
Written by Faysal Cabdilaahi
Thursday, 17 January 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Kumanaan kun ka tirsan shacabiweynaha Reer Somaliland ee ku dhaqan Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta iskugu soo baxay barxada weyn ee Beerta Xoriyada iyagoo wajiyadooda ku xardhan astaanka Calanka Somaliland.
Bannaanbaxan heerka qaran ah oo si weyn looga soo qeybgaley ayaa maanta ka
dhacey gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Bannaanbaxan oo ahaa mid dhoolatus ah oo lagu muujinayo taageerada madaxbannaanida iyo gooni isutaagga Somaliland, waxa ka qeyb galey madaxda Jamhuuriyada Somaliland oo uu horkacayo Madaxweyne ku/xigeenka Axmed Yuusuf Yasiin, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Mudane Adan Mirre Waqaf oo ah kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, shirguddoonka Golaha Wakiilada, shirguddoonka Golaha Guurtida iyo guddoomiye ku/xigeenka Golaha Guurtida Sheekh Nuux Furre.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu khudbadiisa ku bilaabay sidan:
‘Doon doonistii Soomaali weyn 1960-kii fari Togdher bay kula xushaabay ku noqotay Somaliland . 47 sanadood ka dib waxaynu raadinaynaa dawladnimadii ay saddex iyo soddon dawladood ictiraafeen , sababta oo ah afar cisho gudahood aynu ceel toban shub ah ku ridnay . waxa ingoou wacnaana waxay ahayd Jibadii , Muxubadii , shacbiga ee Somaali weyn jacayl, jibadaasu waxay raadinaysay wixii la odhan jiray shanta Soomaaliya oo maantana xiddigtii cadayd calankeena ugu qoran tahay iyadoo madow, astaantaasi waxay muujinaysaa in si dhaba qalbiga looga jaray riyadii gabowday ee Soomaali weyn. waxaynu wada ognahay in shantii Soomaaliya laba kaliya isku yimaadeen , maantana mid ka mid ahi ay ku jirto ceel dheer oo labaatan shub ah, taasina waa Soomaaliya . Somalilandna ay ceelka dushiisa ka sii dhaqaajinayso , iyadoo haab haabanaysa inay caalamka ka mid noqoto , waxna la qabsato. haddaba, waxa layaab leh haduu qof ceel ku dhaco ka dibada joogaa ma xadhiguu u tuuraa , Mise wuu kula dhacaa, taasi maanta waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo fadhida ceel guntii iyo Somaliland oo ceelka dushiisa ka sii dhaqaaqaysa , Soomaaliyana leedahay igula so dhac halkii ay ka odhan lahayd Soomaalilaaneey Nabadbaadiya.
Marka Somaliland la ictiraafo ayaynu xadhiga iyo dawliskaba u tuuru doonaa , dawladii la odhan jiray Soomaaliya, iyaguna taa ha garwaaqsadaan , si aynu u furdaamino hadhow, imikana ha ka waantoobaan ceelka ii dul fadhi , ama igula soo dhac.
Somalilandna waxay leedahay dariiqii dheeraa aynu soo marnay ooh awl badnaa haatana maraya 17 sanadood inankii dhashay iyo inanttii dhalatay 1991-kii maanta waa gaadiidqaad, figtii loo baxayay uunbaa hadhay, ummada Somaliland waxaan leeyahay xoojiya midnimada , Nabad gelyada qarankana aynu hareeraha iska taagno , Raga calankan ka shakisana waxaan leeyahay soo hanaan raacfa oo haybsada calankiina (Waa calan aan dagayn oon degayn abid aan degayn.
Caalamka waxaan leeyahay , Somaliland sabir intaa ka badan yaan lagu eegin , indho gaarana halloo yeesho , wadamada horumaray waxay ka hadlaan xuquuqal iisaan , Shan Milayn xuquuqdoodi ma hadal hayaan ,ta asi miyaanay ahayn dulmi , indhaha laga qarsanayo.
Waxa sidoo kale dadweynaha la hadlay dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay mudaharaadkan lagu muujinayey midnimada iyo gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland iyagoo fagaarahaasi ka soo jeediyey hadalo ka turjumaya ujeedada
bannaanbaxa iyo in madaxbannaanida Somaliland tahey mid aan gorgortan laheyn.
Dad tiro badan oo lulaya Calanka Somaliland ayaa jidadka caasimada isugu soo baxey
iyo dhalinyaro hadba dhan jidadka u qaadayay. Bannaabaxan oo uu ku baaqey Madaxwene ku/xigeenku Isniintii ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha Jamhuuriyada Somailand Daahir Rayaale uu socdaal ku marayo Mareykanka.
Sidoo kale banaanbaxyo kan la mid ah ayaa maanta ka soconaya dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Faysal Cabdilaahi.
Hargeysa-Hormoodnews.
No comments:
Post a Comment