
By: CabdiSalan 01/15/08
Caawa fiidkii ayaa waxay saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland soo saareen warsaxaafadeed, kaasoo ay kaga hadleen qabsoomidda bannaanbaxa loo ballansanyahay maalinta khamiista. waxay saddexda xisbi qaran go'aansadeen in si wada jir ah ay ugu soo gudbiyaan shicibka reer Somaliland gudo iyo dibadba in maalinta khamiista ee ay bishu tahay 17/01/2008da ay isugu soo baxaan bannaanbax wada jir ah oo lagu muujinayo taageeridda gooni isu taaga J.Somalilad. waxaanay ka codsanayaan dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba inay ficil iyo qawlba ku muujiyaan qadarinta ay leedahay maalintaasi, oo ay mucaarid iyo muxaafidba si wada jir ah ugu muujiyaan qaranimada iyo gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay lama taabtaan.
Waxaana warsaxaafadeedkan si wada jir ah u saxeexay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Max'ed Max'uud (SIILAANYO), kusimaha guddoomiyaha xisbiga UCID Aadem Max'ed Mire ( WAQAF) iyo xogyaha guud ee xisbiga UDUB Max'ed Ismaaciil Bullaale.
Source:Goljano
No comments:
Post a Comment