
Burco(HWN) Magaalada Burco waxa lagu qabtay kulan balaadhan oo lagaga hadlaayay sidii xal loogu heli lahaa isla markaana lagu heli lahaa xalka dhibaatooyinka Haysta dhalinyarada Reer Togdheer.
Kulanka oo daba socday kulan hore loo qabtay oo laga hadlay dhibaatooyinka haysta dhalinyarada ayaa kan maantana waxa lagu gorfeeya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka haysta dhalinayrada
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen dad badan oo ka kala yimi qaybaha dhalinayrada sida Naadiyada Kubada Ururada dhalinyarada iyo jaamacada Burco waxa soo qabanqaabiyay isla markaana fuliyay Ururka dhalinyarada ee SYS Burco isla marakana waxa isku dubaridka lahaa Dalada ururada Dhalinyarada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (Sonyo) waxana xaga kharaskh ka taageeray Unicef .
Ugu horayn waxaa kulankaas ka hadlay oo faahfaaihin ka bixiyay C/fataax Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha Ururuka Dhalinyarada ee SYS oo sheegay in ururkoodu isku hawlay sidii uu wacyigalin badan u gaadhsiiin lahaa dhalinayrada Reer Togdheer oo uu uga digi laha khataaraha faraha badan ee ay ka mid tahay Tahriibta cunista qaadka iyo daroogooyinka kale ,
Isgoo hadalkiisa sii watana wax uu sheegay kulankani inta uu socdo waxa ayn ka doodi doonaa sidi xal loogu helihaaa dhibaatoyinka haysta dhalinyarada gobolkani ayuu yidhi C/fataax
Isaguna waxa halkaas ka hadlay Maxamed Aaadan oo isaguna u qaybinayay dhalinyaradii halkaasi iskugu timi hadalka
Doodaas Maanta dhalinyarada ka doodaayeen oo ahayd dood aad u xaasasiyada waxa ay ku soo gababawday Jawi fiican oo ay ka qaybgalyaashii isla fahmeen sidii wax xal u noqonkara dhibaatyooyinka Haysta dhalinayrada Reer Burco
C/salan Maxamud Ducaale(ilkacase)
Hadhwanaagnews Reporter
No comments:
Post a Comment