
Hargeysa (Jam)- Masuuliyiinta urur-siyaasadeedka sharciyadiisa lagu muransanyahay ee QARAN, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu gacanta ku dhigay hay’adihii qaranka ee kala saari lahaa murannada sharci ee yimaad, isla markaana uu Madaxweynuhu noqday garsoorkii iyo sharci-dejintii dalka.
Shir jaraa’id oo shalay ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay ku sheegeen in maamulka talada dalka hayaa ka weecday jidkii dimuqraadiyadda, wada hadalka iyo isu-dulqaadka oo uu door-biday inuu laalo qadarintii shuruucda qaranka, dhisatayna xukuumad cabsi-gelin iyo amar ku taaglayn arrinkeedu yahay.
War-murtiyeed uu halkaa ka akhriyey Guddoomiyaha ururka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:
“Madaxweynuhu isagoo ogsoon in qodobka 23aad ee dastuurka iyo dhammaan xeerarka doorashooyinka dalka, sida xeerka Lr. 14/2000 iyo xeer Lr. 20/2001 ay dhaqangal yihiin, qeexayaanna in muwaadiniintu xor u yihiin isu hayban karaan ururro siyaasadeed, kana qaybgali karnaa doorasho kasta oo Golaha Deeegaanka;
Madaxweynuhu isagoo ogsoon in saddexda xisbi qaran ee ku-meel-gaadhka ah, waqtigoodii dhammaaday, kuna cadahay isla xeerarkaas kor ku xusan inay doorashooyinka dawladaha hoose ku wada tartamaayaan xisbiyada iyo ururradu;
Madaxweynuhu isagoo ogsoon in nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland saldhig u yihiin dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan, habkaas oo fursad u siinaya hoggaan wanaagsan ka dhex bixi karo bulshada dhexdeeda.
Madaxweynuhu isagoo ogsoon in bulshoweynta caalamka ee danaynaysa Somaliland fiiro gaadh ah siinayaan sida ay u kobcayso dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hanaqaaday Somaliland, diyaarna aanay u ahayn dalalka deeq-bixiyeyaashu inay dhiirigeliyaan nidaam keligii-talis, kaas oo loo aanayn karo waxyeelooyin baaxad weyn ee ka dhacay dunidan;
Madaxweynuhu isagoo intaa iyo weliba cawaaqib-xumida ka dhalan karta sida badheedhaha ah ee u daadafeynayo shuruucda dalka ayey nasiib-darro u arkaan isaga iyo inta yar ee ku xeerani inay sidaa ugu badin doonto.
Madaxweynuhu wuxuu ku celceliyaa mar kasta oo uu la hadlayo saxaafadda; “In ururka QARAN yahay sharci-darro, dalkana ay weligood ka jiri-doonaan saddexdan xisbi [UDUB, KULMIYE iyo UCID] oo keliya iyo in aan dalka fawdo laga ogoleyn, damaacigooda siyaasadeedna u maraan waddada sharciga, kuna hanjabo in ciddii baalmarta sharciga lagu abaal-marin doono ciqaab adag.”
Waxa ayaan-darro ah sida ka muuqata odhaahdan in Madaxweynuhu yahay garsoorkii iyo sharci-dejintii dalka, dhacdadan oo kuu muujinaysa inay meesha ka maqan tahay kaalinta hay’adihii kale ee qaranka ee is-ilaalin lahaa, isna dheelli-tiri lahaa (check and balance institutions), kuwaas oo muddo dheer aannu la hor tubannahay codsiga cabashadayada, wax jawaab ahna ay na siin kari la’yihiin.
Waxa hubaal ah in maamulka maanta dalka ka taliyaa uu ka weekday jidkii dimuqraadiyadda, wada-hadalka, is-qancinta iyo isu-dulqaadka, doorna biday inuu loolo qadarintii shuruucda qaranka, dhistayna xukuumad askari (police state) oo cabsi gelin iyo amar-ku-taaglayn arrinkeedu yahay.
Waxa ururka QARAN himiladiisu tahay dal xor ah oo qofka karaamadiisa, xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisu sugan yihiin, nabad iyo wax-wada qabsi kula noolaada ummaddaha kale.
Dhibaatooyinka baaxada leh ee saameeyey dadkeena sida:
1. Maamul-xumida iyo musuq-maasuqa baahsan.
2. Shaqo la’aanta guud ee kalliftay inay kumanaani u haajiraan dalal shisheeye, halaaga naftooda [badaha iyo saxaraha] ka door biday rajo-xumida taal dalkooda.
3. Saboolnimada iyo sicir-bararka aafeeyey bulshada inteeda badan, halka qaysaska madaxtooyaduna ku jiraan ladnaansho gaadh ah.
4. Cabudhinta saxaafadda iyo hay’adaha xuquuqal-insaanka iyo weliba ku tumashada xorriyaadka aasaasiga ee muwaadiniinta oo maraya heer warwar leh.
5. Hab-dhaqanka macangaga ah ee xukuumadda ee aan ogolayn talo iyo tusaalooyin toona, islana quman had iyo jeer, taasoo muujinaysa madhnaanshaha milgaha siyaasadda.
Marxaladdaas adag ee uu dalku marayo, xalkeedu waxa uu noogu muuqdaa in la helo isbeddel siyaasadeed iyo hoggaan wanaagsan, taas oo lagu gaadhi karo inay dalka ka qabsoomaan waqatigii loo qoondeeyey doorashooyin xor oo xalaal ah, si ummaddu u dhiiban karto codka rabitaankooda.
Inkastoo ay jiraan ifafaalooyin badan oo muujinaya mugdi ku gedaaman hab-dhaqanka xukuumadda ee ku aadan doorkeeda, haddana waxaannu ummadda ku baraarujinaynaa inay u guntadaan sidii looga dhabeyn lahaa himiladaas masiiriga ah, taas oo ah dariiqa keliya ee uu ku imaan karo isbeddel nabadeed oo lagu wada qanci karo.
Ururka QARAN wuxuu sii wadayaa halgankiisa, isagoo u maraya wadiiqo kasta oo aan ka horimanayan shuruucda dalka, waxna yeelayn nabadda, xasilloonida iyo wadajirka ummadda.”
Intaa kadib qaar ka mid su’aalihii suxufiyiintu ay waydiiyeen masuuliyiinta oo ay si wada jir ah uga jawaabeen waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Waxa jira war lagu qoray shabakadda wararka ee Qarannews oo lagu sheegay in Dr. Gaboose iyo Maxamed Xaashi ay isku khilaafeen sidii xisbiga KULMIYE loo geli lahaa iyo kala safasho labada musharax ee jagada Madaxweynaha waa Axmed-siilaanyo iyo Axmed Xuseen Ciise. Arrintaas maxaa ka jira?
Jawaab: Waxaan u malaynayaa shabakadda wararka ee laga soo saaray arrintaasi waa kii Cawil, sidiisaba Cawil-na run ma sheego, shabakadda wararkiisuna run sheegi mayso. Wax na dhexmaray ma jiro Axmed Xuseen iyo Siilaanyo waa laba nin oo KULMIYE ah annaguna QARAN baanu nahay, wada shaqayn iyo wanaag ayaa KULMIYE naga dhexeeya, laakiin arrimahooda gudaha ma galno, waxna kama jiraan arrintaas.
S: Dhawaan waxa ka dhacay dalka bannaanbaxyo lagu taageerayey qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, waxaana ka qaybgalay dhammaan mucaarid iyo muxaafidba, haseyeeshee masuuliyiintanan QARAN laguma arag fagaarayaashii dadweynaha lagala hadlayey. Ma idinkaan ka qaybgelin, mise waa la idiin diiday?
J: Mudaharaadkaa waanu ka qaybgalnay, laakiin dhanka shacabka ayaanu joognay, dhanka dushana [fagaarayaasha laga qudbadaynayey] waxaannu ka xishoonay waxaad ogtihiin.
S: Sidee ayaad u aragtaan safarkii Madaxweynaha ee dhawaan uu ku tagay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka?
J: Horta markii uu ka tagay Itoobiya Madaxweyaha waxay is raaceen Cabdillaahi Yuusuf, ninkii caqli leh ee dalkan danaynayaa inay isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf isku diyaarad noqdaan wuu ka yara warwareegi lahaa, in badan ayeynu maqlaynay meel heblaayo ayey isugu yimaadeen. Waxa weeye ummaddii ayuuna danaynay oo ixtiraam darro shucuurteedii ah ayaa ka muuqata, waayo nin ku leh ma jirtid in Madaxweynihii lagu nisbeeyo goor walba waa nasiib-darro, intaas oo dhacdooyin markay dhacaan ummaddu tuhun xaq bay u yeelatay. Socodkiisii markiiba halka uu ka murkacday halkaas ayey ahayd, Ingiriiska markii uu tagayna doorkii hore ayuu ka soo dhawayn wanaagsanaa oo ciwaanada wixii ku qorqornaa may qurux badanayn.
S: Dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Komishanka Doorashooyinka, Shirguddoonka Golaha Wakiillada Maxkamadda sare iyo qurba-joogaba, si aad ugala hadashaan sharcinimada ururkiina, maxaa idiinka soo baxay dhinacyadaasi?
J: Qolooyinkan aannu la xidhiidhnay mid kasta qoraal, af iyo markhaatiba waanu u yeelnay, komishanku wuu noo soo jawaabayaa, Golaha Wakiilladuna way noo soo jawaabayaan, maxkamadduna marka uu Ina Rayaale fasaxo ee ay noqoto maxkamad madaxbannaan hala gaadho, waayo waanu u tagnay oo waxaanu u gaynay sharciyadayada, jawaabtiisiina waxay noqotay annaga marka farsiraada qodob distooriya la isku qabto ayey shaqadayada tahay, laakiin sharcigii jiray ee lagu shaqaynayey marka laga leexdo dabagalkiisa waxa leh sharci-dejinta.
Madaxweynuhu waxa uu yidhi urur ma jiro, waxa la yaab leh Komishanka markii la dhaarinayey waxa lagu dhaariyey qodobka 19-aad ee XEER/20/2001 oo leh waxa Wallaahi oo Billaahi ah in aannu dhex u nahay ururrada, xisbiyada iyo musharixiinta, isaguna [Rayaale] goob-joog ayuu ahaa markii la dhaarinayey, haddaan lagu dhaarina komishanba ma jiro. Markaa Madaxweynuhu isaga ayaa kala hadlayee.
Xisbi jira ayaa la baabiin karaa haddii uu ka soo bixiwaayo shuruucdii iyo waajibaadkii dalka, yaase baabiinaya ma komishankaa? Waxa tirtiraya guddigii ansixinta siiyey. Waxaannu ka codsanaynaa Madaxweyne Rayaale inuu ummadda tuso shahaadada UDUB ku ansaxsan tahay, waa guddoomiye urur, maanta way dhacdeen oo ma jiraan. Markaa xisbi aan jirin muxuu doorasho ku gelayaa? Ayaa u ansixinaya?
Waxaannu Madaxweynaha mar labaad ka codsanaynaa annaga oo ogol shuruucda dalkayaga Madaxweyne Xeer-ilaaliyaha guud waanu u tagnay oo qoraal baanu u dhiibnay, hal sadar oo jawaab ah waanu ka la’nahay, Madaxweyne Guddoomiyaha Maxkamadda sare waanu u tagnay, Madaxweyne waxaannu u tagnay Baarlamanka oo aanu qoraal u gaynay, Madaxweyne waxaannu u tagnay Komishanka doorashooyinka ilaa hadda midna hal sadar oo jawaab ah kama hayno ee noo tilmaam hay’adda sharci ee aannu u tagno si aannu jawaab uga helno.
S: Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE dorraad mar uu u warramayey saxaafadda, waxa uu sheegay in nidaamkii keligii-taliska ahaa ee NSS-tii dalka laga tirtiray ay xukuumaddu dib u soo celinayso, iyadoo ardaydii dalkana basaasiin ka wada dhigtay. Urur ahaan sideed u aragtaan hadalkaa ka soo yeedhay guddoomiyaha?
J: Aragti kasta oo sidaa u dhigan oo KULMIYE soo jeediyo waannu la qabnaa.
S: Dr. Gabboose iyo Eng. Maxamed Xaashi waxaad tihiin laba shakhsi oo aan saaxadda siyaasadeed ee Somaliland oo waxaad leedihiin taariikh siyaasadeed, isla markaana waxaad soo qabateen xilal wasiirnimo. Arrintan ururka QARAN muddo ayey soo jiitamaysay meelihii kale ee aad tagneena waad ku soo hungowdeen ciddii wax go’aysayna sidaad sheegteen waa Madaxweyne Rayaale, waxaannu markii ugu dambaysay sheegay in aanay QARAN sharci ahayn. Labadiinan shakhsina dadku waxay yidhaahdaan waxaad tihiin laba nin oo madax-adag, ma idinka ayaa sii jeclaysanaya in aad yooyootanka sii wadaan?
J: Ma nihi kuwa madax-adag ee waxaannu nahay rag ku ad-adag xaqa, laakiin haddii madax-adaygu noqodo jidka toosan baad ku ad-adagtihiin, iyada ayaanu door-bidnay in nalagu tilmaamo, halkii nalagu tilmaami lahaa dhaameel, halkii nalagu tilmaami lahaa kabaha ayuu masaxaa iyo timaha ayuu garfeedha u mariyaa. Sharcigu ma Madaxweynahaa, waxaannu annagu rabnaa in nala qanciyo maha Madaxweynaha ee waa shuruucda dalka, waa hay’addaha sharci-dejinta iyo kuwa garsoorka, haddii ay na qancinwaayaan macangagnimadu halkay ka muuqanayso ee aan garta qaadanayn ayaa kuu muuqanaysa. SNM markii ay bilawday 1982-kii halganka, haddii 1988-kii maalintii ay aadka ugu adkayd ay yidhaahdaan waar waxan la gaadhi maayo, waxaan leeyahay xaqu ma laha waqti ay kugu adag tahay.
Jamhuuriya Online
No comments:
Post a Comment