
“nagama qabato Maamulkan khuurinaya"!!
Iyada oo marka horeba, la macno garan la'aa, ujeeddada
iyo ka jeeddada Maamulkan maalinta iyo habeenku isugu
midka yihiin, meel uu ka socdo iyo meel uu ku socdo,
midnaba aan la garaneyn, ayaa maantana Wasaaraddii
Waxbarashadu, xadhig lama garaacaan ah ka tuntay
heesta!!. Wasaaraddii aynu u igmannay Aqoonta iyo
barbaarintu, waxay ku kacdey gaf aan sinaba loogu
dulqaadan kareyn oo ah in ay Manhajkii Fasallada
Siddeedaad ee Dugsiyada dhexe ee Somaliland ka saarto
taariikhdii Halgankii SNM ee dib u soo celiyey
karaamadii iyo Dalkan aynu ilaa sidii Alle inoo uumay,
aynu hadba cid ka dhicineynay!!
Buuggan Taariikhda ee Sannadkan daraasiga ah 2007-2008
loo qaybiyey ardeyda, oo ay iska kaashadeen Somaliland
iyo UNICEF, waxa ay si toos ah farta ugu fiiqeysaa in
ay jirto siyaasad ka qarsoon bulshada oo Maamulka iyo
Hay'adaha Dawliga ahi isla ogyihiin oo qarsoodi ahi
jirto. Ereyada Cinwaanka maqaalkan oo uu ku hadley,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mr. Cali
Cabdi Odowaa, oo koox weriyeyaal ah oo Jamhuuriya ka
socdey , uu iskaga soo riixay Wasiirka Waxbarashadu
Mr. Xasan Xaaji Maxamuud,maaha jawaabtii uu Mas'uul
Wasaarad qaran ku hadli lahaa!! Haddii uu Wasiirkii
Waxbarashadu iskaga riixo Agaasimaha Guud wax uu
ogyahay, kii loo igmaday in uu ka warbixiyo arrintana
yidhaahdo "War uma hayo, waxna kama sheegi karo,
Qarannimooy xaggee baad naga xigtaa!! Yaa wax la
weydiiyaa, ee sababta jiritaanka sababeysan ee
Dawladdan Somaliland looga tirtirey Manhajkii
waxbarasho oo macneheedu yahay, Somaliland diidnimo
aan geed loogu soo gabban yaa ka mas'uul ah?!!
Arrintanu ma sahlana, marka lala akhriyo, lacagta
Federaalka ee ka socota Togdheer, Sanaag iyo Sool,
Adhiga iyo shidaalka u xidhan Jabuuti, Xuduudaha Furan
iyo Dhulka aan weli Maamulka Somaliland la gaadhsiin.
Wasaaradda Waxbarashadu haddii aanay si dhakhso ah u
sababeyn waxa looga saarey kow iyo tobankii Cutub ee
taariikhdii Halgankii SNM , cudur-daarna ummadda ka
siin, aragti aan wanaagsaneyn oo cawaaqib xun leh ayaa
ka iman doonta. Sooyaalka taariikheed ee SNM, waa lama
garaacaan, waa sabab dhab ah oo sharciya oo jiritaanka
Somaliland u marag ah, iyada oo uu Halgankaasi ka
dhashay, Xasuuqyo, tacaddiyo, caddaalad darro, boob
iyo dhac dadkii dhulka lahaa loola yimid, hay'ad
Somaliland ahna loogama fadhiyin in ay horseed ka
noqoto baabi'inta Taariikh lama illaawaan ah, Adhiga ,
Geela, Guriga , dhirta, ciidda iyo dhulkuba
Muujinayaan soo yaalkeeda weligeedna jiri doonta.
Aqoon yahanka Somaliland weli ma is-weydiiyeen
xidhiidhka Hay'adahan qarumaha midoobey ka socda ee
Kiiniya saldhiggoodu yahay, Dawladdan kuraasida Madax
ku sidata ee imbegaatina Abeesada Madaxa ugu soo
duubey Nayroobi, ee aan meel ay dalkii Somaliyaba ka
fadhiisatoba lahayn iyo Dabarkan Somaliland ku xidhan
iyada oo Nabadgelyo iyo hay'adihii Maamul oo u dhan
leh siddeed iyo tobanka sannadood hore iyo dib toona u
socon la' inay isu il-jebinayaan!! Maamulkanu daacad
kama aha Geeddi-socodka Siyaasadeed ee Somaliland,
kuna xidhan yahay Ictiraafka Dawliga ahi ee bal dib u
eega sooyaalkiisa!! Kambeynka qarsoon ee jaalliyadaha
Dibadda la doonayo in lagu mideeyo, Dalkan hore iyo
Dib toona u socon la' iyada oo wax haystaa jirin,
Taariikhdan SNM ee Xataa Wasaaraddii hirgelin lahayd
ku barbaarinta ubadku kaba saartey Manhajkii
waxbarasho bal adba!! Haddii aan Wasiirkii iyo
Agaasimaha Guudba ka warhayn arrintan xassaasiga ah ee
Manhajka ay ka mas'uulka yihiin oo aan la aqbali
kareyn ee muujinaya amar awood ka sarreysaa bixisay in
uu yahay, berritona, heshiisyo ka daran sow la inna
odhan maayo, war uma haynno!!?
Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa.
No comments:
Post a Comment