
December 31, 2007
Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xassan ayaa Shir-hawleed soconaya mudo laba maalmood ah Maanta uga furtay xubno iyo hawl wadeeno ka kala socda dhamaan Gobolada dalka.
Shirkan oo mudada uu socdo lagag hadli doona Xadgudubyada iyo dacatiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta waxaana xubnaha ka qayb galaya oo 50 Xubnood ah ay ka kala socdaan Ururada Wadaniga ah ee ka hawl gala arimahaasi oo ka yimiday dhamaan gobolada Lixda ah ee uu ka kooban yahay dalka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska Somaliland Marwo: Faaduma Suudi Xassan ayaa timaantay in shirkani yahay kii afraad ee la qabto sanadkan gudihiisa, isla markaana ay rajaynayso in uu ka soo baxaan Arimo wax ku ool ah iyo sharci adag oo lagu dhaqo dadka ku kaca arimahan,
Wasiirka Qoyska ayaa tilmaantay in Arimaha Dacatiyada ah ee la soo darsa Haweenka ay ugu wayn tahay Gudniinka Fircooniga ah ee lagu sameeyo, arintaasi oo wax wayn u dhinta Caafimaadkooda, waxaanay guud ahaan Haweenka kula dardaarantay in ay wax bartaan oo ay ku dadaalaan sidii ay aqoontooda u dhisi lahaayeen, si ay bulshada inteeda kale ula macaamiloodaan.
Wasiirku waxa ay carabka ku dhajisay sida loogu baahan yahay in sharci adag oo lagu xakameeyo Dacatiyadaa looga soo saaro waxaanay ka qayb galayaasha kula dardaarantay in ay ilaaliyaan wakhtiga kana faa’iidaystaan wixii ay halkan ka korodhsadaana kula noqdaan meelihii ay ka kala yimaadeen.
Sidoo kala waxa isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Arimaha Bulshada Md: Axmed Xassan oo ka waramay wax qabadka iyo hawlaha kala duwan ee ay Wasaaradiisu qabto waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Wasaaradda Qoyska waxaa la sameeyay mudo afar sano laga joogo, waxay si isdaba jog ah ay u raadinaysay in la helo dad ama shaqaale tayo leh oo gudan kara waajibaadka shaqo ee loo xilsaray waxaa intaa dheer in lagu baraarujiyo hawsha balaadhan ee ay Wasaaradani u hayso qaranka in lagu baraarujiyo Mujtamaca iyo shaqaalaha laftigooda lagu baraarujiyo. Waxa kale oo garab socotay in laga faa’iidaysto Ilaha kale ee dhaqaalaha iyo xirfada dadka muwaadiniinta ah ee dalka joogana lagu dhiiri galiyo sidii ay Iskaashi ula yeelan lahaayeen Wasaaraddan” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoysku waxa uu xusay in mudadii ay hawshaa ku jirtay Wasaaradiisu ay iskaashi la samaynaysay Wasaaradaha kale ee dawlada iyo hay’adaha ka hawl gala hawshooda isagoo tilmaamay in iskaashi aad u wayni uu ka dhexeeyo Komiishanka Qaranka ee ka hortaga Aafada HIV/AIDS Wasiirka Wasaaradooduna ay Qayb wayn kaga jirto, waxaanu sheegay in aanu kulankani ahayn kii ugu horeeyay isla markaana aanu noqon doonin kii ugu danbeeyay, sidaa daraadeedna ka qayb galayaasha looga baahan yahay macluumaadka ay halkan ka korodhsadaan in ay kula noqdaan Degaanadii ay ka yimaadeen.
Madaxa Hay’ada UN/AIDS ee Somaliland Dr: Maxamed Rashiid Sh. Xassan oo isna halkaa ka hadlay ayaa si wayn u amaanay Wasaaradda Qoyska oo uu sheegay in ay si wanaagsan ula shaqayso, waxaanu tilmaamay In Wasaaradda Qoysku tahay meesha ugu sahlan ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso Hay’adoodan UN/AIDS. Waxa kale oo uu u mahad naqay dadkii ka soo qayb galay ee ka socday gobolada.
Dr. Maxamad Rashiid Sh. Xassan waxa kale oo uu dhamaan u mahad naqay dhamaan hay’adaha wax la qabta iyo dadka sida firfircoon uga hawl gala oo uu mid mid magacyadooda u sheegay isaga oo intaa ku daray in sidii halku dhagii maalintii la xusayay AIDSka dunida ee ahaa Hogaaminta ay UNtana hawsheedu tahay in cidii wax qabsanaysa ay la qabato.
Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xassan waxa uu si wayn u soo dhaweeyay dadka uu Cudurka AIDS ku ku dhacay oo ka soo qayb galay shirkaa oo uu sheegay in si wayn loo dhiiri galiyo sidii aan dadkaa loo takoori lahayn waxaana isaga oo arintaa ka hadlaya uu Dr: Maxamed Rashiid yidhi “Arinta aynu meesha u fadhino waxaa qiimo wayn inoo ah dadka uu aafeeyay Xanuunkaasi oo inagala soo qayb galay oo aan aad ugu faraxsanahay oo aad si wayn u aragteen in sida lagu kala qaadayaa aanay ahayn in wax lala cuno oo lala macaamiloodo, in la taabto ama wax lala cuno aan lagu kala qaadayn ee waxa lagu kala qaadayaa ay yihiin wax yar. Markaa in ay mujtamaca ka mid yihiin, iyagana waxaan ku soo dhawaynaynaa in hadii ay shaqo noqoto iyo haday taakulo noqoto in aan lagu takoorin oo la soo dhaweeyo oo dad bulshada ka mid ah ay yihiin loo arko” Ayuu yidhi Dr: Maxamed Rashiid Sh. Xassan.
Sidoo kale waxaa si la mid ah shirkan Magaalada Hargeysa Maanta laga furay shirar la mid ah oo lagu gorfaynayo Dacatiyada iyo dhibaatooyinka lagula kaco haweenka iyo Caruurta iyo sidii lola dhaqmi lahaa dadka uu haleelo Xanuunka uu dhaliyo AIDS ku waxaana sida wararku sheegayaan Maanta laga furay gobolada Tog-Dheer iyo Sanaag.
Geesta kale sida ay masuuliyiinta Hay’adaha iyo Dawladuba ay marar badan ka dhawaajiyeen aqoon la’aanta bulshada dhexdeeda ee aafada Cudurkan iyo sida loola dhaqmayo dadka uu cudurkaasi ku dhaco oo looga ilaaliyo in la takooro.
Sidoo kale waxa ay dad badan oo bulshada ka mid ahi shaki wayn ka muujiyeen sida balaadhan ee looga hadlo xanuunkan oo qaar badani aaminsan yihiin in aanu dalkaba ka jirin ee mashruuc lagu qaato, sidoo kale ayaa dadka dhexdooda ay su’aalo ka abuurtaa marka ay maqlaan Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta oo ay u malaynayaan in looga dan leeyahay sidii bulshada dhexdeeda la iskaga horkeeni lahaa, taas oo sida ay ka cabsida qabaan ay filayaan inay keento in haweenka iyo caruurtu ka hoos baxan Aabaha oo dhaqan ahaan maamula qoyska iyo Edbintooda.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.Com
Hargeysa, Somaliland
No comments:
Post a Comment