Sunday, December 2, 2007

Shir Jaraaid oo uu qabtay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub










Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub

(Somaliland Net) - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa Shir Jaraa,id oo uu maanta ku qabtay Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa waxa uu ku tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay Horumar weyn ka Gaadhay Dhinaca Siyaasadda islamarkaana Hirgalisay Hanaanka Dimuqraadiga ah .


Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu ka warbixiyay Marxaladihii kala duwanaa ee Dalku soo Maray, Waxaanu Xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo dhaaftay Qabyaalad , islamarkaana ay dhaqan gelisay Habka Dimuqraadiga ah ee Nidaamka Axsaabta Badan oo Doorashooyinka Xorta ah ee ku dhisan Qof iyo Codkii.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Somaliland Md Siciid Sulub Maxamed waxa hadalkiisa ku sheegay in Sababta aynu Axsaabta usameysanay ay tahay ka dib Markii aynu soo Digo Roganay habkii Axdi qarameedka ee Dhawrka Sanadood Dalka lagu soo Maamulayay , waxaanu Bulshada ugu baaqay in laga waantoobo Qabiil laguna walaaloobo Qaranimo si geedi socodkeenu Horumarineed uu halkaasi uga sii socdo .

Dhinaca kale Wasiirka Hawlaha Guud Md Siciid Sulub Maxamed waxa uu ka waramay Xaaladda Magaaladda Laascaanood isaga oo xusay Guusha ay Dawladdu Gaadhay iney Horseed ka ahaayeen Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu tilmaamay dadka ku nool magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool in ay yihiin Umad udiyaar ah Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland , islamarkaana loo baahan yahay in wax lala qabto Dawlad ahaana ay diyaar uyihiin Dib udhiska dedaalna ugu jiraan horumarinta Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.

Md Siciid Sulub wasiirka hawlaha Guud ee JSL Waxa uu intaasi Raaciyay in Dawladdu dhidibadda utaagtay Maamulka Magaaladda Laascaanood haatana ka Muuqato Hanaankii Dawladnimo .
Wasiirku waxa uu gebagabadii Bulshada uu ugu Baaqay in Dhaqaale, Maskax, iyo Muruq wada jirra looga Qayb qaato Taakulaynta Gobolada Bariga ee Jamhuuriyadda Somaliland .

Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland

No comments: