


Boqolaal ka mid ah Caruur dan-yar Ah Ee Xaafada Gacan-libaax Ee Magaalada Hargeysa oo Ay Soo Foodsaartay Xaalad aad Looga Dayrinayo Oo Qalafsan.
(Muuqaalka Caruurta Danyarta ee laga Dayrinayo Xaaladooda )
hadhwanaag 2008-02-10 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN) Tan iyo intii Somaliland xornimadeeda dib-ula soo noqotay 17 sanno ka hor, waxa dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameynayey adeegyada aasaasiga ah ee aannu nooluhu ka maarmin, sida in la helo caafimaad, biyo nadiif ah iyo waxbarasho tayo leh-ba.
Sidoo kale waxa jira in lacag adag oo fara badan ay Hay’addaha iyo dawladduba ku bixiyaan siminaaro iyo xaflado aan waxba soo kordhin, hadal hayntooduna dhammaato marka goobta arrintaa lagu qabtay laga tago.
Haseyeeshee waxa lacagtaa iyo dadaalkaa faraha badan ee sida dhibta yar u baxa garab-socda kumanaan carruur ah oo aan haysan waxbarasho iyo caafimaad toona, taasi oo ay sabab u tahay dhaqaale la’aan ay hooyo u tahay shaqo la’aanta baahsani iyo iyada oo aanay cidina war ka hayn ubadkaasi.
Waxase jira shakhsiyaad faro ku tiris ah oo ku dadaala sidii carruurtaasi u heli lahaayeen waxbarashadii ay xaqa u lahaayeen.
Hooyo Hibo Aadan (Sama-wada) waa Hooyo u tafa-xaydatay inay jaahilnimo ka badbaadiso oo ay waxbarto boqolaal carruur ah oo dad danyar ahi dhaleen, iyada oo si mutadawacnimo ah u samaysay dhawr goobood oo ilaa afar meelood gaadhaya wax lagu barto oo ku yaala xaafado ay degan yihiin dad aan waxba haysan ee magaalada Hargeysa.
Goobahaas waxay hooyo Sama-wadi ka samaysay qolol jiingado ah oo carruurta wax loogu dhigo, iyada oo markii hore ka soo bilawday waabab, waxaanay meelahaasi ugu diyaarisay macalimiin iyaga laftoodu si mutadawacnimo ah ardayda wax u baraya.
Koox wariyayaal ah oo tagay qaar ka mid ah goobahaasi oo ku yaala hareeraha magaalada sida xaafadda Sheekh Nuur iyo xaafadda Hillaac oo ku yaala degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay halkaa kula kulmeen arday yar yar oo aad u buux-dhaafay, isla markaana aanay ku filnayn fasalada ay wax ku dhiganayeen, waxa iyaduna halkaa ku sugnayd hooyo Hibo Aadan (Sama-wada), waxaanay weriyayaashu wax ka waydiiyeen in shaqadan ay hayso cidi ka caawiso iyo in ardayda lacag laga qaado,
Waxaanay ku jawaabtay, “Waxa qolkan [xaafadda Sheekh Nuur] looxa iyo jiigadda i siisay hay’adda World Vision la yidhaa, dhulkana aniga ayaa iibiyey, waana hay’addii u horreysay ee wax aan qabtay aragta aniga oo meel ood ah markii hore ardayda wax ku bari jiray.”
“Dadkani waa bilaa dawo oo bilaa tacliin oo bilaa biyo iyo bilaa kaalmo, waxa la bixiyaa kaalmo lacageed oo dhaqaale kab la yidhaa kun hay’addood ayaa carruurta wax ku bixisa, dawladda ayaa wax bixisa, hay’adduhu waddo ayuun bay xaggaa galbeed u socdaan, Hargeysa oo aannu joogno shan kun oo arday oo bakhtiyaya ayaa jooga.” Ayey Ayay tidhi Hooyo Sama-wada
Iyada oo hadalkeeda sii watana waxay tidhi.“Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inay hay’adduhu madaxa-bannaanaadaan oo dalka uu masuulka ka yahay in baahidiisa la sugo.”.
“11 Macalin ayaa jooga kuligood waa samafal aniguna samafal baan wax ugu dhigaa. Wax lacag ah oo laga qaado ma jirto, iyagaba waydiiya buuga iyo qalinkaba aniga ayaaba soo iibiya, iyagaba waydii maxay haystaan iyagii baan waxba cunine.” Ayey tidhi Sama-wada.
Mar la waydiiyey inay jirto cid ay kala xidhiidhay wax ka qabashada arrintan iyo tirada Ardayda ay gacanta ku hayso, waxay tidhi “Saddex ilaa Afar jeer ayaan Wasiirka Tacliinta u tagay, waxaan idhi waxaan gacanta ku hayo ha la soo arko, waxna ha la taro, laakiin weli cid ii timi maan arag.”
“Waxa halkan iminka jooga ilaa laba fasal oo ka kooban laba boqol oo ardey, guud ahaan gelinka dambe iyo ka hore, waa afar goobood oo middiiba ilaa saddex boqol oo arday ay dhigtaan macalimiintu ma rawaxaan labada gelinba ee way dhigaan. Ilaa dhalashadaydii waxaan jeclaa dadku inuu waxna qoro waxna akhriyo” Hibo Aadan (Sama-wada).
Iyada oo hadalkeeda sii wadana waxay intaa raacisay“Nin baa warqad igu dul samaysanaya oo dugsi baan dhigaa odhanaya, kadibna dugsi baa loo dhisayaa, buugagbaa baa la siinayaa, mushahar baa la siinayaa. Xitaa macalimiintaydu siminaar ma helaan, iska daa mushahara’e.”
Waxaana hadalkeedii ku soo afmeertay codsi ay u soo jeedisay Dawlada iyo Hay’adaha, waxaana ay tidhi “Waxaan dawladda iyo hay’addaha carruurta ku shuqul leh ka codsanayaa waa in caalamku ummaddan taageero u fidiyaa oo culayska fara badan la iga taageeraa.”
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
(Muuqaalka Goobta wax lagu baro )
No comments:
Post a Comment