Saturday, December 1, 2007

Deeq Raashin ah oo loo Fidiyey Xarunta Agoomaha
















Muwadinad Deeq Raashin ah u Fidisay Xarunta Agoomaha

Hargeysa (Jam)- Agaasimaha xarunta agoomaha Hargeysa, Md. Maxamed Ismaaciil Cabdillaahi (Kidifaar), ayaa shalay deeq raashin ah oo ay Busaad Cumar Colhaye oo ka mid ah qurbo-joogga reer Somaliland ee ku dhaqan Qadar.

Deeqdan raashin ah oo ka koobneyd 20 kiish bariisa, 20 daqiiqa, 20 sonkor ah, 20 jariikan oo saliida cuntada ah, 10-ta madaxa iyo 140 kartoon oo saabuun ah, ayaa loogu talagay in ay wax ka tarto xannaanada carruurta agoonta ah ee lagu hayo xarunta Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland, Md. Cumar Odowaa oo ka qaybgalay xafladda lagu kala guddoomayey deeqdan, ayaa ugu horreyn u mahadnaqay, Marwo Busaad oo uu tilmaamay in ay qaaday tallaabo waxtar leh oo ku dayasho mudan.

Md. Odawaa waxa kale oo u baaqay muwaadiniinta reer Somaliland inay xil iska saaraan daryeelka carruurtan agoomaha ah.

Agaasimaha xarunta agoomaha Hargeysa, Md. Maxamed Ismaaciil Cabdillaahi (Kidifaar), oo isna halkaa ka hadlay ayaa Marwo Busaad Cumar uga mahad celiyey deeqdan raashinka ah ee ay u fidisay ubadka ogaanta ah ee uu masuulka ka yahay, waxaannu ku tilmaamay inay tahay muwaadinad mar walba isku taxaluujisa sidii ay gacan uga geysan lahayd daryeelka uabadkan.

Agaasimaha waxa uu xusay in deeqdani aanay ahayn tii u horreysay ee Marwo Busaad soo gaadhsiisay, balse uu sheegey inay jiraan laba kale oo tan ka horreeyey, waxaannu ku booriyey inay dadaalka intaa ka sii kordhiso.

Marwo Busaad Cumar Colhaye, oo iyana halkaa ka hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegtay in dhaqaalaha ku baxay deeqdan raashinka ay bixiyeen iyada iyo laba dumar oo kale oo muwatadawaciin ah oo u dhashay dalka Qadar, waxa kale oo ay ballanqaaday inay dhawaan carruurtan u fidin doonto deeq kale oo dhar ah, taas oo ay xustay inay hadda taalo Dekedda Berbera.

Marwo Busaad, waxa kale oo ay soo kormeertay qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay xarunta agoomuhu, isla markaana waxay war bixin ka dhagaysatay masuuliyiinta,taas oo ay iga danlahayd sidii ay u ogaan lahayd xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin dhalaankani.

NAGAAD oo 35 haween ah tababar u soo xidhay

Hargeysa (Jam)- Tababar muddo afar maalmood ah socday oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha hoggaamineed ee bulshada dhexdeeda ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey xarunta gabboodka ururrada haweenka Somaliland ee NAGAAD oo uu muddadaas ka socday.

Aqoon-iswaydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay qaybta ama kulanka u ololeeya sidii haweenku u gaadhi lahaayeen jagooyinka ama meelaha go’aan qaadashada leh oo hoos yimaada gaboodka ururrada haweenka ee NAGAAD oo ay maalgalisay hay’adda ISF, ayaa waxa ka qaybgalay 35 haween ah oo kala yimi saddex gobol oo ka tirsan gobolada dalka, kuwaas oo kala ah Maroodi-jeex, Saaxil iyo Awdal.

Haweenka ka qaybqaatay tababarkaasi oo ka kala tirsan bulshada qaybaheeda kala duwan waxay isugu jiraan kuwa ka shaqeeya dawladda, xisbiyada qaranka, NGO-yada iyo qaar ganacsato ah. Ujeedada ugu weyn ee Aqoon-iswaydaarsigan waxay ahayd in ka qaybgalayaasha la siiyo casharo iyo tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo kartidooda hoggaamineed ee bulshada dhexdeeda, iyada oo sababta loo siinayey ay ahayd inay ogaadaan in hoggaaminta wannaagsan ay sal u tahay horumarka ummadda, mar kastana haweenku la socdaan dareenka hoggaaminta wanaagsan, sidoo kale waxa lagu baray sidii ay taakuleyn iyo gargaar isugu gubdin lahaayeen, taas oo qayb ka qaadanaysa isu gudbinta aqoontooda xirfadeed.



Jamhuuriya Online

No comments: