Tuesday, January 29, 2008

Hay’adda GAA iyo Kor-u-qaadidda Aqoonta Beeralayda Togdheer










Hay’adda GAA iyo Kor-u-qaadidda Aqoonta Beeralayda Togdheer
Published Jan 29, 2008 - 04:32 PM by siciid

NEWS

Burco (TogdheerNews..29.1.2008)- Tababar kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada beeralayda Gobolada Togdheer iyo Sool oo ka qaybgaleen lixdan xubnood ayaa shalay ka furmay xarunta Jaamacadda Burco.


Ugu horreyn, waxa halkaa ka hadlay Axmed Faarax Jooj oo ka mid ah saraakiisha sare ee hay’adda GAA, waxaanu faahfaahiyay muhiimadda laga leeyahay tabarbarkan looga dan leeyahay tababarka, waxaannu yidhi; “Muhiimassa tababrkani waa sidii beeralayda kor loogu qaadi lahaa aqoontooda, isla markaana loo bari lahaa qaababka loo nafaqeeyo ciidda, dalagaliska, abqaalka.” Waxaannu intaa ku daray, “Beeralayda markii hore waxaannu siinay tababarro dhinaca beeraha ah, sidaa darteed

waxaan rajaynayaa inaad ka faa’iidaysan doontaan aqoonta laydin barayo,” ayuu yidhi Mr. Jooj.

Mr. Farxaan Aw Aadan oo ka tirsan hawlwadeennada GAA, ayaa sheegay in tababarkan oo socon doona muddo laba casho ah, kana qaybgalayaan beeralayda degaannada Caynaba, Odweyne, Beerato, Ceeg iyo Burco oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Togdheer.

Tababarkan ayaa waxa fulinaysa hay’adda GAA, waxana maalgelinaysa Ururka Midowga Yurub. Hayada GAA oo fadhigeedu yahay magaalada Burco ayaa ka shaqaysa dhinaca beeraha, faydhorka, caafimaadka iyo biyaha.

Munaasibaddii furitaanka waxa ka qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka, golaha degaanka Burco iyo xubno kale.

Kayse Axmed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

Monday, January 28, 2008

Wararkii Wargeyska Ogaal ee Caddadkii Maanta (Isniin) Halkan Ka Akhri.

Ciidamadii jiidda hore ee Puntland oo dib ugu jeestay, Islamarkaana qabsaday Garoowe

Garoowe (Ogaal/W.Wararka) – Ciidamo gadoodsan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, Islamarkaana ka mid ah ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa shalay xoog ku qabsaday Bangigaga dhexe iyo qaybo badan oo ka mid ah magaalada Garowe.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno magaalada Garoowe, ciidamadan ayaa badidoodu waxay dib uga bexeen aagagii ay isku horfadhiyeen ciidamada Qaranka Somaliland, waxana ku biiray ciidamo Boolis ah, waxana ay si wada jir ah ulla wareegeen Bangiga dhexe ee Caasimada maamul goboleedka Puntland ee Somaliya, iyagoo islamarkaana xidhay inta badan wadooyinka magaalada Garoowe.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca maamulka Garoowe, hase ahaatee, wararka arrintan la xidhiidhaa waxa ay sheegayaan in ciidamadani ka cadhoodeen, mushahar la’aan haysatay shantii bilood ee ugu danbeeyay iyo daryeel la’aan, iyadoo wasaarada Maaliyada ee Puntland-na Garoowe ku daabacata lacago farabadan oo faalso ah.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa sida ay faafisay shabakada wararka Garoowe waxa ay ka muujiyeen ciidankan cabsi xoog leh.

Gadoodka ciidankan ayaa ku soo begantey xili magaalada Garoowe uu ku sugan yahay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi, islamarkaana dadka qaar ayaa arrintan ku tilmaamay Inqilaab la doonayo in talada lagaga wareejiyo Cadde Muuse oo loo arrko in maamulku mudooyinkii ugu danbeeyay-ba maalinba maalinta ka danbaysa gacantiisa ka sii baxayay.

Dhinaca kale, sida wararka naga soo gaadhay Puntland ay sheegayaan Salaadiin iyo Issimo ka soo jeeda Gobolada Nugaal, Mudug ee Puntland iyo xubno ka soo jeeda Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku sugan magaalada Boosaaso, kuwaas oo la sheegay inay dhaqaale u raadinayaan ururinta ciidamo la dagaalama ciidamada Somaliland. Ka dib markii tiraba dhowr jeer ay ka fashilantay isku dayo iyo weeraro ay ku doonayeen inay dib ugu qabsadaan magaalada Laascaanood. Hase ahaatee, waxa loo arkaa in taana ay meesha ka saarayso gadoodkan intii ugu danbaysay ee ka sii hadhsanayd ciidamada Puntland ay dib ugu qabsadeen Garoowe.

Afhayeenkii Beelaha Hawiye oo la sii daayay iyo dagaalo hor leh oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Ugu yaraan sideed ka mid ah askarta Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay dhinteen, ka dib markii ay koox dabley ahi weerareen saldhig milatari oo ay ciidamada itoobiyaanku ku leeyihiin agagaarka magaalada Muqdisho, sidaana waxa lagu faafiyay shabakaddaha wararka qaarkood.

Sida ay wararkaasi sheegayaan dablaydani waxa ay si qarsoodi ahayd u galeen saldhigaa milatari, habeenimadii Sabtida, kaas oo ku yaala Afgooye, ilaa 30 km u jira magaalada Muqdisho. Isla markaana waxay rasaas ku fureen askar itoobiyaan ah oo ilaalo halkaa ka haysay, sida uu faafiyay Press TV. Askartii itoobiyaanka ahayd, ayaa iyana rasaas ku furay dablaydii soo weerartay, ka dibna ku khasbay inay halkaa ka cararaan. Tallaabadanina waxay ku soo beegantay xilli uu ra’iisal wasaaraha dawladda mbeghati soo daayay hoggaamiyeyaashii dhaqanka ee beelaha Hawiye, kuna xidhnaa dhawr bilood jeelka, ka dib markii ay jeelka u taxaabeen ciidamada itoobiyaanku.

Dhinaca kale, madaafiicda hoobiyaha ka dhacda, ayaa shalay lagu garaacay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku naf-waayeen laba qof oo shicib ahi. Warku wuxuu intaa ku daray in wax yar ka hor waqtigii ay madaafiicdu garoonka ku dhacaysay uu halkaa ka ambabaxay ra’iisal wasaaraha soomaaliya, si uu kulamo ugula yeesho magaalada Baydhaba wefti qaramada midoobay ka socda, oo Soomaaliya soo gaadhay.

“Waxa la igu yidhaahdaa, maxaad uga guursatay qabiilkaa?”

“Markaanu soo baxnay, ayaanu aragnay dad Guryahayagii gubey”.Haweenay ka waramaysa saamaynta uu ku yeeshay Qaska Kenya.

“Ubadkaygu waxay I waydiiyaan, mee aabahay?..Aniguna waxaan ugu jawaabaa..”

Chepkanga (Ogaal/AP)- “Lamuu soo hadlin, waraaqna uma soo qorin, Telefoonkiisii gacantuna toddobaaddaba wuu xidhnaa. Ka dib 17 sanno guurkoodii, Naomi Kering iyo ninkeedii way kala dhantaalmeen, ka dib markii ninkeeda lagu qasbay inuu ka socdaalo, oo uu tego meel aanay ka war haynin.. Sababtoo ah, dagaallada qabiilaysiga ku suntan ee ka socda dalka Kenya. Maxaa yeelay, Noami Kering qabiilka ay ka soo jeeddaa waa Kalenjin, halka uu ninkeedu ka soo jeedo qabiilka Kikuyu, oo cadaawadda ugu badani dhex taalo” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin ay Wakaaladda Wararka AP ka qortay carqaladaha iyo saamaynta ay qalalaasaha ka socda dalka Kenya ku yeesheen aasaaska reero cusub iyo sidoo kale Qoysaska dhisan ee ubadka leh.

“Ubadkaygu waxay I waydiiyaan, halkee tegay Aabahayo? Waxaanan had iyo jeer ugu jawaabaa, si dhaqso ah buu u soo noqonayaa’ Sidaa waxa tidhi Naomi Kering oo da’deedu tahay 34 jir. ‘Laakin, waxaan filayaa inuu iga raali yahay, sababtoo ah waan jecelahay, waxaanan aad u jecelahay inuu nabadgalo’ ayay intaa sii raacisay Kering.

Laga soo bilaabo bishii December 27-keedii ee sanadkii hore, markii ay bilaabmeen rabshadaha qabiilka isu rogay ee ka socda dalkaasi, qoysaska ka kala dhashay Qabiilada kala duwan, waxa soo gaadhay cadaadis iyo cidhiidhi ku qasbay qaarkood inay kala hayaamaan, si ay nabadgelyo u helaan, sida Naomi Kering iyo ninkeeda. Ha uguba badnaadaan, qoysaska mid ka mid ahi ka soo jeedo Qabiilka Kikuyu-da ee uu u dhashay Madaxweynaha magacaabistiisa jagada Madaxweynenimo dhibta keentay, isla markaana kursiga uu mar labaad fuulay ay keentay mawjadaha dhiigga ah ee qulqulaya Magaalooyinka Kenya, laguna dilay dad ka badan 685 qof, ee Mwai Kibaki. Guurka nooca lammaanahan Kering iyo ninkeeda oo kale ahi, waxa uu astaan iyo calaamad u yahay rejada laga qabo in dalka Kenya noqdo Qaran. Hase ahaatee, hadda Qabiilooyinka dirirsan ee dalka Kenya, waxay meesha ka saaraysaa inay midoobaan ama ay Qoys alkumaan lamaaane sita Kaadhadhka Qabiilooyinka amaba ka soo kala jeeda laba qabiil oo kala duwan. ‘Doorashooyinkani waxay beddeleen aas-aaskii dhabta ahaa ee guurka’ Sidaa waxa yidhi Charles Kirui, oo ka mid ah koox kaalmo u fidiyay boqollaal qof oo Qabiilka Kikuyu-da ah, Magaalada Burnt Forest ee dalka Kenya. ‘Guurka waxa burburiyay khilaafaadka qabiilooyinka u dhaxeeya, kuwaas oo dhib wayn ku haya Kenya’ ayuu intaa sii raaciyay Charles.

Naomi Kering waxay sheegtay inaanay waligeed maanka gelin ama aanay ka fikirin in qalalaasaha taagani khal-khal iyo halis doono guurka iyada iyo ninkeeda Isaaq Guthua. Kuwaas oo in ka badan 15 sanno jacayl iyo nolol-wadaag ka dhaxeeyay. Markaas oo bar bilowga guurkoodu uu ahaa, markii uu ku arkay goob Koofeerka Timaha dumarka loogu qaabeeyo ah oo ay ka shaqaynaysay.

Habeenkii lagu dhawaaqay natiijooyinka Doorashooyinka dalkaa ee rabshadaha horseeday, ayuu Isaaq u sheegay gabadhiisa inaanu sii joogi karin. Sababtoo ah, qabiilka uu ka soo jeedo ee Kikuyu-da waa la dilayay , lana ugaadhsanayay. Markii ay Naomi cashadii samaysay, ayaa Mr. Isaaq Guthua oo daawanaya Warkii TV-gu, waxa uu maqlay qaylo iyo sawaxan aad u daran oo ku soo fool leh gurigiisa iyo guryaha reero ay isku qabiil yihiin, oo ay ka mid yihiin laba wiil oo ay walaalo yihiin Isaaq, isla markaana Xaasaskoodu yihiin Qabiilka Kalengjin ee ay ka soo jeeddo Xaaska Isaaq. ‘Markii aanu dibedda u soo baxnay, waxaanu aragnay dad tiro badan oo qoryo Dab ah sita, waxaanay gubeen Guryahayagii’ sidaa waxa tidhi Mrs Naomi. Sidaa darteed Mr. Isaaq oo ogsoon in gabadhiisu ku nabadgelayso guriga, maadaama aanay ahayn qabiilka uu ka soo jeedo, lana ugaadhsanayo ee Kikuyu, waxa uu Xaaskiisa kula dardaarmay inay ubadka daryeesho, siina hayso. Kuwaas oo da’doodu kala tahay, 8 jir, 15 jir iyo 17 jir. Dabadeed isaga iyo labadii Wiil ee ay walaalaha ahaayeen, Steven iyo Mwangi, way baxsadeen. Iyaga oo aan ilaa hadda ku soo noqon guryahoodii. ‘Waligayo maanu arag dhib, ka hor Doorashooyinkan’ sidaa waxa tidhi Naomi gabadhii ay dumaashiyaha yihiin, isla markaana jaarka yihiin Eunice Kinyanjui. Waa 27 jir, waxaanay leedahay Uurka ilmihii labaad ee ay u yeelato Isaaq walaalkii Steven Guthua. Kaas oo ay wada noolaayeen muddo saddex sanno ah. ‘Si nabdoon ayaanu u wada noolayn, ka hor burburkan’. Waxaanay ku dhex noolaayeen bulsho aan daryeel lahayn. ‘Dadka halkan joogaa waxay yidhaahdaan, maxaad uga guursatay qabiilkaa?’ ayay tidhi Eunice. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, ‘Hadda qiimo kama lihiin Bulshada dhexdeeda, nalamana hadlaan’

Naomi Kering iyo Eunice Kinyanjui, labadooduba waxay ku rejo wayn yihiin in raggoodu nool yihiin. Naomi Kering, ayuu ninkeedu la soo hadlay laba maalmood ka dib markii uu qaxay. Waxaanu u sheegay inuu doonayo inuu tago Nairobi, oo masaafo ahaan 200 Mayl u jirta goobta ay joogto. Hase ahaatee, Eunice ninkeedii lama soo hadlin, balse wuxuu u sheegay intii aanu tegin in mar uun ay kulmi doonaan. ‘Waxaan aaminsanahay in maalin uun iyo mar uun uu iman doono’ ayay tidhi Eunice, oo ay dhabanadeeda qooyeen ilmo ka da’aysay indhaheedu.

Ma jirto tirada qoysaska ay saameeyeen noloshoodii rabshadahani, oo si sugan loo hayaa. Hase ahaatee, saamaynta ugu badan ee dhinaca qoysku, waxay soo gaadhay dhulka ay degaan qabiilooyinka Mucaaradka ahi, ee galbeedka dalka Kenya. halkaas oo kacdoonada ugu badani ka dhaceen.”



Hargeysa: Kormeerkii Xildhibaanada iyo xog warrankii taliyaha Boliska

Hargeysa(Ogaal) - Afar xubnood oo ka tirsan guddi Hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kormeer xaqiiiqo raadis lagu tilmaamay ku tagay Xarunta Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada Gudida joogtada ah ee aqalka odayaasha, waxa xarunta ciidanka Booliska ku qaabilay, Taliyaha ciidanka Booliska Gen Maxamed Saqadhi Dubad, waxana uu Gudida tafaasiil ka siiyay sida la sheegay xaalada nabadgelyo ee dalka iyo habsami u socodka hawl maalmeedka ciidamada Booliska.

Gen Maxamed saqadhi Dubad, waxa uu sheegay in dhawaan ay Boolisku Gobolka Hargeysa ay ka fuliyen hawlgal lagu sugayo ammniga waxna lagaga qabanayo falalka tuugta, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen dad si gaar ah loo bartilmaameedsanayay oo ka ganacsada mukhaadaraadka. “Waxa aanu hawlgal ciidamada Boolisku qaadeen aanu ku soo qabqabanay tuug dhaqan ka dhigtay inay dadka xiliyada habeenkii ku baadhaan xaafadaha magaalada Hargeysa dhexdooda, waxana aanu ku guulaysanay in aanu gacanta ku dhigno dhalinyaradii dadka ka furan jiray Mobile-ada” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu. Waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Xaalada nabadgelyada dalku sida kale aad iyo aad ayay u fiican tahay, booliskuna hadh iyo habeenba waa u heegan sugida nabadgelyada iyo la dagaalanka badeecadaha sida kootarabaanka ah dalka lagu soo geliyo”

Gudida joogtada ee golaha Guurtidu ayaa taliyaha ciidanka Booliska uga mahad naqey warbixinta dhinaca nabadgelyada la xidhiidha ee uu ka siiyay xaalada dalka, waxana la filayaa inay macluumaadkii ay ka heleen taliska booliska ay u gudbin doonaan Golaha guurtida, marka uu u furmo kalfadhigii 35-aad 1-da bisha febaruary ee fooda inagu soo haysa.



Dalalka Caalamka ugu Musuqmaasuq badan

Dubai (Ogaal/W.Wararka)- Shir lagaga hadlayay Musuqmaasuqa iyo heerarka waddamada Caalamku ka kala taagan yihiin, laguna qiimaynayay kala sarraynta waddamada ee Musuqa, isla markaana lagu qabtay Magaalada Bali ee dalka Indonesia, ayaa laga soo saaray warbixin lagu muujiyay siday waddamada Caalamku ugu kala horeeyaan Musuqa.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen in ka badan 100 waddan, oo la filayo inay ka qayb galaan Shirka lagaga soo horjeedo Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay. Kuwaas oo ka soo saaray Liis qiimayn ah.

Liiska Waddamada Caalamka iyo siday ugu kala horeeyaan Musuqmaasuqa, ayaa waxa kaalinta koowaad ka galay dalka Somalia oo la sheegay inuu yahay dalka ugu Musuqmaasuqa badan Caalamka. Iyaga oo kaalmaha labaad iyo saddexaadna ay galeen waddamada Myanmar iyo Ciraaq.

Liiskan hoos ku qoran, ayaa qiimaynta xaddiga Musuqmaasuqu wuxuu u kala badan yahay, sida ay Lambaradu u kala yar yihiin. Tusaale ahaan, waddanka Finland oo xaddiga Musuqu yahay 9.4, wuu ka musuqmaasuq yar yahay dalka Somalia, 1.4 ayaa la sheegay in xaddiga Musuqu yahay.

Waddamada ugu Musuqa badan:

Somalia: 1.4

Myanmar: 1.4

Iraq: 1.5

Haiti: 1.6

Uzbekistan: 1.7

Tonga: 1.7

Sudan: 1.8

Chad: 1.8

Afghanistan: 1.8

Laos: 1.9

Norway: 8.7

Waddamada ugu Musuqa yar:

Denmark: 9.4

Finland: 9.4

New Zealand: 9.4

Singapore: 9.3

Sweden: 9.3

Iceland: 9.2

Netherlands: 9.0

Switzerland: 9.0

Canada: 8.7



Wiil reer Somaliland ah oo lagu dilay London

London (Ogaal/W.Wararka) -Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Fu'aad Axmed Buraale ayaa Sabtidii todobaadkan lagu dilay galbeedka Magaalada London.

Wiilkan oo sida la sheegay dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka Sool ee Somaliland waxa la sheegay in ciidanka Bolisku heleen maydkiisa subaxnimadii hore ee Sabtidii ee 26-kii bisha.

Wiilkan oo da’diisa ahayd 21-jir., waxa uu geeriyooday ka dib markii sida Booliiska laga soo xigtay looga yeedhay beer lagu magacaabo, Dean Gardens, West Ealing, ee magaalada London. Sida lagu faafiyay shabakadaha wararka ee Intarnetku, waxa markaa ka dib Marxuunka loola cararay isbitaalka oo uu 40 daqiiqo ka dib ku geeriyooday. Waxa warku intaa ku daray in wiilkan ay ku yaaleen dhaawacyo madaxa ah oo u muuqday in shay Bir ah ama adag lala dhacay.

Ciidamada Boliska ayaa bilaabay baadhista falkani,

Maxaad ka ogtahay Dhaq-dhaqaaqa

Dekedda Berbera ee Sanadkii dhammaaday

Hargeysa(Ogaal) - Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) ayaa sheegay in badeecadaha ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay kordheen sanadkii tagay ee 2007.

Maareeyaha dekada Berbera oo shir Jaraa’id ku qabtay shalay xafiiskiisa Dekeda Magaalada Berbera, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyay dhaqdhaqaaqa dekada ee Sanadkii aynu soo dhaafnay, isaga oo tilmaamay in sanadkii ina dhaafay ee 2007 marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2006 ay ku kordheen Albaabta ka soo degtay dekada Berbera 1300 oo Koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degayna ay kaga kordhey sida uu sheegay 80,000tn.

Cali Xoor-xoor waxa uu sheegay oo kale in dhoolaha ka dhoofay Dekada sanadkii dhamaaday ay ku korodhay tiro gaadhaysa, hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbar dhigo tirada xoolaha sanadkii ka horeeyay ee 2006 ka dhoofay.

Shirka Jaraa’id ee maareeyuha dekada Berbera kaga xog-warmay, dhaqdhaqaaqa Dekadaasi ayaa ah warbixin sanad le ah oo Cali Xoor-xoor sanad kasta bilowgiisa kaga waramo xaalada Dekada Berbera, Islamarkaana waxa uu warbixintiisan ku xusay Maareeyuhu inay sanadkan dekeda meelo ka mid ah ku kordhiyeen dhismooyin cusub, una soo iibiyeen qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.

Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaaliha toona.

Ghana: Angola oo kaga yaabisay Senigaal & Tuuniisiya jiidhay K/Afrika

Tamale, Ghana – Qaab-ciyaareed dardar hor lehi ay ku dheehan tahay, oo ay la yimaadeen Xulka Qaranka Angola qaybtii labaad ee kulankii xalay ay la yeesheen Xulka Senigaal, ayaa u horseeday inay kooxdaa dhinacooda dhulka dhigaan, ka dib markii ay ku jiidheen 3-1, halka Xulka Qaranka Tuuniisiyana ay sidoo kale ku jiidheen Xulka Qaranka Koonfur Afrika 3-1, ka dib kulamadii Guruubka D ee tartanka ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika, oo ay kooxahaasi ku wada yeesheen Magaalada Tamale, ee dalka Ghana.

Weeraryahanada Reer Tuuniisiya ee Santos iyo Chaouki Ben Saada, ayaa u kala xaqiijiyay saddexda gool ee ay guushu ku raacday, halka uu laacibka Katlego Mphela, ee kooxda Koonfur Afrika daqiiqadii 88aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa goolka madiga ahaa ee ay garoonka kala baxeen. Kulankaasna inay guulaystaan kooxda Tuuniisiya aad bay ugaga dhawayd kooxdii ka soo horjeeday, oo ay ka muuqatay kala daadsanaan badan iyo isku-xidhnaansho la’aani.

Dhanka kale, inkasta oo uu ciyaaryahanka reer Senigaal ee Abdoulaye Faye kooxdiisa Senigaal u dhaliyay goolkooda 20 daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay, haddana firfircoonaantii uu la soo noqday abaare qaybtii labaad ee kulankaas laacibka reer Angola ee Manucho Goncalves, ayaa sababtay inuu shabaqa kooxda Senigaal ku ruxo laba gool, halka ciyaaryahanka Flavio Amado uu uga raaciyay goolka saddexaad, ka dib markii Xulka Qarankan Afrikadda Koonfureed ay hoggaanka u qabteen kubadii kulankaas. Laacibka El-Hadji Diouf, oo ay ahayd inuu lugta biddix ku laado kubad afka hore ee goolka kooxda Angola la soo dhigay, ayaan fursaddaas ka faa’iidaysan. Goolhaye Sylva ee kooxda Senigaal, oo isku buuqsanaa ayaa aad ugu degdegayay inuu qabto dhawr kubadood oo koone laga soo laaday, balse markii uu soo tufay, waxa caawiyay oo khatartaa ka badbaadiyay difaacayaasha kooxdiisa. Inkasta oo ay ciyaaryahanada kooxda Senigaal xalay fursado badan helayeen, haddana midkoodna ugama faa’iidaysan sidii la doonayay, waxaanay garoonka aakhirkii kala baxeen iyaga ka laalaada dhibicdii ay barbaraha kula soo galeen kooxda xulka Tuuniisiya. Sidaa daraadeed, Kooxaha Koonfur Afrika iyo Senigaal, oo labadooda guuldarrooyin fool-xumo ahaa xalay loo xambaariyay, ayaa iskaga horiman doona min kulankooda saddexaad, hase ahaatee, aad bay u yartahay rajooyinka ay labada kooxoodba ka qabaan inay gaadhaan wareega rubuc-faynalka, maadaama kooxaha kale ee ay ku wada jiraan Guruubka D ee Tuuniisiya iyo Angola ay haatan haystaan min afar dhibcood, halka labadoodu ay ka haystaan min dhibic.

Angola iyo Tuuniisiya oo iyagu wada yeelanaya kulankooda saddexaad, ayaa natiijada ciyaartaa ku ilaashan kara inay barbaro ku kala baxaan, balse midkoodna ma ogolaan doonto in laga guulaysto, maadaama kooxaha Koonfur Afrika iyo Senigaal tii guulaysataa ay yeelanayso afar dhibcood.

Sunday, January 27, 2008

The Road Map of Somaliland Development.Khariirada Horumarinta Somaliland.

KU: URURKA QARAN. IYO XISBIGA KKULMIYE.
KA: WADANIYIINTA ISBADAL DOONKA SOMALILAND.

Waxaa marka hore aad ugu faraxsanahay in QAFAALASHADII dawlada DAHIR RIYAALE idin kula kacday in aydun ka soo baxdeen. Waxaanan qabaa in malin ay noqotaba dadka ka qaybqatay falkaasi in maxkamada la hor keeni doono, een sidaa lagaga hadhaynin. Teeda kalana waxaan aad ugu faraxsanahay in aydun Teleconference la yeelateen Somaliland Diaspria. Waxaa aan idinku garabtaganahay sidii Ururka Qaran doorashada Dawlada Hoose loogu ogalaan lahaa. Waa XAQ DASTUURIYA in ururo la furan karo si ay ula tartaman xusbiyada jira, Illahay ha idinku garab galo, anaguna hiil iyo hooba waa idinku garabtaganahay. Haddii Dawlada Dahir is hortaagto ururka Qaran inuu ka qaybgalka doorashooyinka dawladaha hoose, waxaan idinkula talilahaa inaydun ISBAHAYSATAAN Xusbiga Kulmiye, ee aydaan ku BIIRIN, taasi ayaa dalka iyo idinkaba waxtar u leh. Nasiib darada Xisbiga Kulmiye haysataa waxa ay tahay, inaanu Xusbigu haynin FIKRAD Ummada Somaliland ee isbadal doonka ah uu ka dhaadhiciyo oo dadka soo jiidata, oo dadku ka dhex arkaan dantooda. FIKRAD XUSBIGANA GUUL AY KU HANTAAN XUKUNKA DALKA U SOO HOYSA. Su’aasha dadka isbadal doonka is waydiinayaan waxaa ay tahay, hogaanka xusbiga Kulmiye kalsoonida dadka ma hayaa si uu ugu guulaysto doorashooyinka dalka ka dhici doona? Somaliland taag uma hayso Dahir Riyaalo oo soo noqda. Waxaanan qabaa in Somaliland ay u baahantahay sidii Dahir Riyaale looga badbaadin lahaa. Sidii Dahir Riyaale iyo KOOXDANI budhcada ah ee dalka afduubtahay la iskaga kaxayn lahayn waa hawl ummada Somaliland u wada tala. Haddaba waxaa loo bahanyahy in Xusbiga Kulmiye la isgarabtaago, oo la taageero doorashada MADAXTOOYADA, Siiranyo iyo cidii kale ee Xusbiga Kulmiye u doortaba. Xusbiga Kulmiyana OGALAADO IN CONTRACT (AXDI QARAMEED) LAGU DHISAYO DAWLADA QARAN OO DADKA SOMALILND LA GALAAN. Uma jeedo DAWLADA QARAN, dawlad ururka Qaran dhiso. DAWLAD QARAN waxaan uga jeeda dawlad lagu dhiso SHIR QARAN oo dadka Somaliland ee AQOONTA lihi ay ku garfeeyan sidii tiirarka DAWLADA SOMALILAND ku istaagi lahayd loo qotomiyo. SHIRKA QARANA LAGU MAGACABO GUDIYO MADAX BANAAN, IYO XUBNAHA KA MID NOQONAYA, OO LAGU SOO XULAY AQOONTOODA, WAYA ARAGNIMADOODA, WADANIMADOODA IYO DACADNIMADOOD. GUDIYADANI MADAXA BANAAN HOWSHOODU WAA SIDAY DAWLADA QARAN ULA DHISI LAHAAYEEN XUSBIGA LA DOORAN DOONO. HADDABA HADDII AAD Ururka Qaran TIHIIN, Dadka ISBADAL doonka ah EE SOMALILAND WAA IDIIN BAAHAN YIHIIN. WAAYO, WAXAA LOO BAHANAHAY HOGAAMIYAYAAL NA MATALA, OO UMMADA MIDAYNKARA, DADKANA DHAGAYSANAYA, OO AANU XIDHIIDH LA SAMEEYNO. Dadka ISBADAL doonka ahi, waxaa ay diyaar u yihiin inay talooyinka lagu dhisayo DAWLAD QARAN isku keenaan, si loo badalo DAWLAD-JABHADEEDKA TODABA-IYO-TOBAN SANNO meelna ina gaadhsiinwayday, loona badbaadiyo SOMALILAND. DHISITAANKA DAWLADA QARAN OO AY DADKU U ARKAAN INAY ‘CREDIBILITY’ LEEDAHAY, OO KEENAYSA ISBADAL KAAMILA AYUUNBAA DADKA LAGA IIBIN KARAA, SIDAA AYAANA COD DADKA LAGU HELAYAA. DADKA WAA IN LA TUSO, LAGANA DHAADHICIYO IN DAWLADA IYAGA MATASHA LA DHISAYO, IYAGUNA KA QAYB QAATAN DHISMAHEDA IYO ABAABULKEEDA. Lakiin Dahir Riyaale ayaan ridaynaa oo Hatidii Ummad boobay, oo Dastuurka ku tuntay. CODKA DADKA LAGU HELI MAYO. LIIS BALANQAADYO DADKU IIBSAN MAYAAN. Wayo, dadku hore ayay UGU HONGOOBEEN BALAN QAADYADAN OO KALE, dibna u rumaysan mayaan. ODAYAAL SULDAANO/CAAQILO isku sheega oo la soo abaabulay CODKA DADKA LAGU HELI MAYO. Teeda kalana, dadku waa ka daalay CALAACAL, iyo in la istusaaleeyo Maamul xumada, Cadaalad darada dalka ka jirta. Dadka inta Caqli lihi waa aragtaa Dawlada Dahir Riyaale halka ay Dalka la marayso, Qofka taa aan garanayna waa, qof habow ah oo hadal iyo wacyi toona galaynin. Haddba waxaa Xusbiga Kulmiye iyo Mucaaradka looga fadhiyaa inay keenan FIKRADO iyo habkii loo badbaadin lahaa dalka ee DAWLAD QARAN oo dadka u wada CUNTANTA loo samayn lahaa. Waxaan u arkaa in ay Nasiibdaro tahay in aanu ku jirno nin nacayb iyo maamul nacayb ragaaday. Dad badan ayaa waxaa ay u arkaan hogaanka Xusbiga Kulmiye koox kursi doona, oon badalaynin habka mamulka dawladdeed ee dalka jirta, ee badankoodu ka mid ahaayeen. Haddii ay doorashada Madaxtooyada ku guulaystaan. Qorshe kasta oo ay dadka u soo bandhigaan, dad badani kalsooni kuma qaban inay HIRGALIN DOONAN. Haddaba haddii Xisbiga Kulmiye/Ururka Qaran doonayaan inay guulaystaan, si dadka Somalilandna uga badbaado Dawlad xumadan ku habsatay, waa in loo howlgalo sidii loo heli lahaa DAWLAD QARAN oo ummada horumar KAAMILA u horseeda. Si dadka kalsoonidooda loo helo waa in Ururka Qaran (Haddii doorashad Dawladaha Hoose aydaan ka qayb galin) oo matalaya dadka Somaliland ee isbadal doonka ah, waa inaydun AXDI QARAMEED (CONTRACT) xusbiga Kulmiye la gashaan. Contract-gani ama AXDI QARAMEEDKANI waxaa hordhac u ah: In Ururka QARAN iyo Xusbiga KULMIYE sida ugu dhakhsaha badan, doorashooyinka ka hore, ay bilaabaan ABAABULKA SHIRKA QARAN, kaasi oo dadka Somaliland ee aqoonta leh ee guda iyo dibadba ku nooli ka soo qaybgali karaan. Inta aan doorashooyinka la galin la bilaabo in la ururiyo talooyinka/xogaha lagu dhisayo DAWLAD QARAN. Hadaba haddii xusbiga Kulmiye/Ururka Qaran ku guulaystaan doorashada, waa in SEDDEXDA BILOOD (AMA 100 CISHO) ee ugu horaysa, HIRGALIYAAN in Shir QARAN oo dalka gudihiisa ku qabtaan, talooyinka ka soo baxana lagu dhiso DAWLAD QARAN. Hadaba Contract-ga AMA AXDI QARAMEEDKANI lala galayo KULMIYE waa inuu yidhaa: “Inuu Hogaanka Xusbiga (oo ka kooban Musharaxaa Madaxwaynaha/ Ku-Xigeenkiisa, Xubnaha gudida dhexe, iyo Xubnaha golaha Wakiilada ugu jira KULMIYE) waa inay ugu DHAARTAA UMMADA SOMLILAND, haddii ay ku guulaystaan Doorashada MADAXTOOYADA, inay dhisayaan Dawlada QARAN, EE DALKA IYO DADKA U DANA, een ahayn Dawlad SHAKHSI, KOOX ama XUSBI leeyahay. SEDDEXDA BILOOD (AMA 100 CISHO) ee ugu horaysa dalka gudihiisa ku qabanayaan Shir QARAN oo dadka Aqoonta leh iskugu yimadan kuna abuuro DAWLAD QARAN. Haddii uu Xusbiga Kulmiye ku wacad furo dadka Somaliland, waa haddii ay ku guulaystaan Doorashad MADAXTOOYADA. Waa in ay diyaar u ahaadan in dadku CODKOODA KALA NOQDO DAWLADAASI, iyaga oo u maraya Golaha Wakiilada. Dadku ka codsadaan Golaha Wakiilada inay labada sano ee ugu horeeya ku ‘IMPEACH-gareeyo’ oo lagu rido dawladaasi. Haddii xubnaha Golaha Wakiilada ee Xusbigu ka gaabiyaan inay dawladooda ku soo oogan ‘IMPEACHMENT’, waa inay ogaadan in ay dadka ku wacadfureen, sidaa daraadeedna DADKU codkooda siin doonin doorashada Golaha Wakiilada, ee dalka ka dhici doonta –INSHA ALLA.” Haddaba si uu u dadku kalsooni u siiyo AXDI QARAMEEDKA (ama CONTRACT-gani), waa in Xusbiga KULMIYE iyo Ururka Qaran oo matalaya dadka ISBADAL DOONKA ay kala SAXEEXDAAN AXDI QARAMEEDKANI. DHAARTUNA IYO SAXEEXU AY KA DHACDO MEEL ‘PUBLIC’ AH, LAGANA SII DAAYO DHAARTA RADIYAHA IYO TELIFISHANKA MADAXA BANAAN.
Hadaba dawladaasi la dhisi doono waa inay ka koobnato SIDEED GUDI oo MADAX BANAAN, si loo dhiso DAWLAD QARAN ama loo dhigo Khariirada horumarinta Somaliland (‘The Road Map of Somaliland development’). Haddaba GUDIYADA MADAXA BANAAN ee gundhiga u ah DAWLADA QARAN waa kuwani:- Khariirada horumarinta Somaliland . (The Road Map of Somaliland develepment).

Saturday, January 26, 2008

Mucjiso - Daruur Sameysay Magaca ALLAAH














Published Jan 26, 2008

Ma yara mucjisooyinka Rabbaaniga ah ee uu ALLE (SWT) addoomadiisa Koomkan ku nool uu wax ku tusinayo, iyadoo taasina ay

MAASHA ALLAH : Mucjiso - Daruur Sameysay Magaca ALLAAH Oo La Arkay.

(oodweynenews 25/01/08)Kashmir: - Ma yara mucjisooyinka Rabbaaniga ah ee uu ALLE (SWT) addoomadiisa Koomkan ku nool uu wax ku tusinayo, iyadoo taasina ay qeyb ka tahay calaamadaha tusaalaynaya ALLAAH SWT awoodiisa, waana hanuun u sugnaaday inta aan wax garashada laheyn.

Sida ay maanta qortay Wakaaladda Wararla ee Islamonline, Sawir-qaade dhalinyaro ah ayaa la kulmay mucjiso qalbigiisa iyo dareenkiisa taabtay, kadib markii uu arkay Daruur hawada sare hee-haabaysa oo sawirtay muuqaal muujinaya magaca (ALAAH)oo ku qoran luqada Af-Carabiga.

Shawkat Nani oo isagu ah Sawir-qaadihii mujisadan la tusay ayaa ku sugnaa markii uu sawirka qaadayey Waqooyiga Kashmir tuulo lagu magacaabo Baramulla,halkaasoo ay dulmareysay daruur hawada sare dhex mushaaxaysa,taasoo qortay magaca Alaah.

Isagoo u waramayey Wakaaladda Wararla ee Islamonline, "Markii aan daymooday Samada sare waxaan arkay arin cajiib ah,waxaana indhaheyga qabteen daruur sameysay magacaga Alaah oo af-carabi ku qoran", ayuu yiri wiilkan sawirlaha ah oo u waramayey isagoo amakaagsan Wakaalada wararka ee IslamOnline.net.

Caalankan aanu ku noolnahay ayaa mudooyinkii ugu dambeeyeyba waxaa kusoo kordhayey mucjisooyinka rabbaaniga ah ee uu ALLAAH SWT ku doonayo addoomadiisa inta aan caqliga iyo hanuunka u saaxiibka aheyn inay wax ku gartaan oo ay ku dareemaan awoodda ALLAAH SWT ee ina uumay.

Odweyne News.

Friday, January 25, 2008

Isku dhac keenay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Durukhsi ee Gobolka Togdheer

Khamiis, January 24, 2008
(HIRAAN ONLINE):

Hal qof ayaa dhintay, saddex kalena way dhaawacmeen ka dib markii Darawallada laba Gaadhi oo nooca Jaadka qaada ahi ay rasaas isku waydaarsadeen meel u dhaxaysa Tuulooyinka Cali Ciise iyo Bilcille ee Degmada Durukhsi ee Gobolka Togdheer.

Sida uu Qoray Wargeyska Ogaal, Guddoomiyaha Degmada Durukhsi, Axmed Cabdilaahi Gaabyoome, oo ku sugnaa Cusbatalka Magaalada Burco oo lagu dawaynayo dadkii dhaawacu soo gaadhay, ayaa xaqiijiyay in isku dhacani uu ka dhashay muran xooggan oo labada Darawal dhex maray. Kaas oo keenay inay is rasaaseeyaan, halkaana uu ku dhinto mid ka mid ahi, halka kii kalena uu dhaawac soo gaaray. Hase ahaatee, labada qof ee kale ee dhaawaca ah, oo ka mid ahaa dad gurmad ah oo soo kala dhex galay labadan nin, ayaa iyana dhaawacu soo gaadhay ka dib markii Qori ka mid ah Qoryihii labada nin ee dagaalku dhex maray uu ku qarxay. Halkaas oo tirada dadka dhaawaca ahi ay noqdeen saddex qof.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer, Axmed Maxamed Guutaale, ayaa sheegay inay baadhis ku wadaan arrintan. Isla markaana ay Sharciga hor keeni doonaan ciddii ka dambaysay.

Magacyada ninka dhintay iyo dadka dhaawaca ah, ayaa waxay kala yihiin sidan:

1-Maxamad Cali Aadan (Dalab) – Marxuumka dhintay.
2-Xamse Cawil Buuri-hayste - Dhaawac
3-Cabdalle Maxamad Qoryo-quute - Dhaawac
4-Cabdi Haybe Yaasiin – Dhaawac

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.


Isku dhac keenay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Durukhsi ee Gobolka Togdheer

Khamiis, January 24, 2008(HOL): Hal qof ayaa dhintay, saddex kalena way dhaawacmeen ka dib markii Darawallada laba Gaadhi oo nooca Jaadka qaada ahi ay rasaas isku waydaarsadeen meel u dhaxaysa Tuulooyinka Cali Ciise iyo Bilcille ee Degmada Durukhsi ee Gobolka Togdheer.

Sida uu Qoray Wargeyska Ogaal, Guddoomiyaha Degmada Durukhsi, Axmed Cabdilaahi Gaabyoome, oo ku sugnaa Cusbatalka Magaalada Burco oo lagu dawaynayo dadkii dhaawacu soo gaadhay, ayaa xaqiijiyay in isku dhacani uu ka dhashay muran xooggan oo labada Darawal dhex maray. Kaas oo keenay inay is rasaaseeyaan, halkaana uu ku dhinto mid ka mid ahi, halka kii kalena uu dhaawac soo gaaray. Hase ahaatee, labada qof ee kale ee dhaawaca ah, oo ka mid ahaa dad gurmad ah oo soo kala dhex galay labadan nin, ayaa iyana dhaawacu soo gaadhay ka dib markii Qori ka mid ah Qoryihii labada nin ee dagaalku dhex maray uu ku qarxay. Halkaas oo tirada dadka dhaawaca ahi ay noqdeen saddex qof.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer, Axmed Maxamed Guutaale, ayaa sheegay inay baadhis ku wadaan arrintan. Isla markaana ay Sharciga hor keeni doonaan ciddii ka dambaysay.

Magacyada ninka dhintay iyo dadka dhaawaca ah, ayaa waxay kala yihiin sidan:

1-Maxamad Cali Aadan (Dalab) – Marxuumka dhintay.
2-Xamse Cawil Buuri-hayste - Dhaawac
3-Cabdalle Maxamad Qoryo-quute - Dhaawac
4-Cabdi Haybe Yaasiin – Dhaawac

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.

Thursday, January 24, 2008

Wasiirka Waxbarashada Oo Beeniyay In Manhajka Dalka Laga Saaray Taariikhdii Halgankii Dib U Xoreynta







Jan 24, 2008 at 03:57 PM
Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Mudane Xasan X Maxamuud Warsame [Gadh-weyne], ayaa maanta beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la xidhiidhay in manhajka cusub ee dalka, laga saaray taariikhdii Halgankii dib u xoreynta iyo Halgamyeyaashii SNM, oo ay dhawaan Faafiyeen Wargeysyada ka soo baxa magaaalada Hargeysa.

Wasiirka Waxbarashada, ayaa shir jaraa’id, oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu si adag u naqdiyay war ay 21-kii bishan ay daabacday Wargeyska maalinlaha ah ee Jamhuuriya , waxana uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka jawaabo eedaymo loo soo jeediyay Wasaarada Waxbarashada madax ilaa Arday, eedaymahaasi oo tii u horeysay ay ku soo baxday Wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 3457 ee soo baxay 21/01/08, taas oo ahayd in wasaaradu ay manhajka dalka ka saartay taariikhdii halgankii iyo Halgameyaashii SNM, waxaan cadaynayaa in aanay jirin wax taariikh ah oo ku saabsan dib u xoreyntii dalka iyo Halgameyaashii SNM oo laga saaray manhajka, taariikhdaasina waxay khaas u tahay Buugta cilmiga Bulshada ee fasalada shanaad iyo Lixaad ee dugsiga dhexe iyo fasalka afraad ee dugsiga sare”.

Md Xasan Gadhweyne, oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Laga soo bilaabo 1991-kii dib u xoreyntii Somaliland ka dib waxa bilaabmay in dib loo yagleelo waxbarashadii oo geed hoostii iyo gidaar ka bilaabmay, wasaarada waxbarashadu markaas ka dib waxay ku talaabsatay in la soo ururiyo wixii agab waxbarasho ahaa ee hore u jiray, sida manhajkii wax laga dhigi jiray si loo helo kutub ubadka wax looga dhigo, waxa laga saaray manhajkii wixii aan la jaan qaadayn waaga cusub ee Somaliland, iyadoo wax laga saaray buugaagta carabiga, Somaaliga, Juquraafiga iyo taariikhda, wixii mawaadiic laga saaray buugtaasi waxa lagu bedelay muwaadiic u cuntami kara ummada sida Halgankii gobanimo doonka ahaa iyo kii dib u xoreynta dalka ilaa dhismihii golayaasha qaranka”.


“Gudida Qaranka ee manhajka Somaliland, waxay jaangoysay manhaj lagu dhereriyay manaahijkta casriga ah ee caalamka gaar ahaan wadamada islaamka iyo kuwa dariska ah, waxana ku jira halgamadii dalku soo maray oo dhan, waxa buugta cilomiga bulshada ee fasalada 5-aad iyo 6-aad ku jira taariikhdii 11-kii nin ee bilaabay SNM, garabadii siyaasada iyo milatariga ee ururkii SNM iyo halgankii waxbarashada Somaliland soo martay” Ayuu intaas ku daray.

“Halgankii yaan la siyaasadeyn, halgankii dib u xoreynta dalku waxa uu ahaa halgan shacbi, oo laga dhiidhiyay xasuuqii Somaliland lagu hayay, ma geydo Wasaarada waxbarashada eedahaasi loo soo jeediyay, ardayduna ma geyaan in lagu yidhaahdo waxa laga dhigay nabad sugid”Ayuu Yidhi Wasiirka Waxbarashadu.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, waxa uu dhaliilay Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland, Md Xasan Ciise Jaamac, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii iyo madaxdii ururkii SNM, oo shalay sheegay in wasaarada tacliintu ay dusha ku qaadi doonto masuuliyada ay manhajka kaga saartay taariikhdii halgankii dib u xoreynta dalka.

“Xasan Ciise, waa nin weyn ee waxay ahayd inuu wasaarad ahaan na weydiiyo in arrinta wargeysku qoray jirto iyo in kale, laakiin taasi may dhicin, anaguna taariikhdiisii waanu haynaa oo ardayda ayaanu u dhignaa inuu ka mid ahaa 11-kii nin ee aasaasay iyo madaxdii SNM-ba”.Ayuu yidhi.





Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Marxaladda Adag ee Dalku Marayo Xalkeedu Wuxuu Noogu Muuqdaa Isbeddel Siyaasadeed’








Hargeysa (Jam)- Masuuliyiinta urur-siyaasadeedka sharciyadiisa lagu muransanyahay ee QARAN, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu gacanta ku dhigay hay’adihii qaranka ee kala saari lahaa murannada sharci ee yimaad, isla markaana uu Madaxweynuhu noqday garsoorkii iyo sharci-dejintii dalka.

Shir jaraa’id oo shalay ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ku sheegeen in maamulka talada dalka hayaa ka weecday jidkii dimuqraadiyadda, wada hadalka iyo isu-dulqaadka oo uu door-biday inuu laalo qadarintii shuruucda qaranka, dhisatayna xukuumad cabsi-gelin iyo amar ku taaglayn arrinkeedu yahay.

War-murtiyeed uu halkaa ka akhriyey Guddoomiyaha ururka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynuhu isagoo ogsoon in qodobka 23aad ee dastuurka iyo dhammaan xeerarka doorashooyinka dalka, sida xeerka Lr. 14/2000 iyo xeer Lr. 20/2001 ay dhaqangal yihiin, qeexayaanna in muwaadiniintu xor u yihiin isu hayban karaan ururro siyaasadeed, kana qaybgali karnaa doorasho kasta oo Golaha Deeegaanka;

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in saddexda xisbi qaran ee ku-meel-gaadhka ah, waqtigoodii dhammaaday, kuna cadahay isla xeerarkaas kor ku xusan inay doorashooyinka dawladaha hoose ku wada tartamaayaan xisbiyada iyo ururradu;

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland saldhig u yihiin dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan, habkaas oo fursad u siinaya hoggaan wanaagsan ka dhex bixi karo bulshada dhexdeeda.

Madaxweynuhu isagoo ogsoon in bulshoweynta caalamka ee danaynaysa Somaliland fiiro gaadh ah siinayaan sida ay u kobcayso dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hanaqaaday Somaliland, diyaarna aanay u ahayn dalalka deeq-bixiyeyaashu inay dhiirigeliyaan nidaam keligii-talis, kaas oo loo aanayn karo waxyeelooyin baaxad weyn ee ka dhacay dunidan;

Madaxweynuhu isagoo intaa iyo weliba cawaaqib-xumida ka dhalan karta sida badheedhaha ah ee u daadafeynayo shuruucda dalka ayey nasiib-darro u arkaan isaga iyo inta yar ee ku xeerani inay sidaa ugu badin doonto.

Madaxweynuhu wuxuu ku celceliyaa mar kasta oo uu la hadlayo saxaafadda; “In ururka QARAN yahay sharci-darro, dalkana ay weligood ka jiri-doonaan saddexdan xisbi [UDUB, KULMIYE iyo UCID] oo keliya iyo in aan dalka fawdo laga ogoleyn, damaacigooda siyaasadeedna u maraan waddada sharciga, kuna hanjabo in ciddii baalmarta sharciga lagu abaal-marin doono ciqaab adag.”

Waxa ayaan-darro ah sida ka muuqata odhaahdan in Madaxweynuhu yahay garsoorkii iyo sharci-dejintii dalka, dhacdadan oo kuu muujinaysa inay meesha ka maqan tahay kaalinta hay’adihii kale ee qaranka ee is-ilaalin lahaa, isna dheelli-tiri lahaa (check and balance institutions), kuwaas oo muddo dheer aannu la hor tubannahay codsiga cabashadayada, wax jawaab ahna ay na siin kari la’yihiin.

Waxa hubaal ah in maamulka maanta dalka ka taliyaa uu ka weekday jidkii dimuqraadiyadda, wada-hadalka, is-qancinta iyo isu-dulqaadka, doorna biday inuu loolo qadarintii shuruucda qaranka, dhistayna xukuumad askari (police state) oo cabsi gelin iyo amar-ku-taaglayn arrinkeedu yahay.

Waxa ururka QARAN himiladiisu tahay dal xor ah oo qofka karaamadiisa, xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisu sugan yihiin, nabad iyo wax-wada qabsi kula noolaada ummaddaha kale.

Dhibaatooyinka baaxada leh ee saameeyey dadkeena sida:

1. Maamul-xumida iyo musuq-maasuqa baahsan.

2. Shaqo la’aanta guud ee kalliftay inay kumanaani u haajiraan dalal shisheeye, halaaga naftooda [badaha iyo saxaraha] ka door biday rajo-xumida taal dalkooda.

3. Saboolnimada iyo sicir-bararka aafeeyey bulshada inteeda badan, halka qaysaska madaxtooyaduna ku jiraan ladnaansho gaadh ah.

4. Cabudhinta saxaafadda iyo hay’adaha xuquuqal-insaanka iyo weliba ku tumashada xorriyaadka aasaasiga ee muwaadiniinta oo maraya heer warwar leh.

5. Hab-dhaqanka macangaga ah ee xukuumadda ee aan ogolayn talo iyo tusaalooyin toona, islana quman had iyo jeer, taasoo muujinaysa madhnaanshaha milgaha siyaasadda.

Marxaladdaas adag ee uu dalku marayo, xalkeedu waxa uu noogu muuqdaa in la helo isbeddel siyaasadeed iyo hoggaan wanaagsan, taas oo lagu gaadhi karo inay dalka ka qabsoomaan waqatigii loo qoondeeyey doorashooyin xor oo xalaal ah, si ummaddu u dhiiban karto codka rabitaankooda.

Inkastoo ay jiraan ifafaalooyin badan oo muujinaya mugdi ku gedaaman hab-dhaqanka xukuumadda ee ku aadan doorkeeda, haddana waxaannu ummadda ku baraarujinaynaa inay u guntadaan sidii looga dhabeyn lahaa himiladaas masiiriga ah, taas oo ah dariiqa keliya ee uu ku imaan karo isbeddel nabadeed oo lagu wada qanci karo.

Ururka QARAN wuxuu sii wadayaa halgankiisa, isagoo u maraya wadiiqo kasta oo aan ka horimanayan shuruucda dalka, waxna yeelayn nabadda, xasilloonida iyo wadajirka ummadda.”

Intaa kadib qaar ka mid su’aalihii suxufiyiintu ay waydiiyeen masuuliyiinta oo ay si wada jir ah uga jawaabeen waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Waxa jira war lagu qoray shabakadda wararka ee Qarannews oo lagu sheegay in Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi ay isku khilaafeen sidii xisbiga KULMIYE loo geli lahaa iyo kala safasho labada musharax ee jagada Madaxweynaha waa Axmed-siilaanyo iyo Axmed Xuseen Ciise. Arrintaas maxaa ka jira?

Jawaab: Waxaan u malaynayaa shabakadda wararka ee laga soo saaray arrintaasi waa kii Cawil, sidiisaba Cawil-na run ma sheego, shabakadda wararkiisuna run sheegi mayso. Wax na dhexmaray ma jiro Axmed Xuseen iyo Siilaanyo waa laba nin oo KULMIYE ah annaguna QARAN baanu nahay, wada shaqayn iyo wanaag ayaa KULMIYE naga dhexeeya, laakiin arrimahooda gudaha ma galno, waxna kama jiraan arrintaas.

S: Dhawaan waxa ka dhacay dalka bannaanbaxyo lagu taageerayey qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, waxaana ka qaybgalay dhammaan mucaarid iyo muxaafidba, haseyeeshee masuuliyiintanan QARAN laguma arag fagaarayaashii dadweynaha lagala hadlayey. Ma idinkaan ka qaybgelin, mise waa la idiin diiday?

J: Mudaharaadkaa waanu ka qaybgalnay, laakiin dhanka shacabka ayaanu joognay, dhanka dushana [fagaarayaasha laga qudbadaynayey] waxaannu ka xishoonay waxaad ogtihiin.

S: Sidee ayaad u aragtaan safarkii Madaxweynaha ee dhawaan uu ku tagay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka?

J: Horta markii uu ka tagay Itoobiya Madaxweyaha waxay is raaceen Cabdillaahi Yuusuf, ninkii caqli leh ee dalkan danaynayaa inay isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf isku diyaarad noqdaan wuu ka yara warwareegi lahaa, in badan ayeynu maqlaynay meel heblaayo ayey isugu yimaadeen. Waxa weeye ummaddii ayuuna danaynay oo ixtiraam darro shucuurteedii ah ayaa ka muuqata, waayo nin ku leh ma jirtid in Madaxweynihii lagu nisbeeyo goor walba waa nasiib-darro, intaas oo dhacdooyin markay dhacaan ummaddu tuhun xaq bay u yeelatay. Socodkiisii markiiba halka uu ka murkacday halkaas ayey ahayd, Ingiriiska markii uu tagayna doorkii hore ayuu ka soo dhawayn wanaagsanaa oo ciwaanada wixii ku qorqornaa may qurux badanayn.

S: Dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Komishanka Doorashooyinka, Shirguddoonka Golaha Wakiillada Maxkamadda sare iyo qurba-joogaba, si aad ugala hadashaan sharcinimada ururkiina, maxaa idiinka soo baxay dhinacyadaasi?

J: Qolooyinkan aannu la xidhiidhnay mid kasta qoraal, af iyo markhaatiba waanu u yeelnay, komishanku wuu noo soo jawaabayaa, Golaha Wakiilladuna way noo soo jawaabayaan, maxkamadduna marka uu Ina Rayaale fasaxo ee ay noqoto maxkamad madaxbannaan hala gaadho, waayo waanu u tagnay oo waxaanu u gaynay sharciyadayada, jawaabtiisiina waxay noqotay annaga marka farsiraada qodob distooriya la isku qabto ayey shaqadayada tahay, laakiin sharcigii jiray ee lagu shaqaynayey marka laga leexdo dabagalkiisa waxa leh sharci-dejinta.

Madaxweynuhu waxa uu yidhi urur ma jiro, waxa la yaab leh Komishanka markii la dhaarinayey waxa lagu dhaariyey qodobka 19-aad ee XEER/20/2001 oo leh waxa Wallaahi oo Billaahi ah in aannu dhex u nahay ururrada, xisbiyada iyo musharixiinta, isaguna [Rayaale] goob-joog ayuu ahaa markii la dhaarinayey, haddaan lagu dhaarina komishanba ma jiro. Markaa Madaxweynuhu isaga ayaa kala hadlayee.

Xisbi jira ayaa la baabiin karaa haddii uu ka soo bixiwaayo shuruucdii iyo waajibaadkii dalka, yaase baabiinaya ma komishankaa? Waxa tirtiraya guddigii ansixinta siiyey. Waxaannu ka codsanaynaa Madaxweyne Rayaale inuu ummadda tuso shahaadada UDUB ku ansaxsan tahay, waa guddoomiye urur, maanta way dhacdeen oo ma jiraan. Markaa xisbi aan jirin muxuu doorasho ku gelayaa? Ayaa u ansixinaya?

Waxaannu Madaxweynaha mar labaad ka codsanaynaa annaga oo ogol shuruucda dalkayaga Madaxweyne Xeer-ilaaliyaha guud waanu u tagnay oo qoraal baanu u dhiibnay, hal sadar oo jawaab ah waanu ka la’nahay, Madaxweyne Guddoomiyaha Maxkamadda sare waanu u tagnay, Madaxweyne waxaannu u tagnay Baarlamanka oo aanu qoraal u gaynay, Madaxweyne waxaannu u tagnay Komishanka doorashooyinka ilaa hadda midna hal sadar oo jawaab ah kama hayno ee noo tilmaam hay’adda sharci ee aannu u tagno si aannu jawaab uga helno.

S: Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE dorraad mar uu u warramayey saxaafadda, waxa uu sheegay in nidaamkii keligii-taliska ahaa ee NSS-tii dalka laga tirtiray ay xukuumaddu dib u soo celinayso, iyadoo ardaydii dalkana basaasiin ka wada dhigtay. Urur ahaan sideed u aragtaan hadalkaa ka soo yeedhay guddoomiyaha?

J: Aragti kasta oo sidaa u dhigan oo KULMIYE soo jeediyo waannu la qabnaa.

S: Dr. Gabboose iyo Eng. Maxamed Xaashi waxaad tihiin laba shakhsi oo aan saaxadda siyaasadeed ee Somaliland oo waxaad leedihiin taariikh siyaasadeed, isla markaana waxaad soo qabateen xilal wasiirnimo. Arrintan ururka QARAN muddo ayey soo jiitamaysay meelihii kale ee aad tagneena waad ku soo hungowdeen ciddii wax go’aysayna sidaad sheegteen waa Madaxweyne Rayaale, waxaannu markii ugu dambaysay sheegay in aanay QARAN sharci ahayn. Labadiinan shakhsina dadku waxay yidhaahdaan waxaad tihiin laba nin oo madax-adag, ma idinka ayaa sii jeclaysanaya in aad yooyootanka sii wadaan?

J: Ma nihi kuwa madax-adag ee waxaannu nahay rag ku ad-adag xaqa, laakiin haddii madax-adaygu noqodo jidka toosan baad ku ad-adagtihiin, iyada ayaanu door-bidnay in nalagu tilmaamo, halkii nalagu tilmaami lahaa dhaameel, halkii nalagu tilmaami lahaa kabaha ayuu masaxaa iyo timaha ayuu garfeedha u mariyaa. Sharcigu ma Madaxweynahaa, waxaannu annagu rabnaa in nala qanciyo maha Madaxweynaha ee waa shuruucda dalka, waa hay’addaha sharci-dejinta iyo kuwa garsoorka, haddii ay na qancinwaayaan macangagnimadu halkay ka muuqanayso ee aan garta qaadanayn ayaa kuu muuqanaysa. SNM markii ay bilawday 1982-kii halganka, haddii 1988-kii maalintii ay aadka ugu adkayd ay yidhaahdaan waar waxan la gaadhi maayo, waxaan leeyahay xaqu ma laha waqti ay kugu adag tahay.


Jamhuuriya Online

Wednesday, January 23, 2008

Shir u Furmay Ururada Reer Guuraaga Burco












Burco (Qaran)-Shir balaadhan oo ay kulmayaan in ka badan 64 xubnood oo ka mida ururada reer guuraaga ee gobalka Togdheer oo lagaga hadlayo sidii ay reer guuraaga isaga kaashan lahaayeen horumarinta iyo weliba duruufaha abaaraha, socon doona muddo lix maalmooda ayaa maanta si rasmiya ugu furmay xarunta Wasaarada horumarinta Reer miyiga ee magaalada Burco.

Shirkan oo ay soo abaabushay fulintiisa Hayada Wadaniga ah ee Havayoco waxaa uu salka ku haya barnaamij loogu talo galy horumarinta reer guuraaga kaas oo muddo dhawr sano ah ka socday xuduudaha ay iska galaan wadamada Ethiopia iyo Somaliland, waxaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in reer guuraaga ay noqdaan cudud midaysan oo iska kaashan kara dhibaatooyinka deegaanka.

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo hadal ka jeediyey furitaanka shirkan ayaa cadeeyey in ahmiyada shirarka reer guuraaga u sahli kara sidii loogu gudbi lahaa caqabadaha ka jira deegaanada reer guuraaga iyo weliba inay sii odorasi karaan khatarta ku soo fool leh, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxaa yidhi “ waad ka faa,iidaysaan inaad meel isugu geysaan durdura in qoyska uu julaalku meel ku helo waxaa ka haboon inaad wada jir kaga gudubtaan baahidiina.

Sidoo kalena Madaxa Mashruuca Reer Guuraaga ee Havayoco Ibraahim Xariir Diiriye ayaa isaguna shirkan saaka ka sheegay inay ka qayb galayaan 8 Urur Tuulo oo ka mida ururada reer guuraaga gobalka Togdheer iyo weliba Wasaaradaha Dawliga ah ee sida tooska ugu xidhan reer guuraaga, taasi oo laga sugayo gebegebada shirkan inay awood u yeeshaan inay ka digi karaan Aafooyinka iyo xiliyada Abaaraha.

Isagoo arintaa ka hadlaya waxaa uu yidhi “ gudiyadan horey ayaanu ugu samaynay tuulooyinka ay ka mid yihiin War Cibraan, Ina Afmadoobe, Sanyare, Balihiile, waxay noqdeen gacmo isku xidhan oo aanu miyo nolosha reer guuraaga.

Geesta kalena barnaamijkan waxaa dhawr jeer hore loogu qabtay Magaalada Burco, iyadan uu saamayn ku yeeshay nolosha reer guuraaga.

Kama warhayo arrintan, wax jawaab ahna kama bixin karo"










“nagama qabato Maamulkan khuurinaya"!!

Iyada oo marka horeba, la macno garan la'aa, ujeeddada
iyo ka jeeddada Maamulkan maalinta iyo habeenku isugu
midka yihiin, meel uu ka socdo iyo meel uu ku socdo,
midnaba aan la garaneyn, ayaa maantana Wasaaraddii
Waxbarashadu, xadhig lama garaacaan ah ka tuntay
heesta!!. Wasaaraddii aynu u igmannay Aqoonta iyo
barbaarintu, waxay ku kacdey gaf aan sinaba loogu
dulqaadan kareyn oo ah in ay Manhajkii Fasallada
Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland ka saarto
taariikhdii Halgankii SNM ee dib u soo celiyey
karaamadii iyo Dalkan aynu ilaa sidii Alle inoo uumay,
aynu hadba cid ka dhicineynay!!

Buuggan Taariikhda ee Sannadkan daraasiga ah 2007-2008
loo qaybiyey ardeyda, oo ay iska kaashadeen Somaliland
iyo UNICEF, waxa ay si toos ah farta ugu fiiqeysaa in
ay jirto siyaasad ka qarsoon bulshada oo Maamulka iyo
Hay'adaha Dawliga ahi isla ogyihiin oo qarsoodi ahi
jirto. Ereyada Cinwaanka maqaalkan oo uu ku hadley,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mr. Cali
Cabdi Odowaa, oo koox weriyeyaal ah oo Jamhuuriya ka
socdey , uu iskaga soo riixay Wasiirka Waxbarashadu
Mr. Xasan Xaaji Maxamuud,maaha jawaabtii uu Mas'uul
Wasaarad qaran ku hadli lahaa!! Haddii uu Wasiirkii
Waxbarashadu iskaga riixo Agaasimaha Guud wax uu
ogyahay, kii loo igmaday in uu ka warbixiyo arrintana
yidhaahdo "War uma hayo, waxna kama sheegi karo,
Qarannimooy xaggee baad naga xigtaa!! Yaa wax la
weydiiyaa, ee sababta jiritaanka sababeysan ee
Dawladdan Somaliland looga tirtirey Manhajkii
waxbarasho oo macneheedu yahay, Somaliland diidnimo
aan geed loogu soo gabban yaa ka mas'uul ah?!!

Arrintanu ma sahlana, marka lala akhriyo, lacagta
Federaalka ee ka socota Togdheer, Sanaag iyo Sool,
Adhiga iyo shidaalka u xidhan Jabuuti, Xuduudaha Furan
iyo Dhulka aan weli Maamulka Somaliland la gaadhsiin.
Wasaaradda Waxbarashadu haddii aanay si dhakhso ah u
sababeyn waxa looga saarey kow iyo tobankii Cutub ee
taariikhdii Halgankii SNM , cudur-daarna ummadda ka
siin, aragti aan wanaagsaneyn oo cawaaqib xun leh ayaa
ka iman doonta. Sooyaalka taariikheed ee SNM, waa lama
garaacaan, waa sabab dhab ah oo sharciya oo jiritaanka
Somaliland u marag ah, iyada oo uu Halgankaasi ka
dhashay, Xasuuqyo, tacaddiyo, caddaalad darro, boob
iyo dhac dadkii dhulka lahaa loola yimid, hay'ad
Somaliland ahna loogama fadhiyin in ay horseed ka
noqoto baabi'inta Taariikh lama illaawaan ah, Adhiga ,
Geela, Guriga , dhirta, ciidda iyo dhulkuba
Muujinayaan soo yaalkeeda weligeedna jiri doonta.

Aqoon yahanka Somaliland weli ma is-weydiiyeen
xidhiidhka Hay'adahan qarumaha midoobey ka socda ee
Kiiniya saldhiggoodu yahay, Dawladdan kuraasida Madax
ku sidata ee imbegaatina Abeesada Madaxa ugu soo
duubey Nayroobi, ee aan meel ay dalkii Somaliyaba ka
fadhiisatoba lahayn iyo Dabarkan Somaliland ku xidhan
iyada oo Nabadgelyo iyo hay'adihii Maamul oo u dhan
leh siddeed iyo tobanka sannadood hore iyo dib toona u
socon la' inay isu il-jebinayaan!! Maamulkanu daacad
kama aha Geeddi-socodka Siyaasadeed ee Somaliland,
kuna xidhan yahay Ictiraafka Dawliga ahi ee bal dib u
eega sooyaalkiisa!! Kambeynka qarsoon ee jaalliyadaha
Dibadda la doonayo in lagu mideeyo, Dalkan hore iyo
Dib toona u socon la' iyada oo wax haystaa jirin,
Taariikhdan SNM ee Xataa Wasaaraddii hirgelin lahayd
ku barbaarinta ubadku kaba saartey Manhajkii
waxbarasho bal adba!! Haddii aan Wasiirkii iyo
Agaasimaha Guudba ka warhayn arrintan xassaasiga ah ee
Manhajka ay ka mas'uulka yihiin oo aan la aqbali
kareyn ee muujinaya amar awood ka sarreysaa bixisay in
uu yahay, berritona, heshiisyo ka daran sow la inna
odhan maayo, war uma haynno!!?

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa.

Waxaannu Isleenahay Somaliland si Fiican Ayaad u iibiseen, Farriintiina Waad Gaadhsiiseen, Maraykankuna Innagama War La’a”















Shir-jaraa’id oo Madaxweyne Rayaale ku qabtay xarunta Madaxtooyada, kadib markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa shalay oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka iyo dadweyne tiro badan, ayaa waxa uu kaga warramay kulamadii uu la yeeshay madaxda iyo masuuliyiinta dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee uu socdaalka ku tegay.

Ugu horreyn, Madaxweynaha oo faahfaahinayey socdaalkiisii Maraykanka iyo masuuliyiinta uu la kulmay waxa uu yidhi; “Waanagii halkan ka baqoolnay aniga iyo xaynta wasiirrada ahi, safarkayaga waxaannu ka bilownay Ingiriiska, halkaas oo aannu kula kulanay Wasiiru-dawlaha u qaabilsan Afrika oo ah nin cusub, si fiican ayuuna noo soo dhaweeyey ninkaasi, waxaanuna ka wadahadalnay qaddiyaddeena oo ay ku jirto aqoonsigeennu iyo hadday tahay xagga horumarinta oo Ingiriisku wax innagala qaban karo.

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayey socdaalkii uu ku tegay dalka Britain iyo maxsuulka uga soo baxay shirarkii uu la yeeshay madaxda dalkaas waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aad maqasheen qoladii halkan innoogu timi ee ahayd guddigii ka mid ahayd Baarlamaanka Ingiriiska oo uu madax ka yahay Allun Michael si fiican ayuu noogu soo dhaweeyey, subaxii oo dhana shir baannu lahayn, annaga oo la shiraynay xisbiyada kale duwan ee dalka Ingiriiska oo aannu kala hadlaynay sidii aannu qaddiyaddeenna ugu qancin lahayn iyo dadaalka ay ugu jiraan inay markastaba qaddiyaddeenna taageeraan. BBC-da ayaad ka dhegaysateen baan u malaynayaa Allun Michael waxa uu nagu martiqaaday fadhi Baarlamaanku lahaa oo su’aalo lagu waydiinayey Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Gordon Brown, halkaas oo su’aalihii uu ka jeediyey aad la socoteen, Ra’iisal-wasaaruhuna si dhab ah ayuu markii u horreysay uga jawaabay qaddiyadda Somaliland mawqifka uu ka qabo Ingiriisku. Wasiirraduna waxay la kulmeen qolyo kale oo iyagaa ayaa warbixin idinka siin doona. Waxaannu uga sii kicintanay safarkayagii Maraykanka, martiqaad dadban ayaanu ka haysanay Maraykanka, weli la inama aqoonsane, run ahaantii waxaan idiin sheegayaa in si fiican la noo soo dhaweeyey oo VIP nalagu soo dhaweeyey oo Airport-ka nalaga qaaday. Dawladda Maraykanka xafiisyadeedii ugu muhiimsanaa shirar baannu la yeelanay, hadday tahay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Baarlamaanka, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, gaashaandhigga iyo rag Madaxweynaha kala taliya arrimaha Afrika.

Haddii aan idiin soo ururiyo kulamadaas waxaan u arkayey runtii dad raba inay wax inala qabtaan, una baahan in aannu qudhayadu iswarsano. Waxaanan isleenahay farriintayadii waannu gaadhsiinay, si fiicanna way u qaateen dawladda Maraykanku. Meelo kale ayaannu ka qaybgalnay dad badan oo inoo ololeeya oo taageera qaddiyaddeenna iyo aqoonyahannada dalka Maraykanka oo dhammina shir bay noo qabteen aniga iyo wasiiradaba. Wasiirraduna waxay la shirayeen wasiirrada iyaga u dhigma, wasiirka caafimaadku, wasiirka caafimaadka ayuu ka kulmay, wasiirka caddalaaddu waxa uu la kulmay wasiirka caddaaladda, waxaanay kala wada hadlayeen dhammaantood sidii ay wax inoola qaban lahaayeen, wasiir-ku-xigeenka qorshayntuna waxa uu la kulmay qolada horumarinta.”

Isaga oo Madaxweynuhu ka hadlayey natiijada socdaalkiisii waxa uu yidhi; “Waxyaabahaas oo dhammi wixii nooga qabsoomay [safarkayaga] ayey ahaayeen, faahfaahin ka bixin maayo, laakiin waxaan idiinku soo ururinayaa inuu ahaa safar guul ku soo dhammaaday oo uu u yahay bilow wanaagsan innaga iyo Maraykanka xidhiidhkeenna mustaqbalka, waxaanan rajaynayaa mustaqbalka in waxyaabo badani ka soo bixi doonaan. Annaguna waxaannu isleenahay Somaliland si fiican ayaad u iibiseen, farriintiina waad gaadhsiiseen, Maraykankuna innagama war la’a sida aynu halkan uga haysano oo warkeenna way hayaan, wixii ka dhinnaa ee mugdi kaga jirayna in aannu u buuxinay ayaan filayaa, xidhiidhkanina halkaa kuma ekaanayo ee Insha Allaah wuu sii socon doonaa.

Waxa kale oo Madaxweyne Rayaale ka warramay kulamadii uu la yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo waxyaabihii ay ka wadahadleen, “Jaaliyadaheenna ayaan la hadlay, waxay iwaydiinayeen way iwaydiiyeen, anna wixii aan u sheegayey ayaan u sheegay, laakiin halkaa waxaan ku soo arkay waxay kaga duwanaayeen reer Yurub dad xoogsanaya ayey ahaayeen. Yurub qaraamaad [caydh] ayaa la siiyaa oo inta badan meelahaas ayey iska fadhiyaan, laakiin meeshan [Maraykanka] meel la shaqaysanayo oo ninkastaaba xoogsanaayo ayey ahayd. Runtii dad badan baa halkaa waxbartay, ninkastaba dadaal ayuu ugu jiraa horumarka, America ilaa Canada ayey isaga yimaaddeen, waad garan kartaa dadku dalkooda inay jecel yihiin oo ay jeclaayeen in aannu la kulano, si fiican ayey noo soo dhaweeyeen aad baanan ugu mahadnaqayaa.”

Intaa kadib qaar ka mid ah su’aalihii ay suxufiyiintu waydiiyeen Madaxweynaha iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Afhayeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka hadalkiisii kadib waxa warsaxaafadeed ka duwan kaa hore soo saaray isla wasaaradda Arrimaha Dibedda. Markaa waxaad nooga warrantaa wixii ka dhacay meesha?

Jawaab: Horta kaa laftiisu [afhayeenka] war xun muu odhan ee warka uu yidhi, waxa weeye qarka uma saarnin aqoonsiga Somaliland. Haddii aad u fiirsato muu dafirin inuu Somaliland wax la wado, laakiin weliba dad innaga ina taageerayey ayaa su’aasha ku celceliyey ninkan, waxaannu ahaa nin hoose oo wax badan inuu sheego diyaar uma ahayn. Waa laga yaabaa taana inuu war dambe ka soo bixi doono, waayo dib ayaannu u wadahadalnay oo ninkaasi waxa uu ahaa nin yar oo cidla’ ah.

S: Safarkaaga Maraykanku waa kii ugu horreeyey ee aad ku tagto dalkaas, waxaana dadka qaarkood saadaalinayaan in dhinaca kalena ay kicin karto qaddiyad lid ku ah Somaliland. Dawlad ahaan maxaa idiinka meel yaal waad tagteen oo laga soo noqay sidii loo sii dhaafin lahaa halkii ay joogtay?

J: Waa run cadawgu wuu innagula jiraa, laakiin cadawgaasi way ogyihiin qolada Maraykanka iyo qolo kasta oo aannu la kulanay way ogyihiin kuwa aynu ishayno oo waxba inooma kala qarsoona, annaguna markaannu hadlayno farriintayada kama tagno oo meesha waannu dhiganay, waanuna daba socon doonaa haddii Alle yidhaa.

S: Masuuliyiinta ururka QARAN waxay tageen Gobolka Awdal, kadibna kulan ayey meel ku qabteen oo way hadleen, arrintaas sideed u aragtaa?

J: Horta kuwaasi sharciyad kuma fadhiyaan hore ayaanan u sheegay. Dadka uma diidayno in siyaasadda nin kastaaba damac u yeesho, taan annigu leeyahay qof kasta oo reer Somaliland ah ayaa xaq u leh, laakiin laba ayeynu kala dooranay; innaga iyo koonfurta Soomaaliya waxaynu ku kala duwanahay in aynu noqono oo dadkeenan waxaanu ku hoggaaminaynaa in dad sharci ku nool uu noqdo ee dad hebelo la ixtiraamo inuu noqdo dalkani maaha, haddii aynu hebelo ixtiraamno meel aynu u soconaynaa ma jirto, laakiin waxaynu ku ixtiraamaynaa dadka distoorka iyo sharciga inay u maraan damaca siyaasadda ee ay leeyihiin.


Jamhuuriya Online

Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Waxbarashada Dadban oo Somaliland Laga Hirgelinayo












Hargeysa (Jam)-
Qaybtii koowaad ee mashruuca habka waxbarashada dadban ee raadiyaha oo wax lagu bari doono ardayda Somaliland oo socon doona muddo 10 bilood ah, ayaa shalay si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarasha Md. Cali Cabdi Odowaa, ayaa shalay ka furay huteelka Dalxiis tababar hordhac u ah mashruucaasi oo lagu tababarayo 340 macallin oo ka kala yimi saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil, waxaana lagu bari doonaa qaabka loogu gudbinayo ardayda waxbarashada dadban ee raadiyaha. Mashuurcaas waxa maagelinaysa hay’adda EDC, waxana fulinaya hay’adda wadaniga ah ee NOFEN.

Mashruucan waxa ka faa’iidaysan doona arday tiradoodu gaadhayso 15 kun arday oo ku dhaqan dhammaan gobolada Somaliland, kaas oo dhiirrigelin doona ardayda da’da yar yar ee waxbarashada heerka aasaasiga ah ku jirta inay laasimaan dugsiyada, isla markaana si sahlan u heli doona casharada, iyada oo loo adeegsanyo qalab casri ah.

Md. Cali Cabdi Odowaa oo furitaankii tababarkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in mashruucan raadiyaha wax lagu baranayaa uu tusaale u yahay in tacliinta Somaliland horumartay. Waxa kale oo uu tilmaamay in badi macallimiinta ka qaybqaadanaysa tababarka mashruucan ay yihiin qaar aad u da’ yar oo xooggii dalka ah.

“Tababarkani waa mid ku wanaagsan in aad wax ku barataan, idinkuna ardayda wax ku bartaan, waxyaale kale oo fara badan ayaa inoogu xigi, cilmiga waqtigan la joogo ilaa heer jaamacadeed adiga oo gurigaaga jooga ayaa wax lagu bartaa, waa tegnoolajiyada cusub ee la marayo. EDC waxay ka mid tahay hay’adda sida tooska ah ula shaqeeya wasaaradda, aadna waannu u jecelnahay, sababta oo ah waxay keeneen wax ka duwan qaabkii hore ee ardaydu wax ku baran jirtay,” ayuu yidhi Agaasimuhu, waxaannu intaa raaciyey, “Waa in aynu xil iska saarno oo sidii caadada inoo ahaan jirtay ee marka aynu tababar ama cilmi isugu nimaadno marka uu dhammaado miisaska aynu kaga tagi jirnay, taa waxaan u malaynayaa in aynu ka gudubnay.”

Guddoomiyaha hay’adda waddaniga ah ee NOFEN oo ah iyadu fulinaysa mashruucan Cabdirisaaq Aadan Yuusuf, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey mashruucan oo uu sheegay inuu muddo sannad ku dhaw uu socon doono. Waxaannu kula dardaarmay macallimiinta inay ka faa’iidaystaan fursadan oo gaadhsiiyaan ardaydii ay waxbarayeen.

“mashuurcan oo ah mid ay ka qaybqaadanayaan 340 macallin, wuxuuna socon doonaa muddo 10 bilood ah, waxa macallimiinta lagu tababari doonaa raadiyayaal (mobile education program.) Waxaan u soo jeedinayaa macallimiinta in casharada ay halkan ka qaataan kula noqdaan dugsiyadii iyo ardaydii aad waxbarayseen si hawshani u noqoto mid dhaxalgal ah,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Aadan Yuusuf.

Cabdishaakir oo ah la taliyaha dhinaca waxbarashada ee hay’adda EDC oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan oo ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashadu yahay mid aad muhiim u ah, isla markaana hore ugu tababareen 261 macallin, kuwaas oo boqolkiiba saddex iyo labaatan (23%) ahaayeen dumar, fursadanina tahay tallaabo kale oo lagu tababarayo macallimiin kale. Waxa kale oo uu xusay in habka la adeegsanayo ee raadiyuhu aannu ahayn manhaj, laakiin uu yahay qaab la adeegsanayo oo ah mid aad ugu wanaagsan ardayda iyo macallimiintaba.

Faadumo Xuseen Xirsi oo ah madaxa qaybta jinsiga ee Wasaaradda Waxbarashada “Waxaa jeclaan lahaa maadaama aan ka shaqeeyo xafiiska jinsiga in hablaha macallimiinta ah oo aan badnayn in la badiyo,” ayey tidhi Marwo Faadumo Xuseen, waxaanay gabdhaha ka shaqeeya hawlaha waxbarashada u soo jeedisay inay dadaal badan muujiyaan sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen kobcinta garaadka hablaha ardayda ah.


Jamhuuriya Online

Monday, January 21, 2008

Haweenka Togdheer Codkooda & Cududoodu Way Midayn Doonaan







Haweenka Togdheer Codkooda & Cududoodu Way Midayn Doonaan Hayadaha Wadaniga ee WHEA IYO AYAAN BADAN

“Sahra Cismaan Wacays”

Hayadaha Wadaniga ee WHEA IYO AYAAN BADAN ururada haweenka ee gobalka togdheer ayaa maanta si rasmiya uga soo afjaray ilaa afar Degmo oo ka mida Degmooyinka gobalka mashruuca tababar ah oo socday mudo 3 cisho lagaga hadlayo siday haweenka uga qayb qaadan lahaayeen hogaaminta dhinaca siyaasada.

Mashruucan tababarada ah oo isla mar laga wada xidhay in ka badan 60 haweena oo laga soo xulay tuulooyinka Degmooyinka Duruqsi, Oodweyne, Balidhiig, iyo Degmada Qoryaale oo dhamaantood ka tirsan Gobalka Togdheer waxa ujeedada ka danbaysay ay tahay in lagu dhiiri galiyo siday haweenka gobalka isu abaabulo lahaayeen inay kaalin gaar ah k a qayb qaadashada siyaasada gaar ahaan doorashooyinka.

Sahra Cismaan Wacays oo Gudoomiyaha Ururka Wadaniga ee WHEA ayaa cadaysay in barnaamijkan oo socday muddo dhawr todobaada ay haweenku ku baraarugeen qaababka hogaaminta, cod bixinta iyo weliba siday uga qayb gali lahaayeen go,aanka qaadashada, haweenaydani iyadu oo arintaasi ka hadlaysa waxay tidhi “ tababaradani waxaa looga gol leeyahay inay haweenka noqdaan aalad isku xidhan oo wada shaqayn ka yeelata xilliyada doorashooyinka iyo weliba arimaha siyaasadaha kale, waxaanu u samaynay Dalado kulmisa dumarka Degmooyiina oo ay wadashaqayn ku lahaadeen sida dalada Talowadaag, Hawlwadaag, Maandeeq”

Haweenaydani waxaa kale oo ay warkeeda ku sheegtay in haweenkan oo kale yimi tuulooyinka loo abuurey gudiyado & maamulo isku xidhan kuwaasi oo hagi doona xilliyada ololaha doorashooyinka.

Barnaamijkan haweenka ee dhinaca siyaasada oo laga soo xidhay degmooyinkan oo noqon doona kuwii ugu horeeyey ee gaadha haweenka dibada ayaa waxaa uu salka ku hayaa mashruuca loogu doodayo xuquuqda siyaasada ee haweenka oo muddo dhawr bilooda ayaa hayada Action Aid ka taageeraysay haweenka gobalka togdheer inay fidiyaan hawlgaladooda.

Sdioo kalena Khadra Saleebaan Aadan oo iyaduna ah Gudoomiyaha Ururka AYAAN BADAN oo qayb ka ah tababaradan wadajirka ayaa sheegtay inay masuuliyiinta Degmooyinka ay soo dhoweeyeen dadaalkan lagu dhiiri gelinayo haweenka kaasi oo xusay in ay qaar ka mida madaxda Degmooyinka balanqaad u sameeyeen inay gacan siindoonaan iyada oo arintaasi sii wadana waxay “in labadayadan urur waxaanu kala lahayn Soohdimo anagoo AYAAN BADAN, barnaamijka ka wadnay Degmooyinka Qoryaale & Balidhiig qolada WHEA waxay wax ka waday Degmada Oodweyne & Duruqsi waxaanu samaynay jawi ay kuwada shaqeeyaan inay noqdaan cudud midaysan ee meel Marisa codkooda iyo mawqifkooda”

Geesta kalena Ololohan ay haweenka gobalka Togdheer ka jiraan dhinaca siyaasada ayaa todobaadyadan laga waday Magaalada Burco kulama & shirar lagu dhiiri galinayo haweenka & Siyaasada iyado oo markaana haweenka Degmooyinka & Tuulooyinka ay qayb ka noqdeen Talaabadan.

Reported By : Yusuf Ibraahim Warsame

Ilka Case, Burco Somaliland

Friday, January 18, 2008

Wasiirka H/Guud oo Xadhiga ka Jaray Jid LAAMI ah oo D/hoose ee Borama Dhistay
















Boorama (Harowo)
jan 18 2008

Wasiirka H/guud iyo guriyaynta Siciid Sulub ayaa maanta xadhiga ka jaray jid laami ah oo ay D/hoose ee Boorama ka dhistay magaalada Boorama, Jidkaas oo Gudoomiyaha golaha deegaanka ee Boorama C/raxmaan Shide Bile sheegay in uu gaadhayo 2km.

Gudoomiyaha ayaa xaflad ku qabtay xarunta d/hoose isla markaana ka warbixiyay kharashka ku baxay ayaa sheegay in ay ku baxday 1km 90kun oo doolar, waxaana bixiyay ayuu yidhi lacagta ku baxday jidkaas D/hoose oo keli ah. dhibaha u badan waxay ahayd xaga qalabka wadada lagu sameeyo sida cagafyada iyo wixii qalab oo dhan waan soo kiraysanay, lacag badna way nagaga baxday, xaga Jayga waxaa noo suurageshay makiinad ta gacanta ah oo aan sii maalgelinay, maalintiina soo saaraysay 3 lawdh, waayo qorshaha wadadu waxay ahayd in aan dhamays tiro 2007dii, sanadkana aan bilawno inta kale, balse wakhti nagama tegin.

Duqa magaalada Boorama C/raxmaan wuxuu ka codsaday dadweynaha, ganacsatada, qurbajooga reer Boorama Awdal iyo Haydaha deeqda bixiya in ay kala qayb qaataan mashruuca qaybihiisa kale oo ay rabaan in ay 4km jid laami ah dhamaystiraan, waxaan qaybin donaa qolo walba inta ku qaybaysa qaybaha bulshada dibad iyo gudahaba, hada intan aan dhamays tirnay waxay ahayd in aan indhihiina tusno in wax qabsoomi karaan, mana aha wax aan keligay qabtay ee waxa qabtay golaha deegaanka iyo wasaarada H/guud oo nagu caawisay engneero nagala qayb qaatay samaynta jidkan, dhamaan dadkii ka qayb galay waan u mahadcelinayaa iyo intiina maanta nagala soo qayb gashay ee ay ka mid yihiin Duqayda Salaadiinta ah ee reer hargaysa, ee weliba u socda gurmadka hawlaha lagu nabadaynayo colaada labada beelood ee galbeedka. waxa kale oo aan u mahadcelinayaa wasaarada A/gudaha oo si fiican noola shaqaysay, markaan tusnay mashruuca wadadana noo ogolaatay in la noo sii daayo kabkii D/hoose.

Suldaan Axmed Nuur oo ka tirsan salaadiin Hargaysa ka yimid ayaa isna xafladaas lagu soo dhaweeyay wuxuna yidhi aad ayaan ugu farxsanahay waxqabadka aan la kulanay, markaan ka soo baxayay hargaysa waxaan lahaa ma waxaad sii mari doontaa jidkii RAFKA ahaa ee u dhexeeyay Dila iyo Boorama ! waayo Isha ayaa la i qalay oo waxaan ka baqayay RUXANKA badan in ISHU i soo dhacdo, Nasiib wanaagse waxaan soo maray wadadii oo cagaf lagu xaadhay oo aan ka dhicin jid wanaagsan, qolyaha hawshaas qabtayna waan u mahadcelinayaa, Duqa Booramana waan ku hambalyaynayaa.

Suldaan C/raxmaan jaamac Dhawal ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay waxqabadka ay sameeyeen golaha deegaanka ee Boorama, wuxuu yidhi waxaan u bixinaynaa Jidkaas BILE waxaanan rabnaa in qofkii waxqabta loogu magac daro si qolyaha kalana ugu daydaan dhanka waxqabadka, dhamaana dadweynuhu way ku faraxsan yihiin.

X.Daahir Aw cilmi ayaa isna aad uga mahadceshay hawsha uu qabtay Duqa Boorama, waanan ku raacay ayuu yidhi magaca loo bixiyay, duqayda soo gurmatayna waan u mahadcelinayaa, mar aan wasiirka h/guud weydiinay maxaa laami ku baxaya wuxuu nagu yidhi sadex boqol oo kun oo doolar, lacagta hada la sheeganayna way ka yartahay, waa horumar la gaadhay. wadada yar ee ina kadeeday ee Dila iyo Booramana wax aan ka qabano, sidii Iskaa waxqabsada ahayd aan soo celino.

Suldaan Saleebaan cali ayaa isna yidhi, mart sharafta wasiira, saladiinta iyo deegaanka nagaadiga ah soo dhawaada, Amaan waxaan siinaynaa mayarka boorama iyo raga ka hooseeya, waxaan saarayaa cumaamdayda, kii waxqabtana sidaas ayaan ka yeelaynaa, maanta madaxa ayaan dahab idiin saaree markaad magaalada wada gaadhaan meel walba waxaan idinkaga xidhaynaa dahab.Waa meel dalkii kale ka xidhan oo ninkay dani ka soo gasho daal ku soo galo, Suldaanka isha ka soo dhici gaadhay sidaas ayaan hore u idhi, Afrikaanka ayaa u haystay in aanu Cadaanku dhiman markii ay dileen ayay yidhaahdeen ilayn wuu dhintaa, waar ilayn laamigu halkan way dhigantaa waa fikirkii mayarku lahaa khudbadiisii, Gobanimo ilaah kuu gartay oo goodu ku heshiisay oo ilaahay mooyee cid kale gacan ku siinayn Somaliland bay gaar u tahee kaa hala ogaado.

Wadada dheer iyo aniga waxaa isku kay xidhan Idaacada, magaalada hargaysa ee isdhegaysanaysa isna daawanaysa, Anigu waxaan idhi wakhti uu m/xigeenku yimid waxaan dhegaysanaa Horyaal idaacada la yidhaa, Hadaba Hadii Laaamigu gaadhi waydo boorama ama idaacadu na soo gaadhi waydo Ilaahay gacmaha ha iga gooyo hadaan FOOTEEYO, wasiirka warfaafinta waan u sheegay, waar yaan hargaysa isdhegaysan is daawan ee idaacada soo gaadhsiiya dalka, Nabadu waa waxa dhulka lagu joogo hadii ninka xumaynaya la iska qaban waayo way wada gaadhi dadka.

Xaawa rooble ayaa iyadna tidhi waa wadadii noogu horaysay waxaanan leehay halkaas ka sii wad waxqabadka, waxaan ka raysanaynaa kufitaankii iyo dhibtii naga haysatay. Siraad Celi ayaa iyadna tidhi waxaan ahaa anigu dadkii dawladii carta ku jiray hada waxaan u soo noqday magaaladaydii, waanan ku faraxsanahay waxqabadkan maayarka, hadaan nahay haweenka waxaan rabnaa in aan hogaanka dalka hanano, waxaanan u soo jeesanay sida haweenka dunida in aan dalka maamulo, xuquudayada halana siiyo, waayo hooyadu wax ma disho waxaa is dilayaa waa Rag, xaga wasiirada h/guud ayaa naqshadaha iyo wadooyinka samayn jiray hadase Taiwan ayaa soo baxay. 1960kii ayaan shaqada ka bilaabay Boorama. salaadiinta haragaysa waan soo dhaweynaynaa Anaguba waan u gurmanay Daroor waa waajin aad gudanaysaan, ilaahayna aslaax ha ku dhameeyo, Jago la i qabsaday ayaan maalin idhi waar meeshu yaanay Daroor noqon, sidaas ayaa la isku wada haystaa dhulka.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan oo isna hadlay ayaa yidhi guud ahaan waad salaaman tihiin dadka somaliland waa dad mahadnaqa oo cida wax u qabata aan weligood iloobin, reer boorama waa la idin amaanay oo salaadiintu idin amaantay waar Somaliland waa dameer iyo labadoodii dhegood, Adoo nool hadii laguu magacdaray jid waa si wnaagsan dhimasho ayaa la isku amaanaaye, gudida isku xilsaaray dila iyo Borama gaar ayaan isku arkaynaa maca w/h/guud. gurmadkiina waan idin xasuusinayaa reer Awdal wixii la idinku qaybshay iska diyaariya. khamiista waan banaan baxaynaa waxaanan muujinaynaa aqoonsiga aan xaqa u leenahay.

Wasiirka A/gudaha C/laahi Ismaaciil ciro waad salaaman tihiin dhamaantiinba, waxaa ii sharafa in aan idin kala soo qayb galo, wax walba taariikh ayay galaan, golaha iyo duqaba waa wax taariikhda u gali doonaan, waana jid aan wax agu darsaday jirin, Iskaa waxqasadii waxa u horaysay Boon, waxaa loo baahan yahay tii oo kale, hargaysa waxaa ka qayb qaatay ganacsatda iyo dadweynaha Jid laami ah oo la sameeyay idina ka qayb qaata, oo cashuuraha bixiya, Airportka waxaa ku qoran ninkii dhisay iyo sanadkii uu dhisay tana waa sidaas oo kale, Wadada ka ilaashada wasakhda hadaan la ilaalin cimri yeelan mayso marka ay ku daataan wixii xun, D.hoosana ha ganaaxdo oo xeer hoosaad ha ku soo saaraan, xaga nabada hadii ayna jirin nabadi laami lama sameeyeen, halkana iskuma ayaynaan nimaadneen.

Wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub ayaa isna aad ugu amaanay duqa Boorama waxqabadkiisa uu ku dhamaystiray jidka laamiga ah, wuxuuna yidhi malaha la isma lahayn laami lama dhigi karo Boorama, way suura gashay waxaana qorshaha noogu jira oo aan hawlweyn u galay sidii aan u dhamayn lahayn 30km ee u dhexeeya Dila iyo Boorama, waxaan filaynaa in aan sanadkan dhamayn doonoi, inankaa yar ee mayarka ah waan la garab galaynaa wixii aan la qaban karo, horana waan ugu balan qaaday wadadana farsamayaqaankii ugu fiicanaa ayaan ugu deeqnay, Boorama waxaan leehay Sodohi wixii haysana way haysaa wixii aanay hayna way haabi doontaa.

Waxaan ugu bishaaraynaa insha alaahu xafiiska ka tegi mayno ilaa aan wadadaa dhamayno, dalcad gorayacawl waan dhamaynay, camuud iyo Booramana waxbaan ka qabanay, intii aan xafiiskii joognay, Awdal waa gobolka labaad ee ugu wado xun, Ceerigaabo ayaa idinka sii liita, idinkuse caasimadii aayaad u dhawdihiin oo qayladiina waa la maqlayaa, Qolada wadada dhisaysa (AARNA)isma aanaan arag, waxay garan waayeen cidii shaqada kulahayd bal arka, waxaana qorshaha noogu jiray in aan wadada u samayno dad ka shaqeeya oo lacag ayaan u qorshaynay, hada waxaan ka fikiraynaa meeshii kale ee aan u wareejin lahayn ! Dadkii dhegaysanayay khudbada ayaa yidhi MAYA MAYA…
nabadna ha lagu dadaalo.

Intaa ka dib Duqa Boorama ayaa bixiyay shahaadooyin gaadhaya tobaneeyo, waxaana ka mid ahaa Xasan cali cismaan oo deeq lacageed ee u horeeyay na soo gaadhsiiyay ayuu yidhi duqu, Eng.C/laahi C/salaam Sh,cali Jawhar.

Thursday, January 17, 2008

Banaanbax Balaadhan oo Ka Dhacay Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa















Written by Faysal Cabdilaahi
Thursday, 17 January 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Kumanaan kun ka tirsan shacabiweynaha Reer Somaliland ee ku dhaqan Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta iskugu soo baxay barxada weyn ee Beerta Xoriyada iyagoo wajiyadooda ku xardhan astaanka Calanka Somaliland.

Bannaanbaxan heerka qaran ah oo si weyn looga soo qeybgaley ayaa maanta ka
dhacey gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Bannaanbaxan oo ahaa mid dhoolatus ah oo lagu muujinayo taageerada madaxbannaanida iyo gooni isutaagga Somaliland, waxa ka qeyb galey madaxda Jamhuuriyada Somaliland oo uu horkacayo Madaxweyne ku/xigeenka Axmed Yuusuf Yasiin, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Mudane Adan Mirre Waqaf oo ah kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, shirguddoonka Golaha Wakiilada, shirguddoonka Golaha Guurtida iyo guddoomiye ku/xigeenka Golaha Guurtida Sheekh Nuux Furre.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu khudbadiisa ku bilaabay sidan:

‘Doon doonistii Soomaali weyn 1960-kii fari Togdher bay kula xushaabay ku noqotay Somaliland . 47 sanadood ka dib waxaynu raadinaynaa dawladnimadii ay saddex iyo soddon dawladood ictiraafeen , sababta oo ah afar cisho gudahood aynu ceel toban shub ah ku ridnay . waxa ingoou wacnaana waxay ahayd Jibadii , Muxubadii , shacbiga ee Somaali weyn jacayl, jibadaasu waxay raadinaysay wixii la odhan jiray shanta Soomaaliya oo maantana xiddigtii cadayd calankeena ugu qoran tahay iyadoo madow, astaantaasi waxay muujinaysaa in si dhaba qalbiga looga jaray riyadii gabowday ee Soomaali weyn. waxaynu wada ognahay in shantii Soomaaliya laba kaliya isku yimaadeen , maantana mid ka mid ahi ay ku jirto ceel dheer oo labaatan shub ah, taasina waa Soomaaliya . Somalilandna ay ceelka dushiisa ka sii dhaqaajinayso , iyadoo haab haabanaysa inay caalamka ka mid noqoto , waxna la qabsato. haddaba, waxa layaab leh haduu qof ceel ku dhaco ka dibada joogaa ma xadhiguu u tuuraa , Mise wuu kula dhacaa, taasi maanta waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo fadhida ceel guntii iyo Somaliland oo ceelka dushiisa ka sii dhaqaaqaysa , Soomaaliyana leedahay igula so dhac halkii ay ka odhan lahayd Soomaalilaaneey Nabadbaadiya.

Marka Somaliland la ictiraafo ayaynu xadhiga iyo dawliskaba u tuuru doonaa , dawladii la odhan jiray Soomaaliya, iyaguna taa ha garwaaqsadaan , si aynu u furdaamino hadhow, imikana ha ka waantoobaan ceelka ii dul fadhi , ama igula soo dhac.

Somalilandna waxay leedahay dariiqii dheeraa aynu soo marnay ooh awl badnaa haatana maraya 17 sanadood inankii dhashay iyo inanttii dhalatay 1991-kii maanta waa gaadiidqaad, figtii loo baxayay uunbaa hadhay, ummada Somaliland waxaan leeyahay xoojiya midnimada , Nabad gelyada qarankana aynu hareeraha iska taagno , Raga calankan ka shakisana waxaan leeyahay soo hanaan raacfa oo haybsada calankiina (Waa calan aan dagayn oon degayn abid aan degayn.

Caalamka waxaan leeyahay , Somaliland sabir intaa ka badan yaan lagu eegin , indho gaarana halloo yeesho , wadamada horumaray waxay ka hadlaan xuquuqal iisaan , Shan Milayn xuquuqdoodi ma hadal hayaan ,ta asi miyaanay ahayn dulmi , indhaha laga qarsanayo.

Waxa sidoo kale dadweynaha la hadlay dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay mudaharaadkan lagu muujinayey midnimada iyo gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland iyagoo fagaarahaasi ka soo jeediyey hadalo ka turjumaya ujeedada
bannaanbaxa iyo in madaxbannaanida Somaliland tahey mid aan gorgortan laheyn.

Dad tiro badan oo lulaya Calanka Somaliland ayaa jidadka caasimada isugu soo baxey
iyo dhalinyaro hadba dhan jidadka u qaadayay. Bannaabaxan oo uu ku baaqey Madaxwene ku/xigeenku Isniintii ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha Jamhuuriyada Somailand Daahir Rayaale uu socdaal ku marayo Mareykanka.

Sidoo kale banaanbaxyo kan la mid ah ayaa maanta ka soconaya dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

Bannaan Bax Balaadhan oo Lagu Taageerayo Gooni Isutaaga Somaliland oo Maanta ka Dhacay Magaalada Burco















Burco Somaliland.
Jan 17, 2008

Isu Soo Bax Balaadhan oo Lagu Taageerayo Gooni Isutaaga Somaliland ayaa Maanta ka Dhacay Magaalada Burco

Isu soo bax balaadhan oo ay ka qayb qaateen dhamaan qaybaha kale duwan ee Bulshada ku nool gobalka Togdheer, banaanbaxan oo aad uga muuqdeen hayadaha dawlada, ururada rayidka, ganacsatada, iyo dhalinyarada, culamu,udiinka, cuqaasha, iyo waxgaradka ayaa maanta ka dhacay fagaaraha khayriyada ee Magaalada Burco.

Isu soo baxan oo shacabka reer Burco ku muujiyeen dareenkooda waxay siteen calamo iyo boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo lagu taageeraayo madax banaanida Somaliland, sida Gooni Isutaaga Somaliland waa Muqadas.Xuduudaha Somaliland Waa lamataabtaan.Waa in Somaliland Caalamka Ictiraafaa Somaliland waxay Mudan tahay in la aqoonsado.., isu soobaxan waxaa ka kale oo ka qayb qaatay Kooxda Walaalaha Togdheer oo soo bandhigtay Riwaayado, Bandhig Faneed, Suugaan ay ku muujinayaan halgankii dheeraa ee loo soo maray gooni,isu taaga Somaliland.

Banaanbaxan waxaa kale oo goob joog ahaa Wasiir ku xigeen Wasaarada Ganacsiga C/xaliim Maxamed Muuse, Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, Duqa Magaalada Buco Maxamuud Axmed Xasn.iyo Xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Burco, iyo Dhamaan Isuduwayaasha Wasaaradaha Gobalka Togdheer, Madaxda Xisbiyada Qaranka ee Heer Gobal.

Ugu horeyntii waxa ka hadlay Duqa Burco oo sheegay in Aduunyada aanu maanta u muujinayno dareenkayaga ku aadan sidii aan ictiraaf u heli lahayn, inagoo xoriyadeenii ka qaadanay dawlada Ingriiska sida aad wada ogtihiin waxaa jira Dalal badan oo la aqoonsaday sida Eraterai, East More, Check, Slovakia. Hon Kogn Caalamka waxaan ogaysiinaynaa in la tixgeliyo safarka Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin. Waad og tihiin gobalka togdheer waxaa ka jira duruufo badan sida shaqo la,aanta, iyo in ay tahriibaan dhalinyarada gobalka , waxaynu ictiraaf waydiisanaynaa Aduunwaynaha iyo Caalamkaba

Sidoo kale Wasiir Ku xigeen Wasaarada Ganacsiga C/xaliim Maxamed Muuse ayaa isaguna ahaa masuulka sare ee ka soo qayb galay Isu soobaxan waxaana uu halkaa ka jeediyey khudbad dheer wuxuuna yidhi maanta waa munaasibad qaaliya oo aynu ku muujinayno dareenkeena iyo shucuubteena inagoo isku mida oo wada ah Somalilanders, Caalamka maanta waxaan u diraynaa Fariin mawqifka aynu ka taaganahay Safarka Waftiga Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu maanta ku marayo Waqooyiga America oo aanu ku soo dhoweynaynaa.

Fikirkii Aduunyada maanta wuxuu u soo noqday Somaliland, waad ogtihiin Soomaliya way degi wayday iyo inta jeer ee loo qabtay shirar Dawladoodii waxay gaadhi wayday Magaalo qudha, in aanay Soomaaliya wax aanay qabsan karayn aduunyadu way aragtay, iyo inta jeer is yidhaahdeen Somaliland way fashilmaysaa waad og tihiin inta jeer aynu guulasanay iyo Doorashooyinkii inoo qabsoomay, walaalayaal waad aragtaan Kenya oo ah Wadan wayn oo dhisan 1960 xoriyada isku mar qaadanay in aanay maanta kala bixi kari waayeen, inagu waxaynu ka baxnay dhawr imtixaan sida Doorashooyinka golayaasha deegaanka, Baarlamaanka iyo Tii Madaxtooyada intaasba waxay is lahaayeen way ku fashilmayaan, Aduun waynaha iyo Caalamkaba waxaan u sheegay in Somaliland ay buuxisay Shuruudihii looga baahnaa waa in Caalamku Somaliland aqoonsadaa. Alaahu akbar Alaahu Akbar Somaliland ha Waarto, ha jirto

Gebagebadii kulankan waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo sheegay in maanta Socod dheer lagu marayo wadooyinka Magaalada Burco halkaas oo laga wada dhaqaaqay gaadiidkii iyo dadweynihii socodkiina lagu maray wadooyinka dhaadheer ee Magaalada Burco.

Dadweynaha Burco oo ay hor kacayaan Kooxda Muusikada BandBoy iyo shacabka reer Burco sidaan Calanka Somaliland iyo Caleemo qoyan, Gudoomiyaha Gobalka Togdheer wuxuu aad ugu dheeraaday sidii ay uga soo qayb galeen Wasaarada Caafimaadka oo iyagu muujiyey waxqabad waxay u soo diyaar garoobeen si dhamaytiran, waxaa kale oo ku xigay Wasaarada Waxbarasha , sidoo kale hayadaha Wadaniga oo ka koobnaa ilaa 20 Hayadood ayaa iyaguna si fiican isu soo abaabulay.

Dhinaca kale waxaa si fiican uga qayb qaatay xidhiidhinta Barnaamijyada Saxaafada Gobalka Togdheer, isu soo baxan wuxuu ku dhamaaday jawi degan oo Nabad gelyo ah, Shicibka Reer Togdheer iyo Ciidamada Bilayska iyo Milatarigaba si fiican ayey u wada shaqeeyeen intii Barnaamijku ka socday Fagaaraha Khayriyad Burco


Siciid Axmed M Raage

Golisnews Burco

rageyare@hotmail.com

Mobile phone-4430715

Wednesday, January 16, 2008

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo si gaar ah ula kulmay Waxgaradka Sool Sanaag iyo Cayn
















By: Admin on 01/16/08

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo sigaar ah ula kulmay Waxgaradka reer sool sanaag iyo cayn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo sigaar ah ula kulmay Waxgaradka reer sool sanaag iyo cayn, kulankan oo uu soo qaban qaabiyey kenadiid maxamed khaawi oo kamid ah Waxgarad ka reer sool. Kulanka waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale ku wahaliyey wasiirka cadaalada aa Jamuuriyad Somaliland Axmed Cali Xasan (Casoowa) waxaa waxgaradkii halkaa ka soo qeyb galey ka mid ahaa Caaqil Ahmed Ali abokor, Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, iyo waxgarad kale oo badan

Waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uga waramay xalada dalka ku sugan yahay, siiba xalada Sool. Kadiiba markuu Madaxweynuhu dhameeyay ka warna ka xalada dalkau ku sugan yahay, gaar ahaan Gobolaka Sool. Waxaa uu Madaxweynuhu u guda galay waxa yaabah uu Gobolku u baahan yahay iyo sida uu waxa uga qabanaayo.














Waxa uu Madaxweynuhu balaan qaaday in xukuumadiisu waxa ka qabanaayso cafimaadka, waxbarshada, biyo galinta iyo IWM. Waxa uu Madaxweynuhu uu soo jeediyay waxgaradka reer Sool aa qurba jooga ah in aay dalkooda aaminaan iyo dadkooda. Madaxweynuhu waxa uu sii weyaan ugu nuux nuuxsaday kuna dardaarmay Dalkood iyo dadkood iyo Goblakoodaba in aay waxtaraan.

Iyago oo Arinta Madaxweynahu soo jaadiyay aqbalay ugan mahad caliyaya Madaxweynaha sidaa uu isaga xilsaaray arintaa, Gobalkaa Sool. Mar'aanu wareeysanay niman ka mid ah dadkii shirkaa ka qayab galay, waxa uu ka gaabsaday in uu waxa fah faahin ah ka bixiiyo, lakiin uu no sheegay in uu "Shirkaasi ku dhamaaday guul iyo is afgarad"

Xisbiga UCID oo Xafiis Ka Furtay Magaalada Laascaanood
















Written by Hormoodnews
Wednesday, 16 January 2008

ImageHargeysa(Hormoodnews)-Xisbiga Cadaallada iyo Daryeelka Somaliland ee UCID ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan Xafiiska Xisbigu ka furtay magaalada Laascaanood iyo sawiro wada socda.

JAMHUURIYADA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID Justice And Welfare Party
___________________________

Waxaa maanta oo a taariikhdu tahay 12/01/2008 abaaru saacadu 09:30 subaxnimo ka
bilaabmay xafladii furitaanka xisbiga ucid ee Gobolka Sool waxaan sida caadadu
ahayd lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah kadib waxaa mikirifoonkii lagu soo
dhaweeyay Gudomiyaha xisbiga UCID ee Gobolka Sool mudane: Fu'aad Maxamed Faarax waxaana uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay furitaanka xaflada xafiiska Xisbigan ee Gobolkan iyo taarikkhdii wax qabad ee xisbiga uu soo maray iyo hawlaha uu ka qaban doono Gobolka Sool.












Isagoo ah ayuu yidhi ' waa xisbigii ugu horeeyay intii Somaliland la aasaasay ka
hawl gala Goboka Sool iyo Degmooyinkiisa waxaana uu sheegay in maanta uu dhamaanba ka furan yahay Gobolka iyo Degmooyinkiisa ayna diyaar u yihiin inay u adeegaan bulshada kunool Gobolka Sool iyo nawaaxigiisa.

magacyada xubnaha Xisbiga ee Golaha Fulinta ee Gobolka Sool:-


Fu'aad Maxamed Faarax............. Gudoomiye
Maxamuud Saleebaan ............. Gudoomiye k/koowaad
C/risaaq Axmed Cilmi ............. Gudoomiye K/Labaad

C/risaaq Amed Maxamed ............ Xoghaye
Faarax Nuur Shire ............. Xubin















Intaas kadib waxaa mikirifoonkii qaatay Maayarkii magaalada Laascaanood oo ii sheegay isna in ay nasiib u tahay maanta in Gobolka Sool laga furo xafiiskii koowaad ee
Xisbiyada qaranka uguna soo horeeyo xisbiga UCID ayna Gobol ahaan hanan doono waxaa kadib hadalkii lagu soo dhaweeyay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool waxaana uu isna sheegay In laga faa'iidaysto Xisbiga aadna loogu soo dhaweeyo lalana shaqeeyo waxaana uu u mahad celiyay masuuliyiinta Xisbiga UCID oo sameeyay hab muwaadinimo oo dhiiri galin u ah xisbiyada kale.

Waxaa iyana kasoo qayb galay masuuliyiin kale oo maamulka Gobolka ah iyo Ururada
Bulshada kadibna waxaa xafladii gaba gabeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Fu'aad Maxamed Faarax

Fu'aad Maxamed Faarax
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Sool.