Tuesday, January 15, 2008

Hawlwadeenada Xarumaha Caafimaadka Gobalka Togdheer oo Tababar loo Furey















Jan 15 2008
Burco, Togdheer. (Golisnews)

Tababar loogu talo galay kor u qaadida Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka, iyo Hawlwadeenada Xarumaha Caafimaadka Magaalad Burco ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Xanaanada Dhexe.

Tababarkan oo ku saabsan Cross Monotory sidii loo ilaalin lahaa nafaqaynta Ubadka Yar yar iyo Hooyada, Dhalaanka, xilliga lixda Bilood e u horeysa ee Hooyadu tahay in ay ilmaha siiyaan Naaska, i Diinta Islaamka in Farayso in ilmaha la nuujiyo ilaa laba sanadood. Iyagoo ubadka yar yari ay ka helaan Caanaha Hooyada waxyaaba badan oo faa,iido u leh caruurta.

Tababarkan oo ay fulinayso Wasaarada Caafimaadka iyo Hayada Unicef, waxaa furitaankii ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye Malaay oo sheegay in ay ka faa,iidaystaan shaqaalaha wasaarada iyo hawl wadeenada kale iyadoo la doonayo in aqoontan loogu shaqeeyo Bulshada kana qayb qaadato faya dhawrka Bulshada.

Tababarkan oo ay bixinayeen khabiiro ka tirsan Wasaarada Caafimaadka oo ay ka mid yihiin Madaxa Agaasinka Caafimaadka Axmed Xasan Gole iyo Dr Maxamed Cismaan iyo u qaybsama PHS Gobalka Togdheer Maxamed Cabdi Jaamac, shaqaalaha loo furay tababarkan oo tiradooda gaadhayso ilaa 30 Xubnood oo ka tirsan Wasaarada Caafimaadka.


Siciid Axmed M Raage

Golisnews Burco

No comments: