
Waxa igu kalifay inaan qalin iyo waraaq isu qaado oo aan qoro waxa ay tebeyso agaalada Burco oo ka mid ahaan jirtay ilaa iminkana ka mid ah magaalooyinka aanay
dadka degaa ka caban jirin dhaq dhaqaaqa ganacsi ee dalkeenna ka socda.
Hadaba markaan dib u eegay dhibaatooyinka ku habsaday Burco iyo nawaaxigeeda waxaa ii muuqday dhowr arimood oo midba aan gaar isu dul taagi doono.
- Xagga ganacsiga xoolaha oo aan sidii waayadii hore u jajabnayn.
- Sicir barar gunta ku haya lacagta gabowday ee gobolka ku wareegta.
- Dekedda Berbera oo aanay dadka deegaanka Burco u san banaanayn bixinta 5 ta cashuurood ee laga qaado alaabta ka soo degta dekedda.
- Dhalinyaradii gobolka oo shaqo la’aan aw-geed dibadaha uga tacabirtay, badhna baddweyntu liqday.
- Qurba jooga Burco oo badi y digo rogtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
- Intaa hore iyadoo ay jirto ayaa hadda waxa ugu biiray magaaladii Burco in garoonkii diyaaradahana iridaha loo laabo.
Hadaba hadii aan yara faah- faahiyo arimahan sare oo mid mid u qaato.
Xagga ganacsiga xoolaha iyo suuqgeyntooda iyadoo aanan dhaliil cidna uga tuurayn horta waxaan odhan lahaa mudane idiris dadaal wuu muujiyey uu ku iib geeyo xoolaheenna laakiin arintan xoolo iib geyntu waxay ka dhigantahay mashruuc aanu ka fulinay Burco oo kale , mashruucaas oo EU ay nasiisay lacag faro badan, ka dib hay’ad ka mid ah hay’adaha dalka ka shaqeeyaa ay lacagtaa EU ka soo saartay si ay iyadu u fuliso mashruuca, hadaba markii aanu eegnay lacagtii aanu dalbanay iyo waxa xaasil ahaan geleya hawshii aanu ugu dalbanay mashruuca ay noqotay in ka yar 10% lacagtii aanu dalbanay, laakiinse ay dantu nagu keliftay inaanu iska wadno oo mashruucaa dhamaystirno.
Arintanina waxay ku haboontahay in dib loo eego oo la miisaamo wax ma ka faaiidnay, intee in le’eg baynu ka faaiidnay dal ahaan, bulsho ahaan, heshiiskan ma laga dabo tegi karaa oo hadii khaladaad ay ku jiraan ma la sixi karaa mise xaalku waa af wax cumay xishood!!!!!!!.
Ta labaad sicir bararka oo aan isha ku hayey muddo ku dhow 15 kii sanno ee ugu dambeeyey, inta badan waxaan dusha ka saaraa eedda lacagta magaalada lagu isticmaalo ee giimbaarta iyo sarifka lacagaha kala duwan ee suuqyada ku jira ha u badnaadeen Dollar-ka oo ay ka faaiidaan oo qudha dadka tijaarta ah ee baayac mushtarka waaweyn lehi – dadka inta kalena uu ku dulman yahay.
Hadaba ma tahay in ama la daayo labada lacagood ee dalka ka socda ee Somaliland iyo ta Giinbaarta inta la bedelayo hadiiba ay dhici karto in ay dawladdu bedesho, lana xakameeyo lacagaha adag siiba Dollars-ka oo curyaamiya dhaqaalaha dalka, sababana sicir bararka.
Ta sadexaad, Dekedda Berbera oo qof kasta oo hoos wax u ogi uu farta ku godo, ma diidanin in cashuur laga qaado alaabta ka soo degta, laakiin anoon hadalka sii badin waxaa loo baahanyahay anoo og inaan dheg jalaq la isu siinayn in bal la is weydiiyo maxaa lagu qabtaa shanta cashuurood ee kala duwan ee dadka laga qaado, mid qudhana waa la awoodi waayey in wadada hadaamuhu ay ka qodan yihiin ee madaxtooyada hor marta in fool xumadeeda wax lagaga qabto lacagtaa iska daa danyarta oo wax loogu qabto-e.
Ta afraad, Camal la’aanta ka taagan gobolka iyo murugada dadka haysa siiba xooga dhalinyaradu waa ta sababtsay in nin waliba jiho u dhaqaaqo, wax gobolada kale qabta, wax u dagaal taga koonfur, qaar baddu ay liqdo iyo in ku dayowda saxaraha Suudaan oo haadu ay ka dheregto.
Ta shanaad, Hab dhaqanka African-ka ayaa ah in shacabku inta badan uu caasimadda uun eryado, kana huleela deegaanada kale iyagoo ka raadinaya nolol ka fiican ta markaa ay ku haystaan halka ay joogaan, inta badanna dawladda ama xukuumaddaha dalka ka taliyaa kama caqli roonaadaan dadka ay maamulaan oo ma baadhaan sababta dadku ay inta badan ugu soo ururaan caasimadaha, iyagoo soo faaruqinaya dalka intiisa kale.
Waxyaalaha ay dawladdu ku kici karto si ay tan oo kale uga hor tagto waxa ka mid ah iyadoo la centralise gareeyo ama loo qaybiyo maamulka dawladda gobolada dalka si shaqo abuurisi ay uga taabo qaado gobolada oo dhan, iyadoo wax laga qabto arimaha sare si loo yareeyo culeyska haysta adeeg bixinta caasimadda sida biyo yaraanta iwm.
Hadaba ta aan ku soo gunaanadayaa qormadaydan waa ta ugu daran ee hadda soo waajahday magaalada Burco oo ah tii lagu kala guurayey waana xidhitaanka madaarka Burco oo ahaa halka halbowle ee dhaqdhaqaaqu uu ka socday magaalada, wallow lacagta ka soo baxdaa ay u muuqatay mid aan si fiican loo ogaanin meesha ay ku dambayso.
Hadaba hadal iyo gun saddex sadexdaba hal baan odhan lahaa.
Dawladdeenna waxaan leeyahay noo dhamayse hadaanu reer burco nahay sedan si halanoogu dhaamo Reer Hargeysana – caasimadayada Somaliland waxaan leeyahay waar ma markii aanu kubaddii idinka badinay ee aanu koobkii si xarago leh idiinka qaadnay iyadoo weliba labeentii Burco ay caasimadda u soo doogsin raacday ayaad noo raacdeen dawladda oo aan xilba iska kaaya saarin awelba is jiid jiidadkeenu muu yarayne.
Shacabka reer Burcona waxaan leeyahay beryahan far baa idinku godan oo waa la idin kala qaybiyeye sidan si isu dhaama oo cadeeya una sheega dawladda waxa aad tabanaysaan (ficil baa la idiinka baahanyahay).
CEELNA IDIINMA QODNA CIDINA IDIINMA MAQNA
Mohamed Hussein Roble
London
No comments:
Post a Comment