Friday, February 1, 2008

Ruuxaygan uunbaa galbeed raaxo soo biday ee raaxada Togdheer iyo Saraar Ruushku haw hadho.






Guuldarooyinkii isdaba jooga ahaa ee uu ugu waynaa dagaaladii iyo qalaasihii socday sideetamaadkii ilaa horaantii sagaashamaadkii waxa ay barakac ku sameeyeen guud ahaan dadkeeni reer magaal iyo reer miyi ahaa.

Waxa bilaabmay in qofkastaaba uu ka hayaamo halkii uu abid ku noolaa in badan oo xoolo dhaqato raacato ahaa ama beeralay waxa ay u rogteen noloshoodii magaalooyinka waawayn ee somaliland iyaga oo qawadsan nolosha reer guuraaga iyo beeralayda ee ay abid ku noolaayeen.

Waxa adkaatay noloshii ay dadka reer baadiya ahi ay ku noolaayeen kadib markii laysku kiciyay colaado abaaro,daaq xumo,biyo la,aan iyo waliba dawlad aan reer miyiga wax tar u lahayn xataa si fiican aan ula socon xaalkooda ee ku kooban magaalooyin waawayn oo iyaga laftoodu basar xumo badan la daalaadhacaya.

n badan oo ka mid ah reer guuraagii dalkeena iyaga waxa soo xareeyay eheladooda oo dibada ku nool iyaga oo ka fakaraya sidii ehelkoodu ay nolol taa ka fiican ugu heli lahaayeen.

Qoysas badan oo maal wayn ahaa xoolahooduna ku filaayeen oo heli jiray noloshooda oo dhan ayaa maanta waxa ay ku nool yihiin dhaqaale aad u kooban oo dibada looga keeno bishiiba mar,laakiin wali aan ku guulaysan in ay dakhli ka heleen magaalooyinkii ay yimaadeen.

somalida wadamada reer galbeedka ku nool badidoodu waxa ay aamineen oo ay qabaan nolosha kaliya ee lagu noolaan karaa in ay tahay nolosha magaalooyinka iyaga oo aan eegin dunidu sida ay u kala duwan tahay marka laga eego xaga cimilada,dhaqaalaha iwm.

Sababtoo ah dalkeenu waa dal cimiladiisu aad u wanaagsan tahay dhaqaalihiisuna aad u hooseeyo oo qofku ku noolaan karo nololo kala duwan oo uu hadba tii uu doorto ku noolaan karayo beeralay,xoolo dhaqato,kaluumaysato macdan qodoto hadba tii uu doono ayuu ku noolaan karaa isaga oo magaalooyin ka fog.

laakiin wadamo badan oo ay ka mid yihiin wadama reer galbeedku ma fududa in aad noloshaad doonto aad doorato adoo aan magaalo ku tiirsanayn ama aan dawlad ku tiirsanayn.

Qormadan waxa aan si gaara aan ugu eegayaa hayaanka somaliland ilaa yurub oo maanta noqday hayaanka ugu badan ee dadkeenu ama dhalinyaradeenu ay abid dalkoodii kaga soo baxaan waana hayaankii ugu qaxarka badnaa.

Dhalin yaradeenu markasta ama wakhti kasta wuu u fududaan jiray in ay tacabiraan oo ay dalkooda Dal aan ahayn u shaqo u doontaan halka ay tagayaan ha dhawaato ama ha dheeraatee waxa ay ahaayeen kuwo doolaalo badan.

Waxa la tagi jireen wadamada Yeman,East Africa ,Egland,wadamada khaliijka iyo dalal kaloo badan dadku waxa ay ahaan jireen dad dhulkooda ka taga iyaga oo jecel taas oo ay kuu cadayn karto sida ay ugu soo noqon jireen iyada oo aduunka oo dhami wakhtigaa isu socodkiisa iyo isgaadhsiintiisuba yarayd oo dalkeenuna maanta halka uu joogo kun jeer ka hooseeyay ayaa qof kastaaba waxa uu ahaa mid ku fekaraya dalkiisa iyo halka uu tagay sida uu wax uga koradhsan karayo dabadeedna uu dalkii ugu noqon lahaa.

Run ahaantii waa jireen dad badan oo iyagu taa baal maray oo ay ku adkaatay noloshii qurbuhu oo soo bixi kari waayay halkaana nolol badan oo ay dadkoodii la qaadan lahaayeen ku seegay iyaga laf ahaan tooduna wax yaabo badan oo ay ku hamiyayeen qabsan kari waayay.su,aasha iswaydiinta mudane waxay tahay.

Hayaan kan cusubi muxuu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay ee dadkeenu dibada ugu bixi jireen ?

1.waxa uu kaga duwan yahay socdaaladii hore ee aynu naqaanay waxa bixi jiray oo kaliya raga ee maatadu may gali jirin socdaalka noocan oo kale ah.

2.dadka socdaalaa waxa ay ahaan jireen dadka qoysaska saboolka ah ka soo jeeda ee dadka ladani dalkooda ayay ku hadhi jireen laakiin maanta inta dadka ugu ladan baa dalkii ka sii socota.

Nin saboola iyo awra waa sibiq dhaqaaqaan iyaga hadaan soori celin socod ma daayaan.

3.socdaaladii hore sidaan horeba ugu soo sheegnay waxa ay ahaayeen dad dalkooda jecel oo aad u jecel ee dani ka kaxaysay laakiin maanta dadku waxa weeye kuwo leh raaxada togdheer iyo saraar ruushan haw hadho oo xataa dad dalkii u maqan oo rajo laga qabo ma aha iyaga iyo caruurahooduba inay dhulkii dib ugu soo noqdaan.

Su,aasha kale ee mihiimka ahi waxa ay tahay ?

Umadaa dalkeedii ka bara kacday ee maanta ku hoos nool dad aanay isku diin iyo isku dhaqan toona ahayn sidee socodkooda loo joojjin karaa inta maqana dib loogu soo celin karaa.

Arinkaas ayaa waxa uu u baahan yahay in lagaga hadlo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba oo lagaga hadlo jaamacadaha,dhulka aqoonta iyo afkaarta laysku dhaafsado waa arin aad u miisaan badan oo madhaxiisa lawada ogaan doono.

Rayi ahaan anigu waxa aan qabaa in ta kaliya ee arinkaas laysku hortaagi karaa ay tahay in la helo.

xukuumad karti leh,aqoon leh,oo keeni karta jawi ninkii dalkiisa joogaana ku qanco,ku noolaado,ku diirsado,ka ka maqani isna uu u soo hiloobo dareemo dalkiisii in uu mudan yahay meel lagu noolaan karo oo sidii uu kaga yimi wax badan laga badalay.

Abdulqani mohamed hassan swedan

No comments: