
Written by Hormoodnews
Sunday, 23 December 2007
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Madaxda urur-siyaasadeedka Qaran ee xabsiga laga siidaayey ayaa caddeeyey in hadda laga bilaabo ay ka shaqaynayaan dhismaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana soo bandhigay hindisayaal ay ku abuurayaan iskaashi ay sheegeen in lagaga gudbi karo dhibaatooyin iyo tacadiyo ay sheegeen in xukuumada Madaxweyne Rayaale dhaqan ka dhigatay.
Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo caawa ka hadlayey xaflad casho sharaf ah oo xisbiga KULMIYE u sameeyey isaga iyo labadiisa ku xigeen ee xabsiga laga sii daayey ayaa sheegay in hadda laga bilaabo ay ka shaqaynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen xisbiga KULMIYE, waxna ay ula qaban lahaayeen, isaga oo sheegay in haddii la ogolaado ururkooda Qaran iyo haddii kaleba ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan xisbiga KULMIYE.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ammaan iyo bogaadin ugu jeediyay xisbiga Kulmiye taageero uu sheegay inay u hibeeyeen oo aanay u kala hadhin madax iyo taageerayaalba, ilaa markii ay ururkooda ku dhawaaqeen ilaa maalintii ugu danbaysay ee la soo daayay. “Sadexdayadan u jeedadu maaha, balse dadka hogaaminaya xisbiga Kulmiye ayaa u abuuran, taariikh nololeedkoodii halgan, waxa xoriyadu tahay, wanaaga iyo waxay ka dagaalameen ayaana is agyaala.” Sidaa ayuu yidhi Dr, Gaboose waxa uu uga gudbay sheeko xariir kooban oo la xidhiidha xusuusta maalmihii Jeelka ay ku jireen, “Waxaan xasuustaa, maalin goor barqo ah ayaa maalmihii xabsiga (Mandheera) qolkii aanu ku jiray, wuxuu lahaa daaqado waaweyn. Dabayl xooglihina way dhacaysay, siigo meel laga keenay garanmaayee xooglehna way wadatayoo inta ay daaqad ka soo gasho daaqada kale ka baxaysay. Annaguna dhulka ayaanu jiif-jiifnay, markaas ayaan halkaasoo kale waxaan arkay, Maxamed Xaashi Cilmi oo maro-yari dusha ka saarantahay siigaduna ku duldhacayso. Kaligay ayaa waxaan dib u xasuustay intii sanadood ee Maxamed Xaashi dalkan soo xoraynayay iyo meesha uu ku danbeeyay iyo waliba cidda uu u xidhanyahay oo uu ogolyahay. Ummase qaadan nacas-nimo.”
Dr. Gaboose wuu sii waday waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi.” Nin shisheeye ah, ayaanu maalin dhawayd la kulanay. Waxa uu nagu yidhi, waxaanu aad iyo aad idiinku qadarinaynaa hadaad tihiin ummada reer Somaliland, mashaakilkiinu si kasta ha u cuslaadee, waxaad ka door bidaan inaad wada hadal ku dhamaysaan. Maxamed Xaashina waxa uu siigada u jiifay in wadda hadal lagu xaliyo qori ma waayine.”
Waxa uu Dr, Gaboose intaa uga gudbay cawil celin siyaasadeed oo uu ku guubaabiyay xisbiga Kulmiye “Waxaan caawa hortiina ka xaqiijinayaa, haddii Ururka Qaran la ogolaado iyo haddii aan la ogolaanba, inta aanu noolahay hiilka aad noo gasheen mid ka weyn inaanu idiin gallo. Waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu Caawa laga bilaabo, Kulmiye dhismihiisa ka shaqayno” Sidaas ayuu yidhi, hase ahaatee waxa uu ka dalbaday inay hiilkii hore mid ka weyn ka sugayaan Kulmiye.
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Qaran waxa uu isaga oo ka jawaabay hadal Madaxweyne Rayaale ku sheegay inuu kaliya ka saamaxay xabsigii uu tilmaamay in taa macneheedu yahay in xukunkii kale ee maxkamadu ku riday oo ahaa inaanay shan sanadood ka qaybgalin siyaasadu uu weli saaranyahay. Islamarkaana waxa uu sheegay in qodobka loo cuskaday xayiraadaasi uu yahay Xeerkii ciqaabta dawladii Somaliya oo laga soo dheegay xeer uu sameeyay faashistihii talyaaniga ee Musa Lini 1930kii, islamarkaana waxa uu ka dalbaday Golayaasha sharci dajinta inay arrintaa u dhabagalaan iyagoo uu ku dardaaray inay la akhriyaan qodobada dastuurka Somaliland ee arrintaasi ka hadlaya.
Waxa isaguna xafladaa lagu casuumay hogaamiyayaasha Ururka Qaran oo xisbiga Kulmiye ku gudoonsiiyay {KITAAB QUR AAN AH} ka hadlay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Ururkaasi Eng; Maxamed Xaashi Cilmi, waxana uu ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira hayaddaha dawlada oo uu ku tilmaamay inay baabiyeen dhaqaalihii oo si xun loo isticmaalay. “Garsoorkii wuxuu taaganyahay meel-xun oo aan waxba lagu aamini karrin. Waxana aanu anbiilka u qaadan waynay waxay ahayd, sow hadaad kan ka tagto Inaa deerikii uun u tegi maysid, waa isku nooc ilaa ta ugu saraysa oo meel loo anbiil qaataa ma jirto, waxana baabi’iyay waa adduun. Waxaad ogtihiin in Guurtida sidaa iyagaba loogu kordhiyay, ay doonayaan inay Madaxweynahana ugu kordhiyaan, hay’addeheenii oo dhami sidaas ayay u baabe’een. Xeer ilaaliyuha magaca mooyaane, maanta waa Madaxweyne Ilaaliye. Hadduu xeer ilaaliye yahay, wuxuu ku qabsan lahaa, Xukuummada xeerarka la jabiyay, bari dhawayd waxaan qoray in 52 qodob oo dastuurka ah la jabiyay, markaa intaasuu odhan lahaa Madaxweyne sidani xeer maahee ka daa” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Xukunkii maanta yaa inoo haya, waxa haya, dadku faylal ayuu iska dhaxlaa Caalamka faylal, oo ninka xafiis ka tagaaba laga dhaxlo. Faylkii ay dhaxleen ayay inagu wadaan. Faylkaasi waa maxay in subaxdii haddii Madaxweynuhu baxayo in aroortii dadka la sii tubo, askarta dariiqyada la sii dhigo, oo gaadhigiisa 100km iyo wax ka badan magaalada dhexdeeda lagu mariyo. Sida ay wax u wadaan waa sidii Ina Siyaad Bare u waddi jiray waayo inta ay dhaxleen ayaa intaasa, in dadka loo hanjabo oo la xidhaa waa faylkii ay yiqiineen oo ay ku socdaan. Kolkase heer Ay gaadho madaxdu musuqmaasuqu gaadhsiiyo. Wuxuu dabadeetana isku ilaaliyaa kursiga sidii kii ka horeeyay ee faylka u dhiibay ku tagay ayuunbaanu ku tagaa, si kalese ma jirto. Arrimuhu marka ay halkaa marayaan, waxa lagaga bixi karaa, inga oo isku duuban. Markaa, waxaan leeyahay waa in la sameeyo guddiyaashii howshan gelli lahaa ee sidii la isaga qaban lahaa ee looga hortagi guddiyaashii ka shaqaynayay in la sameeyo. In la is nidaamiyo oo khilaafka meel la iska dhigo oo Umadani sidii ay ku badbaadi lahayd la daba qabto” sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi waxana uu ku dooday in aan xukuumadu maantu maqlayn xeerbaa la jabiyay, islamarkaana ayuu yidhi. “Sharcibaa la jabiyay in badan ayay-nu soo wadnaye waana la jabinayaaye, aynu guddiyaadaa badbaadinta dalka samayntooda barito (Maanta) ka bilowno.”
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Ururka Qaran garyaqaan Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isagana waxa hadalkiisii ka mid ahaa.”Annagu waxaan aaminsanahay, Gudoomiye ku xigeenkii koobaad ee Baarlamanku hadalkii uu ku hadlay, intii u danaynaysay Somaliland ee la haddashay uu diiday Madaxweynuhu, u jeedadiisu waxay ahayd inaan Somaliland la ictiraafin, anaguna aanaan meesha ka soo bixin. Waxaanu aaminsanahay haddalkii uu ku hadlay Cabdi-casiis Samaale inuu ahaa hadalka xaqiiqada ah ee naga soo saaray Jeelka, waayo, hogaamiyaha aan wanaagsanayn. Afka uu doonayo marka lagula hadlo ayuu dareemayaa in lala socdo.”
Jamaal Caydiid Waxa uu ka warmay dhibaatada ka dhalata maxaabiista Jeelka Mandheera ku jirta oo uu sheegay in isku meel lagu wadda xareeyo, dhalin-yaro iskuulada ku jirta oo guddiga nabadgalyadu xukunto iyo dib jir, kuwaasoo uu sheegay inay mudo aan badnayn ay dhalinyarada iskuulada ku jirtaa kula mid noqoto gaangistarada meesha lagula xidhay.
Waxa uu sheegay in tacadiyada ka dhan ka ah xuquuqda aadamaha cid kasta oo ka soo horjeeda ama dhibaatooyinka maxaabiista ka hadli jirtay xukuumadu albaabada u laabtay sida ayuu yidhi, daladii isku xidhka xuquuqda aadamaha ee Shuro-net. “Intii ay mudo dheer oo danbe inagu qaadan lahayd, waxa roon inagoo immika ka tabaabushaysana oo khasaaruhu intii uu yaraan karo ku yarayna inaynu ku soo celino jidka” sidaa ayuu yidhi Jamaal Caydiid.
Ku simaha gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ka tacsiyaynayaan qaysaska hogaamiyayaasha ururka Qaran dhibaatadii ka gaadhay intii ay xidhnaayeen masuuliyiintani, isaga oo tilmaamay in xadhiga iyo siyaasadu wax badan isku yihiin, balse waxa uu u rajeeyay inay darajo ka helaan arrintaasi.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland md, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isaguna madashaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inaanu madaxda Qaran ugu tegin jeelka Mandheera, “Haddii Afweyne (Siyaad Bare) xidho ayuunbaan ugu tegi lahaa, oo cahdigii la soo dhaafay ay tahay, laakiin waxaan qaadan waayay Daahir Rayaalaa Mandheera ku xidhay. Ugama jeedo, Madaxweyne maaha dalkana ma xukummo, ugama jeedo awoodiisa ama shakhsiyadiisa. Laakiin, waxaan uga jeedaa Daahir haddii uu xoog ku qabsan lahaa oo uu dalkan boobi lahaa oo uu sidii Siyaad Bare yidhaahdo xoogbaan ku qabsadaye xoog hala igaga qaado. Cidii ka hortimaadana yidhaahdo jeelkaan gaynayaa, taasi garawshiiyo ayay lahayd, waa la qaadanayay.” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ow Cali isaga oo ka waramay qaabkii Madaxweyne Rayaale ku yimi madaxtooyada iyo xaaladihii kala danbeeyay ilaa doorashadii. Waxa uu sheegay in shacbigu ku dedaalay arrintaas islamarkaana ay filayeen in Daahir wax badan badalo isaga oo tilmaamay in Kulmiye ahaana wakhtigii doorashada ay 80-kii cod ee lagaga helay doorashada u ogolaadeen danta dalka.
Balse, waxa uu faahfaahiyay in Madaxweynihii qaabkaa dimuquraadiga ah ku yimi ay la tilmi dhibaato iyo cabudhin garsoor xummo. “Welli Ma dhawa, hadhow yaa ina kala saaraya marka qodobo dastuuriya la isku qabto Garsoorka Jooga waa kaase.. ummadi waxay harumartaa, dimuquraadiyadeedu lugaha isku taagtaa, sharcigeeda si kasta loo aqbalaa marka uu garsoorku dhex u yahay ummada” sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali waxana uu intaa ku daray “Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waan soo daaynay sharcibaana yaala hadday mar kale ku noqdaana waanu ku celinaynaa. Sharci ma yaalee waxaanu leenahay, waxa meesha yaala dibaa loogu noqonayaa” “Waxaan oo dhami waxay u dhacayaan waa lexejeclo, sidii hooyaddii ilmeheeda lagu qabsaday ee in la kala gooyo diiday, laakiin socon mayso, iyadoo la ilaalinayo ayaa waxna la iska celinayaa.” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali.
No comments:
Post a Comment