2007-12-18 (Hadhwanaagnews) sadex wax oo ah kuwa dhibaata ku haya qaarada africa oo aan jecelahay inaan uga digo jamhuuriyda soomaliland
sadexdaa arimood oo hadii ay maanta ku fido soomaaliland keeni karta [the end of the state of somaliland]
sadexda arimood oo kala ah
1. dagaal iyo qas iyo dhibaato laga abuuro dalka hooyo
2. dhaqaale xumi iyo shaqo la.aan iyo baahida oo badata
3. siyaasad xumi musuqmaasaq cadaalad daro waxqabad la,aan iyo hagrasho dalka ku baahda
hadaba akhristoow hadii aynu faahfaahin ku samayno sadexdan arrimood waxa inoo soo bixi kara in caqliga saliimka ah ee wax kala garanayaa uu murti ka dheehdo kuna cibro qaato waxa aduunka ka jira
waxan soo qadanaya sadexdan arimood ta ugu horaysa ooah[DAGAAL IYO COLAAD AMA QAS IYO JAHAWAREER]
midkastana laba eray oo kooban oo xikmad wata ayaan si aad u kooban dadka ugu ifinayaa
qaarada africa hadaad isha ku yara qabato waxaad arkaysaa malaayiin qof ka ordayaan qoriga halista ee loo yaqaan ak 47[macnuhu waa dagaalo baahay awgeed ]
qorigaa oo uu sameeyay nin ruusha oo magaciisa la yidaa mr m.klanshikof
ayaa mar la waydiiyay .suaal ahayd in qorigiisii uu sameeyay yahay ka aduunka xasuuqay ayaa ninkaasi runtii uu aad uga tiiraanyooday kana xumaaday sida qaladka ah ee qorigaa loo isticmaalay
hadaba dagaal iyo qas somaliland laga abuuraa waa in lagu cibro qaato waxa maanta ka socda wadamo badan oo aduunka ah sida [ suudaan angola somaliya ethobiya wadanka ciraaq afqanistan iyo wadamo kale oo badan] dagaalku wuxuu keenaa barakac.. burbur ,, halaag.. dhiig daata. dad qaxa..
huteeladaa camiran iyo sarifkaa suuqa wadhan iyo casiirkaa dukaamada lagu cabayaa ma jiraayo haduu dagaal dhaco
waxa natiijada dagaalku noqotaa laba
qaxooti iyo gaajo
qodobka labaad
2,dhaqaalo xumi iyo shaqo la,aan baahda iyo baahi badan
arinta dhaqaalaha ayaa ah arimaha ugu badan ee umada ku dhaqan qaarada africa ay ka cabanayaan taas oo keentay in dad badani ay galaan safar iyo tahriib ay dalkooda kaga baxayaan ayagoo u haajiraaya wadama yurubta galbeed ayagoo raadsanaaya nolol iyo dhaqaale
u dhaama kan ay ku jiraan
hase yeeshee waxay sababtaa in marmarka qaarkood dadkaasi ay gaadhiba waayaan himiladoodii jidka dhexana ku geeriyoodaan
arinta oo ah mid aan sahlanayn in dalka laga haajiraana ay tahay mid keeni karta burbur dhinaca bulshada ah ayaa waxa haboon in dawlada somaliland iyo maamulkeedu uu siiyo ahmiyad gaara
waxa haboon in dalka shaqooyin laga abuuro waxa haboon in la baahiyo wax gashiga dalaka la galinaayo
waxa haboon inbulshada laga taakuleeyo dhinaca dhaqaalaha si ayaga laftirkoodu ay wax soo saar u samayn lahayeen
loona fududeeyo helitaanka biyaha
loona fududeeyo ama lagu kaalmeeyo qalabka loo adeegsado beeraha
qodobka sadexaad oo ah ka ugu danbeeya
3.siyaasad xumi . musuqmaasaq iyo cadaalad daro
arintan sadexaad oo ah mid ku gaara masuuliyiinta dalka hogaaminaya
runtiina ah meesha labada arimood ee kor ku xusan laga saxi karo waa hogaanka oo xumaada hogaanka oo cadaalad daro ku shaqeeya hogaanka oo ku takri fala hantida shacabka hogaanka oo ku shaqeeya nidaamka musuq maasuqa
hogaanka oo ku shaqeeya eex iyo qabiil iyo wax la mida hogaanka oo siyaasad dabacsan oo aan horumar lahayn dadka ku habsaamiya
arimahan sadexda ah ayaad moodaa kuwa had iyo jeer qaarada afrika dhibaato wayn ku haya qaaradan afrika oo runtii aan cadaab waxba uga dhinayn
ayadoo ay tahay qaarada afrika meesha aduunka ugu badan ee aadmiga lagu xasuuqo
gaar ahaan kuwa liyidhaa bir magaydada oo ah kuwa ugu badan ee la xasuuqo
-hadaba somaliland halkee ayaynu maanta dhigi karnaa marka loo eego afrikada kale
-somaliland ma haysaa wadadii lagu badbaadi lahaa ee horseedi lahayn horumarka
- ma ku qanacsanahay maamulka iyo dimuquraadiyada aynu qaadanay mise waxbaa inoo dhiman
-sidee ayaynu u aragnaa maamulka maanta jira
-ma ku saxnsan yahay in saxaafada la controolo
-in aan la furin jaamacad ama aam la soo kordhin reediyow
-in dadku dakeda bebera aanu waxba kala soo degin ee uu boosaaso kala soo dago
ayagoo ka tirsanayaa dhibaato dhinaca dekeda
-qaran oo maanta la sii daayay hadana ma saxsanaayeen inay furtaan xisbi kale oo wadnka ku soo biiraa
-komishanka oo todoba nin la soo magacaabay oo madawaynuhu soo magacaabay
kuwii horena si awooda xafiiska looga eryay maxay kula tahay
akhristoow anigoo kulhayn midaas ayaa sax ah midaasina waa qalad hadana sida ay ila tahay caqliga saliimka ahi wuu garanayaa xumaanta iyo wanaaga siduu u kala saaro
Siciid Cabdi
siciid.cabdi@yahoo.com
london uk
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment