Thursday, December 27, 2007

Qorshaha iyo Qorshaynta II

December 27, 2007
By Dr. Suleiman Walhad

Dadyohow, danta cadawgiina weeyaan, nabadda in la dayrshaaye - Dagaal soke guul ma soo hooyo, inuu idin kala diro mooyaane - Da’da yar ayuunbay dirirtu, idinka laysaaye - Dadoyohow, maxaa u garan laadihiine ee idinka daahsaaray?

Waar waa la idin dagayaa oo midbaa geedbaa lagu dabriye
Hadhawna sida faruurta geela lagu xidho, ayaa la idiin daadahayne
I daayana, hadhaw, odhani maysaane oo dullaa la idinla dhiciye
Inta ay goori goor tahay miyaa is daba qabataan?
Miyaa aad u danaysaan dadkiina iyo da’aha iman doona?
Dambiyo hore, oo badanbaa la gallay, oo wakaa idinku daguugaye
Inta ay ka sii darin, miyaad Ilaahay, aad u dacwootaan?
Dembi dhaaf iyo miyaad naxariistiisa weydiistaan?
Dibindaabyada iyo daranyada Allow naga dhawr miyaad dawarsataan?

Intaa, waxa aan idhi, waa dabuub guude.
Waa digiin iyo ka durka daranyo caydheede
Waa ka dadaala inaan talada la idin kala wareegine
Waa doodaha ku dara dadnimadeena

Anana haddaynaan istaakulin halkii ayaan ka sii wade
Danta guud weeyoo, kama daallo
Qoraalkanna waa qorshaynta iyo dalageeda
Dirkii hore sidiisii ayaanu godadlayni.

Godka Kowaadna waxa uu baanay:

1. Waxa la yidhi canaan-ka-yaab reer ma doojiyo.
2. Waxa kale oo la yidhi caduur dhawdhawdu uma dhacsana
3. Waxa kale oo la yidhi reer sahan la’aan
guuray casar calaacal
4. Waxa kale oo la yidhi arrin waa idil oo abyoon
ama waa madhan oo madaw.

Godka Labaadna waxa uu banay:

1. Godkan hore waxa uu timaamayaa talo iyo tala xumada iyo
sababta loo diido qorshaynta.
2. Waxa uu tilmaayayaa waaya-aragnimadu wanaaga ay leedahay.
3. Waxa kale oo uu tilmaamayaa in sahanku lagama
maarmaan u yahay qorshaynta
4. Guud ahaan waxa uu tilmaamayaa qorshayntu
faa’iidada ay leedahay.

Godka Saddexaadna waxa uu baanay:

1. Dhawr waxyaabood ayay ururadu qorshaynta ay uga maagaan.
2. Marka hore waxa ay is yidhaahdaan faaiido badan lagama helo.
3. Marka xiga goor la kala tegay ayay bilaabaan
ficil aan dan badan soo jiidin.
4. Marka xiga qaarbaa dhanqankooga inay beddelaan ku adag tahay.
5. Marka xiga qaarbaa iyagu jeebku ku adag oo gacan adag.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Sida ururada, dadka qaarbaa iyaba ka leexleexda qorshaynta.
2. Waxa u sababa caajisnimo.
3. Waxa kale oo u sababa hal adayg la’aan
4. Waxa kale oo u sababa baqaha in wax la kari waayo
5. Waxa kale oo u sababa waayo-aragnimo yar.

Godka Afraadna waxa uu baanay:

1. Qorshaynta waa in loo arkaa sida giraangirta oo kale.
2. Ma aha jid toosan oo la marayo
3. Meel ayaa laga dhaqaaqayaa.
4. Jid lagu tala gallay ayaa laga leexan karaa.
5. Hawsha la galayo iyo ta la qabtay waa la cabiraa
– ma guulbaa mise waa guuldarri.

Godka Shanaadna waxa uu baanay:

1. Waxa marka hore la gartaa halka la joogo.
2. Marka xiga waxa cayimaa waxa la doonaayo.
3. Marka xiga waxa la fiirshaa hilinda badan ee lagu gaadhi karo.
4. Mid walba tafaasiisha ayaa la gala.
5. Hawlqabadka ayaa la qiimeeyaa.
6. Wixii qaldan ama qaloocda ayaa la toosiyaa.
7. Hawsha ayaa lagu dhaqaaqaa oo la fuliyaa
8. Waxa laga warhelaa hawlqabadka iyo nataa’ijkooda.

Godka Lixaadna waxa uu baanay:

1. Sida ugu dan roon ee wax loo garan waxa weeye
iyada oo diraasad la sameeyo.
2. Waa diraasad kuu sheegta tamarta halka aad ku leedahay.
3. Waa diraasad kuu sheegtay halka aad ka jicilsantahay.
4. Waa diraasad kuu sheegt khataraha kugu iman kara.
5. Waa diraasad kuu sheegta ayaanka ama furaska aad leedahay

Godka Todobaadna waxa uu baanay:

1. Tamartaada waxa tilmaama meelaha aad xoog ku leedahay.
2. Waxa kale oo tilmaama waxa aad ku fiican tahay.
3. Goljilicaaga waxa aad ku ogan meelaha
aad u baahan tahay inaad adkeyso.
4. Waxa aad ka ogaan waxa sida xun loo qabtay.
5. Waxa aad ka ogaan waxa aad u baahan tahay
in aad ka leexato ama ka fogaato.
6. Khataraha kugu iman kara waxa aad ku heli
wixii ku carqalayn kara.
7. Waxa kale oo aad ka heli, kuwa kula
tartamayaa waxa ay wadaan.
8. Waxa kale oo aad ku ogaan tafaasiisha hawsha
aad qabanayso meelaha ugu adag.
9. Ayaankaaga ama furaska aad leedahay waxa
aad ku ogaan waxa kkugu fiican in aad qabato.
10. Waxa aad ku ogaan guud ahaan dhinaca loo socdo.

Godka Sideedaadna waxa uu baanay:

1. Mararka qaarkood qorshaynta waxa kugu
kalifi kara xoogag ka weyn.
2. Waxa ka mida xoogag adiga ku khuseeya oo gudaha ah.
3. Waxa kale oo ka mida xoogag shisheeya ah oo aan
adi shaqo kugu lahayn.

Godka Sagaaladna waxa uu leeyahay:

1. Qorshaha fiicani waxa uu cadeeyaa dhawr waxyaabood.
2. Waxa uu cadeeyaa halka aad joogto.
3. Waxa uu cadeeyaa waxa aad dooni.
4. Waxa uu cadeeya sida aad rabto inaad
ku gaado waxa aad dooni.
5. Waxa uu cadeeya tamaraha, goljilica, furaska
iyo khataraha qorshahaaga.
6. Waxa lagu qoraa af fudud oo la fahmi karo adna
aadan ka lumi Karin

Godka Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Marka aad doonayso wax inaad qabato ama
isbeddel aad samayso;
2. Waa inaad marka hore si caqliya u fekertaa.
3. Waxa la sameeyaa kooxo iyagu fikrado soo daadsha.
4. waxa kale oo la sameeyaa baadhis waxa aad doonayso ku saabsan.
5. Waxa la helaa inta nooc ama dariiq ee lagu gaadhi
karo waxa aad doonayso.
6. Deeto waxa la gala tafaasiisha hawsha aad
qabanayso oo jaanis laguma daayo.

Godka Kow iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Qorshaha fiicani waxa uu si qeexan u muujin xaalada lagu jiro.
2. Waxa u lahaan ujeedo qeexan.
3. Waxa uu caddeyn hantida lo ohayo.
4. Waxa uu kala qeexi tallaabooyinka la qaadi doono.
5. Waxa uu muuninj sida loo xakamayn karo ama
loo xukumi karo hawl qabadka.
6. Waxa uu caddeyn wixii la yeeli lahaa marka
ay carqaladi ay timaado aan lagu tala gallin.

Godka Laba iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Qorshahaaga waxa guuleyn kara ama najixin
kara dhawr waxyaabood.
2. Marka horeba ka qayb geli dadka kula fulin doona.
3. U sheeg sababta qorshahan loo geleyo.
4. Qof kasta ka dhaadhici faaiidada isbeddelka la wado.
5. Inta badan ku maamul teknoolijyada ay dadku fahamsan yihiin.
6. Badh-tilmaameedyo samee aad ku ogaato
in wax walba sidii la rabay ay u socdaan.
7. Ha adkeyne, fududee.
8. Ha ilaawin waxyaabaha ku meel gaadhka ah ee
lagama maarmaanka u ah hadafka loo socdo.

Godka Saddex iyo Tobnaadna waxa uu baanay:

1. Qorsha kasta waxa loo sameeyaa ogaanshaha kharashka iyo
dakhliga. Waa in aad hesho waxa ay ku kalifayso
iyo natiijada aad doonayso.
2. Waxa la fiirshaa dhinacyadiisa qalooca iyo dhinacyadiisa toosan.
3. Waxa la ogaadaa sababayaasha waxyeeli kara qorshaha oo dhan.
4. Ha moogaan in aad hayso khayaaro kale ama
siyaabo kale oo loo fulin karo.
5. Ha moogaan khataraha iyo caraqaladaha qorshaha ka hor iman kara

Godka Afar iyo Tobnaadna wax uu baanay:

1. Ha ku kicin waxa akhlaaqiyan dadku ay u arkaan wax aan toosnayn.
2. Ogaw danaha dadka ku lale qorshaha iyo mashruucan la fulinaayo.
3. Ogaw dhanka aad u socoto iyo cida ka faaiidaysan
doonta qorshaha la fulinaayo.
4. Ogaw inaadan bii’ada waxyeelayn marnaba.

Dadyohow, waxa aad nala ogaataan in talada kuu toostaa ay ilmaha tagoogta ku jira waxtarto. Waa dardaaran waayeele, yaanu idin daba marin.
Dr. Suleiman Ahmed Walhad

Email: walhad@taicobu.com

No comments: