Dawlad waxa la yidhaahdaa xafiisyo ay iskugu tageen dadyow kale duwan oo ka mid ah bulshada, dadkaasi marka loo xulanayo inay qabtaan xilalka, waxa lagu soo xushaa sida ay ukala aqoon , caqli iyo waayo aragnimo badan yihiin.
Guuto kastana inta magac loo bixiyo ayaa loo dhiibaa xafiis,arimaha ay qabanayaana waa shaqooyinka bulshadu u xilsaarto sida maamulka iwm. Haddaba dadkaasi bulshadu iska dhex dooratay, laguna soo xulay aqoonta iyo waaya aragnimada ay leeyihiin awgeed marka ay tagaan xafiisyada ee ay bilaabaan hawshooda ayaa waxay u dhaqmaan sida jaahiliinta iyo doqmaha.
Dawladii loo xulay laguna dhisay dadkii aqoonta lahaa ayaa markay tagaan xafiisyada u dhaqmaya sida jaahilinta, haddaba maxaad u maleyn dawlada loo xulay ama ka kooban intii bulshada ugu damiirka iyo kartida liidatay.
Dadyowga dawlada ku jira waxa la yidhaahdaa oo ay wadaagaan magaca ah "siyaasiyiin" manhajka iyo qorshah ay racayaan ee u dajisana waxa la yidhaahdaa "siyaasad".Haddaba akhriste adigu ma waxaad tageertaa manhajka iyo qorshaha oo ah "siyaasada " mise waxaad tageertaa "siyaasiyiinta ".
Dadkeena maanta waxa isaga khaldan waxa u dhaxeeya siyaasada iyo siyaasiyiinta, mana kala naqaano labadaasi oo si xun ayey isaga keen dhex galeen, waxana is raacay siyaasadii iyo siyaasigii oo aheyd in la kala reebo.
Masalan haddaad kulmiye,ucid, iyo udub ku tageerto siyaasiyiinta ku jira iyo hadaad ku tageerto siyaasada ay adeegsanayaan ee ay racayaan way kala duwan tahay. Inagu maanta waxaynu u badanahay in aynu ku dhaqano hab ladaba soconayo siyaasiga mana tixgelino siyaasada, arintana waa ta sii shiday qabyaalada, maxaa yeelay marka qof kastaba ninkiisa ku dhegenaado ama uu tageero danihiisa taa macnaheedu waxa weeyaan qabyaaladeyn.
Siyaasiga haddii aynu dabo socono waxay markasta cadeyneysaa in aynu wali qabyaaladii daba socono,maxaa yeelay waxa qudha ee lagu tageero siyaasi isna uu dadka ku beerlaxawsadaa waa qabyaalad. Inaga waxa la inaga rabaa in aynu eegno siyaasada uu ku dhaqmayo siyaasigu.haddii siyaasadiisu ay noqoto mid dadka, dalka iyo diintaba wax tar u leh waxa inagu waajib ah in aynu tageero.hase ahaate haddii siyaasada iyo manhajka uu adeegsanayo ama habkiisa maamul uu yahay mid dad iyo duunyaba rogaya waxa inagu waajib ah in aynaan tageerin.
Maanta waxaad arkeysaa siyaasiyiin ukala gooshaya saddexda urur(kulmiye,ucid,udub) ,oo kolba mid ka soo baxaya mid kalena ku biiraya.kuwaasi oo qiil ka dhiganaya arimo iyaga dantooda u daneynaya, haddaba marka aad maqasho siyaasi ayaa urur ka baxay oo urur kale ku biiray waxaad haddana maqleysaa tageerayaal badan oo ka baxaya ururkii kuna biiraya ururka kale ee siyaasigii ay tageersanaayeen ku biiray. Dadkaasi haddaba iska daba socda siyaasiga waxeynu oran karnaa maaha kuwa siyaasada tageera, laakin waa kuwa siyaasiga tageersan wuxu doono ha ahaate,maxaa yeelay ururka markii hore siyaasada kumay tageersaneyn ee waxay ku tageersanayeen siyaasigaasi uun.
Siyaasigu wuxu hadba jooga meesha ay uga salaxan tahay dantiisuna ku meel marayso laakin qofka ladoonayo in uu fekiraa waa shakhsiga tageera ah, haddii caqligaagu ku hagi waayo waxa ku hagi oo ku fekiri dadyow kale, waxaanad kolba qaadan mawqifka iyo siyaasada uu qaato kolba kaad daba socotaa.
Markaad dooneyso in aad urur tageerto ha oran,ina hebel iyo hebel ma ku jiraa ,balse eeg siyaasada iyo qorshaha nidaam ee ururku raacayo si uu u fuliyo hawlaha laga rabo.haddii siyaasadiisu tahay mid danta dadka si caam ahaan ah ugu maslaxeyneysa tageer,haddiise siyaasada ururku tahay mid dhabar jebin ah ha tageerin.
Ciyaartoyga fiicani wuxuu soo bandhigaa ciyaar hufan oo lala dhaco,halka ciyaartoyga xuna uu soo bandhig ciyaar liidata, sidaasi oo kale siyaasiga fiican ayuunbaa soo bandhigi kara isna siyaasad fiican. Siyaasiga xuna wuxu soo bandhigayaa siyaasad xun.
Waxa la yidhi nin caanoole ah ayaa marka uu caanaha ka soo liso lo’diisa inta aanu iib geyn ku dari jiray biyo si uu ugu badiyo kadibna uga helo macaash,maanta mid la mid ah sidaasi oo kale siyaasiyiinta somaliland wixii loo dhiibtay ee ahaa arin, xeer iyo nidaamba si ay tooda u meel marsadaan ayey ku dhex dareen waxyaabo badan oo khariban, waxaney ku dhex badhxeen nidaamkii falal badan oo runtii lidi ku ah qanuunka toosan.
Qofka aad kabaha ka tolaneyso in aad kuwiisa eegta marka hore malaa waa waajib,dadkeena reer somaliland waxa waajib ku ah ugu horeyn in ay eegaan oo ay si fiican uga baaran dagaan ruuxa ay u dhiibanayaan xil, in uu u qalmo iyo in kale, ma fiicna haddii sheekadu noqoto iga gee iyo reer hebelba hebel ayaa ugu jiree anaga kaasi naga qabta.
Waxaan ku soo gunaanadayaa ugu horeyn aynu ogaano farqiga u dhaxeeya siyaasiga iyo siyaasada, marka labaadna waxan odhan lahaa intaynu siyaasaga eeganayno kuna dhegeyno waxa ka roon inaga oo eegna siyaasada uu isticmaalayo. Haddii siyaasadiisu xun tahay yaan la tageerin, qabiilka iyo cida uu doono ha noqdee. Somaliland waxay u bahan tahay siyaasad cusub iyo siyaasiyiin cusub oo la jaan qaadi kara wakhtigan casriga ah.
Abdifataah mahamed ahmed
Email: Ceelaabe_10@hotmai.com
Saturday, December 22, 2007
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment