(Hadhwanaagnews) Frontline Human Rights Defenders(HWN) Ururka Difaacayaasha Arrimaha Xuquuqal Iinsaanka Caalamiga ah ee Frontline Human Rights Defenders, ayaa qoraal ay ka soo saareen waxay si adag ugaga hadleen warwar badan oo ay sheegeen inay ka qabaan xorriyadda shaqeed ee dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqal iinsaanka Somaliland, iyo madaxbanaanida Agaasimihii hore ee Dalladda SHURO-Net, Mubarik Ibrahim Aar oo ay sheegeen in cago-juglayn badan uu kala kulmay masuuliyiinta dawladda, gaar ahaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo).
Qoraalkan soo socda, oo isugu jira qaraarka uu ururkaas oo saldhigiisu yahay dalka Ireland, ka soo saaray mustaqbalka xorriyadeed ee difaacayaasha xuquuqda aadamaha iyo Dalladda Shuro-net, ayaa sidoo kale, waxa iyana qoraalka ku jirta waraaq lagu hagaajiyay Madaxweyne Rayaale. Qoraalka Ururka Frontline Human Rights Defenders, oo warbaahinta loogu talogalay, isaga oo dhamaystiran, waxa uu u dhignaa sidan: "Ururka Difaaca Xuquuqal Iinsaanka Front Line, waxay aad uga werwersan yihiin, ka dib markii bar-tilmaameed laga dhigtay Dallada Isku-xidhka Ururada Xuquuqal Iinsaanka Somaliland ee (SHURO-Net).
SHURO-Net, waxay dallad kulmisa u tahay ururo kala duwan oo xuquuqal iinsaanka ah, kuwaas oo ka hawlgala Somaliland. Waxa sida la sheegay la wareegay awooddii maamulka dalladdaas, masuuliyiin ka tirsan dawladda (Somaliland), kuwaas oo ballanqaadaya inay qabanayaan shaqadoodii madaxa-banaanayd ee Dallada SHURO-Net. Intaana waxa dheer, in cago-juglayn iyo hanjabaado lagula kacay xubnihii xaqiiqda ahaa ee Dallada SHURO-Net, gaar ahaan Agaasimihii Mubaarak Ibraahim Aar.
Faahfaahin dheeraad ah:
Bishii October 24, 2007, shir-wayne aan caadi ahayn, oo Dalladda SHURO-Net leedahay, ayaa dhacay, iyada oo aanu kulankaa goobtaa joogin xubin keliya oo ka mid ah xubnihii Guddiga Fulinta Shuro-net ee la doortay. Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab), oo shaqaale ka ah, hay'adda wararka xukuumadda ee SOLNA, ayaa loo doortay inuu ahaado guddoomiyaha Dalladda Shuro-net. Wasiir ku xigeenka Cadaaladda, Wasiirrada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Bulshada, ayaa sidoo kale ka qaybgalay kulankaa, isla markaana dhamaanba saddexda masuul ee ka socday xukuumadda ayaa khudbado ka soo jeediyay kulankan. Waxa iyaguna sidoo kale, kulankaas goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Ururada SHURO-net, oo ka socday Magaalada Boorama, kuwaas oo caddeeyay in Guddoomiyaha Gobolku uu ugu hanjabay inuu albaabada u xidhayo ururadooda, haddii aanay ka qaybgalin kulankaas.
.
31 October 2007 , ayaa Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladdu amray inay boolisku la wareegaan xafiisyada SHURO-net, isla markaana waxa uu aqoonsaday awoodda maamul ee Guddiga aan sharciga ahayn. November 3 2007, ugu badnaan 38 urur oo xubno ka ah Dalladda SHURO-Net, ayaa kulan isugu yimi, kaas oo ay ku aqoonsadeen guddigii fulinta ee la soo doortay sannadkii 2005, waxaanay shaaca ka qaadeen in shir-waynihii dhacay 24 October uu ahaa mid aan sharci ahayn, isla markaana waxay eedayn u soo jeediyeen faro-gelinta ay xukuumaddu ku hayso ururada bulshada. Maalintii ku xigtay, Agaasimihii Fulinta SHURO-Net Mubaarak Ibraahim Aar, ayaa si jujuub ahayd u nabad-gelyeeyay Xafiisyadii maamulka Dalladda SHURO-Net. Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladda, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka (Somaliland), Taliyaha Booliska Degmeda (Axmed Dhagax), ayaa goob-joog ku ahaa xafiisyada gudahooda, isla markaana ka dalbanayay inuu Agaasimuhu Mubaarak Ibraahim Aar inuu wareejiyo awoodda-maamul ee xafiiska iyo agabkii yaalay.
Bishii November 8, 2007, ayaa Mubaarak Ibraahim Aar, waxa uu si la wada-ogyahay isaga casilay shaqaddiisii, taas oo uu kaga soo horjeeday farogelinta kaga timi Dalladda SHURO-Net dhinaca dawladda. Hase yeeshee, ilaa waqtigan is-casilaaddiisii lama aqbalin. Waxay u muuqataa, in loogu cago-jugleeyay/loogu hanjabay laba waqti oo kala duwan, kuwaas oo uu Wasiir-ku-xigeenka Cadaaladdu (Tallaabo) ugu hanjabay in uu ciqaab mudan doono haddii aanu la shaqayn maamulka (cusub) ee SHURO-Net. Hanjabaado kale, ayaa sidoo kale, loo geystay xubno kale oo ka tirsan SHURO-Net, kuwaas oo sida la soo weriyay ka yimi labadaba Wasaaradda Cadaaladda iyo xubnaha guddiga fulinta cusub ee SHURO-net.
Waxaan aad uga werwersanahay farogelinta xukuumadda (Somaliland) ee maamulka SHURO-Net iyo hanjabaaddaha lagala horjeedo Mubaarak Ibraahim Aar. Waxaan aaminsanahay in madaxbanaanida ururada bulshada iyo shabakaddaha (dalladduhu) ay aasaasi u yihiin bulsho kasta oo dimuquraadi ah, isla markaana waxaan ka baqayaa in dhacdooyinkan ugu dambeeyay ee Somaliland ka dhacay, ay muujinayaan awoodda wada-tashi ee ururada xubnaha ka ah Dalladda SHURO-Net, si ay u sii wataan hawlahoodii difaaca arrimaha bani'aadaminimo.
Waxaan u soo jeedinayaa masuuliyiinta Somaliland:
1. In ay joojiyaan dhamaanba hanjabaaddaha ay ku hayaan Mubaarak Ibraahim Aar, maadaama ay la xidhiidhaan keliya shaqaddiisa sharciga ah ee aan xad-gudubka lahayn ee uu ku difaacayo arrimaha xuquuqal iinsaanka;
2. In ay sida ugu dhakhsaha badan u joojiyaan farogelintooda ay ku hayaan maamulka SHURO-Net, isla markaana ay aqoonsadaan Guddiga-hoggaamineed ee sida sharciga ah loo soo doortay;
3. Inay joojiyaan isticmaalka baqdin-gelinta/cago-juglaynta, si isbedello loogu sameeyo ururada bulshadda, sida Dalladda SHURO-Net, isla markaana aanay u isticmaalin saamayntooda, si ay u hubiyaan in aanay jirin wax cabsi ilaa xad ahi ama cabsi-ku-abuurid lagala soo horjeedo shaqaalaha xubnaha ka ah iyo xubnaha ururada Dallada SHURO-net iyo weliba shabakadda SHURO-Network ee NGO-yada u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada;
4. Xukuumadda Somaliland waa inay hubiyaan in difaacayaasha xuquuqal iinsaanka Somaliland joogaa ay dhamaantood xor u yihiin sii wadashada hawlahooda nabadgelyo ee sharciga ah, ee difaaca arrimaha bani'aadaminimo, iyaga oo aan ka baqayn wax cabsi-gelin ah ama aar-goosi ah."
Tallaabo ka qaad:
Fadlan tallaabo ka qaad, iyada oo loo eegayo khatarta ba'an ee ay galayaan difaacayaasha xuquuqal iinsaanka Somaliland. Waad ku mahadsan tahay, talloaabada aad ka qaadayso difaacayaasha xuquuqal iinsaanka Somaliland awgood
http://www.frontlinedefenders.org/
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment