Monday, January 28, 2008

Wararkii Wargeyska Ogaal ee Caddadkii Maanta (Isniin) Halkan Ka Akhri.

Ciidamadii jiidda hore ee Puntland oo dib ugu jeestay, Islamarkaana qabsaday Garoowe

Garoowe (Ogaal/W.Wararka) – Ciidamo gadoodsan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, Islamarkaana ka mid ah ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa shalay xoog ku qabsaday Bangigaga dhexe iyo qaybo badan oo ka mid ah magaalada Garowe.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno magaalada Garoowe, ciidamadan ayaa badidoodu waxay dib uga bexeen aagagii ay isku horfadhiyeen ciidamada Qaranka Somaliland, waxana ku biiray ciidamo Boolis ah, waxana ay si wada jir ah ulla wareegeen Bangiga dhexe ee Caasimada maamul goboleedka Puntland ee Somaliya, iyagoo islamarkaana xidhay inta badan wadooyinka magaalada Garoowe.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca maamulka Garoowe, hase ahaatee, wararka arrintan la xidhiidhaa waxa ay sheegayaan in ciidamadani ka cadhoodeen, mushahar la’aan haysatay shantii bilood ee ugu danbeeyay iyo daryeel la’aan, iyadoo wasaarada Maaliyada ee Puntland-na Garoowe ku daabacata lacago farabadan oo faalso ah.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa sida ay faafisay shabakada wararka Garoowe waxa ay ka muujiyeen ciidankan cabsi xoog leh.

Gadoodka ciidankan ayaa ku soo begantey xili magaalada Garoowe uu ku sugan yahay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi, islamarkaana dadka qaar ayaa arrintan ku tilmaamay Inqilaab la doonayo in talada lagaga wareejiyo Cadde Muuse oo loo arrko in maamulku mudooyinkii ugu danbeeyay-ba maalinba maalinta ka danbaysa gacantiisa ka sii baxayay.

Dhinaca kale, sida wararka naga soo gaadhay Puntland ay sheegayaan Salaadiin iyo Issimo ka soo jeeda Gobolada Nugaal, Mudug ee Puntland iyo xubno ka soo jeeda Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku sugan magaalada Boosaaso, kuwaas oo la sheegay inay dhaqaale u raadinayaan ururinta ciidamo la dagaalama ciidamada Somaliland. Ka dib markii tiraba dhowr jeer ay ka fashilantay isku dayo iyo weeraro ay ku doonayeen inay dib ugu qabsadaan magaalada Laascaanood. Hase ahaatee, waxa loo arkaa in taana ay meesha ka saarayso gadoodkan intii ugu danbaysay ee ka sii hadhsanayd ciidamada Puntland ay dib ugu qabsadeen Garoowe.

Afhayeenkii Beelaha Hawiye oo la sii daayay iyo dagaalo hor leh oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Ugu yaraan sideed ka mid ah askarta Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay dhinteen, ka dib markii ay koox dabley ahi weerareen saldhig milatari oo ay ciidamada itoobiyaanku ku leeyihiin agagaarka magaalada Muqdisho, sidaana waxa lagu faafiyay shabakaddaha wararka qaarkood.

Sida ay wararkaasi sheegayaan dablaydani waxa ay si qarsoodi ahayd u galeen saldhigaa milatari, habeenimadii Sabtida, kaas oo ku yaala Afgooye, ilaa 30 km u jira magaalada Muqdisho. Isla markaana waxay rasaas ku fureen askar itoobiyaan ah oo ilaalo halkaa ka haysay, sida uu faafiyay Press TV. Askartii itoobiyaanka ahayd, ayaa iyana rasaas ku furay dablaydii soo weerartay, ka dibna ku khasbay inay halkaa ka cararaan. Tallaabadanina waxay ku soo beegantay xilli uu ra’iisal wasaaraha dawladda mbeghati soo daayay hoggaamiyeyaashii dhaqanka ee beelaha Hawiye, kuna xidhnaa dhawr bilood jeelka, ka dib markii ay jeelka u taxaabeen ciidamada itoobiyaanku.

Dhinaca kale, madaafiicda hoobiyaha ka dhacda, ayaa shalay lagu garaacay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku naf-waayeen laba qof oo shicib ahi. Warku wuxuu intaa ku daray in wax yar ka hor waqtigii ay madaafiicdu garoonka ku dhacaysay uu halkaa ka ambabaxay ra’iisal wasaaraha soomaaliya, si uu kulamo ugula yeesho magaalada Baydhaba wefti qaramada midoobay ka socda, oo Soomaaliya soo gaadhay.

“Waxa la igu yidhaahdaa, maxaad uga guursatay qabiilkaa?”

“Markaanu soo baxnay, ayaanu aragnay dad Guryahayagii gubey”.Haweenay ka waramaysa saamaynta uu ku yeeshay Qaska Kenya.

“Ubadkaygu waxay I waydiiyaan, mee aabahay?..Aniguna waxaan ugu jawaabaa..”

Chepkanga (Ogaal/AP)- “Lamuu soo hadlin, waraaqna uma soo qorin, Telefoonkiisii gacantuna toddobaaddaba wuu xidhnaa. Ka dib 17 sanno guurkoodii, Naomi Kering iyo ninkeedii way kala dhantaalmeen, ka dib markii ninkeeda lagu qasbay inuu ka socdaalo, oo uu tego meel aanay ka war haynin.. Sababtoo ah, dagaallada qabiilaysiga ku suntan ee ka socda dalka Kenya. Maxaa yeelay, Noami Kering qabiilka ay ka soo jeeddaa waa Kalenjin, halka uu ninkeedu ka soo jeedo qabiilka Kikuyu, oo cadaawadda ugu badani dhex taalo” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin ay Wakaaladda Wararka AP ka qortay carqaladaha iyo saamaynta ay qalalaasaha ka socda dalka Kenya ku yeesheen aasaaska reero cusub iyo sidoo kale Qoysaska dhisan ee ubadka leh.

“Ubadkaygu waxay I waydiiyaan, halkee tegay Aabahayo? Waxaanan had iyo jeer ugu jawaabaa, si dhaqso ah buu u soo noqonayaa’ Sidaa waxa tidhi Naomi Kering oo da’deedu tahay 34 jir. ‘Laakin, waxaan filayaa inuu iga raali yahay, sababtoo ah waan jecelahay, waxaanan aad u jecelahay inuu nabadgalo’ ayay intaa sii raacisay Kering.

Laga soo bilaabo bishii December 27-keedii ee sanadkii hore, markii ay bilaabmeen rabshadaha qabiilka isu rogay ee ka socda dalkaasi, qoysaska ka kala dhashay Qabiilada kala duwan, waxa soo gaadhay cadaadis iyo cidhiidhi ku qasbay qaarkood inay kala hayaamaan, si ay nabadgelyo u helaan, sida Naomi Kering iyo ninkeeda. Ha uguba badnaadaan, qoysaska mid ka mid ahi ka soo jeedo Qabiilka Kikuyu-da ee uu u dhashay Madaxweynaha magacaabistiisa jagada Madaxweynenimo dhibta keentay, isla markaana kursiga uu mar labaad fuulay ay keentay mawjadaha dhiigga ah ee qulqulaya Magaalooyinka Kenya, laguna dilay dad ka badan 685 qof, ee Mwai Kibaki. Guurka nooca lammaanahan Kering iyo ninkeeda oo kale ahi, waxa uu astaan iyo calaamad u yahay rejada laga qabo in dalka Kenya noqdo Qaran. Hase ahaatee, hadda Qabiilooyinka dirirsan ee dalka Kenya, waxay meesha ka saaraysaa inay midoobaan ama ay Qoys alkumaan lamaaane sita Kaadhadhka Qabiilooyinka amaba ka soo kala jeeda laba qabiil oo kala duwan. ‘Doorashooyinkani waxay beddeleen aas-aaskii dhabta ahaa ee guurka’ Sidaa waxa yidhi Charles Kirui, oo ka mid ah koox kaalmo u fidiyay boqollaal qof oo Qabiilka Kikuyu-da ah, Magaalada Burnt Forest ee dalka Kenya. ‘Guurka waxa burburiyay khilaafaadka qabiilooyinka u dhaxeeya, kuwaas oo dhib wayn ku haya Kenya’ ayuu intaa sii raaciyay Charles.

Naomi Kering waxay sheegtay inaanay waligeed maanka gelin ama aanay ka fikirin in qalalaasaha taagani khal-khal iyo halis doono guurka iyada iyo ninkeeda Isaaq Guthua. Kuwaas oo in ka badan 15 sanno jacayl iyo nolol-wadaag ka dhaxeeyay. Markaas oo bar bilowga guurkoodu uu ahaa, markii uu ku arkay goob Koofeerka Timaha dumarka loogu qaabeeyo ah oo ay ka shaqaynaysay.

Habeenkii lagu dhawaaqay natiijooyinka Doorashooyinka dalkaa ee rabshadaha horseeday, ayuu Isaaq u sheegay gabadhiisa inaanu sii joogi karin. Sababtoo ah, qabiilka uu ka soo jeedo ee Kikuyu-da waa la dilayay , lana ugaadhsanayay. Markii ay Naomi cashadii samaysay, ayaa Mr. Isaaq Guthua oo daawanaya Warkii TV-gu, waxa uu maqlay qaylo iyo sawaxan aad u daran oo ku soo fool leh gurigiisa iyo guryaha reero ay isku qabiil yihiin, oo ay ka mid yihiin laba wiil oo ay walaalo yihiin Isaaq, isla markaana Xaasaskoodu yihiin Qabiilka Kalengjin ee ay ka soo jeeddo Xaaska Isaaq. ‘Markii aanu dibedda u soo baxnay, waxaanu aragnay dad tiro badan oo qoryo Dab ah sita, waxaanay gubeen Guryahayagii’ sidaa waxa tidhi Mrs Naomi. Sidaa darteed Mr. Isaaq oo ogsoon in gabadhiisu ku nabadgelayso guriga, maadaama aanay ahayn qabiilka uu ka soo jeedo, lana ugaadhsanayo ee Kikuyu, waxa uu Xaaskiisa kula dardaarmay inay ubadka daryeesho, siina hayso. Kuwaas oo da’doodu kala tahay, 8 jir, 15 jir iyo 17 jir. Dabadeed isaga iyo labadii Wiil ee ay walaalaha ahaayeen, Steven iyo Mwangi, way baxsadeen. Iyaga oo aan ilaa hadda ku soo noqon guryahoodii. ‘Waligayo maanu arag dhib, ka hor Doorashooyinkan’ sidaa waxa tidhi Naomi gabadhii ay dumaashiyaha yihiin, isla markaana jaarka yihiin Eunice Kinyanjui. Waa 27 jir, waxaanay leedahay Uurka ilmihii labaad ee ay u yeelato Isaaq walaalkii Steven Guthua. Kaas oo ay wada noolaayeen muddo saddex sanno ah. ‘Si nabdoon ayaanu u wada noolayn, ka hor burburkan’. Waxaanay ku dhex noolaayeen bulsho aan daryeel lahayn. ‘Dadka halkan joogaa waxay yidhaahdaan, maxaad uga guursatay qabiilkaa?’ ayay tidhi Eunice. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, ‘Hadda qiimo kama lihiin Bulshada dhexdeeda, nalamana hadlaan’

Naomi Kering iyo Eunice Kinyanjui, labadooduba waxay ku rejo wayn yihiin in raggoodu nool yihiin. Naomi Kering, ayuu ninkeedu la soo hadlay laba maalmood ka dib markii uu qaxay. Waxaanu u sheegay inuu doonayo inuu tago Nairobi, oo masaafo ahaan 200 Mayl u jirta goobta ay joogto. Hase ahaatee, Eunice ninkeedii lama soo hadlin, balse wuxuu u sheegay intii aanu tegin in mar uun ay kulmi doonaan. ‘Waxaan aaminsanahay in maalin uun iyo mar uun uu iman doono’ ayay tidhi Eunice, oo ay dhabanadeeda qooyeen ilmo ka da’aysay indhaheedu.

Ma jirto tirada qoysaska ay saameeyeen noloshoodii rabshadahani, oo si sugan loo hayaa. Hase ahaatee, saamaynta ugu badan ee dhinaca qoysku, waxay soo gaadhay dhulka ay degaan qabiilooyinka Mucaaradka ahi, ee galbeedka dalka Kenya. halkaas oo kacdoonada ugu badani ka dhaceen.”



Hargeysa: Kormeerkii Xildhibaanada iyo xog warrankii taliyaha Boliska

Hargeysa(Ogaal) - Afar xubnood oo ka tirsan guddi Hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kormeer xaqiiiqo raadis lagu tilmaamay ku tagay Xarunta Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada Gudida joogtada ah ee aqalka odayaasha, waxa xarunta ciidanka Booliska ku qaabilay, Taliyaha ciidanka Booliska Gen Maxamed Saqadhi Dubad, waxana uu Gudida tafaasiil ka siiyay sida la sheegay xaalada nabadgelyo ee dalka iyo habsami u socodka hawl maalmeedka ciidamada Booliska.

Gen Maxamed saqadhi Dubad, waxa uu sheegay in dhawaan ay Boolisku Gobolka Hargeysa ay ka fuliyen hawlgal lagu sugayo ammniga waxna lagaga qabanayo falalka tuugta, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen dad si gaar ah loo bartilmaameedsanayay oo ka ganacsada mukhaadaraadka. “Waxa aanu hawlgal ciidamada Boolisku qaadeen aanu ku soo qabqabanay tuug dhaqan ka dhigtay inay dadka xiliyada habeenkii ku baadhaan xaafadaha magaalada Hargeysa dhexdooda, waxana aanu ku guulaysanay in aanu gacanta ku dhigno dhalinyaradii dadka ka furan jiray Mobile-ada” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu. Waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Xaalada nabadgelyada dalku sida kale aad iyo aad ayay u fiican tahay, booliskuna hadh iyo habeenba waa u heegan sugida nabadgelyada iyo la dagaalanka badeecadaha sida kootarabaanka ah dalka lagu soo geliyo”

Gudida joogtada ee golaha Guurtidu ayaa taliyaha ciidanka Booliska uga mahad naqey warbixinta dhinaca nabadgelyada la xidhiidha ee uu ka siiyay xaalada dalka, waxana la filayaa inay macluumaadkii ay ka heleen taliska booliska ay u gudbin doonaan Golaha guurtida, marka uu u furmo kalfadhigii 35-aad 1-da bisha febaruary ee fooda inagu soo haysa.



Dalalka Caalamka ugu Musuqmaasuq badan

Dubai (Ogaal/W.Wararka)- Shir lagaga hadlayay Musuqmaasuqa iyo heerarka waddamada Caalamku ka kala taagan yihiin, laguna qiimaynayay kala sarraynta waddamada ee Musuqa, isla markaana lagu qabtay Magaalada Bali ee dalka Indonesia, ayaa laga soo saaray warbixin lagu muujiyay siday waddamada Caalamku ugu kala horeeyaan Musuqa.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen in ka badan 100 waddan, oo la filayo inay ka qayb galaan Shirka lagaga soo horjeedo Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay. Kuwaas oo ka soo saaray Liis qiimayn ah.

Liiska Waddamada Caalamka iyo siday ugu kala horeeyaan Musuqmaasuqa, ayaa waxa kaalinta koowaad ka galay dalka Somalia oo la sheegay inuu yahay dalka ugu Musuqmaasuqa badan Caalamka. Iyaga oo kaalmaha labaad iyo saddexaadna ay galeen waddamada Myanmar iyo Ciraaq.

Liiskan hoos ku qoran, ayaa qiimaynta xaddiga Musuqmaasuqu wuxuu u kala badan yahay, sida ay Lambaradu u kala yar yihiin. Tusaale ahaan, waddanka Finland oo xaddiga Musuqu yahay 9.4, wuu ka musuqmaasuq yar yahay dalka Somalia, 1.4 ayaa la sheegay in xaddiga Musuqu yahay.

Waddamada ugu Musuqa badan:

Somalia: 1.4

Myanmar: 1.4

Iraq: 1.5

Haiti: 1.6

Uzbekistan: 1.7

Tonga: 1.7

Sudan: 1.8

Chad: 1.8

Afghanistan: 1.8

Laos: 1.9

Norway: 8.7

Waddamada ugu Musuqa yar:

Denmark: 9.4

Finland: 9.4

New Zealand: 9.4

Singapore: 9.3

Sweden: 9.3

Iceland: 9.2

Netherlands: 9.0

Switzerland: 9.0

Canada: 8.7



Wiil reer Somaliland ah oo lagu dilay London

London (Ogaal/W.Wararka) -Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Fu'aad Axmed Buraale ayaa Sabtidii todobaadkan lagu dilay galbeedka Magaalada London.

Wiilkan oo sida la sheegay dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka Sool ee Somaliland waxa la sheegay in ciidanka Bolisku heleen maydkiisa subaxnimadii hore ee Sabtidii ee 26-kii bisha.

Wiilkan oo da’diisa ahayd 21-jir., waxa uu geeriyooday ka dib markii sida Booliiska laga soo xigtay looga yeedhay beer lagu magacaabo, Dean Gardens, West Ealing, ee magaalada London. Sida lagu faafiyay shabakadaha wararka ee Intarnetku, waxa markaa ka dib Marxuunka loola cararay isbitaalka oo uu 40 daqiiqo ka dib ku geeriyooday. Waxa warku intaa ku daray in wiilkan ay ku yaaleen dhaawacyo madaxa ah oo u muuqday in shay Bir ah ama adag lala dhacay.

Ciidamada Boliska ayaa bilaabay baadhista falkani,

Maxaad ka ogtahay Dhaq-dhaqaaqa

Dekedda Berbera ee Sanadkii dhammaaday

Hargeysa(Ogaal) - Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) ayaa sheegay in badeecadaha ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay kordheen sanadkii tagay ee 2007.

Maareeyaha dekada Berbera oo shir Jaraa’id ku qabtay shalay xafiiskiisa Dekeda Magaalada Berbera, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyay dhaqdhaqaaqa dekada ee Sanadkii aynu soo dhaafnay, isaga oo tilmaamay in sanadkii ina dhaafay ee 2007 marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2006 ay ku kordheen Albaabta ka soo degtay dekada Berbera 1300 oo Koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degayna ay kaga kordhey sida uu sheegay 80,000tn.

Cali Xoor-xoor waxa uu sheegay oo kale in dhoolaha ka dhoofay Dekada sanadkii dhamaaday ay ku korodhay tiro gaadhaysa, hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbar dhigo tirada xoolaha sanadkii ka horeeyay ee 2006 ka dhoofay.

Shirka Jaraa’id ee maareeyuha dekada Berbera kaga xog-warmay, dhaqdhaqaaqa Dekadaasi ayaa ah warbixin sanad le ah oo Cali Xoor-xoor sanad kasta bilowgiisa kaga waramo xaalada Dekada Berbera, Islamarkaana waxa uu warbixintiisan ku xusay Maareeyuhu inay sanadkan dekeda meelo ka mid ah ku kordhiyeen dhismooyin cusub, una soo iibiyeen qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.

Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaaliha toona.

Ghana: Angola oo kaga yaabisay Senigaal & Tuuniisiya jiidhay K/Afrika

Tamale, Ghana – Qaab-ciyaareed dardar hor lehi ay ku dheehan tahay, oo ay la yimaadeen Xulka Qaranka Angola qaybtii labaad ee kulankii xalay ay la yeesheen Xulka Senigaal, ayaa u horseeday inay kooxdaa dhinacooda dhulka dhigaan, ka dib markii ay ku jiidheen 3-1, halka Xulka Qaranka Tuuniisiyana ay sidoo kale ku jiidheen Xulka Qaranka Koonfur Afrika 3-1, ka dib kulamadii Guruubka D ee tartanka ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika, oo ay kooxahaasi ku wada yeesheen Magaalada Tamale, ee dalka Ghana.

Weeraryahanada Reer Tuuniisiya ee Santos iyo Chaouki Ben Saada, ayaa u kala xaqiijiyay saddexda gool ee ay guushu ku raacday, halka uu laacibka Katlego Mphela, ee kooxda Koonfur Afrika daqiiqadii 88aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa goolka madiga ahaa ee ay garoonka kala baxeen. Kulankaasna inay guulaystaan kooxda Tuuniisiya aad bay ugaga dhawayd kooxdii ka soo horjeeday, oo ay ka muuqatay kala daadsanaan badan iyo isku-xidhnaansho la’aani.

Dhanka kale, inkasta oo uu ciyaaryahanka reer Senigaal ee Abdoulaye Faye kooxdiisa Senigaal u dhaliyay goolkooda 20 daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay, haddana firfircoonaantii uu la soo noqday abaare qaybtii labaad ee kulankaas laacibka reer Angola ee Manucho Goncalves, ayaa sababtay inuu shabaqa kooxda Senigaal ku ruxo laba gool, halka ciyaaryahanka Flavio Amado uu uga raaciyay goolka saddexaad, ka dib markii Xulka Qarankan Afrikadda Koonfureed ay hoggaanka u qabteen kubadii kulankaas. Laacibka El-Hadji Diouf, oo ay ahayd inuu lugta biddix ku laado kubad afka hore ee goolka kooxda Angola la soo dhigay, ayaan fursaddaas ka faa’iidaysan. Goolhaye Sylva ee kooxda Senigaal, oo isku buuqsanaa ayaa aad ugu degdegayay inuu qabto dhawr kubadood oo koone laga soo laaday, balse markii uu soo tufay, waxa caawiyay oo khatartaa ka badbaadiyay difaacayaasha kooxdiisa. Inkasta oo ay ciyaaryahanada kooxda Senigaal xalay fursado badan helayeen, haddana midkoodna ugama faa’iidaysan sidii la doonayay, waxaanay garoonka aakhirkii kala baxeen iyaga ka laalaada dhibicdii ay barbaraha kula soo galeen kooxda xulka Tuuniisiya. Sidaa daraadeed, Kooxaha Koonfur Afrika iyo Senigaal, oo labadooda guuldarrooyin fool-xumo ahaa xalay loo xambaariyay, ayaa iskaga horiman doona min kulankooda saddexaad, hase ahaatee, aad bay u yartahay rajooyinka ay labada kooxoodba ka qabaan inay gaadhaan wareega rubuc-faynalka, maadaama kooxaha kale ee ay ku wada jiraan Guruubka D ee Tuuniisiya iyo Angola ay haatan haystaan min afar dhibcood, halka labadoodu ay ka haystaan min dhibic.

Angola iyo Tuuniisiya oo iyagu wada yeelanaya kulankooda saddexaad, ayaa natiijada ciyaartaa ku ilaashan kara inay barbaro ku kala baxaan, balse midkoodna ma ogolaan doonto in laga guulaysto, maadaama kooxaha Koonfur Afrika iyo Senigaal tii guulaysataa ay yeelanayso afar dhibcood.

No comments: