Shirkii golaha wasiirada ee shalay oo lagaga hadlay sicir bararka | | | |
Written by Qarannews | |
Dec 04, 2007 at 11:07 AM | |
Hargaysa (Qaran)-Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo dhacay Shalay oo Isniin ahayd waxa lagaga dooday Sicir bararka dhawaanahan ku dhacay waxyaabaha quudatal daruuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland iyo hoos u dhaca Qiimaha Lacagta Dollarka ah, Arrimahas oo saamayn ku yeeshay Nolosha dad badan oo ka mid ah shacbiga Somaliland. Shirkaasi Golaha Wasiirada oo uu gudoominaya Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa si qoto dheer loogu fallan qeeyay Waxyaabaha sababay Sicir bararka Maciishada Quudatal daruuriga ah iyo Siyaabaha wax looga qaban karo . Madaxweynuhu isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu sheegay in ganacsiga Somaliland uu yahay mid xor ah oo ganacsatadu ay u madax banaan yihiin waxyaabaha ay dibada ka keenaan oo cuntada quutadal daruurigu ka mid tahay, hase yeeshee mar walba loo baahan yahay tix gelin iyo Mudnaanta koowaad in la siiyo sidii loo ilaalin lahaa Ascaarta cuntooyinka quutadaruuriga ah iyo wixii la hal maala, si aanay saamayn ugu yeelan Shacbiga intiisa badan.
|
No comments:
Post a Comment