Munaasibadan waxa kale ooo ka soo qayb galay wasiir kuxigeenka wasaarada cadaalada mudane yuusuf ciise ( talaabo) Gudoomiye ku xigeenka koomiishanka doorashooyinka qaranka mudane Xirse cali xasan , gudoomiyaha gobolka hargeysa ee xisbiga ucid xasan suldaan c/laahi sul. c/raxmaan , xoghayaha siyaasada ee xisbiga udub cumar jaamac faarax iyo masuuliyiinta dalada naafada qaranka iyo ururada la shaqeeya Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada mudane ( talaabo) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegey in xukumada dadaal weyn ugu jirto sidii loo dhiiri gelin lahaa dadka naafada ah iyaguna looga baahan yahay inay la yimaadaan dadaal dheeraad ah
Gudoomiye ku xigeenka koomiishanka qaranka mudane xirsi cali xasan oo isna munaasibaadaasi ka hadlay ayaa sheegey inay koomiishan ahaan u fududeyn doonaan xiliyada doorashooyinka dadka naafada ah oo ay u samayn doonaan wax kasta oo u sahlaya sidii uu cidkiisa u dhiiban lahaa Marwo faadumo suudi xasan oo gabe gabedii munaasibadaasi ka hadashey ayaa sheegtey in maanta dadkii naafada ahaa Ogaadeen in ay qaban karaan shaqo kasta oo uu qabto qofkii caadiga ahi Tasina ay tahay horumar ay sameeyeen dadka naafada ahi loona baahan yahay in laga dhiiri galiyo Qofkasta oo naafo ahi , inuu waxbaran karo Gudoomiyaha gobolka ee xisbiga ucid xasan suldaan iyo xog-hayaha siyaasada cumar jaamac faarax oo iyaguna munaasibaadaasi ka hadlay ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in la caawiyo dadka naafada ah ee aadka u jilicsan ee aan waxba qabsan karayn Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Agaasimaha fulinta dalada qaranka SNDF c/salaam yuusuf xirsi oo isaguna sheegey in sidii dadka naafada ah codkooda loo dhegeyssan lahaa.
Wariye Mohamed Mussa inji Hargeysa Somaliland | |
No comments:
Post a Comment