Written by Qarannews.
Jan 13, 2008 at 04:30 PM
Washington (Qaran)-Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaain, ayaa maalintii shalay hayad ee sabatidii, bishuna ahayd. 11-01-08 lagu marti qaaday in la soo tuso meelaha taariikhiga ah ee wax ku oolka aah ee Caasimadda Washington DC. iyo hareeraheeda.
RayUSA16
Madaxweynaha oo ay horkacayaan ilaalo gaar ah oo Dawladdu Maraykan u qaybisay Weftiga Madaxweynaha Nabadgelyadiisa ayaa la soo mariyey meelo ay ka mid yihiin, Mount Vernon, oo ay ku yaalaan gurigii iyo beertii Madaxweynihii koowaad ee Ray USA 20
Dalka Maraykanka George Washington, Magaalada Faca weyn ee Alexandria, Togga Potomac ee Magaalada Dhexmara iyo rugta Xuska ee Madaxweynihii hore ee Magaca weynaa Abraham Lincoln,( Lincoln Memorial) iyo rugta Xuska dadki ku dhintay Dagaalkii Vietnam iyo gobo kale oo muhiima oo ka mida Magaalada Washington DC.
Weftiga oo ka soo degay gegida Diyaaradaha ee , Dulles International Airport, kadib markii ay soo dhammaysteen socdaalkii shaqo ee ay ku joogeen Dalka Boqortooyada Ingiriiska. Waxa Weftiga qolka VIP-ga Madaarka Dulles ku soo dhaweeyay hawlwadeeno ka tirsan Dawladda Maraykanka oo uu horkacayey kal-kaaliyaha ku xiggeenka Wasiirka Khaarajiga ee Dhinaca Africa, Mudane, James Sworn, Saraakiisha habmaamuuska iyo Ilaalada khaashka u ah ilaalinta Madaxda, ( Diplomatic Security).
Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasirka Wasaaradda Caafimaadka, Cabdi Haybe, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane, Axmed Xassan Cali, Wasiir ku Xiggeenka Qorsheynta Qaranka, Mudane, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, waxay gudo gali doonaa kulamadii rasmiga ahaa maalmaha soo socda.
Allaa Mahad Leh
Sacad Sheekh Cismaan Nuur
Wakiilka Xafiiska Somaliland ee USA.
Last Updated ( Jan 13, 2008 at 06:25 PM )
No comments:
Post a Comment