January 13, 2008
Wax Soo Saarka Somaliland.
Bulshooyinka qaar waa kuwo horumaray,waana qaar ka horumaray dhinac aqooneed, iyo dhinac wax soo saarba,bulshooyinka qaarna waa kuwo dabo socod ah,waa qaar danbeeya, waana qaar suga uun waxa wadamo kale soo sameeyaan.
Waa dhibaato halkeeda taala haddii aad noqoto qof ku xidhan had iyo jeer wax dad kale soo sameyneyaan, maanta waxaad arkeysaa bulshooyin badan oo loo soo iibgeeyo ,qalabo iyo alaabo wadamo kale sameysteen, maxaa yeelay way sameysan kari wayeen. waxaana wali ilaa hadda ka maqan dadaalkii ay halkaasi oo kale ku gaadhi lahayeen.
Haddii aad isku xidho cid kale, iyaga ayuunbaad u dabranaan. Haddiise aad iskaaga wax u qabsato maalin uun baad gaadhi halka dunida horumartay soo taabatay.
Somaliland waxay ka mid tahay meelaha inta badan ku nool alaabaha dibada laga keeno, waa wadan waxa soo galaa inta badan ay yihiin wax dibada lagu soo farsameeyey,nooc kasta oo ka mid ah alaabada iyo cunooyinkuba inta badan waxa ay inooga yimaadaan dibadaha. waxaynanu ku xidhanahay dibada. Waxaynu sugnaa inta badan wax dibada laga keeno.
Haddii bariisku ka go’ magaalada waxaad dareemeysaa cabaad iyo buuq badan oo bulshada ka dhex aloosmaya. Maxaa yeelay ma lihin ilo kale oo loo leexdo haddii la waayo. beerihii digirta, masagada, hadhuudhka iwm inooga bixi jireena waxaad mooda in laga sii dalacayo, qaarkoodna waxaynu ku badalanay jaad,maxaa yeelay isaga ayaa suuq xaamiya leh.
Somaliland iyo Warshadaha
Waqooyigu muu helin wax horumarin iyo maal gelin ahintii la isku jiray.wakhtigii dawladii bur,burtay.dhaqaalaha ka soo baxa waqooyiga waxa lagu dhisi jiray koonfurta iyo xamar.waana ta keentay in warshadihii oo dhami ay xaggaasi u bataan. Qorshahaasi wuxuu ahaa dulmi iyo cadaalad daro.cadaadiskii lagu hayey waqooyiga iyo maamul xumadii ayaana sababtay in Somaliland ay weydo fursad lagaga dhiso warshado badan. Warshada qudha ee ilaa hadda la carabaabana waa ta sibidhka oo iyaduna ilaa hadda caddilan.
Inkasta oo ay jirtay dhibtaasi aan kor ku sheegay ee loo geystay Somaliland wakhtigii la isku jiray.haddana waxaad dareemi karaysaa maanta in bulshada reer Somaliland ay ka soo kabanayaan taasi.waxa la odhan karaa maanta alaabta iyo qalabka Somaliland lagu isticmaalo 20% gudaha ayaa lagu sameeyaa.
Waxa maanta intoodi badneyd ay ka shaqeyneyaan Somaliland qeybta warshadaha ee loo yaqaano “light industry” ama warshadaha fudud. kuwaasi oo wax soo saar fiican leh. Bulshadana waxyaabo badan ka haqab tiray.waxaana runtii leh intooda badan ganacsato iyo wadaniyiin reer Somaliland ah, oo qaaday talaabadan geesinimada ah.
Warshadaha fudud ee hadda Somaliland laga hirgeliyey waxa lagaga reystey alaabo badan oo dibada laga soo iibsan jiray,iyo dhamaan kharashkii wadanka dibada uga socon jiray.
Warshadaha fudud ee hadda ka hawl gala wadanka waxa ka mid ah, warshada raaxo iyo alkheyraat oo sameeya furaashta iyo wixii buush la xidhiidha oo dhan.sidoo kale waxa jira warshado kala duwan oo soo saara biyaha saafi gareysan ee la cabo kuwaasina waxa ka mid ah ( abyan,saafi, Hargeisa spring water,maaxda,golis, shamis), waxa kale oo jira warshado soo saara taydha iyo saabuunta,waxa kale oo jira qaar soo saara waxyaabaha macmacaanka oo dhan,ila tango iyaduna waxay soo saarta cananiska iyo wixii la qooshto.
Waxa jirta iyaduna mid soo saarta shaanbooyada, waxa sidoo kale jira warshado fudud oo sameeya dhamaan qalabka furniture oo dhan.waxa jira iyaguna qaar kaluunka ku shaqo leh.qaar kale laashashka ayey sameeyaan iwm.waxa iyaduna jirta mid happy cola la yidhaahdo oo soo saarta sharaabka la cabo. Waxa jirta iyaduna maandeeq oo ah “slaughter house”. warshada saamaha iyo harguhu iyaduna way shaqeysaa, mid masabiirta sameysa ayaa iyaduna jirta,waxa sidoo kale jira dhawr warshadood oo sameeya wixii la xidhiidha bakery-ga. warshada bacaha lafteedu way jirtaa ta daqiiqda waa la ikhtiraacay iyada laakin sidaan maqlay waa la yara hakiyey. Dhamaan warshadahaasi aan kor ku sheegay waxay bulshada ugu fadhiyaan qiimo badan.
Waxa loo bahan yahay in la sii kordhiyo, dhaq,dhaqaaqa la xidhiidha warshadeynta,intii aynu dabo socon laheyn dad kale, waxna ka sugi laheyn. Waxa inala gudboon in aan inagu goonideena u sameysano wixii aan kari karno.
Dhinaca dawlada waxa wali laga sugayaa warshadihii cuslaa, waana balanqaadyo weli ku maqan dawlada.ilaa haddana wax hagaagsan oo ka soo fulay ma jiro arimahaasi marka laga tago in meel yar la soo dhagax dhigo marka doorashadu soo dhawaato. Dawladu sidaasi wax ha ka badasho, dhinaceedana ha ka soo dhalaasho. Muwaadiniinta doonaya inay warshado yar yar furtaana ha dhiiri geliso.
Wax naf leh oo warshad lagu sheegi karo oo dawladu ku magacaaban tahay ilaa hadda waxa jirta ta leydhka.run ahaantiina waa mid ilaa hadda cabasho lagu wado, maxaa yeelay weli laydhku muu wada gaadhin xaafadaha oo dhan. Mana ah mid 24 –sacadoodba shaqeeya.xaafadahana sidaan maqlay habeen dhaaf ayaa loogu shidaa.xaafadaha qaarkoodna waxayba shitaan electricity private ah.
Dadkeenu marka dhinaca laga eego waa bulsho tiro yar ,waxa qudha ee ay u baahan yihiina waa in loo abuuro fursado iyo dhaqaale ay ku horumaraan. Warshaduhu waa mid ka mid ah fursadaha ay dadku sugayaan. Maxaa yeelay waxa shaqo ka helaya dadyow badan oo isugu jira muruq maal iyo aqoon yahano.waxaana lagaga reysanaya alaabtii dibada laga keenayey.
Dawladu si daacadi ku jirto ha u raadiso qorshihii ay ku suura gelin laheyd in dalkani la maalgashado, iyo in sidoo kale la kasbado shisheeye suura geliya maal gelin kala duwan. Inagana horumarku ruuxda iyo qalbiga ha inaga dego ,oo yaanu afka baarkiisa uun inaga ahaanin.maskaxdeenana aynu ku beerno fakir ah waxqabsi .
Waxaan ku soo gunaanaday xikmad ingiriisi ah ayaa tidhaahda “follow the river and you will find the sea” marka hore aan bilowno warshadaha fudud oo dhan,si kuwa waa weyn ay inoogu ridaan.
Abdifataah mahamed ahmed
Email: Ceelaabe_10@hotmail.com
Monday, January 14, 2008
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment