Burco(Togdheernews..25feb.)- Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee dhawrkii maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Burco, ayaa fadeexad weyni kala soo deristay xil ka qaadista Guddoomiyihii
hore ee Gudiga doorashooyinka qaraka ee gobolka Togdheer Md, Maxamed Faarax Aadan iyo Buuxintii jagadaa.
Xilka qaadista guddoomiyaha hore, ayaa ka dhalatay ka dib markii xisbiga talada haya ee UDUB ku eedeeyay inanay ku qanacsanayn dhexdhexaadnimadiisa. haseyeeshee ay labada xisbi ee Mucaaridku KULMIYE iyo UCID cadeeyeen inaanay wax eed ah u ahayn dhamaanba xubnihii hore ee komishanka u qaabilsanaa gobolku.
Dooda xisbul xaakimka ee eedaynta xubintaas, ayaa la sheegay inaanay lahayn wax raad ah oo ay u soo daliishadeen eedaymahooda oo ay keeneen ama ka sheegeen xisbiyada kale hortooda.
Xubnaha gudiga komishanka, ayaa waxa si weyn ugu dhaliilay xisbiyada mucaaradka, oo iyagu go’aanka ay xil ka qaadeen guddoomiyaha hore ku tilmaamay mid caddaalad drro ah, isla markaana aaany ku qancayn.
Doodii iyo Eedaymihii xisbiga dawlada, oo isagu aan dheg-u-dhigin difaacii labada xisbi ee kale, ayaa waxa ay abuurtay buuq iyo xiisado xoogan oo hadhaysay.
Gudoomiye-ku-xigeenka komishanka Qaranka, oo isagu xubnaha wefdiga hogaaminayay Md, Xirsi Cali X. Xasan oo Wariyaha Jamhuuriya Gobolada Bariga Somaliland Kayse Axmed Digaale, wax ka weydiiyay sababta keentay eriga Guddoomiyihii hore ee komishanka Gobolka Togdheer inay salka hayso eedaymihii uu soo jeediyay xisbiga UDUB waxa uu yidhi; “Anaga go’aankaa gaadhanay wax eedd ah ama dambiya oo uu leeyahay-na ma jirto”.
Balse mar la weydiiyey asbaabaha waqtigan kelifay in xubintaa oo qudha laga saaro sagaal xubnood ee kale maadaama aanay jirin wax dembiya, isla markaana ay ku qancsan yihiin labadii xisbi ee mucaaradku,waxa uu ku jawaabay; “Sidaan kuu sheegay wax dambi ah ma galin eedna ma laha, balse anagaa xiligan sidaas garanay.”
Sidoo kale Buuxintan jagadaas, ayaa iyana ka dhashay fadeexadii ugu weynayd, ka dib markii xubnitii loo keenay buuxinta booskaas lagu deedafeeyay inay isku ardaa ka soo jeedaan mid ka mid ah xubnihii koomishanka ee wefdiga ahaa [Maxamed Kabo-weyne]. Arrintaas oo noqotay mid si weyn uga cadhaysiisay waxgardakii dadweynihii, iyagu arimaha la socday, kiuwaas oo ku doodayey in ay kal garan waayeen nooca ay yihiin shuruudaha laga doonayo qofka jagada, haday tahay aqoon, kartida, Qabiilbaa iyo in kale.
Xiisadan oo aad u aloosnayd ilaa shalay waxay keentay in ay baajiso safarkii xubnaha Komishanku ugu bixi lahaa dhinaca gobolada bariga.
Dhinaca kale, Deyr Mxamed Cilmi, oo ka mid ahaa Odayaashii dadaalka ugu jiray dhamaystirka hawshaa, oo Jamhuuriya wax ka waydiisay arimahaa wax uu yidhi; “Waxaanu ilaa shalay (Doraad) ku hawlayn arimahan markii aanu maqalnay in gudigii xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii hore ee komishanka gobolka ayaanu u tagnay komishanka waxaanuna ka waraysanay wixii dambi iyo eedayn ah ee sababay erigan, aniga oo Odayaal iyo waxgarad badan ah, waxay noo sheegeen inaan wax allaale wax dambi ah iyo eedd ah aanu lahayn ninkaasi, masuuliyadiisana ka galin, balse waxaanu u garanay inay go’aan ay siteen Xubintaas kaliya ka reebaan sagaalkii xubnood ee kale.”
Md, Deyr arrintan ka hadlay waxa uu ku tilmaamay “mid fadeexada iyo ceeb ah oo ka sii daran go’aanka hore ee ay xilka kaga qaadeen guddoomiyaha hore, markii buuxintii jagadan loo xulay nin aqoonyahaan ah oo laysku wada raacay laguna qancsan yahay-na, hadana mar kale xubnaha Komishankii ku eedeeyay ninkan waxay isku reer yihiin Ina Kabaweyne oo lama rabo, waxay-na taasi noqotay arrin fajac iyo Amakaag, waxayna noo cadaysay tuhinkii nagu jiray ee ahaa wax loo soo dhiibay ayay jeebada ku sitaan oo niman go’aan caddaalada ku salaysan gaadhi karaba maaha. Waxaana isweydiintu tahay Waa ayo? cida komishanku qancinayo ee aan joogin.
Intaa ka dibna waxa lagu kala dhaqaaqay markii waagii beryay, ayaa la keenay xubin sadexaad oo la soo xulay markii horena aan la hadal hayn. Haseyeeshee aanu ku qancay markii la tilmaamay inuu qaban karo booskaa, waraaqihiisiina la dhameeyay komishankii ogolaaday, iyada oo aanan garanayn cida talada siinaysa. Komishankii habeenimadii ayay sii dhamaystireen subaxiina waxay maamulka gobolka iyo cidii ay khusaynaysaba u direen qoraalkii magaacibista xubintaa iyo in la dhaariyo ka dibna waxay u ambabexeen dhinaca gobolada Bariga, hadana koox UDUB ah oo ordaysa, ayaa timi gobolkii oo diidan ninkii sadexaad ee la doorta.”
Waxa Deyr hadalkiisii ku soo koobay “Markaanu arimahaas oo dhan aragnay, waxa noo muuqatay in nimankan meesha maraya cid kale oo qarsooni ay hagayso oo cid la raaligalinayo aan Burco joogin, waxa’se yaab leh hadii arin tan ka weyn iyo muran doorasho yimaado sida ay u kala saari ummada oo go’aan u yeelan doonaan, waxaan xusuustay waar ruugcadaagii hore ee aan la dareemi jirin siday wax u wadaan ma ragan ayaa bedelay. Walee hawli waa kow.”
Kayse Axmed Digale
Kdigale@yahoo.com
Burco.
Monday, February 25, 2008
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment