Madaxweyne Rayaale ayaa markii u horreysay guddi qaran u saaran wax-ka-qabashada xaaladda sicir-bararka cirka isku shareeray ee hadheeyey bulshada danyarta ah ee Somaliland. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed
Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u qornaa sidan:
“Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada oo dhacay Shalay oo Isniin ahayd waxa lagaga dooday Sicir bararka dhawaanahan ku dhacay waxyaabaha quudatal daruuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland iyo hoos u dhaca Qiimaha Lacagta Dollarka ah, Arrimahas oo saamayn ku yeeshay nolosha dad badan oo ka mid ah shacbiga Somaliland.
Shirkaas Golaha Wasiirada oo uu guddoominaya Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa si qoto dheer loogu fallanqeeyay waxyaabaha sababay sicir-bararka maciishada quudatal-daruuriga ah iyo siyaabaha wax looga qaban karo.
Madaxweynuhu isaga oo arrintaa ka hadlayey waxa uu sheegay in ganacsiga Somaliland uu yahay mid xor ah oo ganacsatadu ay u madaxbannaan yihiin waxyaabaha ay dibada ka keenaan oo cuntada quutadal daruurigu ka mid tahay, hase yeeshee mar walba loo baahan yahay tix gelin iyo mudnaanta koowaad in la siiyo sidii loo ilaalin lahaa ascaarta cuntooyinka quutadaruuriga ah iyo wixii la hal maala, si aanay saamayn ugu yeelan Shacbiga intiisa badan.
Sidaa awgeed, Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu magacaabay guddi ka tirsan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda, Arrimaha gudaha, Baanka Somaliland, D/Hoose iyo Rugta Ganacsiga, in ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgalaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha keenay sicir-bararka raashinka iyo hoos-u-dhaca lacagaha doollarku ka mid yahay.”
Togdheernews
Hargaysa.
No comments:
Post a Comment