
Sicir-Bararka
9.12.2007
Burco (Jam)- Masuuliyiinta maamulka Gobolka Togdheer, ayaa shalay kulan isugu yeedhay ganacsatada sarriflayaasha ee Burco, kaas oo ay kaga wadahadalayeen sababta dhalisay kor-u-kaca maceeshadaha, hoos-u-dhaca qiimaha dollarka iyo sidii arrimahaa wax looga qaban lahaa.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta maamulka Togdheer ee Burco, ayaa Badhasaabka iyo maayirku ka sheegeen sababta ay isugu yeedheen sarriflayaasha inay tahay cabooshiyin badan oo ay soo gaadhsiiyeen dadweynuhu, kuwaasoo la xidhiidha qiimaha dollarka oo sarriflayaashu sida ay doonaan ka yeelayaan, taasina ay saamayn weyn ku yeelatay noloshii bulshada.
Waxayna masuuliyiintaasi u soo bandhigeen sarriflayaasha in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qabanlahaa dhibaatan waxyeelaysay noloshii dadka islamrkaana wax looga badilahaa qiimahan sarrifka doolarka.
Qaar ka mida xubnihii sarriflayaasha oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aanay masuul ka hayn qiimo-dhaca dollarka, iyagoo tilmaamay in uu ka dhashay markii ay yaraatay kaashkii lacagta Soomaliga ah ee laga isticmaalo gobolka iyo sicir-goynta qiimaha dollarka oo uu sameeyo Sarriflaha Alnajax ee shirkadda 571.
Waxay xubnahaasi ka dalbadeen masuuliyiinta gobolka in la hirgaliyo ballanqaadkii xukuumadda ee ka beddelka lacagta burco ama loo ogolaado inay qaataan lacagtii kunkunka ahayd ee laga mamnuucay qaadashadeeda gobolka.
Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Aw Xuseen (Badar) oo madaxa Xafiiska Alnajax ee sarrifka lacagaha ee shirkadda Qaadka 571 ayaa dhinac iskaga leexiyay eedaymaha loo soo jeediyay ee xafiiskoodu inuu masuul ka yahay hoos-u-dhaca qiimaha dollarka, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxba kama jiraan arrintaa, balse anagu intaanu xakamaynkaraynay waa xakamaynay inaannu hoos u dhicin dollarku, waana isle’eg yihiin qiimaa lacagta somalilanta doolarku dhacay iyo giimbaarta Burco intuu dhacday.”
Waxa uu intaa ku daray; “Hoos-u-dhacan waxa keenay kaashkii lacag soomalida oo yaraatay iyo dollar xad-dhaafa oo ku butaacay suuqyadii, “Maalintii suuqa Burco waxa soo gala lacag gaadhaysa milyan iyo shan boqol oo dollar oo lacagtii xoolaha ah, taasina waxay jebisay sarrifkii dollarka.”
“Sidaas darteed, waxaannu islahayn waa laydinku amaanayaa mar haddii dawladdii oo kaashkii haysatay wixii ay qaban kari wayday aad qabateen oo aannu la dadaalnay inaannu qiimaha sarrifku hoos u dhicin, markaa annagu wax eedayn ah kuma lihin hoos u dhacan doolarka iyo kor-u-kaciisaba ee wax xagga Ilaahay ka yimi, isla markaana ma jirto wax lacag kayd oo aanu xaraysanay ama meel dhiganay,” ayuu ku soo koobay hadalkiisa.
Masuuliyiinta maamulka gobolka ayaa maanta isugu yeedhaya ganacsatada raashinka oo ay kulan la yeelan doonaan ku saabsan sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen qiimaha mecaashada ee cirka isku shareeray, maadaama doolarkii dhacay.
Dadweynaha Burco ayaa isha ku haya kulamada masuuliyiinta la yeesheen ganacstada sarrifka iyo kuwa raashinka iyaga oo ka dhursugaya sidii wax looga qaban lahaa meecashada qiimaheedu sii kordhayso iyo sarrifkii doolarka ee hoos u dhacay ee saamaynta weyn ku yeeshay noloshii bulshada.
Jamhuuriya Online
No comments:
Post a Comment