
Xoghayaha Arrimaha dibadda ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo ah murashax doonaya in shirweynaha xisbiga KULMIYE loogu doorto inuu noqdo Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi u ordi doona doorashada Madaxtooyada Somaliland oo qorshaysan inay qabsoonto dabayaaqadda sannadkan, ayaa ka hadlay hadal guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo toddobaadkan ka soo yeedhay kaas oo nuxurkiisu ahaa inaanu Dr. Axmed Xuseen Ciise ka mid ahayn aasasayaashii xisbiga KULMIYE....
Dr. Axmed Xuseen Ciise, waxa uu arrintaas iyo arrimo kale oo xiiso badan kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu shalay la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, kaas oo u dhacay sidan:
Suaal:> Axmed, safarkii ay Jendayi Frazer oo ah kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika ku timid Somaliland, sidee ayaad u aragtaa?
Jawaab:> Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay safarkaas Jendayi Frazer ku timid Somaliland, waana safarkii ugu horeeyay ee heer wasiir oo Maraykan ahi ku yimaado Somaliland. Hore waxa u yimid laba xubnood oo ku jira Golaha Wakiilada Maraykanka oo aanu aniga wada soconay, laakiin tani waa miisaankii ugu cuslaa, waxaanay u muuqataa in Maraykanku danaynayo sidii aynu beryahanba sheegaynay, markaas waa heer cusub oo Somaliland gaadhay.
Su'aa:l>Waxaad tahay Xoghayaha Arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE, laakiin weftigii Jendayi Frazer la kulmay ee xisbiga KULMIYE metelayay kumaad jirin. Taasi waxa ay abuurtay dareen, bal markaas maxaa jira?
Jawaab:> Arrintaas ma rabo inaan ku noq noqdo, way dhacday oo sidaas ayay u dhacday, laakiin guddoomiyaha xisbiga ayaa lala soo xidhiidhay oo isagaa la kulmayay oo doortay inuu isagu la kulmo, waxa kale oo uu doortay ciddii raaci lahayd, mana aha wax dhibaato ah oo weyn, oo guddoomiyaha kolba ciddii u raacaysa kulamadiisa isagaa xor u ah, kolba isaga sida uu is yidhaahdo way ku fiicantahayna isagaa maamula, markaas arrintaas waxba uma arko, waayo anigu qolada Maraykanka waan arkaa oo bishii December waan arkay, imikadan qudheeda waanu is aragnay oo gabadhii qaabilsanayd Somaliland, Somaliya iyo Djibouti waanu is aragnay, waanan is arkaynaa oo balan ayaa noo taala markaan Washington dhawaan dib ugu noqdo inaanu is aragno.
Su'aal:> Adigu waxaad leedahay mushkilad uma arkayo, laakiin rayul caamku wuxuu leeyahay loolan ka dhexeeya adiga iyo guddoomiyaha xisbiga ayaa sababay in lagaa reebo weftigii Jendayi Frazer la kulmayay. Taas maxaad ka odhan?
Jawaab:> Anigu fasiri maayo, runtiina ma rabo inaan fasiro, guddoomiyahana markii aanu arrintaas ka wada hadalnay wuxuu ii sheegay wax daw ah, oo waxa uu yidhi ma doonayo inaan arrinta ictiraafka ka hadlo ee waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrinta doorashooyinka, markaas ragga aan kaxaystay waa raggii arrinta doorashooyinka khibradda u lahaa sida Xuseen Axmed Caydiid iyo Cadami oo iyagu khibrad u leh doorashooyinka, Xuseen Axmed Caydiid oo kalena xisbiga ayuu u qaabilsanyahay la shaqaynta koomishanka doroashooyinka. Markaas wuxuu yidhi labadii nin ee aan is lahaa arrintaas ayay kaa caawinayaan ayaan kaxaystay, waana arrin uu xaq u leeyahay.
Su'aal:> Intaas wixii ka dambeeyay guddoomiyaha xisbiga ma wada xidhiidheen?
Jawaab:> Maya ee shalay [Doraad] ayuun bay ahayd markaas ilaa shalayto maanu wada xidhiidhin, laakiin kolay waanu wada xidhiidhi doonaa.
Su'aal:> Guddoomiyaha KULMIYE, mar dhawaan lagu waraystay Idaacadda VOA-da qaybteeda Afka Somaliga, waxa mar la weydiiyay doodaada ah inaad muddo dheer Axmed Siilaanyo talada u soo daba taagnayd uu yidhi, ‘Axmed kamuu mid ahayn aasaasayaashii xisbiga’, adna waxaad tidhi Siilaanyo qudhiisu kamuu mid ahayn aasaasayaashii SNM. Bal arrintaas yara fasir?
Jawaab:>Siday tahay weeye oo fasiraad badan oo ay u baahantahay ma jirto. Asxaabta, ururada iyo halganada oo dhan waxa abuura inyar oo kooban oo saddex ilaa shan qof ah, xisbiga KULMIYE-na sidaas oo kale ayuu ahaa, oo waxa abuuray shantii qof ee u horaysay, markaas dadna way abuuraan dadna way ku soo biiraan, laakiin ahmiyad weyn ma laha in intii hore ee abuurtay oo keliya tidhaahdo xisbiga annaga ayaa leh oo abuuranay. Annagu xisbiga umaanu gelin inaanu had iyo goor ciddii abuurtay daba socono ee waxaanu u galnay inuu xisbi siyaasi ah noqdo oo qaran ah waana sida uu yahay. Markii aanu soo galnayna waxaanu u soo galnay taageero aanu siinaynay Axmed Siilaanyo xilligii doorashooyinkii Madaxtooyada, markaas macno badan oo ay leedahay abuuristu ma jiro, xisbigu waa xisbi ballaadhan oo lagu wada jiro, loo soo shaqeeyay wakhti fara badan ayaana lagu lumiyay lacag badan ayaa la geliyay oo dhammaantayo aanu gelinay, markaas waa xisbi aanu wada leenayhay oo maaha xisbi cid gaar ahi leedahay, haddii cid gaar ahi yeelato xisbigana waa dhibaato oo maaha in ciddiba sheegato.
Markaas waa dhab oo maan ahayn aasasayaashii iyo shantii qof ee ugu horeeyay ee saxeexa iyo tobankii ku xigay toona, laakiin mar hore ayaan xisbiga galay, xisbiga oo muddo yar jira ayaanan ku biiray, waxaanan qabaa intii aan xisbiga ku jiray inaan wax badan xisbiga u qabtay. Anigu waxaan ahaa aqoonyahanadii u horeeyay ee u badheedha inay taageeraan Axmed Siilaanyo, iyadoo aqoonyahano badan oo jiraa ay ka maageen arrimaha siyaasadda, anigu waaan u badheedhay oo maalintaan soo galayba jaraa’idka ayaan ku qoray inaan KULMIYE galay, markaas waxaan qabaa inaan xisbigi geliyay wakhti badan, markaas aan ku biirayna umaan baahnayn saaxada siyaasadda inaan galaba Somaliland-na umaan iman inaan kursi ku fadhiisto, dawladii Cigaal ayaan wasiir ka noqon lahaa haddaan doonayo, waxaanan halkan u imid inaan dadkayga iyo dalkayga u shaqeeyo. Markaas iyadoo caynkaasi jirto oo aanu xisbigii ku soo wada dagaalanay oo aanu u soo shaqaynay, kala sheegashadu waxaan qabaa inaanay xaq ahayn.
Su'aal:> Tan aad leedahay Axmed kama uu mid ahayn aasaasayaashii SNM. Maxaad uga jeedaa?
Jawaab;> Dhab weeyaan arrintaasi oo waynu ognahay sidii SNM u aasaasantahay, markii ay SNM aaasasantay Axmed Siilaanyo wuxuu ahaa wasiir dawladii Siyaad Barre ah, SNM oo saddex sanno iyo badh jirtay ayuu ku soo biiray, haddana islamarkiiba guddoomiye loo doortay. Markaas wuxuu ahaa dadkii siyaasad ahaan ugu waaweynaa dadkeena reer Somaliland, markaas muu ahayn isagu dadkii ugu horeeyay ee aasaasay SNM haddana wuxuu noqday guddoomiyihii ugu cimriga dheeraa hoggaankii SNM.
Su'aal:> Shirweynihii xisbigiina KULMIYE, waa hadma?
Jawaab:> Arrintaas guddiga qaban qaabada ayaa ku shaqo leh, dhawr goorna waanu ka hadalnay, mana fiicna inaanu had iyo goor waxaanay guddiga qaban qaabadu soo saarin ka hadalno, markaas guddiga qaban qaabadu weli may sheegin, waxaanan filayaa inay kolay dhawaan ku dhawaaqi doonaan.
Su'aal:> Dad badan ayaa aaminsan in xisbigiina KULMIYE uu ku soo socdo awoodiisa siyaasadeed oo wiiqitaan ku yimaado, marka loolanka shirweynihiinu bilaabmo, ma laga yaabaa in xisbiga dhaawac ku yimaado?
Jawaab:> Horta arrimahaas oo dhami waxa ay ku xidhnaanayaan sida loo maamulo xisbiga, loolanku wuu jiraa, tartan ayaa jira ah jagooyinka u waaweyn sida guddoomiyaha xisbiga, murashaxa madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo jagooyinka kale ee xisbiga waana xaq in xisbigu loolamo, umaddana u soo bandhitgo cidda uu isleeyahay sannadka way idinka marayaan, waxaanu meesha ugu jirnaa in xisbigu guul helo, markaas in xisbigu yidhaahdo yaa maanta inaga maraya oo inaga cuntamaya oo dadku dooranayaan ayaa loo baahanayahy, markaas loolanka xisbigu wuu jiraa oo waa cadaan, inuu halkaas ka sii socdo oo xisbi weyn oo hanan kara umadda inuu noqdo iyo in kale waxay ku xidhnaan doontaa sida aanu u maamulno shirweynaha iyo hoggaankaas cusub ee xisbiga aanu u samayno, waxaaan jecelahay inaanay wax dhibaato ahi ka iman, in daacadnimo iyo walaaltinimo loo galo tartanka, inta aanu doorashooyinka ka doonaynaana waa intaas iyo inay noqdaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo umadda isbedel u keenta, tan xisbiga dhexdiisana waxaanu ka doonaynaa in wixii doorasho ah ee la galayo uu noqdo loolan xalaal ah oo dhexdhexaad ah oo aan cidna u eexan, haddii uu noqdo mid ciddi iska maamulato ama qaabka uu u dhisanyahay noqdo qaab qof u hiilinaya loolan xalaal ah noqon maayo.
Su'aal:> Haddii markaas shirweynaha aad saluugto maxaa tallo ah?
Jawaab:>Arrintaas ka sii hor degi maayo oo ma jeceli mana doonayo ismana lihi way dhacaysaa, wax aan dhicina ka sii hor degi maayo.
Su'aal:> Rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in laguu doorto murashaxa KULMIYE u ordi doona doorashada madaxtooyada?
Jawaab:> Xaqiiqatan waxaan qabaa umaddana ka arkay in dadku doonayaan isbedel iyo dar dar cusub, waxaanay doonayaan inay arkaan dad u shaqeeya habeen iyo maalinaba oo adduunka wax uga qaban karo iyo barnaamij cad oo horumarijn kara oo dhallinyaradeena kontanka sanno ee soo socda halka ay ku noolaanayso iyo sidii loo barbarin lahaa ayaa loo baahanayahay. Markaas marka aanu barnaamijkayaga eegno ee aanu soo hordhigno waxaan qabaa inay dadku annaga na raaci doonaan, umadani in badan ayay soo silcaysay, kursi jacayl iyo jago doon midna uma baahna ee waxay u baahantahay in wax loo qabto.
Su'aal:> Axmed, waxa la leeyahay taageerada waxaad ka haystaa qurbo jooga ee dadka gudaha wadanka jooga ee xisbiga dhexdiisa ku jira taageero kama haysatid. Markaas taageerada aad xisbiga gudihiisa ka haysataa waa intee in leeg?
Jawaab:> Maaha in xisbigu u fekero xisbiga dhexdiisa, ee waa inuu u fekeraa doorashada soo socota, cida uu doono ayuu xisbigu soo saari karaa, haddii aanay ciddaasi guulaysanayn beri waa dhibaato, markaas taageerada dibadu waa muhiim, taageerada dadkeena dibadda joogaa ee dhallinyarada ah ee aan xisbiga xiitaa ahayn iyo taageerada dadka UDUB ku jira iyo kuwa UCID ku jira intaba waa loo baahanayahay. Markaas xisbigu waa inuu yidhaahdaa yaa taageeradaas haysta, xisbiga taageerayaashiisa gudaha ku jiraa waa inay sidaas u fekeraan oo ay yidhaahdaan umadu yay la socotaa, oo aanay ku fikirin boqolkayaga halkan isugu timid yaanu doonaynaa.
Su'aal:>Haddii haddaba Axmedoow uu Axmed Siilaanyo kaa helo doorashada, ma u hanaynaysaa?
Jawaab:> Haa waan u hanaynayaa, laakiin sidaan kuu sheegay helitaankaasi way inay ku dhisnaataa nidaam cadaaladeed, cadaaladda aanu dawladda ka doonayno oo kale waa in laga helaa xisbiga dhexdiisa oo ay asxaabtu sidaas ku shaqaysaa.
Su'aal:> Haddii markaas taas la waayo, oo ay dhacdaba maxaad samaynaysaa?
Jawaab:> Haddii taas la waayo ka hadli maayo, oo waa taan kuu sheegay oo wax aan dhicin ka hor degi maayo.
Su'aal:> Ma u tagtay guddoomiyaha oo ma ku tidhi, labadeenaba hunguri ayaa ina haya ee ha noqdo mid xalaal ah loolankeenu oo aan xisbiga waxba yeelin?
Jawaab:> Haa oo maalintii u horaysay ee aan ku dhawaaqayay murashaxnimada, laba saacadood iyo badh ayaanu wada hadlaynay, waana arrimo loo baahanayahay, mana ah wax inagu cusub.
Su'aal:> Markaas ma ku tidhi dalku isbedel ayuu u baahanayahay ee Axmedoow doorkan ii daa’?
Jawaab:> Qosol….Ii daa doorkan kumaan odhan, laakiin waan u sheegay inaan baratamayo oo jecelahay baratan xalaal ah oo aan ceebayn lahayn oo aanan Axmed waxba ka sheegin isna waxba iga sheegin, waayo goor dhow haddii aanu maanta isa sii dhaliilno wax aanu umadda la hortagaynaa ma jirtee aanu walaaltinimo ku tartano, waanu ka wada hadalnay.
Su'aal:> Waraysigii idaacadda VOA-da ee Axmed Siilaanyo, intii adiga kugu saabsanayd wax ku damqay ma jiraan?
Jawaab:> Labada arrimood ee uu Axmed Siilaanyo soo hadal qaaday ee aniga I khuseeyay ee midi ahayd xisbiga uu ku cusbaa oo aasasayaashii muu ahayn, waan ka jawaabay oo waxaan idhi taasi khasab maaha inaad noqoto shantii qof ee u horeeyay tusaalena waxaan u soo qaatay taas SNM, ta kale ee Axmed uu yidhi hay’adihii aan maamulayay Axmed Xuseen Ciise kamuu mid ahayn waan ka waramay oo ilaa iyo sannadkii 1969-kii uu Siilaanyo noqday wasiirka dawladii Siyaad Barre, wuxuu ahaa raggii u talinayay dadka la yidhaahdo reer waqooyiga ee tallada aynu daba fadhinay kuwa ugu mudan ayuu ahaa, haddii ay SNM noqoto dabcan SNM baanu wada ahayn oo halgankii SNM waa lagu wada jiray oo hoggaankii ugu dheeraa ayuu ahaa, haddii ay noqoto xisbigana guddoomiyahayagii ayuu ahaa. Markaas kamaan soo shaqayn hay’ad Axmed xukumo laakiin haddana wuxuu ahaa dadkii talada intaas oo dhan inoo hayay dhammaanteena waynu soo daba fadhinay waana arrin macquul ah inaynu nidhaahno waar in badan ayaad taladayada soo hayseen oo aanu idin taageeraynay ee markan 40 sanno ku dhawaad jiil cusub iyo dardar cusub ayaa loo baahanyahay anigaba yaanu noqone.
Su'aal:> Intaas aad imika leedahay isaga ma ku tidhi?
Jawaab:> Intaas maalin walba waan idhaahdaa waanu maqlay.
Su'aal:> Laakiin Axmed Siilaanyo toos ugumaad odhan?.
Jawaab:> Maalintaas u horaysay inaan kelmadaas ku idhi iyo in kale ma garanayo, laakiin waa wax aan ilaa maalintii aan imid ku doodayay waana dood aan qabo inay tahay dood xaq ah oo xalaal ah.
Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa Somaliland...
No comments:
Post a Comment