Tuesday, January 15, 2008

Ururka Gurmad oo Wada Tabaabushaha Dhismaha Garoonka Magaalada Boorama







Ururka Gurmad oo Wada Tabaabushaha Dhismaha Garoonka
Casriga ah ee Ciyaaraha Kubadda Magaalada Boorama.

Boorama, (Harowo)
Ururka Gurmad oo ah urur ku hawlan dhismaha garoomada iyo dhanka ciyaaraha ayaa maanta 25 Lawdh oo dhagax ah ku rogay garoonka Biroole ee magaalada Boorama, halkaas oo bishii 9 aad laga sameeyay sees lagu soo wareejay garoonka.

Hadaba, sida uu saxaafada u sheegay wakiilka ururka Gurmad ee G/Awdal Jirde Axmed Rooble wuxuu yidhi hawshani waxay ka mid tahay hawlaha uu ururku mudaba ku hawlanaa, waa mid ay ugu diyaar garoobayaan ama u tabaabushaysanayaan sidii ay ay u hirgalin lahaayeen dhismaha Garoonka biroole, taas oo himilada iyo hadafka ururka Gurmad.

Ururka Gurmad ayaa waxa ku bahoobay dhalinyar reer Awdal ah oo qurbaha jooga, kuwaas oo u badan dhalinyaradii ka tirsanaan jiray Naadiyadii ka dhisnaan jiray G/Awdal wakhtiyadii ka horeeyay sagaashanadii iyo wakhtiyadii ka dambeeyayba, Inta badana waxay xooga saaraan dhiiri galinta dhanka ciyaaraha iyo dhiska niyada dhalinta jecel ciyaaraha, Dhalinyarada ururkani waxay wakhtiyadii hore u soo diri jireen kooxaha ciyaaraha ee ka dhisan G/Awdal dharka iyo waxyaabaha kale ee lagu ciyaaro. balse waxay bilaabeen sanadkii 2007 olole ay doonayaan in ay ku hirgaliyaan dhisme garoon ciyaareed oo ay yeelato magaalada Boorama, taas oo ay xooga saareen in garoonkii keli ahaa ee ka jiray magaalada Boorama oo dhulkiisii la boobay ay inta ka hadhay ka dhisaan dhisme garoon Caalami ah.

Si kastaba xaalku ha ahaadee ururka Gurmad markii uu qaaday ololaha iyo u diyaargarawga dhismaha garoonkaas Biroole ayaa dhanka kale waxaa iyaguna dadaal la yimid madaxda dawlada oo ay hormood ka tahay marwadakoowaad Huda barkhad, waxayna sees dhigtay oo ay ku soo wareejisay garoonka, hawshaas waxqabad oo noqotay mid dib u dhiiri gelisay dhalinta rajo la’aanta ka qabtay in garoonkaas Biroole faraha ka baxo, halkaas oo dad dhulka garoonka degenaana ay maamulka degmadu ka rareen. markasta oo dhalinyarada jecel coyaaruhu arkaan garoonka oo wax laga qabanayo waxa kordha Rajada iyo dib u soo noolayn ciyaaraha kubada ah. Jidhka iyo maskaxda dhalinyaradana kor ayay u qaadaan ciyaaruhu.

Hashim Goth

Boorama, Harowo, Sl

No comments: