Wednesday, January 23, 2008

Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Waxbarashada Dadban oo Somaliland Laga Hirgelinayo












Hargeysa (Jam)-
Qaybtii koowaad ee mashruuca habka waxbarashada dadban ee raadiyaha oo wax lagu bari doono ardayda Somaliland oo socon doona muddo 10 bilood ah, ayaa shalay si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarasha Md. Cali Cabdi Odowaa, ayaa shalay ka furay huteelka Dalxiis tababar hordhac u ah mashruucaasi oo lagu tababarayo 340 macallin oo ka kala yimi saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil, waxaana lagu bari doonaa qaabka loogu gudbinayo ardayda waxbarashada dadban ee raadiyaha. Mashuurcaas waxa maagelinaysa hay’adda EDC, waxana fulinaya hay’adda wadaniga ah ee NOFEN.

Mashruucan waxa ka faa’iidaysan doona arday tiradoodu gaadhayso 15 kun arday oo ku dhaqan dhammaan gobolada Somaliland, kaas oo dhiirrigelin doona ardayda da’da yar yar ee waxbarashada heerka aasaasiga ah ku jirta inay laasimaan dugsiyada, isla markaana si sahlan u heli doona casharada, iyada oo loo adeegsanyo qalab casri ah.

Md. Cali Cabdi Odowaa oo furitaankii tababarkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in mashruucan raadiyaha wax lagu baranayaa uu tusaale u yahay in tacliinta Somaliland horumartay. Waxa kale oo uu tilmaamay in badi macallimiinta ka qaybqaadanaysa tababarka mashruucan ay yihiin qaar aad u da’ yar oo xooggii dalka ah.

“Tababarkani waa mid ku wanaagsan in aad wax ku barataan, idinkuna ardayda wax ku bartaan, waxyaale kale oo fara badan ayaa inoogu xigi, cilmiga waqtigan la joogo ilaa heer jaamacadeed adiga oo gurigaaga jooga ayaa wax lagu bartaa, waa tegnoolajiyada cusub ee la marayo. EDC waxay ka mid tahay hay’adda sida tooska ah ula shaqeeya wasaaradda, aadna waannu u jecelnahay, sababta oo ah waxay keeneen wax ka duwan qaabkii hore ee ardaydu wax ku baran jirtay,” ayuu yidhi Agaasimuhu, waxaannu intaa raaciyey, “Waa in aynu xil iska saarno oo sidii caadada inoo ahaan jirtay ee marka aynu tababar ama cilmi isugu nimaadno marka uu dhammaado miisaska aynu kaga tagi jirnay, taa waxaan u malaynayaa in aynu ka gudubnay.”

Guddoomiyaha hay’adda waddaniga ah ee NOFEN oo ah iyadu fulinaysa mashruucan Cabdirisaaq Aadan Yuusuf, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyey mashruucan oo uu sheegay inuu muddo sannad ku dhaw uu socon doono. Waxaannu kula dardaarmay macallimiinta inay ka faa’iidaystaan fursadan oo gaadhsiiyaan ardaydii ay waxbarayeen.

“mashuurcan oo ah mid ay ka qaybqaadanayaan 340 macallin, wuxuuna socon doonaa muddo 10 bilood ah, waxa macallimiinta lagu tababari doonaa raadiyayaal (mobile education program.) Waxaan u soo jeedinayaa macallimiinta in casharada ay halkan ka qaataan kula noqdaan dugsiyadii iyo ardaydii aad waxbarayseen si hawshani u noqoto mid dhaxalgal ah,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Aadan Yuusuf.

Cabdishaakir oo ah la taliyaha dhinaca waxbarashada ee hay’adda EDC oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucan oo ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashadu yahay mid aad muhiim u ah, isla markaana hore ugu tababareen 261 macallin, kuwaas oo boqolkiiba saddex iyo labaatan (23%) ahaayeen dumar, fursadanina tahay tallaabo kale oo lagu tababarayo macallimiin kale. Waxa kale oo uu xusay in habka la adeegsanayo ee raadiyuhu aannu ahayn manhaj, laakiin uu yahay qaab la adeegsanayo oo ah mid aad ugu wanaagsan ardayda iyo macallimiintaba.

Faadumo Xuseen Xirsi oo ah madaxa qaybta jinsiga ee Wasaaradda Waxbarashada “Waxaa jeclaan lahaa maadaama aan ka shaqeeyo xafiiska jinsiga in hablaha macallimiinta ah oo aan badnayn in la badiyo,” ayey tidhi Marwo Faadumo Xuseen, waxaanay gabdhaha ka shaqeeya hawlaha waxbarashada u soo jeedisay inay dadaal badan muujiyaan sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen kobcinta garaadka hablaha ardayda ah.


Jamhuuriya Online

No comments: