Sunday, December 16, 2007

Shil Culus oo Dhimasho iyo Dhaawacba Leh oo Ka Dhacay Magaalada Burco









Hal Qof ayaa ku dhintay in ka badan 25 kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii maanta shil baabuur xamuula uu ku gadoomay tuulada in Afmadoobe oo 70 KM dhinaca bari ka xigta Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer.


Sida uu cadeeyey taliyaha nabadgelyada wadooyinka ee gobalka togdheer Jaamac Ismaaciil Cali baabuurkan oo ka yimi Magaalada Laascood una soo jeeday Magaalada Burco waxa uu siday shixnado bagaasha iyo weliba dad qaxootiya oo ka soo barakacay dhinaca magaalada muqdisho ee koonfurta Soomaliya.


Taliyaha waxaa kale oo uu cadeeyey in shilkan uu ahaa kii ugu khasaaraha balaadhnaa ee ka dhaca lix bilood ee u danbeeyey deegaanka gobalka iyagoo wada cadaymihii sababihii keenay shilkan, balse weli ay wadaan baadhitaan xaqiijinaya.


Todobaadkan gudihiisa ayaa waxa uu xafiiskan nabad galyada wadooyinku waxaa uu daboolka ka qaaday in lixdii bilood ee sanadkan 2007, shilalka dhimasho ee ka dhacay deegaanka gobalka ay sababeen khasaare gaadhaya dhimasho 40 qod, 280 kalena ay dhaawacmeen, iyo weliba xaddi kale oo khasaare ah oo uu soo gaadhay Hanti,Xoolo iyo guryaha.


Sidoo kalena Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa isaguna ka qayb galay gurmadkii loo fidiyey shilkii dhacay gacana ka gaysteen sidii loo daryeeli lahaa dadka dhaawaca ah, oo isla markaana ay aaseen qofkii dhintay dadkan oo uu cadeeyey in ay ahaayeen dad danyar ah oo xilligan lagu daaweynayo Cusbitaalka Magaalada Burco.


Geesta kalena todobaadkii la soo dhaafay ayey isla goobta shilkani ka dhacay waxaa shil baabuur ku dhintay Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, isla markaana uu dhaawac ka soo gaadhay Xildhibaan kale oo isna ka tirsan golaha guurtida, taas oo khasaaraha shilal ay soo kordhayaan


Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame

Ilka Case,

Burco, Somaliland

No comments: