December 11, 2007
Hiddaha iyo Dhaqanka.
By Dr. Suleiman Walhad
Sidii awal iyo maalmihii hore murtida aan marino - Aan mala-awaalno oo mahado kale aan sheegno Marinka horumareed mayalkiisa aan sheegno - Maaraynta nolosha iyo maamulka aan macnayno - Sida looga maarmo dawarsiga marinkeeda aan sheegno.
Miyi iyo magaalo wax ay mahadiyaan aan masalo sheegno
Madal aan maroor lahayn aan soo meerno
Mushatarka iyo baayaca malahooda aan sheegno
Maala addunyaha iyo midhaha beeraha aan meerno
Meheradaha iyo sida loo agaasimo macnahooda aan sheegno
Murtiyaha aan sii mushaaxino waa maadaddeeniiye
Waa mirashadeedii mid kale oo ka mida,
oo soo mutaxan sidoodiye
Waxa tanna ay mayracaysaa hidaha iyo dhaqanaka
Waa midho godadlaysan iyo murtiyo maamuusan
Godka Kowaadna waxa uu leeyahay:
1. Sooyaalka iyo taariikhdu waa lagama maarmaan.
2. Ummaduhuna waa inay ka tegin hiddiyo dhaqanka.
3. Waa murtiyaha iyo suugaan midhihii la curin jiray.
4. Waa huga iyo dharkii la xidhan jiray.
5. Waa dhuuniga iyo cuntadii la cuni jiray.
6. Waa haynta hogaanadeedii iyo dadkii soo agaasimi jiray.
7. Guud ahaanna waa astaamihii ay gaarka ay
u lahayd ee lagu yaqaan.
Godka Labaadina waxa uu leeyahay:
1. Bal eegoo Suudaanta ama Yemenida jaar inala ah.
2. Bal eegoo Hindiga iyo indho-yarta iyo aasiyada fog.
3. Baal eega Afrikada innoo dhaw iyo Yurubta laftigeeda.
4. Bal eega Carabta iyo kuwa aan diinta iyo dhaqanka la wadaagno.
5. Mid walba waxa weli lagu ogyahay wixii lagu yaqaan.
6. Innaga waar maxaa innoo diiday oo dhaqankeennii innoo uriyay.
7. Meeyay boqorkiyo dhaclihii?
8. Meeyay go’yaashii caddaa iyo duubigii?
9. Meeyay gundhatihii iyo gamabadii iyo masarkii?
10. Ogaadoo ummad waliba waxa ay ku adag yihiin,
wixii ay awawyadood, ka soo dhaxleen, innaga mooyaane.
Godka Saddexaadna waxa uu leeyahay:
1. Horumarka iyo ilbaxnimadu ma aha ka guur dhaqankaaga.
2. Ma aha adoon fiirsan, qaado dhaqan kaloo shisheeya ah.
3. Waa ka qaado wixii wacan, dhaqanada shiisheeyaha,
wixii xunna ka bood.
4. Waa dhaqankaaga masafee oo ka shaandhee intii xun.
5. Guud ahaana waa isku kalsoonow oo farsamada nolosha hagaajiso.
Godka Afraadna waxa uu leeyahay:
1. Waa in, dhalaanka, loo guntaa sooyaalka iyo dhaqanka.
2. Ragii hore waa taariikhda laga la hayo oo la qoro.
3. Waa in la urursho oo la kaydiyo murtida iyo suugaanta.
4. Farsamooyinka aad leedahay waa in laga tegin;
wixii dhimanna waa in la toosiyaa.
Godka Shanaadna waxa uu leeyahay:
1. Innagu raggeennii hore maxaa aan ka haynaa?
2. Oday taliya ahaa ama culimo diin;
3. Gabayaa ahaa ama abbaanduule;
4. Heesaa ahaa ama cayaartoy;
5. Xeeryahan ahaa ama beeldaaje.
6. Ama caalim ahaa ama farsamo keene.
Godka Lixaadna waxa uu leeyahay:
1. Waar ayaa qoray taariikhdii Ugaas Nuur ama Ugaas Samatar?
2. Waar ayaa qoray taariikhdii Aw Buube ama Aw Cumar Xaamud?
3. Waar ayaa qoray Taariikhdii Iidle ama Fariid Suloo?
4. Ama Axmad Guray ama Aw Barkhadle?
5. Ayaa wax ka qoray Ina cali Bucul iyo gabayagii
Reer Faarax amase Geelle Cagaweyne?
6. Waa inta aan anigu xasuusanahay iyo qaar kaloo badan.
7. Meeyay murtidii la curin jiray iyo suugaantii?
8. Meeyay sooyaalkii tani iyo Waamo iyo Gedo
iyo Sanaag iyo intii kale.
Godka Todobaadina waxa uu leeyahay:
1. Waxa ay nala tahay in Gole Dhaqan la abuuro.
2. Degma waliba in Gole dhaqan ay samayso.
3. Goluhu waa inu noqdo uururshaha dhaqankiyo hidaha degmada.
4. Waa inuu urursho oo kaydsho farsamooyinkii
iyo farshaxankii lagu yaqaan.
5. Waa in la baadho taariihda ilaa iyo samankii
faraacinada iyo hortoodba.
6. Waa in la baadho oo laga daba tego Islaamku
sida uu innagu soo gallay.
7. Waa in la baadho dugsiyadii hore iyo xeryihii horee diinta.
8. Meeyay taariikhdii Darbiyada Cad, Jaarahorato
iyo inta kale badan.
9. Ayaa waar baadhay xabaalaha ma guuraanka ah
iyo gumburaha da’aha waaweynle?
Godka Sideedaana waxa uu leeyahay:
1. Waar ayaa ururshay Xeerkii Habis iyo kuwii ka horeeyay?
2. Waar ayaa qoray taariikhdii keentay Dhagaxjoog,
Qoraxjoog, Dacarjoog iyo Jidigale?
3. Waar ayaa urushay dawooyinkii dhaqanka loo
lahaa intuusan Reer Galbeedku innoo iman?
4. Waar ayaa kaydshay oo baro ka qoray dhaqankii
beeraha iyo xoola dhaqa?
Godka Sagaalaadna waxa uu leeyahay:
1. Waar meeyay kebedii, hararihii, aloolkii
iyo dhigihii aqalka hidaha loo lahaa?
2. Waar meeyay harqoodkii, nugidii iyo marshadii?
3. Waar meeyay wadhaf iyo wajaafkiyo, dulihii iyo minaaqbkii?
4. Waar ayaa kaydshayoo meel bal wax dhigay?
5. Waar xaggee lagu ogyahay warankiyo bilaawihii?
6. Meeyay hogaankii iyo ushii, hangoolkii
iyo gudintii dhaqanka loo lahaa?
Godka Tobnaadna waxa uu leeyahay:
1. Dadyohow, waa inaysan lumin sheeko xariiradii
iyo oday ka soo gaadhkii.
2. Dadyohow, waa inaysan lumin nidaamkii
ubadka loo ababin jiray.
3. Dadyohow, waa inaysan lumin heesihii godaalka iyo xoolaha.
4. Dadyohow, waa inaysan lumin odhaahyadii
socdaalka iyo ducooyinka.
5. Dadyohow, waa inaysan lumin haasawihii
golaha lagu waaryi jiray.
6. Dadyohow, hidaheena iyo dhaqanka waa in la dabaqabtaa.
Godka Kow iyo Tobnaadna waxa uu leeyahay:
1. Waar cayaarihii dhaqanka halkee lagu ogyahay?
2. Meeyay gucustii iyo qilidii?
3. Meeyay tartankii orodka iyo legdankii?
4. Halkee la mariyay dhaqankii farda fuulka?
5. Meeyay saddexlaydii iyo wilwilhii?
6. Ayaa og xaggay ku dambaysay foodhintii iyo gobihii?
7. Ayaa og xaguu ku dambeeyay caroogii la sheegi jiray?
Godka Laba iyo Tobnaadna waxa uu leeyahay:
1. Dhaqanka iyo hidduhu waa xundhurta aasaaska ummadaha.
2. Waa astaanta lagu garto ee lagu yaqaan.
3. Waa matoorka dhaqaajiya mustqbalka ummadaha.
4. Waxa weeye midhaha dhaliya ama hubiya jiritaanka ummadaha.
5. Waxa innagu habboon in aan astaamaheenna
aan xajinno oo aan keydino.
6. Waxa innagu habboon in waxyaabaha wanaagsan
ee aan caalamka kale aan ka barannay aan ku kordhino.
Godka Saddex iyo Tobnaadna waxa uu leeyahay:
1. Waxa ay nala tahay in la dhiso kooxo kubbadeed
ama kooxo kubadaha la cayaaro ee kala geddisan.
2. Waxa ay nala tahay in tartanno la gesho si
cyaaruhu ay u koraan tayo ahaan.
3. Waxa ka mida kubadda kollayga.
4. Waxa kale oo ka mida kubadda teniska.
5. Waxa kale oo ka mida kubada laliska.
6. Waxa ay nala tahay in dib loo soo
nooleeyo orodadii iyo boodadii.
7. Bulshadu waa in dib ay u dhistaa maaweelo
kale oo qaadka ka fogaysa.
8. Dadyohow, iyana bal taas ha la ogaado.
Godka Afar iyo Tobnaadna waxa uu leeyahay:
1. Waar waxa lagu tartamaa tixda iyo gabayga
ama geeraarka iyo guurawga.
2. Waar waxa la abuuraa oo la curiyaa riwaayado
iyo maansoooyin kale.
3. Waar waxa la abaabulaa kooxo dhaqameed.
4. Waar waxa la abburaa dhaqan qoraal iyo qalin.
5. Qaarbaa u haysta in buugu had iyo jeer
uu qurux badnaado, hadda waa jaldiga.
6. Quruxda buugu ma aha jaldiga ee waa murtida ku jirta.
7. Bal dadyohow, isku daya inaad wax aad qortaan.
Godka Shan iyo Tobnaadna waxa uu leeyahay:
1. Cilmigu dhaqanka ayuu ka tirsan yahay.
2. Ummaddii aan cilmiga ahmiyad siin, xaalkeegu waa xagga hoose.
3. Waa in la isku dayo cilmi baadhis iyo aqoon ururis.
4. Cilmi baadhis waxyaabo badan ayaa laga sameeyaa.
5. Waxa laga sameeyaa farsamoyin cusub.
6. Waxa laga sameeyaa dawo samayn.
7. Waxa laga sameeyaa aalado iyo makiinado iyo wixii la mida.
8. Warshadayn ayaa ka mida iyo sida wax loo sameeyo.
9. Bulshada ayaa diraasado lagu sameeya, waxa ay cunaan,
waxa ay qiimeeyaan iyo wixii la xidhiidha.
10. Waxa la darsaa hugooga iyo dhaqankooga
iyo waxyaabo kale oo badan.
Dadyohow, nala gartoo ummad horumar u soo jeeda aynu noqono:
Aynu kartideena muujinno,
Aynu wax qabsano,
Aynu dhaqanka iyo hiddaheena kaydinoo aan korino
Aynu qayrkeen la tartano
Itaalkeen aan gargaarsanno
Midha abuurka iyo curinti murtida dib aynu abaqaalno
Dadyohow da’aha iman doona
Sooyaal wacan aynu dhaxalsiino.
Dadyohow maantana sheekadu halkaa ha innoo joogto oo aynu talooyin iyo tilmaamo kale, kala war sugno.
Dr. Suleiman A. Walhad
Email: walhad@taicobu.com
Tuesday, December 11, 2007
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment