Friday, December 7, 2007

Dhoofka Xoolaha ee Carafa la gaynayo Sacuudiga ayaa sii Kordhaya maalmahan.







Dec 07 2007 (Somaliland Net) - Boqolaal kun oo Neef oo Adhi ah, ayaa isku soo gaadhay duleedka magaalada berbera. Ka dib markii gadiidka Xamuulka qaada ay xolahaas soo daabuleeyeen dhawrkii todobaad ee u danbeeyey.

Xolahaasi oo intooda badan uu leeyahay Ganacsadaha Carbeed ALJABIRI ayaa la sheegayaa inay yihiin xoolihii bisha Carafo loo dhoofin lahaa dalkaas sucuudi Arabia.

Xeryaha waaweyn ee xololaha ee magaalada berbera waxa hubanaya kumanaan kun oo neef oo adhiya, sidoo kalena maxjarka xoolaha nool loo dhisey ayaa isna maanta markii u horeysey lagu sii daayey xoolaha.

Hawl wadeenada caafimaadka xoolaha oo isugu jira dhaakhaatiir wasaaradda xanaanada xoolaha ee dalka JSL iyo dhakhaatiir ajaaniba oo uu keensadey Ganacsade Aljaabiri ayaa ku hawlan sheybaadhka baadhista caafimaadka ee xoolaha dalka ka dhoofaya.

Xolahaasi imika jooga Berbera ee caafimaadkooda la baadhay , islamarkaana dhoofku u diyaarka ah ayaa waxaa dhegta lagaga dhejiyey caalamada loo yaqaano (ER-TAAG) taasi oo ka turjumaysa inuu caafimaadkeeda la baadhay .

Xoolo kale oo tiro badan ayaa la sheegaya inay Berbera kusoo qulqulayaan si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa dhoofka xoolaha ayaa si weyn looga dareemayaa dekeda Berbera.

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

No comments: