Wajaale (Ogaal) – Gudoomiyaha magaalada Wajaale Qawrax Muuse Xusseen ayaa ka dayriyay biyo la’aan xoog leh oo uu sheegay inay soo food-saartay magaalada Wajaale, Islamarkaana waxa uu ku baaqay in arrintaa gurmad xoog leh laga galo.
Mr, Qowrax oo xalay wargeyska Ogaal kala soo xidhiidhay magaalada Wajaale oo hoos timaada Degmada Gebilay, xog waraysi kooban oo aanu arrintaa kala yeelanay ayaa wuxuu u dhacay sidan:
S: Baaqa aad doonayso inaad gudbisaa muxuu yahay?
J: Runtii, waxa jirta Biyo la’aan ku habsatay deegaanka Wajaale iyo agagaarkiisa, iyada oo aanay Magaaladu lahayn wax Ceel ah, dhaamam ayaa laga cabi jiray, dhaamankiina way madheen, Barkadihii xaga Itoobiyana waxa saameeyay biyo la’aanta. Markaa Hay’addaha wadaniga ah, kuwa Caalamiga ah iyo Xukuumaduba inay gurmad qaylo-dhaan ah noo soo diraan ayaanu ka codsanaynaa.
S: Biyaha halkee ugu dhaw ee Magaaladu ka cabtaa imika?
J: Biyaha Booyaduhu sidaan ayaa noogu dhaw.
S: Xagay Booyaduhu biyaha ka soo dhaamiyaan?
J: Meelo badan bay ka soo dhaamiyaan, sida Arabsiyo iyo Lafa-ciise oo kale.
S: Markaa, qiimaha Foostada biyaha ahi waa imisa oo magaalada laga idinka siiyaa?
J: Wallaahi, qiimaha Foostadu 30 Riyaal oo lacagta Itobiya ah ayay nagu taagan tahay, oo u dhiganta 21,000 lacagta Somaliland ah.
S: Ka maamul ahaan ma imika markaad biyo la’aanta aragteen ayuun baad ka hadlaysaan, hore maxaa ugu diyaar garoobi waydeen?
J: Niyaw tirada dadka ayaa sannad walba kordhaysa, wakhtiyada qaarkood markay Baliyadu buuxsamaan waxay nagu dhawayn jireen Roob da’a. Markaa Roob la’aan dhacday ayaa sababtay in Baliyaduna go’aan.
S: Magaaladu waa magaalo ganacsin oo balaadhan, bulsho badanina ku nooshay. Markaa ma Baliyada uun baad ku halayseen iyo inta Roobku imanayo, miyay daan hore uga diyaar garoobin?
J: Maamul ahaan degmada Gabilay ayaan ka tirsanahay, Geed-balaadh baa kal hore Hay’aduhu ceel ka qodeen, Ceelkiina wuu dhamaaday, oo 18KM buu noo jiray. Markaa sannadkan cusub bay ku beegan yahay hawl-galkii cusbaa, sannadkan wax noo diyaara oo xaaladan jirta wax ka qabanaysaa ma jirto.
S: Geed-balaadh soo Ceel hore oo laga cabi jiray may lahayn?
J: Haa, wuu jiraa, ee wuu jabay oo imika hawshiisii ayaa lagu jiraa baa la yidhi.
S: Markaa, ceelkaa ceel ka sokeeya oo biyo laga heli karaa ma jiro miyaa?
J: Dhul ka sokeeya Geed-balaadh oo biyo laga heli karaa ma jiraan, oo Wajaale dhawr jeer baa laga eegay, in kasta oon casrigan la eegin. Laakiin berigii hore biyo lagama gaadhin.
S: Markaa, biyaha qaabkeed u dalbanaysaan?
J: Dee , xataa ogaysiinta Saxaafada waxaanu uga dan leenahay si caawimo naloogu taro, oo gaadiidka naloogu badiyo maadaama oo ay yar yihiin, sida dadka wax loogu gaadhsiiyaana adag tahay, in la ogaado ayaanu uga dan leenahay.
S: Maamulka degmeda aad hoos tagtaan ma kala hadasheen arrintan?
J: Waanu kala hadalay, iyaga laftoodana waanu u sheegnay si ay wax uga qabtaan.
Sunday, February 3, 2008
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment