Wednesday, January 23, 2008

Waxaannu Isleenahay Somaliland si Fiican Ayaad u iibiseen, Farriintiina Waad Gaadhsiiseen, Maraykankuna Innagama War La’a”















Shir-jaraa’id oo Madaxweyne Rayaale ku qabtay xarunta Madaxtooyada, kadib markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa shalay oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka iyo dadweyne tiro badan, ayaa waxa uu kaga warramay kulamadii uu la yeeshay madaxda iyo masuuliyiinta dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee uu socdaalka ku tegay.

Ugu horreyn, Madaxweynaha oo faahfaahinayey socdaalkiisii Maraykanka iyo masuuliyiinta uu la kulmay waxa uu yidhi; “Waanagii halkan ka baqoolnay aniga iyo xaynta wasiirrada ahi, safarkayaga waxaannu ka bilownay Ingiriiska, halkaas oo aannu kula kulanay Wasiiru-dawlaha u qaabilsan Afrika oo ah nin cusub, si fiican ayuuna noo soo dhaweeyey ninkaasi, waxaanuna ka wadahadalnay qaddiyaddeena oo ay ku jirto aqoonsigeennu iyo hadday tahay xagga horumarinta oo Ingiriisku wax innagala qaban karo.

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayey socdaalkii uu ku tegay dalka Britain iyo maxsuulka uga soo baxay shirarkii uu la yeeshay madaxda dalkaas waxa uu yidhi; “Waxa kale oo aad maqasheen qoladii halkan innoogu timi ee ahayd guddigii ka mid ahayd Baarlamaanka Ingiriiska oo uu madax ka yahay Allun Michael si fiican ayuu noogu soo dhaweeyey, subaxii oo dhana shir baannu lahayn, annaga oo la shiraynay xisbiyada kale duwan ee dalka Ingiriiska oo aannu kala hadlaynay sidii aannu qaddiyaddeenna ugu qancin lahayn iyo dadaalka ay ugu jiraan inay markastaba qaddiyaddeenna taageeraan. BBC-da ayaad ka dhegaysateen baan u malaynayaa Allun Michael waxa uu nagu martiqaaday fadhi Baarlamaanku lahaa oo su’aalo lagu waydiinayey Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Gordon Brown, halkaas oo su’aalihii uu ka jeediyey aad la socoteen, Ra’iisal-wasaaruhuna si dhab ah ayuu markii u horreysay uga jawaabay qaddiyadda Somaliland mawqifka uu ka qabo Ingiriisku. Wasiirraduna waxay la kulmeen qolyo kale oo iyagaa ayaa warbixin idinka siin doona. Waxaannu uga sii kicintanay safarkayagii Maraykanka, martiqaad dadban ayaanu ka haysanay Maraykanka, weli la inama aqoonsane, run ahaantii waxaan idiin sheegayaa in si fiican la noo soo dhaweeyey oo VIP nalagu soo dhaweeyey oo Airport-ka nalaga qaaday. Dawladda Maraykanka xafiisyadeedii ugu muhiimsanaa shirar baannu la yeelanay, hadday tahay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Baarlamaanka, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, gaashaandhigga iyo rag Madaxweynaha kala taliya arrimaha Afrika.

Haddii aan idiin soo ururiyo kulamadaas waxaan u arkayey runtii dad raba inay wax inala qabtaan, una baahan in aannu qudhayadu iswarsano. Waxaanan isleenahay farriintayadii waannu gaadhsiinay, si fiicanna way u qaateen dawladda Maraykanku. Meelo kale ayaannu ka qaybgalnay dad badan oo inoo ololeeya oo taageera qaddiyaddeenna iyo aqoonyahannada dalka Maraykanka oo dhammina shir bay noo qabteen aniga iyo wasiiradaba. Wasiirraduna waxay la shirayeen wasiirrada iyaga u dhigma, wasiirka caafimaadku, wasiirka caafimaadka ayuu ka kulmay, wasiirka caddalaaddu waxa uu la kulmay wasiirka caddaaladda, waxaanay kala wada hadlayeen dhammaantood sidii ay wax inoola qaban lahaayeen, wasiir-ku-xigeenka qorshayntuna waxa uu la kulmay qolada horumarinta.”

Isaga oo Madaxweynuhu ka hadlayey natiijada socdaalkiisii waxa uu yidhi; “Waxyaabahaas oo dhammi wixii nooga qabsoomay [safarkayaga] ayey ahaayeen, faahfaahin ka bixin maayo, laakiin waxaan idiinku soo ururinayaa inuu ahaa safar guul ku soo dhammaaday oo uu u yahay bilow wanaagsan innaga iyo Maraykanka xidhiidhkeenna mustaqbalka, waxaanan rajaynayaa mustaqbalka in waxyaabo badani ka soo bixi doonaan. Annaguna waxaannu isleenahay Somaliland si fiican ayaad u iibiseen, farriintiina waad gaadhsiiseen, Maraykankuna innagama war la’a sida aynu halkan uga haysano oo warkeenna way hayaan, wixii ka dhinnaa ee mugdi kaga jirayna in aannu u buuxinay ayaan filayaa, xidhiidhkanina halkaa kuma ekaanayo ee Insha Allaah wuu sii socon doonaa.

Waxa kale oo Madaxweyne Rayaale ka warramay kulamadii uu la yeeshay jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo waxyaabihii ay ka wadahadleen, “Jaaliyadaheenna ayaan la hadlay, waxay iwaydiinayeen way iwaydiiyeen, anna wixii aan u sheegayey ayaan u sheegay, laakiin halkaa waxaan ku soo arkay waxay kaga duwanaayeen reer Yurub dad xoogsanaya ayey ahaayeen. Yurub qaraamaad [caydh] ayaa la siiyaa oo inta badan meelahaas ayey iska fadhiyaan, laakiin meeshan [Maraykanka] meel la shaqaysanayo oo ninkastaaba xoogsanaayo ayey ahayd. Runtii dad badan baa halkaa waxbartay, ninkastaba dadaal ayuu ugu jiraa horumarka, America ilaa Canada ayey isaga yimaaddeen, waad garan kartaa dadku dalkooda inay jecel yihiin oo ay jeclaayeen in aannu la kulano, si fiican ayey noo soo dhaweeyeen aad baanan ugu mahadnaqayaa.”

Intaa kadib qaar ka mid ah su’aalihii ay suxufiyiintu waydiiyeen Madaxweynaha iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Afhayeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka hadalkiisii kadib waxa warsaxaafadeed ka duwan kaa hore soo saaray isla wasaaradda Arrimaha Dibedda. Markaa waxaad nooga warrantaa wixii ka dhacay meesha?

Jawaab: Horta kaa laftiisu [afhayeenka] war xun muu odhan ee warka uu yidhi, waxa weeye qarka uma saarnin aqoonsiga Somaliland. Haddii aad u fiirsato muu dafirin inuu Somaliland wax la wado, laakiin weliba dad innaga ina taageerayey ayaa su’aasha ku celceliyey ninkan, waxaannu ahaa nin hoose oo wax badan inuu sheego diyaar uma ahayn. Waa laga yaabaa taana inuu war dambe ka soo bixi doono, waayo dib ayaannu u wadahadalnay oo ninkaasi waxa uu ahaa nin yar oo cidla’ ah.

S: Safarkaaga Maraykanku waa kii ugu horreeyey ee aad ku tagto dalkaas, waxaana dadka qaarkood saadaalinayaan in dhinaca kalena ay kicin karto qaddiyad lid ku ah Somaliland. Dawlad ahaan maxaa idiinka meel yaal waad tagteen oo laga soo noqay sidii loo sii dhaafin lahaa halkii ay joogtay?

J: Waa run cadawgu wuu innagula jiraa, laakiin cadawgaasi way ogyihiin qolada Maraykanka iyo qolo kasta oo aannu la kulanay way ogyihiin kuwa aynu ishayno oo waxba inooma kala qarsoona, annaguna markaannu hadlayno farriintayada kama tagno oo meesha waannu dhiganay, waanuna daba socon doonaa haddii Alle yidhaa.

S: Masuuliyiinta ururka QARAN waxay tageen Gobolka Awdal, kadibna kulan ayey meel ku qabteen oo way hadleen, arrintaas sideed u aragtaa?

J: Horta kuwaasi sharciyad kuma fadhiyaan hore ayaanan u sheegay. Dadka uma diidayno in siyaasadda nin kastaaba damac u yeesho, taan annigu leeyahay qof kasta oo reer Somaliland ah ayaa xaq u leh, laakiin laba ayeynu kala dooranay; innaga iyo koonfurta Soomaaliya waxaynu ku kala duwanahay in aynu noqono oo dadkeenan waxaanu ku hoggaaminaynaa in dad sharci ku nool uu noqdo ee dad hebelo la ixtiraamo inuu noqdo dalkani maaha, haddii aynu hebelo ixtiraamno meel aynu u soconaynaa ma jirto, laakiin waxaynu ku ixtiraamaynaa dadka distoorka iyo sharciga inay u maraan damaca siyaasadda ee ay leeyihiin.


Jamhuuriya Online

No comments: