Wakiilladu ma fuliyeen ballamihii ay qaadeen wakhtigii doorashada?
“Markii nala soo doortay ee aanu cusbayn inaanu wax badan qabano ayay dadku naga filayeen waa run, laakiin waxay dadku ilowsanaayeen…”
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada
Hargeysa (W/Wararka) - Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aan loo aanayn Karin sicir bararka maciishada, % 2 [boqolkiiba labada] lagu kordhiyey Cashuurta si wax loogaga qabto Horumarinta Gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle. Islamarkaana waxa uu ku dooday in maciishada wixii ku kordha ay masuul ka yihiin Tijaarta waa weyn ee wax soo dejiya.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilladu waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay shabakada Wararka Intarnetka ee Hadhwanaagnews, kaasoo uu kaga jawaabay su’aalo door ah oo ay ka midtahay sababta Golaha Wakiillada bulshadu ugu wada weyday waxyaabihii laga filayay oo dhan.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
S: Guddoomiye %2 [boqolkiiba labada] lagu kordhiyey Cashuurta ma loo aanayn karaa sicir bararka maciishada?
J: Arrinta Golaha Waa lagaga hadlay oo guddida dhaqaaluhu waxay yidhaahdeen sixir barar ayey keenaysaa, waxaan qabaa %2 [boqolkiiba labada] la saaray cashuurta dalku inaanay abuurin Sicir bararka, ee ay tijaarta Somaliland ay abuurtay, %2 waa wax yar, markaa waxay faa’iidada u heli lahaayeen waa inay ka jaraan oo aanay dadka saarin.
S: Guddoomiye Baashe Markii Goluhu ansixinayey %2 lagu kordhiyey Cashuurta, Xildhibaanadu way ku kula qaysameen, isla markaana fadhigii aad ku an-sixiseen waxa uu ahaa mid aanay Saxaafadu ka soo qeyb-gelin oo hoosta ayaad isaga xidhateen, markaa maxaa keenay inaad Saxaafada dibada u saartaan?
J:> Goluhu Waxa %2 [boqolkiiba labada] wuxuu ku an-sixiyey Shir xidhan, oo laba arrimood oo kale ayaa ku jiray, sidaas ayaana Golaha loo xidhay, laguma kala duwanayn %2, ee waxa lagu kula duwanaa Maceeshada miyaa la saara mise waa laga daayaa, markii danbe-na waxay aqlabiyadii isku wada raacday inay Maceeshadii %2 Cashuur ah ay qaadi karto.
Markaa Xildhibaanada Qaar-kood ayaa rabay in Qaadka iyo Sigaarka %4 [boqolkiiba afar] lagu kordhiyo.
S: Baashe waxaad sheegtay inaad Shirkii albaabada isku xidhateen ee aad ku an-sixiseen %2-ga aad kaga doodeen laba arrimood oo kale, Markaa Maxay yihiin labada arrimood, ee kale?
J: Waxay ahaayeen laba qodob, oo qodob waxa uu ahaa xildhibaanka ay geeriyi ku timaado inuu Goluhu wax u qoondeeyo, iyo qodobka kale oo ahaa lacagtii Maamul fidinta Gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle
S: Guddoomiye Waxaynu ognahay inay Miisaaniyad sanadeedkii 2007-du ay laalanayd, Haddii ta Cusub ee kalena [2008] la idiin soo gudbiyo Maxaa idiinka meel-yaal ee ay tahay aragtidiinu?
J: Weli Miisaaniyadu meesheedi ayey taagan tahay, oo wax na soo gaadhay ma jiro, waxaanu u haysanaa inay weli sidii uun u taagan tahay Miisaaniyadii,markaa Miisaaniyad Sanadeedkii 2007 weli sidii ayey u laalan tahay.
Markaa aragtida aanu ka qabaa waxa weeyaan inaanay Miisaaniyada 2007 meesha ka bixi Karin, oo ilaa inta la xalilayo tii hore inaan la keenin Miisaaniyada Cusub 2008,
S: Waxa Muuqata, Inaanay wax sidaas ahi iska bedelin Xidhiidhka wada shaqeyneed ee Xukuummada iyo Golihiina Sharci-dejinta Maxaad is-leedahay way hortaagan tahay?
J: Xidhiidhkayaga wada Shaqeynayd ee Xukuummada iyo anaga [Wakiillada] wuu fiican yahay, way jiraan wax-yaabo la isku qab-qabanayo,waana laba Gole oo kala Madax-banaan oo Xisaabtana ka dhaxeeyo ayaanu nahay, khilaafaad wuu iska imanayaa aragtidayadu way kala duwanaan kartaa oo waxna waanu isku raaci karnaa, waxna waanu isaga soo horjeedsanaynaa, laakiin mid shakhsiya oo Qaranka wax u dhimaysa Xidhiidhkayagu maaha. Dhaqankaaba ah in Sharci-dejinta iyo fulintu uu khilaafaad hadh iyo habeen uu jiro, waayo ! kala aragti ayaanu nahay oo waxaanu nahay Golihii la rabay inay Saxaan Fulinta.
S: Xukuummadu waxay dib idinku soo celisay dhowr Xeer oo aad aad ansixiseen, markaa miyaan la odhan Karin Xidhiidhkiina wada shaqeyneed maaha mid wanaagsan, maadama aanay Xukuummadu sidiisa u fulinayn Go’aamada Golaha?
J: Qaar la fuliyey [Xeerarka] iyo qaar aan la fulinin labaduba way jiraan, habka loo soo celiyeyna waxa weeyaan in Golahayagu haddii uu u arko wax jida uu Ogolaado, haddii kalena aanu 55, Sadex meeloodow laba meelood aanu ku celino, marka Sadex Xeer ayaa nalagu soo celiyey, haddii cod gaadhaya Sadex meeloodoow laba Meelood loo waayo sidoodii ayey ku soconayaan haddii sadex meelood laba meelood loo helana waanu jabinaynaa.
S: Waxa la idinku eedeeyey Shir-gudoonkiina Wakiilladu inaad Xildhibaanada Mucaaridka iyo Muxaafidka ah aad isku-wadi kari weydeen, isla markaana ay idin hagayaan Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaridka ah ee aad ka soo baxdeen arrintaasi ma jirtaa?
J: Waa iska tuhun anagu [Shirgudoonka] ma diideyno inaanu Xisbiyo Mucaarid ah ka soo baxnay, waana wax hore loo ogaa dibna loo-ogyahay,haddii wax Xisbiyadu [Mucaaridka] rabaan Golaha lagaga Shaqeynayo waxyaabo badan ayaa soo bixi lahaa, Waxaanu isku haysanaa inaanu nahay Shirgudoon Dhex-dhexaada u ah Golaha, oo aanu ku hogaamino si siman oo aan figrado Xisbina meesha lagu waxayn, islamarkaana aanu Qaranka u adeegayno.
S: Guddoomiye waxa jira Mooshin ay Dhawaan dhowr iyo toban Xildhibaan idiin soo gudbiyeen Muxuu yahay Nuxurka Mooshinkaasi?
J: Mooshinka ay Xildhibaanadu soo gudbiyeen waxa uu ka hadlayey, Xeer NO. 14aad, Markaa waxa loo gudbinayaa la taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada, markaa dadku waxay hadh iyo habeen ka hadlayaan Xeer 14aad Ma jiraa mise Ma Jiro, iyo Maxay Xildhibaanadu uga hadli-waayeen inuu Xeer NO.14, jiro iyo inaanu jirin. Markaa Xeer NO.14aad waa Xeer la ogyahay inuu jiro, waxaana jirtay kaabis lagu Sameeyey Xeerkan oo ahayd in Xisbiyada la furo, waxa loo gudbiyey Golaha Guurtida, waxaanay soo jabiyeen Kaabistii lagu sameeyey Xeerka. markaa Xeerkii Hore ayaa taagan oo dhaqan galay.
Markaa Xildhibaabanadu waxay soo jeediyeen Mooshinkaas oo markaa gacanta ayaanu ku haynaa oo weli golaha looma soo gudbinin.
S: Xukuummadu waxay Xabsiga u taxaabtay Hogaamiyayaashii Urur Siyaasadeedka Qaran oo ka duulaya Xeer NO. 14aad oo dhigaya in Ururo la furan karo, sida Urur Siyaasadeed, kuwo Shaqaale, I.W.M ka Shir-gudoon ahaan sideed u aragtaan in Axsaabta la furo?
J: Ururada Siyaasadeed in la furo Goluhu Hore ayuu u soo jeediyey, laakiin, way socon-weyday oo dib ayaa loo soo celiyey, haddii la furayana waa inay Golayaashu [Guurtida iyo Wakiilladu] ka heshiiyaan, Xitaa waxa weeyaan haddii ay Golaha Wakiilladu furaan oo ay Golaha Guurtidu soo celiso Meesheedii ayey taagnaanaysaa.
Markaa waa Xeer u baahan in dib loo eego inay Weligood Sadexda Xisbi [UCID, KULMIYE iyo UDUB] taagnaanayaan iyo in la furro, markaa waxa weeyaan inay Golayaashu ka heshiiyaan.
Aragtida aanu Xadhigoodaa [Hogaanka Qaran] ka qabnaana waxa weeyaan Madaxweynaha waanu kala hadalnay mana qarsoona inaanu nidhi ha la soo daayo, inay Urur Siyaasadeed Furan karaaan iyo inaanay furankarina in banaanka lagu Xalilo, Golayaashu ha isaga yimaadaan inay Sharciyadeedu Sax tahay iyo inaanay Sax ahayn.
S: Maalintii la doortay Golaha Wakiillada, shacbiga Reer Somaliland rajo-weyn ayuu ka qabay inay wax badan ka badalaan xaalada markaa lagu jiray, waxana dadka qaar u arkaan inaad taa ku fashilanteen, Shir-gudoon ahaana waxa la idinku eedeeyaa inaad Xildhibaanadii Mucaaridka iyo Muxaafidka ka soo kala jeeday isku wadi kari-weydeen oo aad qeybta Mucaaridka ah aad garabsiisaan arrimahaas maxaad ka odhan lahayd?.
J: Wax-yaabo badan in dadku naga filayeen waa run, oo markii nala soo doortay ee aanu cusbayn inaanu wax badan qabano ayay dadku naga filayeen, laakiin waxay dadku ilowsanaayeen inaanu Sadex Meelood xubin ka nahay, inay Guurti jirto ayaa la ilowsanaa, Inay Fulini jirto ayaa la ilowsanaa, dadku waxay Golaha Xeer-dejinta u haysteen inay wax-yaabo badan qaban karaan, wixii ay qaban karayeen way qabteen, wax-yaabo badan oo ay is-lahaayeen qabtana way suurta geli kari waayeen oo waad ogtahay oo Golaha [Wakiillada] Axsaab ayaa loo kala qeybsan yahay, Guurti ayaa jirta oo dabar kale ah iyana waxa jirta Fulintii oo awoodii ugu badnayd haysata. Markaa sidaa ayey ku dhacday inuu Goluhu kala qeybsanaado, oo aragti-kasta oo la keeno inaan si loo wada arag, markaa waxay keenaysaa inay Golayaashii Qaranku isla jaanqaadi kari waayeen, Khilaafkaasina weligii wuu jirayaa.
Shir-gudoonka waxa loo arkayaa inuu Xisbiyada Mucaaridka ah ka soo jeedo markaa Golihii la iskuma wadi karo oo Xisbi ahaan ayaa loo kala duwanaanayaa, waxa na daba socota Fulinta [Xukuummada] oo Golihii badh ku leh, Markaa Wax-kasta oo la sixi lahaa waa laga hor imanayaa khilaafkaasina waa jirayaa, Golahana waxa la keenay way ka baxeen, dadkana dhowr jeer oo hore waanu la hadalnay Mushkiladu maaha Shir-gudoonka oo waanu hogaaminayaa Golaha, isla markaana waxaanu isku deynaa inaanu isku soo dhaweyno [Xildhibaanada Mucaaridka iyo Muxaafidka ah] laakiin figradahaasi weligood waa lagu kala qeybsanaanayaa, Barlamaan kasta oo jirana figradaas waa lagu kala qeybsamaa oo waad ogeydeeno Gole Xidhan ayaanu sameynay. Wixii socon waayana cod ayaa lagu kala baxaa.
Ogaal News
Monday, December 10, 2007
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment