Thursday, January 3, 2008

Diyaarad Aan Duuliye Lahayn Oo Cilad Farsamo Darteed U Fadhiisatay Deegaanka Laas Qoray iyo Dareenada Shakiga Leh ee Ku Xeeran

Published Jan 02, 2008

Laasqoray(Geeska)
Diyaarad aan haybteeda la garan oo la sheegay inay tahay nooca wax basaasa ayaa maalinimadii doraad dul fadhiisatay deegaanka loo yaqaan Xaydhanyeele oo qiyaastii 25km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag...

Diyaaradaasi lama sheegin ilaa hadda cid la socotay, waxaanay dadka deegaanku sheegeen inay halkaas cago dhigatay ka dib markii sida la aaminsanyahay ay cilad farsamo ku timid, waxaanay xuseen inay tahay nooca aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalo inay xog dheeraad ah ka qaadaan Dhulka dushiisa.

Diyaaradaas ayaa waxa saacado ka dib markii ay goobtaaas fadhiisatay u timid diyaarad kale, taas oo rag la socday ay ka furfurteen qalabkii muhiimka ahaa.
Sida ay dadka deegaanku sheegeen diyaaradaasi waxa ay leedahay calaamado u dhow calaamadaha dalka jarmalka, waxaana ku rakiban kamaradaha wax sawira, “Waa diyaarad yar oo ay qaadi karaan dhawr nin, waana nooca aan duuliyaha lahayn.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah deegaanka Laasqoray oo Geeska Afrika xalay kula xidhiidhay khadka Telefoonka, waxaanu intaas ku daray, “illaa hadda ma garanayno meel ay ka timid iyo ujeedadeeda toona, laakiin waa nooca wax basaasa, mana laha wax duuliye ah, waxaanay leedahay kamarado.”

Maamulka Gobolka Sanaag

Maamulka gobolka Sanaag oo aanu xalay la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino diyaarada deegaanka Laasqoray dul fadhiisatay, waxa ay sheegeen inaanay ilaa hadda war rasmi ah ka hayn, waxaanay sheegeen inay u direen laba baabuur oo ciidan iyo saraakiil war bixin ka keenta ah, “Sidaas daraadeed.” Ayay maamulka gobolku yidhaahdeen, “Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo aanu ka haynaa, laakiin marka aanu xogta helno ayaanu war rasmi ah bixin doonaa.”

Dareenka guud ee Deegaanka

Inkasta oo ay dadka reer Laasqoray dul tageen diyaaradaas deegaankooda fadhiisatay, haddana waxa jirta cabsi weyn oo ay dadkaasi ka qabaan diyaaradaas iyo ujeedadeeda. Dadku deegaanku waxa ay aaminsanyihiin in diyaaradani tahay mid waday hawlo basaasnimo, waxaanay saadaalinayaan inay ka soo kacday mid ka mid ah wadamada jaarka la ah Somaliland.

Souce: Wargeyska Geeska Afrika, o­nline Version...

No comments: