sameeyaan Waxbarashada Haweenka oo aanay qabyo ka dhigin heerarka waxbarasho ee ay haweenka ku gudbi karaan waxqabadka aqoon la,aanta.

Gudoomiyaha Gobalka waxaa uu hadalkan maan kaga dhawaaqay munaasibad qalin jabin oo loogu qabtay Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir in ka badan boqol haweena oo dhamaystay waxbarasho socotay mudo sanada oo ay hayada swiss group /Caritas ku baraysay haweenkan aqoon la xidhiidha xirfadaha kala duwan iyo weliba dhinaca wax qorista.

Gudoomiyaha Gobalka waxa uu cadeeyey in waxbarashada haweenka ay tahay mid dhaxal ku leh bulshada dhexdeeda, sidaa aawadeed looga baahan yahay in aani lagu dhego, talaabooyinka ku aadan waxbarashadooda waxaa kale oo ugu baaqay Wasaarada Waxbarashada inay indhaha ku hayaan Manaahijta iyo tayada waxbarasho gaadhayso haweenka gobalka.

“Qoyska gabadh wax baraa waxaa uu baray bulshadii oo dhan gabadhuna waxy ku dhistaa qoyska ayuu yidhi”

Waxbarashadan oo loo xidhay haweenkani waxay koobaysaa xirfadaha Dawaarka, Cunto Karinta, iyo Waxbarashada Qoraaka iyo Akhriskaba, waxaana gacanta ku haysay Hayadaha Wadaniga TAWFIIQ, IYO HODAN oo shahaadooyin gudoonsiiyey haweenka Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Togdheer Cabdi Axmed Siciid oo sheegay in wasaarada waxbarashada qayb ka ahayd hir gelinta waxbarashadan, waxaana cadeeyey inay diyaariyeen manhajka ay qaadanayeen mudadii waxbarashadu socotay.

Sidoo kalena madaxa Hayada Swiss-Group /Caritas ee Somaliland Nuura C/laahi Magan ayaa iyaduna halkaasi ka xustay inay dufcadani haweenka oo ah tii koowaad ee ku saabsan dhiiri gelinta waxbarashada gabdhaha iyada oo gudiga wasaarada waxbarashada iyo gudida imtixaanaadka ay ka qayb qaateen diyaarinta imtixaanaadka.

“ waxaana fursad siinay boqol haweena aan waxba qorin waxna akhrin Karin
shahaadadooduna waa mid la aqoonsan yahay”


Reported By: Yusuf I Warsame
Ilka Case, Burco
Email: xagaa67@hotmail.com

Hayada Kabaal Burco Oo Deeq Qalaba Siisay Beeralayda Beer Hayada Kabaal Burco Oo Deeq Qalaba Siisay Beeralayda Beer







Written by Yuusuf I. Warsame
Monday, 18 February 2008

ImageBurco(Hormoodnews)-Hayada Wadaniga ah ee Kabaal oo ka mida hayadaha wadaniga ah ee ka hawl gala gobalka Togdheer ayaa maanta deeq qalaba gudoonsiisay Dalada Beeralayda Tuulada Beer oo ka mida Deegaanka Degmada Burco.
Deeqdan qalabka oo ka koobnayd qalabka agabka xafiisyada waxaa loogu talo galay in
lagu taageero xarumaha maamul ee dalada iskaashatooyinka beeralayda Beer oo ay hoos tagaan in ka badan 7 Todoba Urur, Iskaashato inay ku midoobaan dadweynaha
Beeralayda.

Gudoomiyaha Kabaal Gobalka Togdheer Maxamed Jaamac Ismaaciil oo isaguna si toosa ugu wareejiyey deeqdan bulshada Beer ayaa cadeeyey in talaabadan kaliya ee ay beeralaydu ku najixi karaan ay tahay in mideeyeen muruqooda iyo maskaxdooda si ay ug xoroobaan inay ku tiirsadaan gacmo kale.

“Waxaanu idiin wadnaa, waxaan idiin balan qaadnay laakiin ma dabooli karaan
baahidiina oo dhan ee waxaad kaga gudbaysaan baahida hada taagan ayuu yidhi”

Reported By: Yusuf I Warsame
Ilka Case, Burco
Email: xagaa67@hotmail.com

Thursday, February 14, 2008

Suldaan Cusub oo Lagu Boqray magaalada Burco














Written by Qarannews
Feb 13, 2008 at 07:23 PM

Burco(Qaran)-Munasibad balaadhan oo loogu talo galay Caleema Saarka Suldaan Maxamuud Yusuf Xaaji Faarax Fidhin oo ka mid noqon doona Salaadiinta Gobalka Togdheer ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.

SuldaanFidhin

Caleema Saarka Suldaanka Cusub oo ay ka soo qayb galeen Madax Dhaqameedyo, Xildhibaana ka tirsan Golaha Guurtida, Golaha Deegaanka Burco, Qaar ka mida Madaxda Dawlada, iyo Weliba Boqolaal qof oo ka mid marti sharaf lagu casuumay Munaasibadaas Caleema Saarka oo ka dhacday Hotel Cigaal oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Burco, waxay salka ku haysaa Boqrida Suldaanka oo ay yeelan doonto Beel ka mida Beelaha Galbeedka Burco (Reer Cawl).

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mida Xildhibaanada Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland oo munaasibadaas ka hadlay ayaa waxaa ugu baaqay inay Salaadiinta Somaliland in ay ka baxaan dhega nugaylka Siyaasa Somaliland oo ay u soo jeestaan faa,iidada ay ka rabaan Beelaha Doortay.

Suldaan walba waxaa loo magacaabay faa,iidada Dhaqan ee loo Doortay, waxaanu Suldaanka in uu noqdo mid maslaxad u noqda Somaliland

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye waxaa kale oo Suldaanka Cusub ka dalbaday in uu noqda mid fure u noqda nabada Gobalka Togdheer iyo ta Somalilandba, waxaana uga digay in aan Siyaasada u noqon wasiilo uu ku waayo kalsoonida Shacabkiisa.

Sidoo kalena Suldaankan Cusub Maxamed Yusuf Xaaji Faarax oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadaas ayaa sheegay in uu noqon doona Suldaan u dhabar adaygaya duruufaha haysta shacbigiisa waxaana balan qaaday in uu daacad u noqon doono Qadiyada Madax Banaanida Somaliland.

Waxaan ka dalbanayaa dadweynaha ii soo sharfay in ay ii duceeyo in Eebe ii fududeeyo Xilka lay I saaray, idinkuna aad iga caawin doontaan

Geesta kalena Suldaanka Cusub oo noqon doona Suldaankii ugu Da,ada ee ku soo biira Saldanada Gobalka Togdheer waxay iyaguna ka hadlay Caleema Saarkiisa Cuqaal iyo Qaar ka mida Madaxda Dawlada Suldaankan oo galbis lagu soo mariyey Magaalada Burco dhexdeeda iyagoo ay galbinayaan kolanyo gaadiid ah


Reported By: Yusuf I Warsame

Ilka Case, Burco

Sunday, February 10, 2008

(Muuqaalka Caruurta Danyarta ee Xaafada Gacan-libaax ee Magaalada Hargeysa )







































Boqolaal ka mid ah Caruur dan-yar Ah Ee Xaafada Gacan-libaax Ee Magaalada Hargeysa oo Ay Soo Foodsaartay Xaalad aad Looga Dayrinayo Oo Qalafsan.

(Muuqaalka Caruurta Danyarta ee laga Dayrinayo Xaaladooda )

hadhwanaag 2008-02-10 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN) Tan iyo intii Somaliland xornimadeeda dib-ula soo noqotay 17 sanno ka hor, waxa dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameynayey adeegyada aasaasiga ah ee aannu nooluhu ka maarmin, sida in la helo caafimaad, biyo nadiif ah iyo waxbarasho tayo leh-ba.

Sidoo kale waxa jira in lacag adag oo fara badan ay Hay’addaha iyo dawladduba ku bixiyaan siminaaro iyo xaflado aan waxba soo kordhin, hadal hayntooduna dhammaato marka goobta arrintaa lagu qabtay laga tago.

Haseyeeshee waxa lacagtaa iyo dadaalkaa faraha badan ee sida dhibta yar u baxa garab-socda kumanaan carruur ah oo aan haysan waxbarasho iyo caafimaad toona, taasi oo ay sabab u tahay dhaqaale la’aan ay hooyo u tahay shaqo la’aanta baahsani iyo iyada oo aanay cidina war ka hayn ubadkaasi.

Waxase jira shakhsiyaad faro ku tiris ah oo ku dadaala sidii carruurtaasi u heli lahaayeen waxbarashadii ay xaqa u lahaayeen.

Hooyo Hibo Aadan (Sama-wada) waa Hooyo u tafa-xaydatay inay jaahilnimo ka badbaadiso oo ay waxbarto boqolaal carruur ah oo dad danyar ahi dhaleen, iyada oo si mutadawacnimo ah u samaysay dhawr goobood oo ilaa afar meelood gaadhaya wax lagu barto oo ku yaala xaafado ay degan yihiin dad aan waxba haysan ee magaalada Hargeysa.

Goobahaas waxay hooyo Sama-wadi ka samaysay qolol jiingado ah oo carruurta wax loogu dhigo, iyada oo markii hore ka soo bilawday waabab, waxaanay meelahaasi ugu diyaarisay macalimiin iyaga laftoodu si mutadawacnimo ah ardayda wax u baraya.

Koox wariyayaal ah oo tagay qaar ka mid ah goobahaasi oo ku yaala hareeraha magaalada sida xaafadda Sheekh Nuur iyo xaafadda Hillaac oo ku yaala degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay halkaa kula kulmeen arday yar yar oo aad u buux-dhaafay, isla markaana aanay ku filnayn fasalada ay wax ku dhiganayeen, waxa iyaduna halkaa ku sugnayd hooyo Hibo Aadan (Sama-wada), waxaanay weriyayaashu wax ka waydiiyeen in shaqadan ay hayso cidi ka caawiso iyo in ardayda lacag laga qaado,

Waxaanay ku jawaabtay, “Waxa qolkan [xaafadda Sheekh Nuur] looxa iyo jiigadda i siisay hay’adda World Vision la yidhaa, dhulkana aniga ayaa iibiyey, waana hay’addii u horreysay ee wax aan qabtay aragta aniga oo meel ood ah markii hore ardayda wax ku bari jiray.”

“Dadkani waa bilaa dawo oo bilaa tacliin oo bilaa biyo iyo bilaa kaalmo, waxa la bixiyaa kaalmo lacageed oo dhaqaale kab la yidhaa kun hay’addood ayaa carruurta wax ku bixisa, dawladda ayaa wax bixisa, hay’adduhu waddo ayuun bay xaggaa galbeed u socdaan, Hargeysa oo aannu joogno shan kun oo arday oo bakhtiyaya ayaa jooga.” Ayey Ayay tidhi Hooyo Sama-wada

Iyada oo hadalkeeda sii watana waxay tidhi.“Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inay hay’adduhu madaxa-bannaanaadaan oo dalka uu masuulka ka yahay in baahidiisa la sugo.”.

“11 Macalin ayaa jooga kuligood waa samafal aniguna samafal baan wax ugu dhigaa. Wax lacag ah oo laga qaado ma jirto, iyagaba waydiiya buuga iyo qalinkaba aniga ayaaba soo iibiya, iyagaba waydii maxay haystaan iyagii baan waxba cunine.” Ayey tidhi Sama-wada.

Mar la waydiiyey inay jirto cid ay kala xidhiidhay wax ka qabashada arrintan iyo tirada Ardayda ay gacanta ku hayso, waxay tidhi “Saddex ilaa Afar jeer ayaan Wasiirka Tacliinta u tagay, waxaan idhi waxaan gacanta ku hayo ha la soo arko, waxna ha la taro, laakiin weli cid ii timi maan arag.”

“Waxa halkan iminka jooga ilaa laba fasal oo ka kooban laba boqol oo ardey, guud ahaan gelinka dambe iyo ka hore, waa afar goobood oo middiiba ilaa saddex boqol oo arday ay dhigtaan macalimiintu ma rawaxaan labada gelinba ee way dhigaan. Ilaa dhalashadaydii waxaan jeclaa dadku inuu waxna qoro waxna akhriyo” Hibo Aadan (Sama-wada).

Iyada oo hadalkeeda sii wadana waxay intaa raacisay“Nin baa warqad igu dul samaysanaya oo dugsi baan dhigaa odhanaya, kadibna dugsi baa loo dhisayaa, buugagbaa baa la siinayaa, mushahar baa la siinayaa. Xitaa macalimiintaydu siminaar ma helaan, iska daa mushahara’e.”

Waxaana hadalkeedii ku soo afmeertay codsi ay u soo jeedisay Dawlada iyo Hay’adaha, waxaana ay tidhi “Waxaan dawladda iyo hay’addaha carruurta ku shuqul leh ka codsanayaa waa in caalamku ummaddan taageero u fidiyaa oo culayska fara badan la iga taageeraa.”

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

(Muuqaalka Goobta wax lagu baro )