
bidhaantaada guud iyo
dhaayahaygu bilicdaa
bil haday ka maqanyiin
adaa ii bidh bidhayoo
boholyaan la deris ahay
baradaan ku beermee
aan ku soo barbaaree
waxaan beerka geliyiyo
biyeheed ku ababaay
bulshadeedu gobolkii
haday kala yar baadaan
beryo kala maqnaadaan
isu soo baroortee
isu beer raqaysaay
beydkii jacaylkee
barbaarteedu caashaqa
sida ay u beeraan
ka dibna u bineeyaan
baashaalka guur negi
biladaha u qaaday
gobolkii badbaadada
nabad lagu baxnaanshee
baaqii ka sooo baxay
dunidaba ku baahee
bil khayr ay ku dhalatoow(s/land)
burcooy baas ma aragtooy
bidhaantaada guud iyo
dhaayahaygu bilicdaa
bil haday ka maqanyiin
adaa ii bidh bidhayoo
boholyaan la deris ahay
boogaha jacaylkiyo
ruuxii bukaan qaba
ama kii bidaarlee
beryo deysey geeridu
ama baby aan kicin
baro lagu daryeeloo
baanashada ku wacaneey
burco weeye simanoo
ciidaadu boodh ma leh
berigaagu waa doog
buurahaagu waa dahab
bulshadaadu waa ubax
biyahaagu waa malab
baduna kaama dheeroo
berberaad la tahay jaar
beeraha libaaxiyo
buuraha kalgacalka leh
ee baadhi loo tago
shiikh baa bogaagiyo
barbarkaa ku taaloo
bidhaan aad ku aragtaa
hawadaadu baraf iyo
bacad maaha kululoo
barta aad ku taalaa
waa beero raaxiyo
baro lagu negaadee
beryo nabad ku taagnow
ABWAAN: MOHAMED YUSUF ELMI (KAYD)
U.A.E
DUBAI
+971507963603
No comments:
Post a Comment