Thursday, January 24, 2008

Wasiirka Waxbarashada Oo Beeniyay In Manhajka Dalka Laga Saaray Taariikhdii Halgankii Dib U Xoreynta







Jan 24, 2008 at 03:57 PM
Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Mudane Xasan X Maxamuud Warsame [Gadh-weyne], ayaa maanta beeniyay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la xidhiidhay in manhajka cusub ee dalka, laga saaray taariikhdii Halgankii dib u xoreynta iyo Halgamyeyaashii SNM, oo ay dhawaan Faafiyeen Wargeysyada ka soo baxa magaaalada Hargeysa.

Wasiirka Waxbarashada, ayaa shir jaraa’id, oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu si adag u naqdiyay war ay 21-kii bishan ay daabacday Wargeyska maalinlaha ah ee Jamhuuriya , waxana uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka jawaabo eedaymo loo soo jeediyay Wasaarada Waxbarashada madax ilaa Arday, eedaymahaasi oo tii u horeysay ay ku soo baxday Wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 3457 ee soo baxay 21/01/08, taas oo ahayd in wasaaradu ay manhajka dalka ka saartay taariikhdii halgankii iyo Halgameyaashii SNM, waxaan cadaynayaa in aanay jirin wax taariikh ah oo ku saabsan dib u xoreyntii dalka iyo Halgameyaashii SNM oo laga saaray manhajka, taariikhdaasina waxay khaas u tahay Buugta cilmiga Bulshada ee fasalada shanaad iyo Lixaad ee dugsiga dhexe iyo fasalka afraad ee dugsiga sare”.

Md Xasan Gadhweyne, oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Laga soo bilaabo 1991-kii dib u xoreyntii Somaliland ka dib waxa bilaabmay in dib loo yagleelo waxbarashadii oo geed hoostii iyo gidaar ka bilaabmay, wasaarada waxbarashadu markaas ka dib waxay ku talaabsatay in la soo ururiyo wixii agab waxbarasho ahaa ee hore u jiray, sida manhajkii wax laga dhigi jiray si loo helo kutub ubadka wax looga dhigo, waxa laga saaray manhajkii wixii aan la jaan qaadayn waaga cusub ee Somaliland, iyadoo wax laga saaray buugaagta carabiga, Somaaliga, Juquraafiga iyo taariikhda, wixii mawaadiic laga saaray buugtaasi waxa lagu bedelay muwaadiic u cuntami kara ummada sida Halgankii gobanimo doonka ahaa iyo kii dib u xoreynta dalka ilaa dhismihii golayaasha qaranka”.


“Gudida Qaranka ee manhajka Somaliland, waxay jaangoysay manhaj lagu dhereriyay manaahijkta casriga ah ee caalamka gaar ahaan wadamada islaamka iyo kuwa dariska ah, waxana ku jira halgamadii dalku soo maray oo dhan, waxa buugta cilomiga bulshada ee fasalada 5-aad iyo 6-aad ku jira taariikhdii 11-kii nin ee bilaabay SNM, garabadii siyaasada iyo milatariga ee ururkii SNM iyo halgankii waxbarashada Somaliland soo martay” Ayuu intaas ku daray.

“Halgankii yaan la siyaasadeyn, halgankii dib u xoreynta dalku waxa uu ahaa halgan shacbi, oo laga dhiidhiyay xasuuqii Somaliland lagu hayay, ma geydo Wasaarada waxbarashada eedahaasi loo soo jeediyay, ardayduna ma geyaan in lagu yidhaahdo waxa laga dhigay nabad sugid”Ayuu Yidhi Wasiirka Waxbarashadu.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, waxa uu dhaliilay Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland, Md Xasan Ciise Jaamac, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii iyo madaxdii ururkii SNM, oo shalay sheegay in wasaarada tacliintu ay dusha ku qaadi doonto masuuliyada ay manhajka kaga saartay taariikhdii halgankii dib u xoreynta dalka.

“Xasan Ciise, waa nin weyn ee waxay ahayd inuu wasaarad ahaan na weydiiyo in arrinta wargeysku qoray jirto iyo in kale, laakiin taasi may dhicin, anaguna taariikhdiisii waanu haynaa oo ardayda ayaanu u dhignaa inuu ka mid ahaa 11-kii nin ee aasaasay iyo madaxdii SNM-ba”.Ayuu yidhi.





Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

No comments: