Dec 12 2007 (Somaliland Net) - mudane maxamed saqadhi dubad oo u waramayey Radio hargeysa ayaa sheegey maanta in hawlgal ay ciidamada bilaysku ka bilaabeen caasimada Somaliland ee hargeysa ay ku qabqabnayeen dhalinyaro fadqalalo ka sameeynayay degmooyinka hargeysa qaar ka mid ah.
Taliyaha bilaysku wuxuu intaa ku daray in habeenadii taariikhdu ay ahayd 10 iyo 11 bishan , ciidamaada bilayska gacanta ay ku dhigeen dhalinyaro caadaysatey inay habeenkii dumarka iyo ragaba ay dariiqa isu taagaan oo ay ku baadhaan iyo qaar kaloo tuuga oo tiradoodu dhan tahay 84
Dhalinyaradaasi iyo tuugtaasi waxa taliyaha boolisku sheegey in si dhakhso ah maxkamad loo soo taagi doono , hawlgalka ciidamada booliskuna halkaasi ka sii wadi doonaan
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment