Tuesday, December 4, 2007

Khubaro Faransiis ah oo Maanta soo Bandhigey Aasaar Shan Kun oo Sano Jirtay



Khabaro Faransiis Ah Oo Maanta Soo Bandhigay Aasaar Shan-kun Oo Sano Jirtay
Print E-mail
Written by Faysal Cabdilaahi
Tuesday, 04 December 2007
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Khubaro faransiis ah oo beryahahnba howlo baadhiseed ka wadey dalka ayaa maanta soo bandhigey Asaar ay xardhan yihiin raadadka qadiimiga ah ee la heley.

Khubaradu sida ay sheegeen qaarkood ayaa jirey raadadka in ka badan shan kun oo sano “Waxa muuqaalada shanta boodh ee aanu samaynay ay ka turjumayaan noocyada qaar ka mid ah asaarta qadiimiga ah ee Somaliland, oo aan u aragno inay yihiin kuwa ugu faca weyn gobolka geeska afrika. Waxa ay sawirada iyo qoraaladu muujinayaan in
dalxiiseyaasha shisheeye, marka ay booqdaan, Laas-geel oo kale inay si fudud u fahmaan nooca asaarta dalkani ay tahay macluumaadna way ka helayaan, ka hor inta
aanay aragba” Ayuu yidhi Prof Vavier Gutherz, oo wasiirka dhaqanka ku wareejinayay
muuqaalada iyo qoraalka ay sameeyeen.

Prof Vavier Gutherz, waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland iyo jaamacada
Montepellier ee dalka France, ay sanadkii 2002-dii ku heshiiyeen in cilmi baadhis
lagu sameeyo raadadka qadiimiga ah ee ku duugan dalka., Waxaanu yidhi “Waxa aanu tan iyo mudada heshiiskaas la galay aanu wadnaa cilmi baadhista laba goobood ee
Laas-geel iyo dhagax guure, oo ku kala yaala degmada Dacar-budhuc iyo tuulada
Arabsiyo ee gobolka Hargeysa, iskaashi fiicana waanu ka leenahay xukuumada
Somaliland”.


Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland, Md C/Risaaq Waabari rooble, ayaa sheegay muhiimada ay dalka u leedahay asaarta qadiimiga ahi, waxaanu yidhi “Waa wax macluumaad fara badan laga helayo, waxa aan odhan karaa taariikhda raadadka
qadiimiga ahi, waxay inoola mid tahay shiidaal, waana in la ilaaliyo.asaarta dalka”.

Wasiirku waxa uu amaanay khubarada shisheeye Faransiiska ah oo uu xusay in ay
hayaan hawl culus oo faa’iido ugu jirto Somaliland, waxana uu yidhi “Somaliland
siyaasadeedu waxa weeye in ay soo dhawayso cid kasta oo wax la qabanaysa, waxa aan ummada reer Somaliland ku baraarujinayaa in meelaha asaartu ay taalo aad looga
digtoonaado, oo aan la burburin”.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

No comments: