Monday, January 14, 2008

Gudida Nabad Gelyada Gobalka Togdheer iyo Saraakiil Ethiopian oo Ku Kulmay Gaashaamo















Written by Yusuf Ibraahim Warsame
Monday, 14 January 2008

ImageBurco(Hormoodnews)Gudida Nabadgelyada Gobalka Togdheer iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Dawlada Ethiopia ayaa maalintii shalay ka soo saaray Degmada Gaashaamo Heshiis ku saabsan Iskaashiga iyo wadashaqaynta dhinaca Nabagelyada ee jiida ay wadaagaan labada dal.

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa maanta Saxaafada u sheegay ka dib markay ka soo laabteen kulankan inay gudida nabadgelyada ay ku kulmeen Degmada Gaashaamo madax sare oo ka tirsan dhinaca Sirdoonka wadanka Ethiopia iyo weliba madaxda Degmada Gaashaamo kuwaas oo ay ka wada hadleen qodobo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa Amaanka Labada Dal.

Gudoomiyaha waxaa kale oo uu cadeeyey in madaxda Ciidan ee Ethiopian ka iyo Gudida Nabadgelyada isla qaateen in kulankan oo kale uu qabsoomi doono Bil kastaba si joogto ah, isla markaana in si hufan laysaga kaashado Sugida Aminga, Xuduuda labada Dal iyo weliba labada Shacbi.

Kulankani waxa uu ka danbeeyey sida uu sheegay Gudoomiyaha ka dib markii Masuuliyiinta Gudida Nabadgelyada u anbabaxeen dhinaca Degmada Gaashaamo oo ka tirsan Maamulka Soomalida ee Kililka Shanaad kaasi oo sabab u ahaa dalab ka yimid dhinaca madaxda Ciidanka Ethiopia.

Geesta kalena kulankani waxa uu daba socdaa kulamo waqtiyadii la soo dhaafay labadan dhinac ku yeeshaan Degmada Gaashaamo si laysu dhaafsado hadba arimaha taagan.

No comments: