
Published Feb 07, 2008
London(TogdheerNews..
Aqalka baarlmaanka dalka Britain ayaa waxa maanta booqasho ku tahay xildhibaano ka kooban xisbiyada qaranka ee Somaliland oo ayaamahanba ku sugnaa dalka
Ingriiska xildhibaanadani oo tiradoodu ay kor u dhaafayso 15 xildhibaan ayaa waxa booqashadooda ku weheliyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingriiska , xubno ka socda xisbiyada Somaliland ee UK, iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin jaaliyada Somaliland ee UK, iyo ururokaleba.
Waftigan ka socda golaha wakiilada ee Somaliland oo uu horkacaayay xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, ayaa goobtaasi qudbad aad u dheer ka soo jeediyay isaga oo ku soo bandhigay xaaladahii kal duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo waxii u qabsoomay, iyo hada halka ay wax marayaan, isaga oo ku booriyay dawlada Britain in ay ka qayb qaadato sidii Somaliland ay u aqoonsan lahaayeen madaama ay buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo,
xildhibaanku waxa uu aad u tageeray xidhiidhka fiican ee u dhaxeeya dalka Ingriiska iyo socdaalkii uu madaxweyne Rayaale ku tagay dalka Maraykanka taasi oo uu aad u soo dhaweeyay tagisii ay tagtay xooghayaha arimaha Afrika u qaabilsan dalka Marykanka oo dhawaan booqatay Somaliland, taasi oo uu ku tilmaamay guul aad u weyn iyada oo daba socotay socdaalkii uu madaxweyne Rayaale ku tagay dalka Maraykanka, xildhibaanka qudbadiisa oo dheerayd waxa uu kaga hadlay dhamaan xaalad guud ee uu dalku maraaya taasi oo uu ku tilmaamay mid u qalanta in la siiyo aqoonsi buuxa, waxa sidoo kale goobtaasi ka hadlay shaqsiyaad kale oo ka soo jeeda Somalililand oo goobtaasi joogay
Dhanka kalena waxa halkaasi waftiga ku qaabilay wasiirka arimaha Afrika iyo barwaaqa sooranka u qaabilsan dawlada Ingriiska, waxa uu aad u amaanay waxyaabaha faraha badan ee u qabsoomay Somaliland taasi oo uu shaaca ka qaaday in ay dawlada Ingriiska ka go'antahay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaatan dhankastaba, waxa sidoo kale ka hadlay xildhibaano ka tirsan dawlada Britain, kuwaasi oo iyagu u ololeeya sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland iyaga oo sheegay in ay dawlada u gudbinayaan hada warbixintii ay ka soo diyaariyeen dhawan markii ay booqdeen Somaliland taasi oo ay sheegeen in ay Somaliland u qalanto in la aqoonsado.
Gabo gabadii labada dhan waxa ay isla qaateen in la sii xoojiyo xidhiidhka u dhaxeeya labada dal siiba labada gole ee ka Somaliland iyo ka Brtain, sidoo kale waxa la isla qaatay in la joogteeyo xidhiidhka u dhaxeeya labada gole, waxa kulankaasi maanta uu ku dhamaaday is afgarad iyo jawi aad u wanaagsan iyada oo labada dhan ay is dhaafsadeen warbixino wax ku ool ah oo dhamaantood la isla qaatay.
No comments:
Post a Comment