Tuesday, February 5, 2008

Maxay Noqon Karaan Sababaha Madaxweyne Rayaale Mar Kale Uga Guuleysan Karo Mucaaradka Haddii Ay Doorashooyin Dalka Ka Dhacaan?








Faallo – Maxamed Cumar

Dunidu sideedaba gaar ahaanna dalalka hore u maray, waxay ku kala socodaan qorshe, aqooneed, nabadgelyo, dhaqaale iyo saadaal lagaga hortegi karo haddii ay dhacaan waxyaalo aan la filaynin.

Sidaas oo kale Somaliland waa dal jira, balse aan la aqoonsan, maantana ama wakhtigan xaadirka ahna waxa batay hadal-haynta isbedel siyaasadeed oo dad badan oo reer Somaliland ku doonayaan in la helo weji kale iyo hoggaan kale oo Somaliland yeelato taas oo ku iman karta doorashooyin la mid ah ama ka wanaagsan kuwii maanta Madaxweyne Rayaale kursiga dalkan u sarreeya uu ku tegay.

Waxa kale oo beryahan batay eedeymaha dawladda Somaliland loo soo jeedinayo ee siyaasiyiinta Somaliland ku sheegayaan in Xukuumaddani tahay mid musuqmaasuq ku dhisan, dagaalada Puntland ku doonayso inay dhul aanay lahayn kaga goosato Somaliland iyo hanjabaadaha xukuumadda C/laahi Yuusuf u soo jeedinayso Somaliland balse aan wax saamayn ah ku lahayn dalka, ictiraaf la'aanta, dhaqaale darada iyo shaqo la'aanta dalka ay uga baxeen kumaankumka dhallinyarada dalka u dhalatay. Waxaas oo dhan marka la isku daro Xukuumadda Somaliland iyo hoggaankeeduba uma arkaan wax la tiigsado, sababtoo ah waxay inta badan xukuumaddu aaminsantahay inaanu dalka ka jirin mucaarad xoog leh oo ujeeddadeeda iyo maamulkeeda liicin kara, isla markaana boqollaalka eedood ee loo soo jeedinayo xukuumadda Rayaale, ayaa waxa ku filan hadal qudha oo ay dawladda ku difaacaan Wasiirka warfaafinta iyo wasiirka maaliyadda raggaasi oo ka mid ah golaha wasiirada Xukuumadda Rayaale, aguna yaqaanno hadallo weli shicibka Somaliland qaarkii sii xusuusan yihiin.

Dhinaca kale xukuumaddan lagu sheego mid liidata oo aan waxba qaban, ayaa dhinaca kale u eg mid iska waabisay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xoogaggii SNM, kuwaas oo maanta dawladdu u aragto inay gacan bir ah ku qaban karto haddii ay is dhaqdhaqaajisana, tallaabo kasta oo ay xukuumaddu ka qaado raggaasina ay u cuskato xeerarkii taliskii afweyne, sida guddiyada nabadgelyada, Xeerka Ciqaabta CID-da, dabagalka, xeerkii lixdankii, iwm.

Dhinaca kale ilaa imika lama hayo cid xukuumadda kaga aargudatay falal ay kula kacday siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashoodaba, sidii Siyaasiyiinta Qaran oo kale, balse arrinkoodu dhaafi la'yahay calaacal, cambaareyn iyo cabashooyin.

Dhinaca kale markaad eegto waxay xukuumadda Rayaale haatan ku dhaqaaqday inay xoogga saarto sidii ay u kala daadin lahayd hoggaanka axsaabta Mucaaradka ah iyo siyaasiyiintooda, jeebkana ugu ridan lahayd ragga dhaqaajiya siyaasadaha mucaaradka, qaar badanna ay dhaqaale ku soo xeraysay, kuwa kalena ku soo xeraysatay shaqo siin iyo xil magacaabid.

Waxa kale oo iyaduna mudan in la xuso sida Xukuumadda Rayaale u wiiqday Ururkii SNM, oo ay haatan ka marayso in taariikhdoodii laga saaro manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose iyo dhexe ee dalka.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in doorashooyinkii Madaxweyne Daahir Rayaale kula tartamay hoggaamiyaha mucaaradka Kulmiye Axmed Siilaanyo isla markaana la tuhunsanaa in Axmed Siilaanyo ku guuleystay balse ergeyn iyo sasabo loola yimi uu aqbalay guuldaradii doorashooyinkaasi, ayaa haddana waxa jira dareenka cabsidda leh ee Axmed Siilaanyo iyo SNM ka qabaan qaybo ka mid ah dadweynaha Somaliland siiba gobolka Awdal, u weli jiro dareenkaasi isla markaana Kulmiye ku guuleysan waayey inuu dadweynaha ka dhaadhiciyo abaalkii SNM iyo xoreynteedii dalka iyo dadka reer Somaliland.

Tan kale Reer Somaliland waa beelo iyo qoysas is yaqaanna, balse kala deggen gobollo iyo degmooyin dadka ku nooli taageeraan musharrax mansabka madaxweynaha ee ka soo baxa, nasiibdarada Axmed Siilaanyo kaga dhacday doorashooyinkii hore ayaa ahayd iyadoo beelihii uu ka dhashay (isaaq) u diideen madaxweynenimadii uu ku guuleystay sida mucaaradku aaminsan yihiin, halka Daahir Rayaalena 80% ay taageereen dadkii uu ka soo jeeday degaan ahaan, sidaa darteedna loollanka mar kale Kulmiye uu la geli doono Madaxweyne Rayaale ay ku xidhnaan doonto sida tolkii ugu diido ama ugu oggolaado Axmed Siilaanyo inuu hoggaanka dalka qabto.

Waxa kale oo jirta in maanta Kulmiye qabsan kari la'yahay shirweyne isagoo haysta boqollaal siyaasiyiin, musharraxiin iyo taageerayaal ah, isla markaana uu kala dooran kari la’yahay ciddii dalka wadi lahayd, cidda aan daacad u ahayn, iyadoo weliba kala qaybsanaantaasi ku salaysan tahay sida dad badan oo reer Boorama ahi aaminsan yihiin inuu yahay loollan u dhaxeeya beelaha dhexe ee Somaliland ama Hargeysa iyo beelaha gobolka togdheer, kuwaas oo is haysigoodu ama heshiis la'aantoodu Madaxweyne Rayaale u tahay fursad kale oo uu kaga guuleysan karo musharax kasta oo mucaaradka ah.

Inkastoo Gobolkan Awdal uu haatan xisbiga Kulmiye siyaasaddiisu si xoog leh u saamaysay, isla markaana Kulmiye gacanta ku dhigay beelaha reer Awdal qaybo ka mid ah, hadal haynta xisbiga UDUBna beryahan ku yar tahay, ayaa dhinaca kale waxay tahay rajooyinka ama horumarka xisbigaasi ka sameeyey dhinaca siyaasadda, balse lama oga in sidan oo kale gobolada Bari looga soo dhaweeyo, kuwaas oo ahaa kuwii Axmed Siilaanyo iyo xisbigaasi u soo jiiday guuldarada doorashooyinkii innasoo dhaafay ee madaxweynenimada.

Ugu dambayntiina lama saadaalin karo waxa ka iman kara sawaxanka xisbiga Kulmiye ku dhex jira haatan iyo sida beelihii SNM taageeri jiray ay mar kale kursiga ugu diidi doonaan musharraxiinta xisbiga mucaaradka ee Kulmiye, arrimahaas oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigooda UDUB ba jeclaan lahaayeen, isla markaana kala qaybsanaanta axsaabta mucaaradka iyo siyaasiyiintooduba u horseedi karto guulo kale oo ay ka soo hoyaan mucaaradka haddiiba ay dhacaan doorashooyin loogu tartamo si xor oo xalaal ah.

No comments: