Wednesday, January 2, 2008

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay C/llahi Yusuf.











Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay C/llahi Yusuf.

Hargeysa(Golis)-Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland, Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Kaasi oo uu Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo u warramayey Awdalnews waxa uu uga digey hogaamiyaha Maamulka Baydhabo in uu ku kaco falal lagu waxyeelaynayo Somaliland, haddii kale uu masuuliyadeeda qaadi doono, waxana uu ku eedeeyey in uu ku hawlan yahay sidii uu dagaal qabaa’il ah uga dhex abuuro beelaha walaalaha ah.

“Annagu waanu ka war qabnaa in uu Cabdillaahi Yuusuf u soo dirayo ciidamo qaar ka mid ah taageerayaashiisa dhulkaa (Puntland) jooga, si ay u bilaabaan dagaal qabiil oo ka dhex dhaca beelaha walaalaha ah ee wada degan”. Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha debada waxana xusay inay Dawlada Somaliland kula talisay dadka deegaamadaa in aanay ku camal falin buun-buuninta waxa uu ugu yeedhay budhcada Cabdillaahi Yuusuf.

“Anigu waxaan qabaa Cabdillaahi Yuusuf inay mushkilado ku filani ka haystaan Moqdisho oo aanu u baahnayn in uu u abuuro qaar cusub naftiisa, isaga (C/Yuusuf) ayaa abuuray naceybka qabaa’ilka ee Moqdisho, waxanu doonayaa in uu taa mid la mid ah ka sameeyo Somaliland, balse ma suuro-gelayso”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirku.

Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland, waxa uu xusay in ay Somaliland taha qaran madax-bannaan, sidaa darteed aanay u dul qaadanayn in wax faro-gelin ah lagu sameeyo xuduudaheeda iyo arrimaheeda kale.


Khadar H.Hussein

Golisnews Hargeysa JSL.

No comments: