Sunday, January 13, 2008

Maamulayaasha Dugsiyada Burco oo Ku Kulmay Aqoon Isweydaarsi














Written by Yusuf Ibraahim Warsame
Monday, 07 January 2008

ImageBurco(Hormoodnews)-Aqoon isweydaarsi socondoona mudo shan iyo toban maalmood ah oo lagu tayaynaayo Waxbarashada Dugsiyada oo ay ka qayb-galayaan inka badan 115 ka mida maamulayaasha dugsiyada Waxbarashad Hoose dhexe ee gobolka Togdheer ayaa maanta ka furmay xarunta dugsiga dhaqaalaha Haweenka ee Magalaada Burco.
Aqoon iswaydaarsigaas oo ay fulisay Wasaarada Waxbarashdad Gobolka togdheer waxa mudada uu socd lagaga doodayaa sidi ay u fidinlahaayeen xoojinta wax dhigista iyo in ay waliba Maamulayaashu noqdaan seeska ayka korayso tarbiyada ardayga iyo
toosinta Macalinka .

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka togdheer Cabdi Axmed Siciid oo saaka furtaankii
hadalka ka jeediyaya ayaa waxa uu cadeeyay in ay gudbinayaan farinta waxbarasho ee
badalaysa garaadka ardayga Gudomiyahyu wax kale oo uu dhalilay Maamulayaasha
Dugsiyadu in ay maasul ka yihin ka maqnaansha ardayda gobolka togdhee eek u
saabsan kaalmaaha tobnaad ee Wasaarada Waxbarashada dalku ku abaal mariso
tartankooda isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi” Maamule waliba waxa uu
ukeedaa waxqabadkiisu dugsigiisa aqbali mayno in dhalinta reer Burco ee hibo uleh
garaadka firfircoon in sanad walba ka maqnaadaan saaxada Tartanka waxa arintaasna
ka masuula Maamulayaasha “

Gudoomiyahu waxa kale oo uu furitaanki kaga hadlay in xiligan gobol ahaan ayka gudbeen Heerka fidinta waxbarasho xiligana ay ka furan yihiin gobolka ink badan
169 dugsi oo iskugu jira kuwa quman iyo kuwa xukumiya taas oo baahida waxbarasho ee qorshaysnayd ay u hadhsantahay oo kalioya 4 tuulo oo aan lahayn dhisme dugsi
kuwaas oo kala ah Haqaya malaas , Gaadlayaaal , ina dandan, Xaydh ducato balse ay
xiligan liishaanka saaarayaan tayada waxbarashada waxaanu yidhi markale “ Ardeyda
inala jooga maaha in uu qaaiso oo ay soo bixi kariwaydo Hibada gaarka u ah waa in uu
fursad u helaa arintan .

Sidoo kale Sarkaal uqaabolsan dhinaca kormeerka Wasaarada Waxbarashada ayaa isaguna ugu baaqya Maamulayasha in ay isticmaalaan buugaagta iyo agabka kale ee loogu talagalay ardayga islamarkaasna lagula xisaabtamo Maamulaha sida ay udajiyaan qaab dhismeedka shaqo ee dugsiga .

Geesta kalena aqoon iswaydaarsigaan Maamulaaysha waxa uu salka ku ahaya barnaamij taxanaa oo dhinaca waxbarashada hawl wadeenada waxbarashadu ay qaataan xiliyada fasax sanadedka kaas oo m acalimiinta dugsiyada iyo maamulayashooda ay xiligan ku sugan yihii


Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame
Ilka Case, Burco Somaliland
Xagaa67@hotmail.com

No comments: