Monday, December 31, 2007

Shirweynihii Sannadlaha ahaa ee TAF oo Sabtidii 29/12/2007 ka dhacay magaalada Sheffield
















Shirweynihii Sannadlaha ahaa ee Ururka TAF oo Sabtidii 29/12/2007 ka dhacay magaallada Sheffield, oo lagaga dhowaaqay $8,000 Dollar oo ururku ugu deeqay Cusbitaalka Dhimirka ee MAANDHAYE oo ku yaal magaalada Burco.

Ururka Togdher Abroad foundation (TAF) oo shirweynihiisii sanadlaha ahaa ku qabsaday Magaallada Sheffield ee waddanka UK Sabtidii, 29/12/2007, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhammaan xubnaha Ururka TAF. Shirkan oo ay soo agaasimeen xubnaha laanta Sheffield ayaa wuxuu ahaa shirweynihii sannadlaha ahaa (AGM) ee Ururka TAF, kaas oo lagu soo bandhigo warbiximo kala duwan oo ku saabsan himilada iyo hawlqabadka Ururka, warbixinta dhaqaale ee ururka soo gashay, qorshaha sannadka dambe iyo doorashada hoggaanka ururka, halkaas oo lagu doorto xubnaha hoggaamin doona ururka sannadka dambe.

Shirkan waxa ka soo qayb galay marti sharaf badan oo isaga kala timi magaalooyinka waaweyn ee UK, oo ka kala socday Guddiga Horumarinta G/Togdheer, Guddida Jaamacada Burco, Xildhibaano, dhakaatiir iyo aqoonahano aad u badan. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee ururka TAF Mowliid Axmed oo ka warmay ujeedadii ururka loo asaasay, wixii uu qabtay, qorshihiisu waxa uu yahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ururku soo maray, horumarka ururku sameeyey, iyo magaalooyinka uu laamaha ku leeyahay iyo wuxuu qaadhaan ururiyey sannadkan, isaga oo goobtaa kaga dhawaaqay lacag dhan $8,000 Dollar oo ururka TAF ugu deeqay cusbitaalka dhimirka ee MAANDHAYE ee magaallada Burco, kaas oo sannadka kala badhkiisiina ururka TAF ugu deeqay lacag dhan $13,000, taas oo isu geyn noqonaysa $21,000 inta sannadkan ururka TAF ugu deeqay, cusbitaalka Maandhaye.


Waxa isna goobtii shirka ka hadlay Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa asaasayaasha Jaamacadda BURCO, waxa uu si ballaadan uga hadlay guud ahaan horumarka dhinaca waxbarashada Gobolka Togdheer iyo kaalinta ay ka qaadatay Jaamacaddu, isagoo si qotodheer uga hadlay muddadii saddexda sannadood ahayd waxa u qabsoomay Jaamacadda Burco, wuxuu sheegay inay sannadkan iska diiwaangeliyeen arday gaadhaysa 1300 oo arday, iyadoo ay shaqaalaysay 82 qof, isla markaana ay noqotay marka laga tago horumarka waxbarasho, il dhaqaale oo weyn, waxay jaamacaddu leedahay laba kambas (campus) midkii saddexaadna dhowaan ayey magaallada dhexdeeda ka furaysaa, waxaanu Dr. Sacad Shire soo jeediyey in dadweynaha reer Sheffield ka qaybqaataan horumarinta dalka hooyo, khaasatan dhanka waxbarashada oo uu muujiyey inay mugdiga ka saarayso bulshada, una daarayso ilays aqooneed.



Waxaa iyana xusid mudan Marwo Maryan Haantoolli iyo maamulka ICRAAC COMMUNITY ee magaalada Sheffield oo si hagar la’aana ugala shaqeeyay qabsoomidda shirkan laanta Ururka ee Sheffield, iyada oo Maryan ku soo casuuntay shirkan madaxa booliska magaalada si ay u tusto in aanay dhallinyarada soomalidu ahayn ku xumaan ka wada shaqeeya laakiin ay jiraan kuwo badan oo wanaag ka shaqeeyaa. Marwo Maryan waxa ay halkaa ku guddoonsiisay shaahado sharaf Ururka TAF, oo uu guddoonsiiyey Madaxa Booliska ee Alan guddoomiyaha Ururka TAF Mowliid Axmed Mohamed, iyada oo waliba shahaado sharaf kalena guddoonsiisay Gudoomiyihii hore ee Ururk TAF Aadan Caydiid Cabdi, kaas oo lagu qiimeeyey sida hagar la’aanta ah ee uu ugu shaqeeyo hawlaha ururka guud ahaan iyo gaar ahaanna laanta magaalada Sheffield. Maryan waxa ay ballan qaaday in ay si weyn ula shaqaynayso ururka TAF, iyada oo suurogelisay in ay xubnihii ugu horreeyey ee haweenka magaalada Sheffield kaga dhawaaqday goobtii shirka.

Shirkan oo aan ahayn mid loogu talagalay in hawlaha ururka oo qudha lagaga hadlo waxaa ay dhillinyaradu ugu gudbnayaysay farriin bulshada si ay uga faa’iiadaysataan waddamada qurbaha ee ay ku nool yihiin si ay ugu anfacaan wadankoodii hooyo, iyaga oo qaab masrixiyada ah ugu soo bandhigay majaajilo si heersare ah looga soo shaqeeyey oo huwanayd fariin obocdeedu ama dulucdeedu ahayd in aqoonta, xoogga iyo maalka loogu faa’iideeyo ummaddeena iyo dalkeenna hooyo, maadayskaas oo ka qayb galayaashii shirka aad uga farxiyey, kuna abuuray dareen ballaadhan iyo raadayn weyn kaga tegey dadkii goobjoogayaasha ahaa.

Dhamaan aqoonyahanadii, odayaashii, haweenkii iyo xildhibaannadii ka soo qayb galay shirka oo ka mid ahaayeen Faarax Yuusuf (Faarax Xadhigle), xildhibaan Farxaan Maxamed Cali, Dr. C/laahi Axmed Rooble (Biikalo), Saleeban Ayax iyo marti sharaf kale oo aad u badan waxa ay talo, guubabo, taageero iyo tusaalaynba u soo jeediyaan Ururka TAF, iyaga oo sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay inay bulshadu wax wada qabsato oo aanay baahideeda cidna ku hallayn. Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaan.

Shirweynihii Ururka TAF waxa lagu soo gebo gebeeyey sawirro iyo isbarasho horleh, iyagoo fayl dheer loo galay goobtii laga diiwaan gelinayey xubnaha cusub, siiba haweenka oo si weyn ugu soo biiray Ururka TAF, isla markaa garabkii haweenka laanta Sheffield goobtaa kaga dhowaaqay.

Somaliland Dawlad la Aqoonsan yahay ma noqon doontaa Sannadka 2008?







Somaliland Dawlad la aqoonsan yahay ma noqon doontaa sannadka 2008?

“Qaaradda Afrika tusaalaha u dhigma Kosovo, waxa suuragal ah inay noqdaan Saxaaraha Galbeed iyo Somaliland.” William Deb Mills

“Tan iyo imika dawladda Maraykanka ee la xayaysiinayo wax kale maahee, waa tii Ingiriiskuba inagu lahaa waanu idiin soo dhawaynaynaa laakiin….” Dr, Dixood

Hargeysa (Ogaal) – “Qaaradda Afrika tusaalaha u dhigma Kosovo, waxa suuragal ah inay noqdaan Saxaaraha Galbeed iyo Somaliland. Dagaalyahanka Saxaaraha Galbeed (Polisario Front), waxay digniin adag ka bixiyeen inay dagaal balaadhan la galaan dalka Marooko haddii aan wax horumar ah laga gaadhin wadahadallada socda ee la xidhiidha aayaha qarannimadooda. Tanina waxay u muuqataa inay lagama-maarmaan noqon doonto, ka dib marka uu dhaco Shirwaynaha Guud ee Jabhadda Polisario bilaha Juun iyo July ee sannadkan ay saacaddaha koobani ka hadhsan yihiin.

Somaliland, ayaa sidoo kale laga yaabaa in la aqoonsado sannadkan foodda inagu soo haya, taas oo macneheedu noqon karo dagaal balaadhan oo dhexmara Soomaaliya, maadaama ay Somaliland qorshaynayaan balaadhinta xuduudihii hore ee xilligii uu Ingiriisku ka talinayay Somaliland. Dalalka kale ee suuragalka ay noqon karto inay madaxbanaanidooda helaan oo khilaafaadka aayo-ka-tashigoodu uu muddo soo taagnaa, waxa ka mid ah; Jasiirradda Taiwan, Madhesh, iyo Waqooyiga Ciraaq ee Kurdistaan, taasoo aftida guud ee laga qaadayo magaalada Kirkuk sannadka 2008, ka dhigi karta inuu sannadkaasi noqdo mid ay dagaallo ba’ani qarxaan.” Sidan waxa maqaal uu kaga faaloonayo dunida 2008, ku sheegay qoraaga William deB. Mills oo uu walaac kaga muujiyay siyaasada dunida iyo sanadka cusub ee aynu fooda la galay isaga oo dhinacayo badan oo uu ka eegayo ka dib ay soo baxday in dunidu sii gelayso mugdi iyo dagaalo.

Somaliland marka laga hadlayo, todobaadyadii aynu soo dhaafnay waxa jiray dhawaaqyo ka turjamaya in Somaliland soo jiidatay indhaha Caalamka, ka dib markii lagu guuldaraystay in Somalia oo dhaqaale badan lagu bixiyay laga dhaliyo nabadgelyo. Iyadoo dhawaaq culusi ka soo yeedhay Wasaarada difaaca Maraykanka oo ay Somaliland debecsanaan siyaasadeed ugu muujiyeen. Sidoo kale, waxa jiray dhawaaqyo ka soo yeedhay siyaasiyiin iyo madax u badan mudanayaal iyo aqoonyahano ka soo jeeda wadanka Ingiriiska oo u ololayn jiray qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo sheegay in habdhaqanka iyo talaabooyinka xukuumada Madaxweyne Rayaale ay wiiqi karaan sumcada Somaliland ku iibsami karto siyaasad ahaan. Sidaa daraadeed, iyada oo dhawaaqyadaa laga duulayo, ayaa waxa Dr, Cumar Cilmi Dixood oo ahaa ergaygii khaaska ahaa ee Somaliland Ictiraaf-raadinta u qaabilsanaa, ka hor intii aanu dhawaan ku dhawaaqin inuu xilkaasi iska casilay ayaa Idaacada Radio Horyaal Waydiisay sida uu ula muuqdo dhawaaqa Dawlada Maraykanka iyo mustaqbalka dhaw ee Somaliland. Dr Dixood waxa uu si adag u duray siyaasada Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay mid uu xuubsiibatay kalitalisnimo, “Marka horeba caalamka dawlado badan ayaa inala shaqaynayay, Somaliland tan iyo 1991-kii maamulkeedii waa lala shaqaynayay oo mucaawimo ayaa la siinayay, oo EU-da xidhiidh ayaynu la lahayn, oo UN-ka maamuladooda xidhiidh ayaynu la lahayn. Laakiin, mar walba shuruudo ayaa la inagu xidhayay, waxa la ina lahaa hadaad doonaysaan aqoonsi waddadaa mara, tusaale ahaan markii ugu horaysay, waxa la inagu yidhi AU-da ka dhamaysta, mar waxa la inagu yidhi idinku Soomaali ahaan laftiinu waa inaad wadda hadashaan, laakiin wixii mashaariic ah ee aanu ka caawin karo waanu idinka caawinaynaa. Tan immika Maraykanka ee la xayaysiinayo ee uu yidhi wax kale maaha, waa tii Ingiriiskuba inagu lahaayeen waanu idin soo dhawaynaynaa waana aanu idin caawinaynaa. Ta kale, Maraykan wuxuu arkay Xamar oo gubanaysa, markaa waxa la yidhi halkan degan ee aan dhibaatadu ka jirin xidhiidh halala sameeyo, islamarkaana halaga caawiyo xaga nabadgelyada illaa inta doorashooyinku dhacayaan, haddii markaa la arko maalin walba wax aan wanaagsanayn oo Gacanta ama Lugaha lagula jiro, Maraykanka qudhiisu wuxuu odhan doonaa, kuwani khayr malaha’e iskaga yaaca. Adduunka maanta waxa xukuma Hay’adaha Caalamiga ah sida Amnesty International iyo dadka xuquuqda Bunu’aadmiga ilaaliya oo kale oo nin kastaba ka adag. Haddii qawaaniinta shaqsiga loo dhigay iyo xuquuqda bini’aadmiga aad ku tumato, waliba adiga oo aan aqoonsi haysan cid kula hadlaysaa ma jirto. Markaa annigu waxaan leeyahay, madaxnimada marka laguu dhiibo., waa inaad meesha wax ku kordhisaaye, inaad wax kala daadiso maaha.” Sidaas ayuu yidhi Dr, Dixood isaga oo la hadlaya Madaxwyne Rayaale, mar uu ka hadlayay saamayn uu sheegay in xadhigii Siyaasiyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran ku yeeshay Somaliland waxa uu yidhi. “xadhiga siyaasiyiintii hore ayaa Somaliland dhibaato iyo dhaawac wayni ka soo gaadhay. Shantii sannadood ee uu xukunka hayay ayay dad badan is barteen oo Ingiriiska guriga Odayaasha ka tirsan, oo siyaasiyiin ahaa, Wasiiro ahaa. Dhaawacaas uu gaystay ayaan maanta ragii wax wada-shaqayni ka dhexayn. Isaga (Madaxweynaha) iyo dad badan oo inala shaqaynayay oo inala ololeynayay niyad jab ayaa ku dhacay. Waxa weeye Daahir Rayaale, dimuquraadiyada yaanu ku tumanin, maaha Madaxweyne la ictiraafsan yanay, waxaynu nahay jabhad doonaysa ictiraaf iyo dawladnimo. Markaa nina yaanu intuu gaadhsiisan yahay ka dheeraynin ayaan anigu leeyahay, saasaanay Somaliland wax ku noqonaysaa, sidaas ayaanaynu daydaygii hubka kaga dhignay, ee dawladu yaanay dayday noqon ayaan u jeedaa.”ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu sheegay in qaabkii loo xidhay siyaasiyiinta Urur siyaasadeedka Qaran uu meel ka dhac ahaa waxana uu u soo jeediyay Madaxweyne Rayaale inaanu talaabo taa la mid ah ku noqon. Dr, Dixood waxa kale oo uu ku dooday in uu Somaliland u shaqaynayo, Balse uu ka fadhiistay kaliya wada shaqayntii uu lalahaa xukuumada. Waxa kale oo uu sheegay in ictiraafka Somaliland aanay hortaagnayn mucaaradku. “Mucaarid, khaakhuul wadaa ma jiro. Mucaaradku waa ka hubka iska dhigay, mucaaradku waa ka codbaahiyaha qaatay, mucaaradku waa kaa xitaa diidanba in la mudaharaado, mucaaradku waa ka 80-ka cod aqbalay, Siilaanyo 80-cod ayuu aqbalay, haduu dhibaato wado muu ogolaadeen.

Markaa waxaan leeyahay, mucaaradku waxba ma wadee mucaaradka yaan eed aanu lahayn la saarin,. Waxa dhibaatada wada wixii daydaygu ku kici jiray, raga ku kacaya ee dadka taxaabaya ee Tiknikada soo kaxaysanaya, wixii inamadii yaryaraa halkan ay ku kici jireen ayay dawladu ku kacday. Rag siyaasiyiin ah oo aasaasayaashii ah, oo aqoonyahano ah oo ayaa guryahoodii inta tikniko lala tagay xabsiga dhexdiisa maxkamad lagu saaray, taas ayaa ah khalad, taas ayaananu uga digaynaa inay mar labaad dhacdo.” Sidaas ayuu yidhi Dr Dixood waxana uu intaa ku daray. “Waxa la yidhaahdaa Afrikaanku markay dawladnimada doonayaan, 1960-kii ilaa 70-kii, waxay samaysan jireen wajiyo wanaagsan, marka ay wax noqdaan ee Calanka loo taago kursigana ay ku fadhiistaan ayay kalitaliye noqon jireen, kani. (Rayaale) isagoon melba gaadhin ayuu shan sano dadkii ku xukumay. Markaa waxaan uga digaynaa, in kasta oo aan markii hore xoog looga fiirsan wixii dhacayba way dheceen, inaan wax danbe oo khalad ah dadka siyaasiyiinta ah lagula kicin waayo ixtiraam ayay mudanyihiin.”

“Rayaale Muu badalin Siyaasadii Cigaal waxa uu qabtayna oo hagaagsanina ma jiraan”

“Dawladu waxay tidhaahdaa waan garaacnay albaab walba, laakiin anigu waxaan qabaa in aanay aqoonba meesha albaabku yahay ee ay inta badan gidaar uun garaaacayaan”

“Muuqaalka Somaliland wuxuu ku wanaagsan yahay in beeluhu ka wada muuqdaan maamulka”

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Oo Maanta Furtay Shir-Hawleed Lagu Gorfaynayo Xad-gudubyada Ka Dhanka Ah Haweenka Iyo Caruurta







December 31, 2007

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xassan ayaa Shir-hawleed soconaya mudo laba maalmood ah Maanta uga furtay xubno iyo hawl wadeeno ka kala socda dhamaan Gobolada dalka.

Shirkan oo mudada uu socdo lagag hadli doona Xadgudubyada iyo dacatiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta waxaana xubnaha ka qayb galaya oo 50 Xubnood ah ay ka kala socdaan Ururada Wadaniga ah ee ka hawl gala arimahaasi oo ka yimiday dhamaan gobolada Lixda ah ee uu ka kooban yahay dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Somaliland Marwo: Faaduma Suudi Xassan ayaa timaantay in shirkani yahay kii afraad ee la qabto sanadkan gudihiisa, isla markaana ay rajaynayso in uu ka soo baxaan Arimo wax ku ool ah iyo sharci adag oo lagu dhaqo dadka ku kaca arimahan,

Wasiirka Qoyska ayaa tilmaantay in Arimaha Dacatiyada ah ee la soo darsa Haweenka ay ugu wayn tahay Gudniinka Fircooniga ah ee lagu sameeyo, arintaasi oo wax wayn u dhinta Caafimaadkooda, waxaanay guud ahaan Haweenka kula dardaarantay in ay wax bartaan oo ay ku dadaalaan sidii ay aqoontooda u dhisi lahaayeen, si ay bulshada inteeda kale ula macaamiloodaan.

Wasiirku waxa ay carabka ku dhajisay sida loogu baahan yahay in sharci adag oo lagu xakameeyo Dacatiyadaa looga soo saaro waxaanay ka qayb galayaasha kula dardaarantay in ay ilaaliyaan wakhtiga kana faa’iidaystaan wixii ay halkan ka korodhsadaana kula noqdaan meelihii ay ka kala yimaadeen.

Sidoo kala waxa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Bulshada Md: Axmed Xassan oo ka waramay wax qabadka iyo hawlaha kala duwan ee ay Wasaaradiisu qabto waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Wasaaradda Qoyska waxaa la sameeyay mudo afar sano laga joogo, waxay si isdaba jog ah ay u raadinaysay in la helo dad ama shaqaale tayo leh oo gudan kara waajibaadka shaqo ee loo xilsaray waxaa intaa dheer in lagu baraarujiyo hawsha balaadhan ee ay Wasaaradani u hayso qaranka in lagu baraarujiyo Mujtamaca iyo shaqaalaha laftigooda lagu baraarujiyo. Waxa kale oo garab socotay in laga faa’iidaysto Ilaha kale ee dhaqaalaha iyo xirfada dadka muwaadiniinta ah ee dalka joogana lagu dhiiri galiyo sidii ay Iskaashi ula yeelan lahaayeen Wasaaraddan” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoysku waxa uu xusay in mudadii ay hawshaa ku jirtay Wasaaradiisu ay iskaashi la samaynaysay Wasaaradaha kale ee dawlada iyo hay’adaha ka hawl gala hawshooda isagoo tilmaamay in iskaashi aad u wayni uu ka dhexeeyo Komiishanka Qaranka ee ka hortaga Aafada HIV/AIDS Wasiirka Wasaaradooduna ay Qayb wayn kaga jirto, waxaanu sheegay in aanu kulankani ahayn kii ugu horeeyay isla markaana aanu noqon doonin kii ugu danbeeyay, sidaa daraadeedna ka qayb galayaasha looga baahan yahay macluumaadka ay halkan ka korodhsadaan in ay kula noqdaan Degaanadii ay ka yimaadeen.

Madaxa Hay’ada UN/AIDS ee Somaliland Dr: Maxamed Rashiid Sh. Xassan oo isna halkaa ka hadlay ayaa si wayn u amaanay Wasaaradda Qoyska oo uu sheegay in ay si wanaagsan ula shaqayso, waxaanu tilmaamay In Wasaaradda Qoysku tahay meesha ugu sahlan ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso Hay’adoodan UN/AIDS. Waxa kale oo uu u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay ee ka socday gobolada.
Dr. Maxamad Rashiid Sh. Xassan waxa kale oo uu dhamaan u mahad naqay dhamaan hay’adaha wax la qabta iyo dadka sida firfircoon uga hawl gala oo uu mid mid magacyadooda u sheegay isaga oo intaa ku daray in sidii halku dhagii maalintii la xusayay AIDSka dunida ee ahaa Hogaaminta ay UNtana hawsheedu tahay in cidii wax qabsanaysa ay la qabato.

Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xassan waxa uu si wayn u soo dhaweeyay dadka uu Cudurka AIDS ku ku dhacay oo ka soo qayb galay shirkaa oo uu sheegay in si wayn loo dhiiri galiyo sidii aan dadkaa loo takoori lahayn waxaana isaga oo arintaa ka hadlaya uu Dr: Maxamed Rashiid yidhi “Arinta aynu meesha u fadhino waxaa qiimo wayn inoo ah dadka uu aafeeyay Xanuunkaasi oo inagala soo qayb galay oo aan aad ugu faraxsanahay oo aad si wayn u aragteen in sida lagu kala qaadayaa aanay ahayn in wax lala cuno oo lala macaamiloodo, in la taabto ama wax lala cuno aan lagu kala qaadayn ee waxa lagu kala qaadayaa ay yihiin wax yar. Markaa in ay mujtamaca ka mid yihiin, iyagana waxaan ku soo dhawaynaynaa in hadii ay shaqo noqoto iyo haday taakulo noqoto in aan lagu takoorin oo la soo dhaweeyo oo dad bulshada ka mid ah ay yihiin loo arko” Ayuu yidhi Dr: Maxamed Rashiid Sh. Xassan.

Sidoo kale waxaa si la mid ah shirkan Magaalada Hargeysa Maanta laga furay shirar la mid ah oo lagu gorfaynayo Dacatiyada iyo dhibaatooyinka lagula kaco haweenka iyo Caruurta iyo sidii lola dhaqmi lahaa dadka uu haleelo Xanuunka uu dhaliyo AIDS ku waxaana sida wararku sheegayaan Maanta laga furay gobolada Tog-Dheer iyo Sanaag.

Geesta kale sida ay masuuliyiinta Hay’adaha iyo Dawladuba ay marar badan ka dhawaajiyeen aqoon la’aanta bulshada dhexdeeda ee aafada Cudurkan iyo sida loola dhaqmayo dadka uu cudurkaasi ku dhaco oo looga ilaaliyo in la takooro.

Sidoo kale waxa ay dad badan oo bulshada ka mid ahi shaki wayn ka muujiyeen sida balaadhan ee looga hadlo xanuunkan oo qaar badani aaminsan yihiin in aanu dalkaba ka jirin ee mashruuc lagu qaato, sidoo kale ayaa dadka dhexdooda ay su’aalo ka abuurtaa marka ay maqlaan Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta oo ay u malaynayaan in looga dan leeyahay sidii bulshada dhexdeeda la iskaga horkeeni lahaa, taas oo sida ay ka cabsida qabaan ay filayaan inay keento in haweenka iyo caruurtu ka hoos baxan Aabaha oo dhaqan ahaan maamula qoyska iyo Edbintooda.

Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.Com
Hargeysa, Somaliland

Saturday, December 29, 2007

Duqa Magaalada Laascaanood oo ka hadlay Xaaladda Maamul iyo Nabadgelyo ee Magaaladaas






Sabti, December 29, 2007(HOL): Maayarka Magaalada Laascaanood Axmed Daahir Xaaji Xasan ayaa sheegay in dawlad hoose ahaan ay bilaabeen ururintii cashuuraadka kala duwan badhkood, Islamarkaana waxa uu eedayn u jeediyay odayaal magaalada Laascaanood ka soo saaray baaq ay ku sheegeen inaan xukuumadu wax la tashi ah kala samayn maamulka loo dhisay magaaladaasi.

“Cashuurtii magaalada waanu ka bilownay, haddii ay tahay tii gaadiidka soconaya laga qaadi jiray, haday tahay ta dhulka iyo haday tahay ta laga qaado xoolaha Sayladaha la keeno. Cashuurta dhamaan waan dhaqaajinay, marka laga reebo cashuur sanadeedka guryaha laga qaadi jiray iyo meheradaha waawayn. Wax dhibaato ah oo naga horyimina ma jiraan, waad garanaysaa meel maamul cusub yimi kolay dhibaatooyin iyo wax way iska jiraan. Laakiin, ilaa iyo hadda hawluhu meel fiican ayay noo marayaan, wayna noo socdaan.” ayuu yidhi Maayarku mar uu ka hadlayay ururinta Cashuuraha oo uu sheegay inay ka bilaabeen Magaalada Laascaanood.

Maayarku wuxuu dedafeeyay eedayn ay Odayaal ku dhaqan Magaalada Laascaanood u soo jeediyeen Xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inaanay kala tashan Maamul u samaynta Magaalada Laascaanood.. Waxaanu mar uu ka jawaabayay eedayntooda uu yiri, “Waxaan kuu sheegayaa waa runtoodoo, lagalama tashan markii annaga nala magacaabayay. Meesha Puntland baa haysatay, kuwaa hadda baaqyada qorayaa waa kuwii Puntland-ta la shaqaynayay. Markaa waxa weeyaan iyada oo magaalada Puntland haysato oo kuwa baaqa qorayna sidaan dareensanahay ay Puntland la shaqaynayeen miyaa lagala tashan karaa. suurto-gal ma tahay inta Laascaanood la yimaado in la yidhaahdo oo dawladu tidhaahdo hebel baan soo magacaabaynaa ee maxaa ka qabtaan?”.

Dhinaca Nabadgelyada, ayaa Maayarku sheegay inay degan tahay, hase ahaatee ay maalmo dhawayd jireen kooxo rasaas ka ridayay nawaaxiga Laascaanood, oo uu sheegay inay baadhitaan ku wadaan. “Arrintaa waa lagu daba jiraa, walina lagama hadhin, dadka qaar waxay leeyihiin waxay ahaayeen koox is-abaabushay, kuwo kalena waxay leeyihiin waa xubno rabshad uun u jeeday oo ilaha ka sareeya Laascaanood ee lugtu soo mari karto rabshada ka waday, waana lagu daba jiraa.” ayuu yidhi.

Sidoo kale Maayarku wuxuu ka hadlay ka qayb galayaashii Shirkii Boocame. “Arrintaa dad loo qab-qabtay way jiraan. Laakiin go’aankaa way ka noqdaanoo, nimankii waa waynaa magaca lahaa mabay iman, oo markay ogaadeen in hawshaasi jirto oo loo diyaar yahay” ayuu yidhi Mr. Axmed Daahir.

Friday, December 28, 2007

Ururada Haweenka NAGAAD iyo Go'aanadii ka soo baxay Xidhitaankii Shirkaas










(Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN)- Shir ballaadhan oo muddo saddex maalmood ah uga soconayey Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa Haween tiradoodu gaadhayso 100 xubnood oo kala yimi dhamaan lixda gobol ee Somaliland iyo degmooyikiisa ayaa shalay halkaas lagu soo gabagabeeyey, isla markaana waxaa laga soo baaq sigaar ah ugu waajahan Xukuummada iyo Golaayaasha sharci-dejinta somaliland.


Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Gaboodka Ururada Haweenka NAGAAD ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, waxaana xidhitaankii shirkaas ka soo qayb galay Wasiirada ay ka midka yihiin Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Fu’aad Aadan Cade, Wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax, Wasiir ku xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo iyo Masuuliyiinta ka tirsan Gaboodka NAGAAD.

Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Md Fu’aad aadan Cade oo xidhitaankii shirkaas hadalo ka jeediyey, ayaa waxa uu aad ugu gubaabiyey Haweenku in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka iyo dadkaba wax ugu qaban lahaayeen, isla markaana shirarkoodu aanay noqon kuwo inta ay isugu yimaadaan meel hadana ku kala tagaan uun, iyaga oo aan ka soo saarin wax natiijo midho-dhala.

Waxaa kaloo Wasiirku ku buuriyey Haweenka oo uu ku adkeeyey in aanay u furan Ururada iyo NGO-yada in ay lacag ku raadsadaan sidii ay ugu helilahaayeen, balse ay daacad ka noqdaan wax qabadka dalka iyo horumarintiisa. Waxaa kaloo uu intaa raaciyey Xukuumad ahaan wixii ka khuseeya baaqan in ay ka hawl-gelidoonaan.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Md Cismaan Qaasim Qodax oo isna halkaa ka halay, ayaa si weyn ugu canaantay dumarku in ay dayaceen sheqadii lagu ogaa ee ahayd barbaarinta awlaada iyo guriga, isla markaana waxa uu sheegay in ay iyagu masuul ka yihiin arrimo badan oo ay ka cawdaan, sida gudniinka Fircooiga ah iyo guuldarada kala soo derista marka ay timaado doorashooyinku, isaga oo u soojeediyey haddii ay doonayaan in ay ka qayb qaataan talada dalka in iyagu is doortaan oo isu codeeyaan, halka ay cid kale uga codaynayaan, isaga oo tilmaamay in aanay markaa u baahnayn kooto loo sameeyo, maadaamoo haweenku raga ka badan yihiin ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Gaboodka Ururada Haweenka NAGAAD Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in muddadii uu socday shirkaasi in aad loogu falanqeeyey arrimo la xidhiidha garsoorka, ganacssiga iyo siyaasada, oo ay tilaamantay in ay yihiin arrimaha lafdharta u ah horumarka bulshada, waxaana ay u soo jeedisay dhinacyada uu khusaynayo baaqaasi in ay fuliyaan.

Marwo Sucaad waxaa kaloo a ay sheegatay in Urarada Haweenku intii ay qabankarayeen in ay qabteen, balse masuuliyadu ay dawlada saarayaan, iyada oo xustay in Xukuummada iyo Golayaasha sharci-dejituba in looga baahanyahay in ay baaqaas dabagal ku sameeyaan. Isla markaaa waxa ay mahadnaq u soo jeedisay ka qaybgalayaashii shirkaas.

Baaqaas laga soo saaray shirweynahaas Haweeka Somaliland yeesheen oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana faahfaahsani waxa uu u qornaa sidan:

“Ka dib markii aannu aragney kaalinta haweenka ku leeyihiin horumarka wadanka iyo dib-dhiska.

Ka dib markii aannu aragney doorka ay haweenku ku leeyihiin ka qeybqaadashada kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo kaalinta siyaasyadda.

Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka muuqdaan saaxada go’aan qaadashada.

Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka qaataan kaalin mug leh dhamaan dhinacyada khuseeya noloshooda.

Ka dib markaanu aragnay baahida jirta ee dhinaca arrimaha bulshada, garsoorka, siyaasadda iyo dhaqaalaha

Waxa annaga oo ka kooban haween ka yimid lixda gobal (Sanaag, Sool , Togdheer, Saxil, Marodi jeex, iyo Awdal) ee Somaliland iskugu nimi shirkan oo soconayay muddo seddex maalmood ah 25, 26, 27 December 2007


Markii arrimahaa si qoto-dheer loo lafa guray waxa ay haweenka ka soo qaybgalay saareen baaq ku wajahan xukuumadda iyo golayaasha sharci dejinta oo ah sidan soo socata:

I. HAWEENKA IYO TALLADA DALKA.

1- In ay dawladu xaqiijiso xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan qodabadda 8aad iyo 36aad ee sinaanta xuquuqda muwaadiniinta, waxa xukuumada Somaliland iyo golayaasha sharci dajinta loogu baaqayaa in ay soo saaran sharci xaqiijinaya ka qaybqaadashada haweenka ee taladda dalka.
2- Waxbarasho la xidhiidha kobcinta garaadka siyaasadda ee haweenka.
3- Sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo haweenka.
4- In wacyigalin loo sameeyo haweenka, taasoo lagu dhiirigalinayo sidii ay haweenku iyagu tiirsan lahaayeen.



II. ARRIMAHA BULSHADA.


Dhinaca waxbarashada:-

1- In ay dawladdu hirgaliso waxbarasho baahsan oo ay ka faa’iidaystaan dhamaan qaybaha bulshada sida dadka saboolka, reer guuraaga, hablaha guryaha lagu hayo, waa in xukuumadu ay fidiso sida dastuurka waafaqsan waxbarasho bilaash ah ilaa heer jamacadeed ah,
2- Kor u qaadida haweenka xagga waxbarshada, gaar ahaan waxbarashada dadban. In la sameeyo goobo loogu tallo galey in kor loogu qaado tayada waxbarasho ee haweenka muddo ka maqnaa waxbarashadda.
3- In la tayeeyo waxbarashadda waa in kor loo qaado aqoonta barayaasha, isla markaana loo helo mushahar ku filan.

4- Ilo dhaqaale la sameeyo , lana sameeyo xirfada shaqo abuurid?

5- In la helo qorshayaal lagu hor marinayo tayada waxbarashada dadban ee haweenka oo u dhiganta ta asaasiga ah ilaa heer jamacadeed iyo abuurida xirfado shaqo.
6- Naafadda waa in la dhiirgaliyo sidii waxabarasho u heli lahaayeen.

Dhinaca caafimaadka:

1- In wasaaradda caafimaadku soo noolayso habka saami qaybinta gobollada ee shaqaalaha xirfada leh sida dhakhaartiirta iyo kalkaaliyayaasha sare. Si loo badbaadiyo hooyooyinka iyo dhalaanka u dhinta daryeel la,aan caafimaad xilliga dhalmada
2- In la loo fidiyo tababaro joogta dhakhaatiira, kalkaaliyayasha si ay u ogaadaan howlaha caafimaad iyo in la siiyo mushahar ku filan
3- In wasaaradda caafimaadku soo saarto qorshayaal lagu horimarinayo tababaro loo fidinayo dadka deegaanka (degmooyinka, tuuloyinka) ku nool. Si loo helo dad aqoon cafimaad leh
4- In kor loo qaado tayada goobaha caafimaadka illaa heer degmo, tuulo. Taasoo loo sameynaya xurmo caafimaad(MCH) goob kasta oo ay muhiim ku tahay.
5- In la soo saaro shuruuc xakamaynaya tayada dawooyinka lana helo wax lagu xadidayo farmisiiyada sida xad dhaafka ah u furmaya ee aan aqoon caafimaad lahayn.

6- Wasaaradda caafimaadka iyo wasaarada ganacsiga waa in ay si wada jir ah u soo saaraan shuruuc lagu joojinaayo dawooyinka maskax ahaan, jidh ahaan iyo caafimaad ahaanba wax yeeli kara qofka sida kuwa badala midabka.

7- In la sameeyo wacyigalin lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah. Wacyigalintaasi waa in ay gaadho wadanka oo dhan ilaa heer tuullo,degmo iyo gobal.

III. GARSOORKA IYO HAWEENKA.

1- n la xoojiyo dhaqangalinta shuruucda la xidhiidha arrimaha qoyska, isla markaana la cadeeyo cidda ka masuulka ka ah hirgalinta shuruucda. Meeshana laga saarayo xeer-dhaqameedka iyo odey-dhaqameedyada.
2- Si loo yareeyo furiinka sii kordhaya wadanka waa in la dhiirigaliyo sidii loogu dhaqi shareecadda islaamka arrimaha la xidhiidha qoyska.

3- In la sameeyo shuruuc lagu xakamaynayo tacadiga haweenka loo gaysto, sida kufsiga ,garaacista. Khilaafaadka arrimaha qoyska waa in lagu xaliyo shareecada islaamka oo kaliya.
4- In la kordhiyo goobaha adeega sharciga ee haweenka aan awoodin in helaan adeeg sharciyeed, lana gaadhsiiyo goballada dalka oo dhan (legal Clinic).


IV. HAWEENKA IYO KOBCINTA DHAQAALAHA.

1- In xukuumadu soo saarto sharciga kala xadaynta ganacsiga si kor loogu qaado dhaqaalaha ganacsatada yar yar
2- Aqoonta haweenka in kor loo qaado.
3- In la adkeeyo sanduuq dhaqaale oo haweenka ganacsiga ku jiraa ay leeyihiin
4- In la xoojiyo meelaha ay ka jiraan guddiyo ganacsi ee haweenka, lana sameeyo meelaha aaney ka jirin.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
hadhwanaagnews.com Reporter
Hargeysa, Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com




Submited By hadhwanaag : 2007-12-28

Shirweyne ay isugu yimaadeen ururrada Haweenka S /Land oo laso gabagabeeyay









By: Admin on 12/28/07

Shirweynahan oo socday muddo saddex maalmood ah waxa laga soo saaray go’aano la doonayo inay haweenku kor ugu qaadaan mustaqbalka haweenka Somaliland.

Go,aamada shirkaasi laga soo saaray waxa ay haweenka reer S/land iyo xukuumada S/landba ku dhiirigalinaysaa in kor loo qaado caafimadka iyo waxbarashada haweenka,sidoo kale waxa ay ku boorinayaan in kor loo qaado ganacsiga haweenka.

Waxa kale oo shirkaasi lagaga dooday sidii loo xoojin lahaa doorka ay haweenku ka qaadan karaan hogaaminta talada dalka, taasooy ka dalbadeen haweenka S/land inay u guntadaan sidii kaalinta haweenka loo xoojin lahaa.

Wasiirka Wasaarada horumarinta reer miyiga mudane Fu’aad Aadan Cadde oo shirkaasi xidhay ayaa haweenka ku dhiirigaliyey inay isku kalsoonaadaan oo ay ka faa’iidaystaan codkooda,oo uu sheegay inay ku kasban karaan inay ka qayb qaataan talada dalkooda,waxaanu Wasiirka haweenka ka codsaday in arintaa lagu gaadhi karo iyagoo haweenku ay u codeeyaan gabadhaha tartanka isu-taaga.


Source:Goljano

Thursday, December 27, 2007

Qarax weyn oo caawa ka Dhacay Boosaaso oo dhaawac iyo dhimasho keenay









Published Dec 28, 2007
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneyn ay caawa weerar bambaano ah ku qaadeen guri ku yaala duleedka magaalada Boosaaso, iyadoo wararku qaar intaa ku darayaan in gurigaasi uu ka socday shir ay lahaayeen odayaal.

Qaraxan bam ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 7 qofood oo qaarkood ay ku jiraan dadkii halkaasi ku shirayay, waxaana loola cararay dadkii ku dhaawacmay xarumaha caafimaad ee magaalada Boosaaso.

Qaraxan ayaan la ogeyn kooxaha geystay iyo sababta keentay in weerar bambaano ah lagu qaado gurigaasi oo la sheegay in uu ka socday shir aan la ogeyn waxa uu ku saabsanaa, Hadii Alle idmo wixii warar ah ah ee ku soo kordha dhacdadan wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan.
Source..allpuntland.

Hay'adda Wadaniga SYCD oo NGO yada Aqoon-Isweydaarsi u Furtay Dhalinyarada Togdheer















Hayada Wadaniga SYCD oo Local NGO ooyada Aqoon-Isweydaarsi U Furtay Dhalinyarada Gobalka Togdheer si ay Uga Qayb Qaataan Hogaanka Siyaasadeed ee Dalka

Hayada Wadaniga SYCD Local NGO oo Aqoon-Isweydaarsi U Furtay Dhalinyarada Gobalka Togdheer Si Ay Uga Qayb Qaataan Hogaanka Siyaasadeed ee Dalka

Hayada wadaniga ee SYCD ayaa maanta ugu furtay aqoon-isweydaarsi socon doono muddo sadex cisho ah, aqoon-isweydaarsigan oo ku saabsanaa sidaa dhalinyarada Somaliland ay kaalin mug leh uga qayb qaadan lahaayeen hogaaminta dalka.

Aqoon-Isweydaarsigan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 50 Xubnood, oo kala socday hayadaha wadaniga ah, iyo Bulshada rayidka ah, Madaxda Xisbiyada Qaranka ee Heer Gobal.

Kulankan Aqoon-Isweydaarsiga waxaa furey oo ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha C/kariim Yusuf Cabdi Muraad oo sheegay in ay soo dhoweynayaa wax kasta oo ka qayb qaadanaya horumarka dhalinyarada gobalka Togdheer, run ahaantii waa kaalin inaga maqan in Bulshada Hogaaminteeda iyo u wax uqabadkeeda in lagu yeesho dhalinyaro firfircoon oo u diyaara siday dalkooda u horumarin lahaayeen.

Ururadii ka soo qayb galay aqoon-isweydaarsigan ayaa ku soo bandhigay sidii urur waliba u samaysan lahaa hal ku dhegyo lagu wacyi galiyo dhalinyarada sidii ay u buuxin lahaayeen kaalintooda,

Gobalka Togdheer waxaa jira baaqyo hore oo ay soo saareen Ururada Haweenka oo ku midoobay sida ay diyaarka ugu yihiin ay siyaasada dalka lagu maamulo uga qayb qaadan lahaayeen hogaaminteeda, sidoo kale tababarkani waa kii labaad ee dhalinyarada gobalka ay u diyaargaroobaan in ay buuxiyaan kaalinta ay ku leeyihiin mujtamaca dhexdiisa.

Qorshaha iyo Qorshaynta II

December 27, 2007
By Dr. Suleiman Walhad

Dadyohow, danta cadawgiina weeyaan, nabadda in la dayrshaaye - Dagaal soke guul ma soo hooyo, inuu idin kala diro mooyaane - Da’da yar ayuunbay dirirtu, idinka laysaaye - Dadoyohow, maxaa u garan laadihiine ee idinka daahsaaray?

Waar waa la idin dagayaa oo midbaa geedbaa lagu dabriye
Hadhawna sida faruurta geela lagu xidho, ayaa la idiin daadahayne
I daayana, hadhaw, odhani maysaane oo dullaa la idinla dhiciye
Inta ay goori goor tahay miyaa is daba qabataan?
Miyaa aad u danaysaan dadkiina iyo da’aha iman doona?
Dambiyo hore, oo badanbaa la gallay, oo wakaa idinku daguugaye
Inta ay ka sii darin, miyaad Ilaahay, aad u dacwootaan?
Dembi dhaaf iyo miyaad naxariistiisa weydiistaan?
Dibindaabyada iyo daranyada Allow naga dhawr miyaad dawarsataan?

Intaa, waxa aan idhi, waa dabuub guude.
Waa digiin iyo ka durka daranyo caydheede
Waa ka dadaala inaan talada la idin kala wareegine
Waa doodaha ku dara dadnimadeena

Anana haddaynaan istaakulin halkii ayaan ka sii wade
Danta guud weeyoo, kama daallo
Qoraalkanna waa qorshaynta iyo dalageeda
Dirkii hore sidiisii ayaanu godadlayni.

Godka Kowaadna waxa uu baanay:

1. Waxa la yidhi canaan-ka-yaab reer ma doojiyo.
2. Waxa kale oo la yidhi caduur dhawdhawdu uma dhacsana
3. Waxa kale oo la yidhi reer sahan la’aan
guuray casar calaacal
4. Waxa kale oo la yidhi arrin waa idil oo abyoon
ama waa madhan oo madaw.

Godka Labaadna waxa uu banay:

1. Godkan hore waxa uu timaamayaa talo iyo tala xumada iyo
sababta loo diido qorshaynta.
2. Waxa uu tilmaayayaa waaya-aragnimadu wanaaga ay leedahay.
3. Waxa kale oo uu tilmaamayaa in sahanku lagama
maarmaan u yahay qorshaynta
4. Guud ahaan waxa uu tilmaamayaa qorshayntu
faa’iidada ay leedahay.

Godka Saddexaadna waxa uu baanay:

1. Dhawr waxyaabood ayay ururadu qorshaynta ay uga maagaan.
2. Marka hore waxa ay is yidhaahdaan faaiido badan lagama helo.
3. Marka xiga goor la kala tegay ayay bilaabaan
ficil aan dan badan soo jiidin.
4. Marka xiga qaarbaa dhanqankooga inay beddelaan ku adag tahay.
5. Marka xiga qaarbaa iyagu jeebku ku adag oo gacan adag.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Sida ururada, dadka qaarbaa iyaba ka leexleexda qorshaynta.
2. Waxa u sababa caajisnimo.
3. Waxa kale oo u sababa hal adayg la’aan
4. Waxa kale oo u sababa baqaha in wax la kari waayo
5. Waxa kale oo u sababa waayo-aragnimo yar.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Qorshaynta waa in loo arkaa sida giraangirta oo kale.
2. Ma aha jid toosan oo la marayo
3. Meel ayaa laga dhaqaaqayaa.
4. Jid lagu tala gallay ayaa laga leexan karaa.
5. Hawsha la galayo iyo ta la qabtay waa la cabiraa
– ma guulbaa mise waa guuldarri.

Godka Shanaadna waxa uu baanay:

1. Waxa marka hore la gartaa halka la joogo.
2. Marka xiga waxa cayimaa waxa la doonaayo.
3. Marka xiga waxa la fiirshaa hilinda badan ee lagu gaadhi karo.
4. Mid walba tafaasiisha ayaa la gala.
5. Hawlqabadka ayaa la qiimeeyaa.
6. Wixii qaldan ama qaloocda ayaa la toosiyaa.
7. Hawsha ayaa lagu dhaqaaqaa oo la fuliyaa
8. Waxa laga warhelaa hawlqabadka iyo nataa’ijkooda.

Godka Lixaadna waxa uu baanay:

1. Sida ugu dan roon ee wax loo garan waxa weeye
iyada oo diraasad la sameeyo.
2. Waa diraasad kuu sheegta tamarta halka aad ku leedahay.
3. Waa diraasad kuu sheegtay halka aad ka jicilsantahay.
4. Waa diraasad kuu sheegt khataraha kugu iman kara.
5. Waa diraasad kuu sheegta ayaanka ama furaska aad leedahay

Godka Todobaadna waxa uu baanay:

1. Tamartaada waxa tilmaama meelaha aad xoog ku leedahay.
2. Waxa kale oo tilmaama waxa aad ku fiican tahay.
3. Goljilicaaga waxa aad ku ogan meelaha
aad u baahan tahay inaad adkeyso.
4. Waxa aad ka ogaan waxa sida xun loo qabtay.
5. Waxa aad ka ogaan waxa aad u baahan tahay
in aad ka leexato ama ka fogaato.
6. Khataraha kugu iman kara waxa aad ku heli
wixii ku carqalayn kara.
7. Waxa kale oo aad ka heli, kuwa kula
tartamayaa waxa ay wadaan.
8. Waxa kale oo aad ku ogaan tafaasiisha hawsha
aad qabanayso meelaha ugu adag.
9. Ayaankaaga ama furaska aad leedahay waxa
aad ku ogaan waxa kkugu fiican in aad qabato.
10. Waxa aad ku ogaan guud ahaan dhinaca loo socdo.

Godka Sideedaadna waxa uu baanay:

1. Mararka qaarkood qorshaynta waxa kugu
kalifi kara xoogag ka weyn.
2. Waxa ka mida xoogag adiga ku khuseeya oo gudaha ah.
3. Waxa kale oo ka mida xoogag shisheeya ah oo aan
adi shaqo kugu lahayn.

Godka Sagaaladna waxa uu leeyahay:

1. Qorshaha fiicani waxa uu cadeeyaa dhawr waxyaabood.
2. Waxa uu cadeeyaa halka aad joogto.
3. Waxa uu cadeeyaa waxa aad dooni.
4. Waxa uu cadeeya sida aad rabto inaad
ku gaado waxa aad dooni.
5. Waxa uu cadeeya tamaraha, goljilica, furaska
iyo khataraha qorshahaaga.
6. Waxa lagu qoraa af fudud oo la fahmi karo adna
aadan ka lumi Karin

Godka Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Marka aad doonayso wax inaad qabato ama
isbeddel aad samayso;
2. Waa inaad marka hore si caqliya u fekertaa.
3. Waxa la sameeyaa kooxo iyagu fikrado soo daadsha.
4. waxa kale oo la sameeyaa baadhis waxa aad doonayso ku saabsan.
5. Waxa la helaa inta nooc ama dariiq ee lagu gaadhi
karo waxa aad doonayso.
6. Deeto waxa la gala tafaasiisha hawsha aad
qabanayso oo jaanis laguma daayo.

Godka Kow iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Qorshaha fiicani waxa uu si qeexan u muujin xaalada lagu jiro.
2. Waxa u lahaan ujeedo qeexan.
3. Waxa uu caddeyn hantida lo ohayo.
4. Waxa uu kala qeexi tallaabooyinka la qaadi doono.
5. Waxa uu muuninj sida loo xakamayn karo ama
loo xukumi karo hawl qabadka.
6. Waxa uu caddeyn wixii la yeeli lahaa marka
ay carqaladi ay timaado aan lagu tala gallin.

Godka Laba iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Qorshahaaga waxa guuleyn kara ama najixin
kara dhawr waxyaabood.
2. Marka horeba ka qayb geli dadka kula fulin doona.
3. U sheeg sababta qorshahan loo geleyo.
4. Qof kasta ka dhaadhici faaiidada isbeddelka la wado.
5. Inta badan ku maamul teknoolijyada ay dadku fahamsan yihiin.
6. Badh-tilmaameedyo samee aad ku ogaato
in wax walba sidii la rabay ay u socdaan.
7. Ha adkeyne, fududee.
8. Ha ilaawin waxyaabaha ku meel gaadhka ah ee
lagama maarmaanka u ah hadafka loo socdo.

Godka Saddex iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Qorsha kasta waxa loo sameeyaa ogaanshaha kharashka iyo
dakhliga. Waa in aad hesho waxa ay ku kalifayso
iyo natiijada aad doonayso.
2. Waxa la fiirshaa dhinacyadiisa qalooca iyo dhinacyadiisa toosan.
3. Waxa la ogaadaa sababayaasha waxyeeli kara qorshaha oo dhan.
4. Ha moogaan in aad hayso khayaaro kale ama
siyaabo kale oo loo fulin karo.
5. Ha moogaan khataraha iyo caraqaladaha qorshaha ka hor iman kara

Godka Afar iyo Tobnaadna wax uu baanay:

1. Ha ku kicin waxa akhlaaqiyan dadku ay u arkaan wax aan toosnayn.
2. Ogaw danaha dadka ku lale qorshaha iyo mashruucan la fulinaayo.
3. Ogaw dhanka aad u socoto iyo cida ka faaiidaysan
doonta qorshaha la fulinaayo.
4. Ogaw inaadan bii’ada waxyeelayn marnaba.

Dadyohow, waxa aad nala ogaataan in talada kuu toostaa ay ilmaha tagoogta ku jira waxtarto. Waa dardaaran waayeele, yaanu idin daba marin.
Dr. Suleiman Ahmed Walhad

Email: walhad@taicobu.com

FAL WALIBA FAALO LEH.

Taariikhdu waa ma naxdo, waana ma illowdo,waana Murugo
joogto ah. Waa ma naxdo oo saddexda jeer ee Bani
aadanku maanka la'yahay, falalka uu geysto iyadu wey
sajishaa, ama qortaa!! Saddexdan jeer ee Aadanuhu
Waalan yahay, laba ka mid ah wuu isu war hayaa, waanu
awoodaa , in uu wax ka beddelo hab dhaqankiisa. Marka
kalese malaha, awood uu wax ku beddeli karo!!

Marka uu Wax jecel yahay, Adduun, Gabadh, Xoolo i.w.m,
waxaa uu jecelyahay oo keliya ayaa mara, Adduunka waxa
ugu qiimaha badan haddii la hordhigo, u muuqan maayo!!
Waxaana la yidhaahdaa Maan la'aantan, "Sakratul Xub
!!". Marka labaadna , waa marka ay aduunyadu waddo oo
haddii aad quruxda Dabeecadda, Nimcada Ehelka, Ubadka,
Ammaanka iyo barwaaqo oo dhan ka sheekayso, dhego uma
laha, haddiise aad tidhaahdo, laba kun oo Daasado
madhana, oo tiiba hal Doolar ku jiro Faa'iido ah ayaan
soo arkay, inta aanad dhammeyn hadalkaba waa ka
istaagey ee yidhi"Inna dhaqaaji, khayr baad
sheegteyba'e!!" tanna waa "Sakaratul Maal". Tan
Saddexaad ee iyana Maanka yar ee Aadanaha uu kal
wareegaa, waa marka ay Naftu hayso, ee Allihii iska
lahaa, ammaanadiisa qaadanayo, ee uu Neef-tuurayo,
labada indhoodna Cirka mooyee aanay meel kale
jalleeceyn!! Haddii aynu dhawr qof ku jeediya
nidhaahnona kari maynno!! waxa uu sugayaa , in uu arko
maqaamkiisa rasmiga ah ee sugaya!! "Sakratul Mawt
weeye tanuna !!".

Waxan Siyaasadda la yidhaahdaa haddaba, waxa ay ka mid
tahay, sakradahan. Dadka isku hawlana wax yar ayaa ka
samato baxa, kuwaas oo Tawfiiqda Alle iyo Xakamayn
joogto ah naftooda ku haya oo aan dhalanteedka waqtigu
khiyaamayn kareyn!!. Siyaasaddu Cilmi ahaan , waa
Cilmiga Casriyeynta iyo kor u qaadka hab
Dhaqan/Dhaqaaleedka ay ummadi leedahay, laguna
waafajiyo, la jaan-qaadka shuruucda iyo iskaashiyada
Dawliga ah ee Caalamka ka dhexeeya. Afrikana ,waxa ay
Dawladihii Isticmaarku u bareen nidaamka
munaafaqadeed, ee lagu kala qaybiyo bulshooyinka,
beelaha iyo Aqoon yahanka Ummadda, si isku garaacooda,
loogu xukumi karo!! ilaa maantana u dhaqan ah.

Si taasi loo xaqiijiyona, waxa uu furaha ama miftaaxa
siyaasaddan Isticmaariga ahi yahay in aan Ummadda wax
la barin oo aanay kaba war hayn waxa la kala
macaashayo. In aan shaqooyin iyo dhaqaale kobcin midna
loogu fidin ay baahidu ahaato, tan cabiidineysa, iyo
in hadba inta wax fahmayso fal dambiyeedyo loo
sakhirey la geliyo, kaddibna lagu dhabar garaaco, inay
u dulloobaan Maamulka hadba talada haya!!. Musuqa,
Laaluushka, Hanti-lunsiga, shirqoollada Siyaasi
/dhaqaale ee abaabulan intuba waa dabeecado lagu
yaqaan, Maamullada ka soobalka ah, aqoonta iyo
afkaarta wax ku oolka ah ee Siyaasadeedba.

Somaliland oo haddaba waqti kala Guur ah ku jirta,
Cahdigii, Odey dhaqameedyada iyo Talisyada
Dhegeystayaashana ka Guureysa , una hinqatey, dhankaas
iyo Gurya-Samo, Dimuqraaddiyad hanoqaadda iyo Maamul
shurruc iyo Distoor ku dhaqan ah oo Dawlad kooban ,
tayo iyo waxqabad leh oo Aqoon yahan Xul ah oo Kuwii
Alle Dib-u-Dhiska Dalkan ugu deeqay adeejntooda ah,
laguna nasan doono, iyaga oo qorsheyaal Horumarineed
oo Muddeysan, Dhaqaale Muujin shuruuceed, Hantidhawr
iyo Mas'uuliyadaha oo lagu Xisaabtamo, yeelannna doona
, Abaal marin iyo Anshax Marinba , markii ugu
horreysey, oo Dalkan ka hirgeli doonta!! ayaa waxa aan

ka fakiraa, Faallada Sooyaalkii falalkii Maamullada 16
sannadood Dalka ka khasaariyey, runtiin , "Faddhi &
fuud yicibeed" ku wanaagsan tahay, waqtiga dheer ee ay
arrimahaas dibu-fiirsigooda, Cibradaha ku jira, daba
galkooda iyo, Majaaliista Aqoon yahanka Doodaha ka
dhici doona, taariikhdu gufaacooyinka ay iyana la iman
doonto, Magac Xumada, Weji Gabaxa iyo Shakhsiyad
Hallowga, Mas'uuliin badani ka dhaxli doonaan,
Sakhradda yar ee Maalka ama Mansab jaceylku u
geysteen, waxna aanay ka kasbanin. Gal dad liqa Ulbaa
lagu dayaaye, sidii Dukhsi Mawdkii galey, markey bad
aan dabbaasheed la isku kallifin, ay dalaq tidhaahdo,
waa Tuulo Adduunku Maanta'e, Shilin kasta oo Dibad la
dhigtey, Hanti la gashadey, Magacyo Dad kale lagu
qortey, Dhul lagu Iibsadey ama Ganacsi ku milmay , kol
haddii aan wax qarsoomayaa jirin, Rag maanta
is-xiijinaya ayaa xaalkooda loo joogi doonaa!!

Saddex waan la yaabaa!! Dal imika la yabyabayaa, laba
aqoonsan, dhaqaale mudan aan lahayn, Gole wasaro oo
lixdanka kor u dhaafey inuu yeesho, Laba aqal oo
Baarlamaan yeesho, Barnaamij qaran oo Horumaineedna
yeelan waayo, Haddana Qaran Gooni u Taagan
sheeganaya!!
Saddexna Waan ku qoslaa!! Muwaadin wax uu xaq
Distooriya iyo Mid xuquuqeedba u leeyahay , haddana
qof la mid ah sidiisa oo Muwaadin ah, hawl Mushahar uu
ka qaato, aanu kan laftiisu qaadan oo shaqadiisa ay
tahay, haddana laaluush hawl-fududeyn ah ka siiyo.
Mas'uul weyn oo sidii uu koox dhalinta barbaarinta, la
hadlayo, aqoonyahanka la soo horjoogsada"Horumarka iyo
waxqabadka mudan ee ay Dawladdu sameysay!! iyo
waxaannu qaban doonna!!!" tan saddexaad ee iga
qoslisaana, waa Idaacadda in Caroog ay ka addimayso la
moodo ee aan Hargeysa dhaafin barnaamijyadeeda muraaro
dillaaca ah!!

Saddex waa amaakaag oo Riyaale ayaa Xidhey,
Mujaahidiintii Dalka, Cawil baa Wasiir Maaliyadeed
noqdey, iyo Yuusuf Tallabo ayaa Caddaaladdii u
hadlaya!! Saddex Waa Mahadho oo "Guriga Aafada Burco,
Fooqa shanta Dabaq ah ee laga dhisayo Gurigii Hore
Riyaale ugu Jirey iyo Fooqa Qaahira ee Weliba "Hal min
Maziid , socoto!!"!! Saddex waa madadaalo, Guurt iyadu
isu jadiidisay Xil qaran!! Maamul Madax ilaa mijo
shuruucdii iyo Distoorkii Maaruqay oo haddana leh Alle
ka baqda oo sacabka tuma!! iyo Faysalkan sidii
"Crab"ka dhan walba u cararey, Riyaalow, Siilaanyow,
Cabdillaahi Yuusufow, Hawiyoow, Geellow iyo .. iyo !!

Waxaan qorsheynayaa, intan oo dheri ah intaan Hawdka u
qaato, oo marka uu Roobku Da'o March, 2008da, intaan
doorashooyinku soo gelin Geed weyn oo Galoola, aan la
hoos fadhiisto, si marka aan ku harraado, aan Romog
yar oo qabow dhuunta ugu qaboojiyo, haddaan ku
gaajoodo , Cambuushiisa ku damiyo, haddii aan yar
caajisona aan Maydhaxdiisa, xanjo ka dhigto!! Hadkiisa
oo iskaba "Air condition ahna , hadhkiisa iyo Cimilada
Dabeecadda ee ku Xeeranina , ii siiso daaqadda aan ku
kala hurgufayo waxan oo axmaqnimo na soo martey, iyaga
oo aan Duruus jiilasha mustaqbalku wax ku qaataan
looga reebinna, sidan aan lagaga tegin, cahdigii Tala
Xumada Taariikheed ee Dalkan soo Martey!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa.

Monday, December 24, 2007

TOGOYOVO OO TABABAR U FURTAY URURADA WADANIGA AH..

BURCO:TOGOYOVO OO TABABAR U FURTAY URURADA WADANIGA AH..

Burco(Jam) Shan iyo labaatan xubnood oo ka socda ururada wadaniga ee ka jira burco ayaa maanta tababar ku saabsan kor u qaadida qaabka hogaaminta ururada uga furmay Burco.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka TOGOYOVO,ayna maalgalisay Hayada NED,ayaa munasibadii furitaankaa waxa ka hadashay Gudoomiyaha ururka Togoyovo Ismahaan Jaamac Maxamuud,oo sheegtay in ujeedada tababarkani yahay mid la xadhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada hogaamineed ee ururada wadaniga ah si ay noqdaan kuwo tayo leh oo ka soo baxa kaalinta ay bulshada ugu jiraan “waa inaad noqotaan kuwo si fiican uga faaiidaysta tababarkan oo waxaad ka korodhsataan aad ku dabaqdaaan ururadiina”.Waxayna u mahadcelisay Hayada Ned ee iyagu maangaliyay tababarkan.

Waxa kale oo ay intaa ku dartay Marwo.Ismahaan Jaamac in tababarkani socondoono mudo sadex maalmood ah,waana markii sadexaad ee aanu u qabano ururadan,islamarkaana xubnaha ka qaybglayaasha looga baahan yahay in marka aad dhamaystaan Tababarka isbedel laga arko ururadooda iyo sida aad uga faaiidaysteen aqoonta tababarka.Waxay ku soo gunaanaday hadalkeedii in la qiimayndoono qolyihiina tababarka qaatay Xafiisyadiina iyo sida ay wax idiinka bedelmeen ee aad uga faaiidaysateen,waxaana qiimeyntaa wadajir u samaeyndoona Togoyovo iyo Ned,cidii ka faaidaysatayna mudnaan la siindoono,waxaana qiimayntaasi dhaci doonta horaanta sanadka cusub.

Masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Gobolka iyo xubno Golaha degaanka ayaa iyaguna ka qaybgaly furitaankii munaasibada tababarkan kuwaasoo soo dhoweeyay kuna tilmaamay mid muhiimad weyn u leh ururada wadaniga ah,loogana baahan yahay inay si wanaagsan uga faaiidaystaan,waxayn u mahadceliyeen Ururka togoyovo ee soo qabanqaabinyay tababarkan.

dhankale Xubno ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa iyaguna balan qaaday inay aqoonta ay ka korodhsadaan tababarkan ay ku dabiqidoonaan hawlaha ay qabtaan,oo ay ka muuqandoonto xafiisyadooda.

Tababarkan ayaa ah kii sadexaad ee noociisa ah ee loo qabto ururada wadaniga ee gobolka togdheer kaasoo ujeedadiisu salka ku hayo sidii kor loogu qaadi lahaa hogaaminta maamul ee ururada wadaniga ah si ay u noqdaan kuwo bulshadooda waxbadan u qabta.

Degmooyinka Duruqsi Iyo Cadaadlay oo Xoolo Nool ugu Deeqay Guddida Taakulaynta Qaranka

Written by Qarannews
Dec 23, 2007 at 07:46 PM
Gudidan taakulaynta oo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Xamse Gaada Wayne oo tan iyo aasaaskoodii xiligan booqasho kawada Magaalada Burco hawl galadan

Gudida taakulaynta Qaranka ee gobolada bariga Somaliland ayaa maanta markii u horeysay kala wareegay Maamulka Gobalka Togdheer in ka badan 120 Neef oo adhiya oo ay Degmada Duruqsi oo ka mida Degmooyinka Gobalka uga qayb qaadanayso hawl galada taakulaynta.

Gudidan taakulaynta oo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Xamse Gaada Wayne oo tan iyo aasaaskoodii xiligan booqasho kawada Magaalada Burco hawl galadan ururinta taakulaynta waxay deeqdan kala wareegeen kulan fadhiya oo ay gudi hoosaadka gobalka u qaabileen ururinta taakulaynta kula yeesheen xarunta Maamulka Gobalka Togdheer.

Afhayeenka Gudidan Aadan Maxamed Mire Waqaf oo maanta ka hadlaayey deeqda iyo weliba qaabka ay gudi ahaan u agaasimayaan hawl galkooda ayaa waxaa uu sheegay inay gacan ku haynta deeqaha ay masuuliyadooda yeelanayso gudida gobalka tan iyo inta ay isu soo dhamaanayso baaxada dhaqaale ee laga filayo gobalka.

Afhayeenkani waxaa uu cadeeyey in gudidan oo xiligan wufuud u kala dirtay gobolada dalka oo farsamo ahaan ka caawin doonaan gudiyada gobolada dhinaca maamulka iyo dhiiri gelinta shacbiga taasi oo ay wadi doonaan muddo 7 cisho ah, isla markaana ay dhinacyada laga doonayo qaadhaankan ay u badan yihiin ganacsatada, shaqaalaha dawlada iyo kuwa madaxa banaan iyo weliba shirkadaha, kuwaasi oo xadiga dhaqaale ee laga doonayo ay u jaangoyn doonaan gudida gobalka.

Sidoo kalena Duqa Degmada Duruqsi Axmed C/laahi Gaabyoome oo isagu deeqdan xoolaha maanta wareejiyey deeqdii ugu horaysay ee laga dhawaaqo gobalka Togdheer ayaa waxaa uu sheegay inay ku deeqeen xoolahan ilaa toban tuulo (10) oo ka mida deegaanka Degmadaasi, taasi oo uu sheegayy inay hor dhac u tahay abaabulka ay diyaariyeen madaxda Degmooyinka.

Gudoomiyaha Gobalka Togdheer oo loogu talo galay dibudhiska Sool, Sanaag Bari &

Degmada Buuhoodle, geesta kalena gudigan taakulaynta Qaranka waxaa laga dhawaaqay Caasimada Hargaysa horaantii bishii la soo dhaafay iyadoo Gudoomiye u yahay Madax Weyn Ku Xigeenka Somaliland Axmed Yusuf Yaasiin waana markii u horeysay ee hawl gal ka bilowdo Magaalada Burco, Gobalka Togdheer.

Degmada Cadaadlay oo xoolo nool ugu deeqday ciidanka qaranka

Cadaadlay (QRN)- Degmada Cadaadlay ee gobolka Hargeysa , ayaa Maanta ugu deeqday Ciidamada Qaranka ee Jiida hore 200 Neef oo Adhi ah.
Munaasibadan lagula kala wareegayay Xoolaha waxa goob jog ka ahaa Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland Mudane Abshir Axmed Xasan , Wasiirka Arrimaha Qoyska Marwo Faadumo Suudi Xasan , Gudoomiyaha degmada Cadaadlay Mudane Jaamac Caabi iyo Dadweynaha degmada Cadaadlay.
Wasiirka dib u Dejinta Mudane Abshir Axmed Xasan oo deeqdaas ka gudoomay Gudoomiyaha degmada Cadaadlay ayaa Ballan qaaday in uu ku wareejin doono Ciidamada Jiida hore.
Gudoomiyaha Degmada Cadaadlay Jaamac Caabi ayaa isna sheegay in ay deeqdan ugu tallo galeen Ciidamada Qaranka , diyaaruna ula yihiin wax kasta oo dhinacooda looga baahdo.

Ururka Qaran oo Shaaca Ka Qaaday Inay Dhisayaan Xisbiga Kulmiye








Written by Hormoodnews
Sunday, 23 December 2007
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Madaxda urur-siyaasadeedka Qaran ee xabsiga laga siidaayey ayaa caddeeyey in hadda laga bilaabo ay ka shaqaynayaan dhismaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana soo bandhigay hindisayaal ay ku abuurayaan iskaashi ay sheegeen in lagaga gudbi karo dhibaatooyin iyo tacadiyo ay sheegeen in xukuumada Madaxweyne Rayaale dhaqan ka dhigatay.

Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo caawa ka hadlayey xaflad casho sharaf ah oo xisbiga KULMIYE u sameeyey isaga iyo labadiisa ku xigeen ee xabsiga laga sii daayey ayaa sheegay in hadda laga bilaabo ay ka shaqaynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen xisbiga KULMIYE, waxna ay ula qaban lahaayeen, isaga oo sheegay in haddii la ogolaado ururkooda Qaran iyo haddii kaleba ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan xisbiga KULMIYE.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ammaan iyo bogaadin ugu jeediyay xisbiga Kulmiye taageero uu sheegay inay u hibeeyeen oo aanay u kala hadhin madax iyo taageerayaalba, ilaa markii ay ururkooda ku dhawaaqeen ilaa maalintii ugu danbaysay ee la soo daayay. “Sadexdayadan u jeedadu maaha, balse dadka hogaaminaya xisbiga Kulmiye ayaa u abuuran, taariikh nololeedkoodii halgan, waxa xoriyadu tahay, wanaaga iyo waxay ka dagaalameen ayaana is agyaala.” Sidaa ayuu yidhi Dr, Gaboose waxa uu uga gudbay sheeko xariir kooban oo la xidhiidha xusuusta maalmihii Jeelka ay ku jireen, “Waxaan xasuustaa, maalin goor barqo ah ayaa maalmihii xabsiga (Mandheera) qolkii aanu ku jiray, wuxuu lahaa daaqado waaweyn. Dabayl xooglihina way dhacaysay, siigo meel laga keenay garanmaayee xooglehna way wadatayoo inta ay daaqad ka soo gasho daaqada kale ka baxaysay. Annaguna dhulka ayaanu jiif-jiifnay, markaas ayaan halkaasoo kale waxaan arkay, Maxamed Xaashi Cilmi oo maro-yari dusha ka saarantahay siigaduna ku duldhacayso. Kaligay ayaa waxaan dib u xasuustay intii sanadood ee Maxamed Xaashi dalkan soo xoraynayay iyo meesha uu ku danbeeyay iyo waliba cidda uu u xidhanyahay oo uu ogolyahay. Ummase qaadan nacas-nimo.”

Dr. Gaboose wuu sii waday waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi.” Nin shisheeye ah, ayaanu maalin dhawayd la kulanay. Waxa uu nagu yidhi, waxaanu aad iyo aad idiinku qadarinaynaa hadaad tihiin ummada reer Somaliland, mashaakilkiinu si kasta ha u cuslaadee, waxaad ka door bidaan inaad wada hadal ku dhamaysaan. Maxamed Xaashina waxa uu siigada u jiifay in wadda hadal lagu xaliyo qori ma waayine.”

Waxa uu Dr, Gaboose intaa uga gudbay cawil celin siyaasadeed oo uu ku guubaabiyay xisbiga Kulmiye “Waxaan caawa hortiina ka xaqiijinayaa, haddii Ururka Qaran la ogolaado iyo haddii aan la ogolaanba, inta aanu noolahay hiilka aad noo gasheen mid ka weyn inaanu idiin gallo. Waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu Caawa laga bilaabo, Kulmiye dhismihiisa ka shaqayno” Sidaas ayuu yidhi, hase ahaatee waxa uu ka dalbaday inay hiilkii hore mid ka weyn ka sugayaan Kulmiye.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran waxa uu isaga oo ka jawaabay hadal Madaxweyne Rayaale ku sheegay inuu kaliya ka saamaxay xabsigii uu tilmaamay in taa macneheedu yahay in xukunkii kale ee maxkamadu ku riday oo ahaa inaanay shan sanadood ka qaybgalin siyaasadu uu weli saaranyahay. Islamarkaana waxa uu sheegay in qodobka loo cuskaday xayiraadaasi uu yahay Xeerkii ciqaabta dawladii Somaliya oo laga soo dheegay xeer uu sameeyay faashistihii talyaaniga ee Musa Lini 1930kii, islamarkaana waxa uu ka dalbaday Golayaasha sharci dajinta inay arrintaa u dhabagalaan iyagoo uu ku dardaaray inay la akhriyaan qodobada dastuurka Somaliland ee arrintaasi ka hadlaya.

Waxa isaguna xafladaa lagu casuumay hogaamiyayaasha Ururka Qaran oo xisbiga Kulmiye ku gudoonsiiyay {KITAAB QUR AAN AH} ka hadlay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Ururkaasi Eng; Maxamed Xaashi Cilmi, waxana uu ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira hayaddaha dawlada oo uu ku tilmaamay inay baabiyeen dhaqaalihii oo si xun loo isticmaalay. “Garsoorkii wuxuu taaganyahay meel-xun oo aan waxba lagu aamini karrin. Waxana aanu anbiilka u qaadan waynay waxay ahayd, sow hadaad kan ka tagto Inaa deerikii uun u tegi maysid, waa isku nooc ilaa ta ugu saraysa oo meel loo anbiil qaataa ma jirto, waxana baabi’iyay waa adduun. Waxaad ogtihiin in Guurtida sidaa iyagaba loogu kordhiyay, ay doonayaan inay Madaxweynahana ugu kordhiyaan, hay’addeheenii oo dhami sidaas ayay u baabe’een. Xeer ilaaliyuha magaca mooyaane, maanta waa Madaxweyne Ilaaliye. Hadduu xeer ilaaliye yahay, wuxuu ku qabsan lahaa, Xukuummada xeerarka la jabiyay, bari dhawayd waxaan qoray in 52 qodob oo dastuurka ah la jabiyay, markaa intaasuu odhan lahaa Madaxweyne sidani xeer maahee ka daa” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Xukunkii maanta yaa inoo haya, waxa haya, dadku faylal ayuu iska dhaxlaa Caalamka faylal, oo ninka xafiis ka tagaaba laga dhaxlo. Faylkii ay dhaxleen ayay inagu wadaan. Faylkaasi waa maxay in subaxdii haddii Madaxweynuhu baxayo in aroortii dadka la sii tubo, askarta dariiqyada la sii dhigo, oo gaadhigiisa 100km iyo wax ka badan magaalada dhexdeeda lagu mariyo. Sida ay wax u wadaan waa sidii Ina Siyaad Bare u waddi jiray waayo inta ay dhaxleen ayaa intaasa, in dadka loo hanjabo oo la xidhaa waa faylkii ay yiqiineen oo ay ku socdaan. Kolkase heer Ay gaadho madaxdu musuqmaasuqu gaadhsiiyo. Wuxuu dabadeetana isku ilaaliyaa kursiga sidii kii ka horeeyay ee faylka u dhiibay ku tagay ayuunbaanu ku tagaa, si kalese ma jirto. Arrimuhu marka ay halkaa marayaan, waxa lagaga bixi karaa, inga oo isku duuban. Markaa, waxaan leeyahay waa in la sameeyo guddiyaashii howshan gelli lahaa ee sidii la isaga qaban lahaa ee looga hortagi guddiyaashii ka shaqaynayay in la sameeyo. In la is nidaamiyo oo khilaafka meel la iska dhigo oo Umadani sidii ay ku badbaadi lahayd la daba qabto” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi waxana uu ku dooday in aan xukuumadu maantu maqlayn xeerbaa la jabiyay, islamarkaana ayuu yidhi. “Sharcibaa la jabiyay in badan ayay-nu soo wadnaye waana la jabinayaaye, aynu guddiyaadaa badbaadinta dalka samayntooda barito (Maanta) ka bilowno.”

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Ururka Qaran garyaqaan Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa.”Annagu waxaan aaminsanahay, Gudoomiye ku xigeenkii koobaad ee Baarlamanku hadalkii uu ku hadlay, intii u danaynaysay Somaliland ee la haddashay uu diiday Madaxweynuhu, u jeedadiisu waxay ahayd inaan Somaliland la ictiraafin, anaguna aanaan meesha ka soo bixin. Waxaanu aaminsanahay haddalkii uu ku hadlay Cabdi-casiis Samaale inuu ahaa hadalka xaqiiqada ah ee naga soo saaray Jeelka, waayo, hogaamiyaha aan wanaagsanayn. Afka uu doonayo marka lagula hadlo ayuu dareemayaa in lala socdo.”

Jamaal Caydiid Waxa uu ka warmay dhibaatada ka dhalata maxaabiista Jeelka Mandheera ku jirta oo uu sheegay in isku meel lagu wadda xareeyo, dhalin-yaro iskuulada ku jirta oo guddiga nabadgalyadu xukunto iyo dib jir, kuwaasoo uu sheegay inay mudo aan badnayn ay dhalinyarada iskuulada ku jirtaa kula mid noqoto gaangistarada meesha lagula xidhay.

Waxa uu sheegay in tacadiyada ka dhan ka ah xuquuqda aadamaha cid kasta oo ka soo horjeeda ama dhibaatooyinka maxaabiista ka hadli jirtay xukuumadu albaabada u laabtay sida ayuu yidhi, daladii isku xidhka xuquuqda aadamaha ee Shuro-net. “Intii ay mudo dheer oo danbe inagu qaadan lahayd, waxa roon inagoo immika ka tabaabushaysana oo khasaaruhu intii uu yaraan karo ku yarayna inaynu ku soo celino jidka” sidaa ayuu yidhi Jamaal Caydiid.

Ku simaha gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ka tacsiyaynayaan qaysaska hogaamiyayaasha ururka Qaran dhibaatadii ka gaadhay intii ay xidhnaayeen masuuliyiintani, isaga oo tilmaamay in xadhiga iyo siyaasadu wax badan isku yihiin, balse waxa uu u rajeeyay inay darajo ka helaan arrintaasi.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland md, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isaguna madashaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inaanu madaxda Qaran ugu tegin jeelka Mandheera, “Haddii Afweyne (Siyaad Bare) xidho ayuunbaan ugu tegi lahaa, oo cahdigii la soo dhaafay ay tahay, laakiin waxaan qaadan waayay Daahir Rayaalaa Mandheera ku xidhay. Ugama jeedo, Madaxweyne maaha dalkana ma xukummo, ugama jeedo awoodiisa ama shakhsiyadiisa. Laakiin, waxaan uga jeedaa Daahir haddii uu xoog ku qabsan lahaa oo uu dalkan boobi lahaa oo uu sidii Siyaad Bare yidhaahdo xoogbaan ku qabsadaye xoog hala igaga qaado. Cidii ka hortimaadana yidhaahdo jeelkaan gaynayaa, taasi garawshiiyo ayay lahayd, waa la qaadanayay.” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ow Cali isaga oo ka waramay qaabkii Madaxweyne Rayaale ku yimi madaxtooyada iyo xaaladihii kala danbeeyay ilaa doorashadii. Waxa uu sheegay in shacbigu ku dedaalay arrintaas islamarkaana ay filayeen in Daahir wax badan badalo isaga oo tilmaamay in Kulmiye ahaana wakhtigii doorashada ay 80-kii cod ee lagaga helay doorashada u ogolaadeen danta dalka.

Balse, waxa uu faahfaahiyay in Madaxweynihii qaabkaa dimuquraadiga ah ku yimi ay la tilmi dhibaato iyo cabudhin garsoor xummo. “Welli Ma dhawa, hadhow yaa ina kala saaraya marka qodobo dastuuriya la isku qabto Garsoorka Jooga waa kaase.. ummadi waxay harumartaa, dimuquraadiyadeedu lugaha isku taagtaa, sharcigeeda si kasta loo aqbalaa marka uu garsoorku dhex u yahay ummada” sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali waxana uu intaa ku daray “Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waan soo daaynay sharcibaana yaala hadday mar kale ku noqdaana waanu ku celinaynaa. Sharci ma yaalee waxaanu leenahay, waxa meesha yaala dibaa loogu noqonayaa” “Waxaan oo dhami waxay u dhacayaan waa lexejeclo, sidii hooyaddii ilmeheeda lagu qabsaday ee in la kala gooyo diiday, laakiin socon mayso, iyadoo la ilaalinayo ayaa waxna la iska celinayaa.” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali.

Sunday, December 23, 2007

Ardayda Suudaan Wax ku Barata oo soo Dhaweeyey Ardayda Cusub ee Sannanka














(Hadhwanaagnews) Ururka Ardayda Somaliland ee sudaan oo sameeyay xaflad lagu soo dhawaynayo dhamaanba ardayda cusub ee kakala yimid daafaha aduunka una soo waxbarasho doontay dalkan sudan.

Sida lawada ogyahay sanadkasta waxaa dalka Sudan waxbarasha u yimaada dhalinyarada Somaliland oo ka yimaada dalka iyo dhamaanba dalalka sucuudiga imaaratka iyo waliba sanadadan oo aad moodo in wadama badan oo yuruba qaar ka yimid ay waxbarasho u yimadan dalkan Sudan.

Hadaba waxaa sanadkan ururka ardayda s/land ee sudan oo qabtaa xaflad uu ku soo dhawaynayo ardaydaa si ay uga xaal waramaan nolosha iyo qababka waxbarasho ee dalka ay yimaaden.

waxaa xafladu ay ka dhacday hallka shirarka ee (ribat alwadani) halkaas oo ay xaflada kasoo qayb galeen tiro badan oo ardayda somaliland ah iyo dhamanba ardayda dawlada jaarka ah iyo kuwa afrikada galbeedba leh.

waxaa xafladaa xidhiidhinayay c/raxman iyo c/lahi daahir islamarkaan ku furay ayadaha quraanka kariimka ah oo uyu akhriyay sheekh saleeban waxaa intaa kadib bilaabmay kalmado kooban oo ay akhriyeen yaxye c/laahi oo ah gudoomikye ku xigeenka ururka waxaanu halkaa kasoo jeediyay kalmad soo dahwaynaya waxaa ina halkaa kalmad mahadnaqa kasoo jeediyay sacad muuse ooka mid ah ardayda cusub ee sanadkan halka dhanka haweenka ay kalmad aad uqiima badan kasoo jeedisay xayaad xasan oo kamida ardayda sanadkan.

intaa kadib waxaa barnaamijka oo ka koobnaa dhinacya badan la guda galay dhanka fanka iyo suugaanta oo ay heeso cusub oo abwaan axmed saleeban sameeyay kusoo bandhigay c/risaaq khaloo iyo maxed axmed galbeedi.

intaa kadib waxaa kalmad lagu soo dhaweeyay dhiiri galina gudoomiyihii hore ee ururka ardayda s/land c/raxman (faro ) waxaana gudoomiyuhu ardayda cusub usoo jeediyay in ay hadiya jeer ahaadan qaar isku duuban inta ay qurbaha joogaana ka faaidaystaan wakhtiga qaaliga ah waxaan uu sidoo kale dhiiri galiyay gudida cusub ee imika xilka haysa, waxaa c/raxman faro si kaftama uu ardayda ufaray inay gabdhaha reer somaliland ka war hayaan oo ay ilaaliyaan dhamaanba hawlaha ufududeeyana habalahana talada ururka wax laga waydiiyo hadiya jeerna ay ururku ku dadaalan sidii maharatkooda loo xaqiijin lahaa.

waxaa isna mesha ka hadlay gudoomiyaha cusub ibrahim aadan oo dadka uga mahad naqay siday ula shaqeeyen ugana hanbal yeeyay ciida al adxa ee dhamanba umada musliminta waxaanba uu ku duceeyay in ilahay sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo nabad iyo caafimad qab.

waxaa sidoo kale kalmad martiyeed ku hadlay gudoomiyaha somalida ethiopia oo aad udhiiri galiyay dhamaanba ardayda somaliland waxaa xafladii ururka ardayda s/land ku dhamaatay farxad iyo rayn rayn.

- Soo diyaare: Cabdiraxman Yuusuf Cali
faryar1982@yahoo.com

Saturday, December 22, 2007

Siyaasiga Mise Siyaasadda?

Dawlad waxa la yidhaahdaa xafiisyo ay iskugu tageen dadyow kale duwan oo ka mid ah bulshada, dadkaasi marka loo xulanayo inay qabtaan xilalka, waxa lagu soo xushaa sida ay ukala aqoon , caqli iyo waayo aragnimo badan yihiin.

Guuto kastana inta magac loo bixiyo ayaa loo dhiibaa xafiis,arimaha ay qabanayaana waa shaqooyinka bulshadu u xilsaarto sida maamulka iwm. Haddaba dadkaasi bulshadu iska dhex dooratay, laguna soo xulay aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin awgeed marka ay tagaan xafiisyada ee ay bilaabaan hawshooda ayaa waxay u dhaqmaan sida jaahiliinta iyo doqmaha.

Dawladii loo xulay laguna dhisay dadkii aqoonta lahaa ayaa markay tagaan xafiisyada u dhaqmaya sida jaahilinta, haddaba maxaad u maleyn dawlada loo xulay ama ka kooban intii bulshada ugu damiirka iyo kartida liidatay.

Dadyowga dawlada ku jira waxa la yidhaahdaa oo ay wadaagaan magaca ah "siyaasiyiin" manhajka iyo qorshah ay racayaan ee u dajisana waxa la yidhaahdaa "siyaasad".Haddaba akhriste adigu ma waxaad tageertaa manhajka iyo qorshaha oo ah "siyaasada " mise waxaad tageertaa "siyaasiyiinta ".

Dadkeena maanta waxa isaga khaldan waxa u dhaxeeya siyaasada iyo siyaasiyiinta, mana kala naqaano labadaasi oo si xun ayey isaga keen dhex galeen, waxana is raacay siyaasadii iyo siyaasigii oo aheyd in la kala reebo.

Masalan haddaad kulmiye,ucid, iyo udub ku tageerto siyaasiyiinta ku jira iyo hadaad ku tageerto siyaasada ay adeegsanayaan ee ay racayaan way kala duwan tahay. Inagu maanta waxaynu u badanahay in aynu ku dhaqano hab ladaba soconayo siyaasiga mana tixgelino siyaasada, arintana waa ta sii shiday qabyaalada, maxaa yeelay marka qof kastaba ninkiisa ku dhegenaado ama uu tageero danihiisa taa macnaheedu waxa weeyaan qabyaaladeyn.

Siyaasiga haddii aynu dabo socono waxay markasta cadeyneysaa in aynu wali qabyaaladii daba socono,maxaa yeelay waxa qudha ee lagu tageero siyaasi isna uu dadka ku beerlaxawsadaa waa qabyaalad. Inaga waxa la inaga rabaa in aynu eegno siyaasada uu ku dhaqmayo siyaasigu.haddii siyaasadiisu ay noqoto mid dadka, dalka iyo diintaba wax tar u leh waxa inagu waajib ah in aynu tageero.hase ahaate haddii siyaasada iyo manhajka uu adeegsanayo ama habkiisa maamul uu yahay mid dad iyo duunyaba rogaya waxa inagu waajib ah in aynaan tageerin.

Maanta waxaad arkeysaa siyaasiyiin ukala gooshaya saddexda urur(kulmiye,ucid,udub) ,oo kolba mid ka soo baxaya mid kalena ku biiraya.kuwaasi oo qiil ka dhiganaya arimo iyaga dantooda u daneynaya, haddaba marka aad maqasho siyaasi ayaa urur ka baxay oo urur kale ku biiray waxaad haddana maqleysaa tageerayaal badan oo ka baxaya ururkii kuna biiraya ururka kale ee siyaasigii ay tageersanaayeen ku biiray. Dadkaasi haddaba iska daba socda siyaasiga waxeynu oran karnaa maaha kuwa siyaasada tageera, laakin waa kuwa siyaasiga tageersan wuxu doono ha ahaate,maxaa yeelay ururka markii hore siyaasada kumay tageersaneyn ee waxay ku tageersanayeen siyaasigaasi uun.

Siyaasigu wuxu hadba jooga meesha ay uga salaxan tahay dantiisuna ku meel marayso laakin qofka ladoonayo in uu fekiraa waa shakhsiga tageera ah, haddii caqligaagu ku hagi waayo waxa ku hagi oo ku fekiri dadyow kale, waxaanad kolba qaadan mawqifka iyo siyaasada uu qaato kolba kaad daba socotaa.

Markaad dooneyso in aad urur tageerto ha oran,ina hebel iyo hebel ma ku jiraa ,balse eeg siyaasada iyo qorshaha nidaam ee ururku raacayo si uu u fuliyo hawlaha laga rabo.haddii siyaasadiisu tahay mid danta dadka si caam ahaan ah ugu maslaxeyneysa tageer,haddiise siyaasada ururku tahay mid dhabar jebin ah ha tageerin.

Ciyaartoyga fiicani wuxuu soo bandhigaa ciyaar hufan oo lala dhaco,halka ciyaartoyga xuna uu soo bandhig ciyaar liidata, sidaasi oo kale siyaasiga fiican ayuunbaa soo bandhigi kara isna siyaasad fiican. Siyaasiga xuna wuxu soo bandhigayaa siyaasad xun.

Waxa la yidhi nin caanoole ah ayaa marka uu caanaha ka soo liso lo’diisa inta aanu iib geyn ku dari jiray biyo si uu ugu badiyo kadibna uga helo macaash,maanta mid la mid ah sidaasi oo kale siyaasiyiinta somaliland wixii loo dhiibtay ee ahaa arin, xeer iyo nidaamba si ay tooda u meel marsadaan ayey ku dhex dareen waxyaabo badan oo khariban, waxaney ku dhex badhxeen nidaamkii falal badan oo runtii lidi ku ah qanuunka toosan.

Qofka aad kabaha ka tolaneyso in aad kuwiisa eegta marka hore malaa waa waajib,dadkeena reer somaliland waxa waajib ku ah ugu horeyn in ay eegaan oo ay si fiican uga baaran dagaan ruuxa ay u dhiibanayaan xil, in uu u qalmo iyo in kale, ma fiicna haddii sheekadu noqoto iga gee iyo reer hebelba hebel ayaa ugu jiree anaga kaasi naga qabta.

Waxaan ku soo gunaanadayaa ugu horeyn aynu ogaano farqiga u dhaxeeya siyaasiga iyo siyaasada, marka labaadna waxan odhan lahaa intaynu siyaasaga eeganayno kuna dhegeyno waxa ka roon inaga oo eegna siyaasada uu isticmaalayo. Haddii siyaasadiisu xun tahay yaan la tageerin, qabiilka iyo cida uu doono ha noqdee. Somaliland waxay u bahan tahay siyaasad cusub iyo siyaasiyiin cusub oo la jaan qaadi kara wakhtigan casriga ah.
Abdifataah mahamed ahmed

Email: Ceelaabe_10@hotmai.com

Md Axmed Yuusuf Yaasiin oo sheegay in si deg deg ah SL loo aqoonsan doono














By: Admin on 12/22/07

Md Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inuu rajaynayo in deg deg Somaliland loo aqoonsan doono, waxana uu yidhi “Jaaliyadaha dibada waa iyaga kuwa laga doonayaa inay dalkooda qaadhaanka u soo ururiyaan, Somaliland 2008-2009 waxaan rajaynayaa inay ka bacdo buurta oo la ictiraafo, markii hore waxa la inagu odhan jiray maxaa la idinku ictiraafaa xadkiiniiba ma aydun sugine, hadii la idin soo weeraro ma difaaci kartaan, sua’aalahaas ayaa la doonayaa in laga jawaabo xiligan”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in somaliland looga baahan yahay soo jiidashada dadka reer sool oo uu carabka ku dhuftay inay jiraan dad been loo sheegay, waxana uu yidhi “Dadka reer Sool ee sanadaha badan cidlada ahaa waa in aynu noqonaa oo wax-qabad u muujinaa oo la nimaadnaa wax ka bedelan maamulkii meesha hor e u joogi jiray [Puntland], oo soo dhawayn iyo soo jiidasho dadka tusna. Waxa jira dad been la geliyay oo u baahan in laga saaro”.

Dhinaca kale, Maareeyaha Haa’yada ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland, Maxamed Muuse Cawaale, oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha taakulaynta gobolada bari, ay dhinac socoto, mashaariic samo fal oo Haa’yadahu ka wadaan gobolka sool.

Maxmed Muuse Cawaale, waxa uu sheegay in raashin iyo taandhooyin ay gaadhsiiyeen Haa’yadahu dad lagu qiyaasay 80 kun oo qoys oo ku baro kacay dagaalkii ka dhacay gobolka sool dhawaan, waxana uu tilmaamay in ay hada dib ugu soo noqdeen guryahoodii.


Soure goljano

Qorshaha iyo Qorshaynta












By Dr. Suleiman Walhad

Allow, Rabbow Eebow
Adaa og wixii dareersan ee doogan
Adaa og wixii duugsan ee dahsoon
Adaa og wixii daadsan ee baahsan
Adaa og duhur iyo gurcud dama wixii oogan
Adaa og wixii dadkyagayu uu moogayne

Allow Rabbow, Eebow
Adaa og dalkayagii sida uu u daadegaye.
Adaa og dibindaabyada dadkagii haysee.
Adaa og dir, qolo iyo in ay ku dawakheen wax aan danu ahayne.
Adaa og in gaaliyo Islaanba dadnimadoodi ka quus qaadataye.

Allow Rabbow Eebow
Da’ xunbaa dalkayagii iyo dalkayagii u kacaye.
Duul aan danta guud dan ka lahayn oo meel hoose ka dadaala
Duulaan, runtii garanayn waxa uu doonaayo
Duul qolonimo iyo qabiiluun kuu doodaaya
Kolay noqoto kuwii aqoonta lagu tilmaamaayay.

Allow, Rabbow Eebow
Nimankaa dalkii degay kuwa u sii dabraa ka sii darane.
Nimankaa dadkii laynaya kuwa u soo daahay baa ka sii darane

Allow, rabbow, Eebow
Duco iyo dalab Adaan ku waydiine
Dadkayagii Allahayow noo soo toosi oo soo du.
Dalkayagii dakaanye, Allow noo soo tiiri oo daryeel.
Allahayow, Adaa garan, wixii danee, dadkayaga bal garansii.

Anana dood kale ayaan odhane
Duulkaa lumay ayay danaysanaysaaye
La daynmaayo oo waa duul habaabaaya oo dirkayagiiya
Waxa aan ku leenahay waar wax daran dooda ha laga reebo
Waar dadyohow, dunidu weli way idin la yaaban tahay
Waar duul kale idiinma maqana ee bal horta ogaada.
Waar gaal iyo Islaanba idinka didye, wax isku fala
Waar darxumo da’aha iman doona ha u daadahaynina.

Dariskan maanatana waxa aanu daadahayn qorshaha iyo qorshaynta.
Sidii kuwii hore ayaan u godadlayn.

Godka Kowaadna waxa uu baanay:

1. Waxa ay yidhaahdaan nin arrintiisu rartay,
waa nin orgi raray.
2. Waxa kale oo ay yidhaahdaan nin halawsani
inuu hoyanayo ayuu moodaa.
3. Waxa kale oo ay yidhaahdaan nin hoostiisaa
dayaa hortiisa ma dayo.
4. Waxa kale oo la yidhi nin inta uu geed ka boodo,
ayay arrinina ka boodaa.
5. Waxa kale oo la yidhi, ninkaad kaba ka tolanayso,
kabahiisa ayaa la eegaa.

Godka Labaadna waxa uu baanay:

1. Odhaahahan hore waxa ay tilmaamayaan talo iyo ahmiyadeeda.
2. Waxa ay tilmaamayaan qorshe iyo qiimaha qorshaynta.
3. Waxa ay guubaabinayaan waxa lagu kacayo oo la sii qorsheeyo.
4. Waxa ay tilmaamayaan in lagu lumo talo lab la kaca ama habawsan.

Godka saddexaadna waxa uu baanay:

1. Qorshe waxa loo sameeyaa wixii lagu kici doono.
2. Waxa laga hor tegaa dhawr waxyaabood.
3. Waxa ka mida khatara ka iman kara.
4. Waxa ka mida in aan guul laga gaadhin.
5. Waxa ka mida in dhibo cusub ay ka abburanto.
6. Waxa ka mida waqtiga oo ku luma wax faaiido daran.
7. Iyo waxyaabo kale oo badan.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Qorshayntu waxa ay ka kooban tahay dhawr walxood.
2. Waxa ka mida go’aansiga in hawl lagu dhaqaaqo.
3. Waxa ka mida garashda sida ugu habboon
ee hawsha loo qaban karo.
4. Waxa ka mida u diyaargarowga lama fillaanada hawsha.
5. Guud ahaan waxa weeye in riyo loo rugo run
6. Qorshayntu waxa kaa ilaalisaa in aad shaqo culus aad
gasho ay natiijadeedu ay yar tahay ama ku fashilin kara.

Godka Shanaadna waxa uu baanay:

1. Qorshayntu waxa ay ku faraysaa tallaabooyin.
2. Waxa ay ku leedahay ka leexo ficilada kartida dayaca.
3. Waxa ay ku leedahay ku xisaabtan sababe kasta.
4. Waxa ay ku leedahay ku adkeyso sababeyaasha aan laga maarsan.
5. Waxa ay ku leedahay ogaw isbeddelada la yeeli doono oo dhan.
6. Waxa ay ku leedahay hubi oo soo ururi hantida
hawshu ay u baahan tahay.
7. Waxa ay ku faraysaa hawsha u qabo sida ugu
dadaal iyo faaiido badan.

Godka Lixaadna waxa uu baanay:

1. Marka hore ogaw halkaad joogto.
2. Marka xiga garo waxa aad dooni.
3. Marka xiga sida iyo kharashka ay kugu kici waxa aad dooni.
4. Ayaa fulin, maxaa la fulin, goormaa la fulin, side loo fulin
iyo maxaa loo fulin, waa inaad is weydiiso.
5. Qiyaaso beddelka aad wado, waxyeelada uu keeni karo
ama dadka ha noqoto ama ururka aad wax ka beddelayso.
6. Xisaabso in waxani faaiido leeyahay oo uu u qalmo
dhib iyo hoog iyo hawsha aad gelayso..
7. Ha iloobin meelaha aad ka xukumi karto
ama ka kotrooli karto beddelka aad wado.

Godka Todobaadna waxa uu baanay:

1. Nin Pareto la odhan jiray ayaa waxa uu sheegay
in hawsha 80% lagu dhameeyo 20% waqtiga.
2. Waxa la odhan karaa in 80% oo hawsha ay keento 20% natiijada.
3. Haddi la qorsheeyo, 20% oo hawsha ayaa keeni kara 80% natiijada.
4. Qorshuhu sidaa ayuu uga faa’iido badan yahay qorshe la’aanta.

Maanta intaa ayaynu ku sugi qorshaha iyo qorshaynta. Qaybo kale ayaynu eegi doonaa arrimo kale oo qorshaha iyo qorshaynta. Waxa ka mida waxa ay dadku qorshaha uga leexleexdaan, giraangirta qorshaynta, sida loo ogaado waxa loo baahan yahay in la qabto, garashada ujeedada qorshaynta.

Waxa kale oo aynu ku eegi doonaa diraasada khiyaarada kale ee jira iyo tafaasiisha qorshaynta. Waxa aynu ku gunaanadi doonaa xubnaha qorsha fiican.

Allahayow, dadkayagu waxa uu ahaa duleed
jiif iyo xoolo dabayaace
Marka aysan isku duubnayn waxa ay
ahaayeen kuwa itaal darane
Waxa laga dareersan jiray duunyo
iyo dal waxa ay lahaayeene
Xillagaa oo kale ayay maanta joogaane
Doqoniimaa heshoo kala dareere nimankiiye
Dunida oo guurtay ayay weli degelkii hore joogaane
Ku daandaame qolo iyo tol iyo wax aan dan u ahayne
Doorkii odayada, iyada laga guurye
Lama ciseeyo oo dawlis loo tuurye
Halkoodi waxa gallay duulkan aan la garanayne
Kuwa hunguri uuni wado iyo dano aan la garaneyne
Dadweynuhu weli waa ka yaaban yahay duulkan damaca waallane
Anana, Allahayow, ka daali maynee waa inaan u dadaallaaye
Dadka waa inaanu u tilmaanaa wixii danaha guude
Adna Allow, dadaalkayaga ha nagu hoojin
Dadkayagana u soo dabaal dadnimadooda


Suleiman Walhad
Email: walhad@taicobu.com

Friday, December 21, 2007

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo ku eedeeyay Faysal inuu ula hadlayo sidii Daahir Rayaale oo kale.




Gudoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee UCID oo qado sharaftaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxda Qaran ayaa ka codsaday siyaasiyiinta S/land inaan loo baahnayn isqabqabsi iyo muran nabadgelyada dalkana la dhaawicin balse loo baahan yahay in la dhiso arrimaha muhiimka u ah bulshada oo uu xusay inay ugu daran tahay shaqo la’aanta iyo dhalinyaradan badda isku guraysa sidii wax looga qaban lahaa.

Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa si kulul u canbaareeyey Wakiilada,waxaanu ku eedeeyay inaanay bulshada waxba ku soo kordhin oo aanay samayn karaynin hal xeer oo waxtara, waxaanu xusay inaanay iyagu eedda inteeda badan lahayn, balse caqabadaha horyaal ee ay Golaha Guurtidu ka mid tahay ay tahay ta awoodoodii iyo raganimadoodii dishay maanta.


Dr. Gaboose waxa uu sheegay inaanay jeelka kala soo bixin cuqdad ay Daahir Rayaale u qabaan balse waxa uu tilmaamay inay sii wadanayaan ururkooda oo uu sheegay inuu sharci yahay.

Casuumad ay siyaasiyiin miisaan lihi fooda isku dareen oo ka dhacday hotelka hadhwanaag ee magalada Hargaysa ayaa waxa lagaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka. Casuumadan oo uu xisbiga UCID u sameeyay madaxda uruka QARANee dhawan xabsiga laga soo daayey ayaa si kulul laysugu weeraray waxaana ugu horayntii soo dhaweeyay madaxda ururka QARAN xoghayaha Arimaha dibada ee xisbiga UCID waxaanu dhaleeceeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday.


Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay qado sharaftaasi ayaa gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay inuu ula hadlayo madaxda ururka Qaran sidii Daahir Rayaale oo kale.

Maxamed Xaashi waxa uu sheegay inaanay jirin cid uga lexjeclo badan ilaalkmmn/inta nabadgelyada dalka sababta xabsiga ay ku mutaysteena ay ahayd ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta,taasina ay tahay guusha maanta ay ku faanayaan ee shacbigoodii ay ka badbaadiyeen iska hor imaad hubaysani inuu ka dhex dhaco iyaga iyo xukuumadda markii xabsiga loo taxaabayey

Dr.Gaboose waxa uu axsaabta ka codsaday inay dhismaan oo ay bedelaan madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmamay inuu yahay nin karaamadii iyo sharaftii uu inoo hayey nin karaamadaas iyo sharaftaas kursiga madaxweynenimo ee uu ku fadhiyo dilay.... waxaanu sheegay wadada lagu bedalayaa inay noqoto mid aanay axsaabta kale ee dalku hayay qaadin.


Eng.Maxamed Xaashi waxuu Faysal Cali Waraabe ka codsaday inaanu ula dhaqmin sidan madaxweyne Rayaale oo kale oo aanu ku garab istaagin qaladaadka uu samaynayo.


Source: goljano

Thursday, December 20, 2007

Gabboose oo ku Eedeeyey Madaxweyne Rayaale in Hay’adaha Garsoorku u Afduuban Yihiin








Hargeysa (qaransomaliland,com)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale in ay u afduuban yihiin hay’adaha garsoorka ee dalku, isla markaana si cad ugu sheegeen markii ay sharciyadda ururkooda ula tageen inay ka baqayaan Madaxweynaha. Sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu shalay la yeeshay telefishanka madaxabannaan ee HCTV.

Waraysigaas oo ahaa mid dhinacyo badan taabanaya, isla markaana uu Dr. Gabboose daboolka kaga qaaday mowqifkooda ku wajahan urur-siyaasadeedkooda, xaaladda dhaqaale dalka iyo talooyin door ah oo uu u jeediyey Madaxweyne Rayaale, ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha oo ka hadlayey hab-dhaqanka Madaxweynaha Somaliland iyo xaaladaha cakiran ee waqtigan dalka ka jira, waxa uu yidhi; “Caalamku waxa uu ka fekerayaa ummaddaasi siday u fekeraysaa, ma dad ismaqla oo is-qadariyaa, ma dad wada tashadaa oo khilaafaadka dhexdooda wadahadal ku dhammaysan karaa oo aan xabbad iyo xadhig toona isu adeegsan, ma dad shuruucda u dhigan xurmeeyaa, ma dad xuquuqda aadamaha ee dadkooda wax karaamaysan ka dhigaa, mise waa dal sidii madaxdii hore ee soo martay dunida ee maalmihii horne fiicnaa, markii dambena dib-u-gurasho bilaabay? Ilaahay waxaan ka baryayaa hareeraheenna waxa ka buuxa ee laga naxayo ee dagaallada, madfaca iyo dhibaatada ah in aynu waxaas ka badbaadno, iyagana Ilaahay ka dejiyo dhibaatada.

Waxaan hambalyo u dirayaa caalamka aan hebel iyo hebel noo garanayn ee haddana ogaa waxa aannu ku xidhannayn xaq-darro ahaa ee Madaxweynaha kala hadlay in arrintani weecinayso magacii iyo sumcaddii wanaagsanayd ee Somaliland ku lahayd dunida iyo shacbiga reer Somaliland ee min Ceerigaabo ilaa Boorama qaddiyaddayada si aan kala go’ lahayn marwalba afka ugu hayey, mana aha Madaxweynaha oo lala hadlayaa in ka xabbadda wata uu ka qiimo badan yahay ka hadalka wataa, waayo dalkeenna ayuu dhaqan u yahay wadahadalku iyo isu-tanaasul in lagu xalliyo wixii jira.

Waxa kale oo aan mahadnaq qiimo leh u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaaskiisa, waayo doqonku wuxuu u qaataa meel lagu ficiltamay in lagu kala tegay, waxaanan marka hore u rajaynayaa caafimaad, marka xigana inuu Ilaahay garansiiyo masuuliyadda uu hayo culayska ay leedahay, muwaadiniinta uu xilka u hayo culayska ay leedahay godobtooda, xaq-darradooda, caddaalad-darradooda, xoolahooda, waxaanan la jeclaan lahaa Madaxweynaha waa nin dhallinyaro ahe xukunka maalinta uu ka dego inuu isaga oo shaadhkiisu cad yahay uu waddooyinka magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo gebi ahaanba dalka oo dhan iyada oo la leeyahay waa Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Haseyeeshee, dhaqamada beryahan dambe muuqdaa werwer fara badan bay I geliyeen oo caalamkana ku beereen, waxaan isagana odhan lahaa, Madaxweyne aan barano khilaafka xallintiisa, aan barano waxaan isla oggolnahay maahee waxaynu isku diidanahay in laga wadahadli karo. Haddaad adigu leedahay saddex xisbi baa dalka ka jira, annana aan leenahay Madaxweyne ururro ayaa la furan karaa, iyada oo aan cadaawadi jirin oo dalkeenna uu ku furan yahay ictiraaf-la’aan, waxa ku furan dhaqaale xumo, shaqo la’aan, waxa ku furan xudduudeennii oo cadowgu soo dhisanayo iyo mushkilado fara badan, maanta waxay ahayd maalintii xilkaaguba aannu wax kale noqdeen ee uu noqon sidee ummadda loo mideeyaa, sidee hebelka cadhaysan loo daweeyaa, sidee hadduu kaa gardarran yahay aad u qaadataa adigaa Madaxweyne ahe, ragganimaduna ma aha aniga uun baa adkaada, balse ragganimadu waxa weeye in aad oggolaado in lagaa adkaado oo tartanka lagaaga adkaan karo, waxaas oo dhammi waxaad ku dhismi lahayd.

Waxaan maanta kuu sheegaynaa xabsiga Madheera cuqdad kamaannu soo qaadin, waxaannuse ku baranay is-cafiska, dulqaadka iyo danta qaranku inay ka weyn tahay dhawrkii casho ee aannu afarta gidaar ku xidhnayn, in aannu gacan-ka-hadal samaynana waxa nooga muhiimsanaa danta dalka, waxaanan Madaxweyne kuu sheegayaa waxaannu ku taaganahay wax aannu ka hadhayno ma aha, waa wax aannu xafiiskaaga ula imanayno, Maxkamadda Sare ula imanayno, waxaannu weliba kuu sheegaynaa in aannu maxkamadihii soo marnay oo Xeer-ilaalinta soo marnay oo meel walba leeyihiin Madaxweynihii baannu ka baqanaynaa, markaa Madaxweyne ha noqon Madaxweyne garsoorkii ka baqdo.”

Mar la weydiiyey Dr. Gabboose su’aal ku saabsanayd, in intii ay xabsiga ka soo baxeen ciddi Madaxtooyada uga yeedhay iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Maya, annaguna maannu arag, manaanu doonan, laakiin Madaxweynaha kursiga ku fadhiya marwalba waxa naga dhaadhacsan inta uu kursigaa ku fadhiyo inuu yahay madaxweynahayagii sharciga ahaa, balse wax waa laysku qaban karaa, taasina ma aha in wixii aannu isku qabanay xaqayaga uga tanaasulno, laakiin waa inuu dhab ahaantii ogaadaa in QARAN jiro, xalayna [habeen hore] wuxuu yidhi, wixii aad doonaysaan sifo sharci-darro ah ha u marina; Madaxweyne sharcigiiba adiga ayuu ku soo ururay ee xaggee ayaannu u marnaa? Guddigii diiwaangelintu gacantaada ayey ku jirtaa, Madaxweyne; xeerka aannu maanta wax ku doonaynaana waa kuwii aad xisbiyada ku furateen, markaa annaga oo aan mar qudha ka horimanayn distoorka iyo xeerarka dalka u yaal, Madaxweynimadaadana oggol intaad kursiga ku fadhido in aan xurmayno, haddana Madaxweyne xaq baannu u leenahay in aannu urur furano oo tartankana ka qaybgalno.”

Isaga oo ka jawaabayey in wax shuruudo ah loo kala qoray iyaga iyo Madaxweynaha ka hor intii aan la sii dayn, waxa uu Dr. Gabboose yidhi; “Wax shuruud ah maannu weydiisan Madaxweynaha, qoraalna maannu qoran aannu ku leenaya na cafi oo na sii daa, waayo markaad na cafi leedahay dembi baad gashay weeye macnaheedu, haddii annagu aannu aaminsanahay in dembi nalaga galay na saamax ma odhan karno, kolkaa Madaxweynaha in aannu ku gefaynay annaga lama aha ee mowqifkayaga saliimka ah baa wuxuu ahaa Madaxweyne wax dembi ah oo aannu galnay oo aan cafis kugu weydiisanaa ma jiro, welina tii baannu leenahay, waxaanan qabaa haddii maalin kale timaaddo inuu garan karo isagu inuu yahay ka cafiska na weydiisan kara, waayo gef ayuu aniga iyo muwaadiniintii aan ka tirsanaynba naga galay.

Ciidammadan, maxkamadahan iyo xadhiggan loo isticmaalayo awoodaha, inkasta oo aanan maalmaha ciidda jeclayn inaan boogahaas taataabto oo aan ku beddesho xusuusihii hore iyo maxaa inoo dan ah maanta, haddana waxaan leeyahay QARAN way jirtaa, ururna distoorku wuu oggol yahay, xuquuqdaasina ma aha mid mar qudha la isticmaali karo, balse waa mid ay u aayi doonaan ubadka Madaxweynaha dhabarkiisa ku jira.

Madaxweyne, ma aha in aniga layla tartamo ee dimoqraadiyadda oo dhan baa ah in sanduuqaa lagu kala baxo, haddii codbixintu kuu badatana adigaa ah, haddaad cod ku waydana meesha dhaaf, laakiin maaha sanduuqa mooyee sanduuq kale lama oggolaanayo, wax caalamku qaadan karana ma aha. Madaxweyne, waxaan ku caan-baxnay in qorigii aannu ku soo dhignay halgankii hore in aan isqabsigii kaga soo gudubnay, markaa Madaxweyne noo fur jidkii distoorka ay maxkamaduhu noogu qaadi lahaayeen gar sax ah oo dhexdhexaad ah oo aan la odhanayn Madaxweynihii baan oggolayn, maxaa adi kaa khuseeya waa arrin distooriya?

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ururka QARAN oo la weydiiyey in ay qaddiyaddooda dacwad ka furanayaan oo maxkamad geynayaan, waxa uu ku jawaabay; “Horta annagu waxaannu isticmaalnay xeer No.14 la yidhaahdo oo ah kii isaga [Madaxweynaha] loogu furay UDUB, xeer ka dambeeyeyna ma jiro, Guurtiduna waxay maalin dhowayd soo saareen in xeer 14 yahay xeer jira oo nool, dhaqan-gal ah oo ay waajib tahay in la xurmeeyo, waxa keliya ee aannu Madaxweynaha ka sugaynaana waxa weeye inuu furo guddigii diiwaangelinta axsaabta. Sidaa darteed, annaga oo haysana xeer 14 oo ay Guurtida iyo Wakiilladuba caddeeyeen inuu dhaqangal yahay maxkamad waxba uga baahnaan mayno.”


Source: AA.Sheekh, Hargeysa