Thursday, December 27, 2007

FAL WALIBA FAALO LEH.

Taariikhdu waa ma naxdo, waana ma illowdo,waana Murugo
joogto ah. Waa ma naxdo oo saddexda jeer ee Bani
aadanku maanka la'yahay, falalka uu geysto iyadu wey
sajishaa, ama qortaa!! Saddexdan jeer ee Aadanuhu
Waalan yahay, laba ka mid ah wuu isu war hayaa, waanu
awoodaa , in uu wax ka beddelo hab dhaqankiisa. Marka
kalese malaha, awood uu wax ku beddeli karo!!

Marka uu Wax jecel yahay, Adduun, Gabadh, Xoolo i.w.m,
waxaa uu jecelyahay oo keliya ayaa mara, Adduunka waxa
ugu qiimaha badan haddii la hordhigo, u muuqan maayo!!
Waxaana la yidhaahdaa Maan la'aantan, "Sakratul Xub
!!". Marka labaadna , waa marka ay aduunyadu waddo oo
haddii aad quruxda Dabeecadda, Nimcada Ehelka, Ubadka,
Ammaanka iyo barwaaqo oo dhan ka sheekayso, dhego uma
laha, haddiise aad tidhaahdo, laba kun oo Daasado
madhana, oo tiiba hal Doolar ku jiro Faa'iido ah ayaan
soo arkay, inta aanad dhammeyn hadalkaba waa ka
istaagey ee yidhi"Inna dhaqaaji, khayr baad
sheegteyba'e!!" tanna waa "Sakaratul Maal". Tan
Saddexaad ee iyana Maanka yar ee Aadanaha uu kal
wareegaa, waa marka ay Naftu hayso, ee Allihii iska
lahaa, ammaanadiisa qaadanayo, ee uu Neef-tuurayo,
labada indhoodna Cirka mooyee aanay meel kale
jalleeceyn!! Haddii aynu dhawr qof ku jeediya
nidhaahnona kari maynno!! waxa uu sugayaa , in uu arko
maqaamkiisa rasmiga ah ee sugaya!! "Sakratul Mawt
weeye tanuna !!".

Waxan Siyaasadda la yidhaahdaa haddaba, waxa ay ka mid
tahay, sakradahan. Dadka isku hawlana wax yar ayaa ka
samato baxa, kuwaas oo Tawfiiqda Alle iyo Xakamayn
joogto ah naftooda ku haya oo aan dhalanteedka waqtigu
khiyaamayn kareyn!!. Siyaasaddu Cilmi ahaan , waa
Cilmiga Casriyeynta iyo kor u qaadka hab
Dhaqan/Dhaqaaleedka ay ummadi leedahay, laguna
waafajiyo, la jaan-qaadka shuruucda iyo iskaashiyada
Dawliga ah ee Caalamka ka dhexeeya. Afrikana ,waxa ay
Dawladihii Isticmaarku u bareen nidaamka
munaafaqadeed, ee lagu kala qaybiyo bulshooyinka,
beelaha iyo Aqoon yahanka Ummadda, si isku garaacooda,
loogu xukumi karo!! ilaa maantana u dhaqan ah.

Si taasi loo xaqiijiyona, waxa uu furaha ama miftaaxa
siyaasaddan Isticmaariga ahi yahay in aan Ummadda wax
la barin oo aanay kaba war hayn waxa la kala
macaashayo. In aan shaqooyin iyo dhaqaale kobcin midna
loogu fidin ay baahidu ahaato, tan cabiidineysa, iyo
in hadba inta wax fahmayso fal dambiyeedyo loo
sakhirey la geliyo, kaddibna lagu dhabar garaaco, inay
u dulloobaan Maamulka hadba talada haya!!. Musuqa,
Laaluushka, Hanti-lunsiga, shirqoollada Siyaasi
/dhaqaale ee abaabulan intuba waa dabeecado lagu
yaqaan, Maamullada ka soobalka ah, aqoonta iyo
afkaarta wax ku oolka ah ee Siyaasadeedba.

Somaliland oo haddaba waqti kala Guur ah ku jirta,
Cahdigii, Odey dhaqameedyada iyo Talisyada
Dhegeystayaashana ka Guureysa , una hinqatey, dhankaas
iyo Gurya-Samo, Dimuqraaddiyad hanoqaadda iyo Maamul
shurruc iyo Distoor ku dhaqan ah oo Dawlad kooban ,
tayo iyo waxqabad leh oo Aqoon yahan Xul ah oo Kuwii
Alle Dib-u-Dhiska Dalkan ugu deeqay adeejntooda ah,
laguna nasan doono, iyaga oo qorsheyaal Horumarineed
oo Muddeysan, Dhaqaale Muujin shuruuceed, Hantidhawr
iyo Mas'uuliyadaha oo lagu Xisaabtamo, yeelannna doona
, Abaal marin iyo Anshax Marinba , markii ugu
horreysey, oo Dalkan ka hirgeli doonta!! ayaa waxa aan

ka fakiraa, Faallada Sooyaalkii falalkii Maamullada 16
sannadood Dalka ka khasaariyey, runtiin , "Faddhi &
fuud yicibeed" ku wanaagsan tahay, waqtiga dheer ee ay
arrimahaas dibu-fiirsigooda, Cibradaha ku jira, daba
galkooda iyo, Majaaliista Aqoon yahanka Doodaha ka
dhici doona, taariikhdu gufaacooyinka ay iyana la iman
doonto, Magac Xumada, Weji Gabaxa iyo Shakhsiyad
Hallowga, Mas'uuliin badani ka dhaxli doonaan,
Sakhradda yar ee Maalka ama Mansab jaceylku u
geysteen, waxna aanay ka kasbanin. Gal dad liqa Ulbaa
lagu dayaaye, sidii Dukhsi Mawdkii galey, markey bad
aan dabbaasheed la isku kallifin, ay dalaq tidhaahdo,
waa Tuulo Adduunku Maanta'e, Shilin kasta oo Dibad la
dhigtey, Hanti la gashadey, Magacyo Dad kale lagu
qortey, Dhul lagu Iibsadey ama Ganacsi ku milmay , kol
haddii aan wax qarsoomayaa jirin, Rag maanta
is-xiijinaya ayaa xaalkooda loo joogi doonaa!!

Saddex waan la yaabaa!! Dal imika la yabyabayaa, laba
aqoonsan, dhaqaale mudan aan lahayn, Gole wasaro oo
lixdanka kor u dhaafey inuu yeesho, Laba aqal oo
Baarlamaan yeesho, Barnaamij qaran oo Horumaineedna
yeelan waayo, Haddana Qaran Gooni u Taagan
sheeganaya!!
Saddexna Waan ku qoslaa!! Muwaadin wax uu xaq
Distooriya iyo Mid xuquuqeedba u leeyahay , haddana
qof la mid ah sidiisa oo Muwaadin ah, hawl Mushahar uu
ka qaato, aanu kan laftiisu qaadan oo shaqadiisa ay
tahay, haddana laaluush hawl-fududeyn ah ka siiyo.
Mas'uul weyn oo sidii uu koox dhalinta barbaarinta, la
hadlayo, aqoonyahanka la soo horjoogsada"Horumarka iyo
waxqabadka mudan ee ay Dawladdu sameysay!! iyo
waxaannu qaban doonna!!!" tan saddexaad ee iga
qoslisaana, waa Idaacadda in Caroog ay ka addimayso la
moodo ee aan Hargeysa dhaafin barnaamijyadeeda muraaro
dillaaca ah!!

Saddex waa amaakaag oo Riyaale ayaa Xidhey,
Mujaahidiintii Dalka, Cawil baa Wasiir Maaliyadeed
noqdey, iyo Yuusuf Tallabo ayaa Caddaaladdii u
hadlaya!! Saddex Waa Mahadho oo "Guriga Aafada Burco,
Fooqa shanta Dabaq ah ee laga dhisayo Gurigii Hore
Riyaale ugu Jirey iyo Fooqa Qaahira ee Weliba "Hal min
Maziid , socoto!!"!! Saddex waa madadaalo, Guurt iyadu
isu jadiidisay Xil qaran!! Maamul Madax ilaa mijo
shuruucdii iyo Distoorkii Maaruqay oo haddana leh Alle
ka baqda oo sacabka tuma!! iyo Faysalkan sidii
"Crab"ka dhan walba u cararey, Riyaalow, Siilaanyow,
Cabdillaahi Yuusufow, Hawiyoow, Geellow iyo .. iyo !!

Waxaan qorsheynayaa, intan oo dheri ah intaan Hawdka u
qaato, oo marka uu Roobku Da'o March, 2008da, intaan
doorashooyinku soo gelin Geed weyn oo Galoola, aan la
hoos fadhiisto, si marka aan ku harraado, aan Romog
yar oo qabow dhuunta ugu qaboojiyo, haddaan ku
gaajoodo , Cambuushiisa ku damiyo, haddii aan yar
caajisona aan Maydhaxdiisa, xanjo ka dhigto!! Hadkiisa
oo iskaba "Air condition ahna , hadhkiisa iyo Cimilada
Dabeecadda ee ku Xeeranina , ii siiso daaqadda aan ku
kala hurgufayo waxan oo axmaqnimo na soo martey, iyaga
oo aan Duruus jiilasha mustaqbalku wax ku qaataan
looga reebinna, sidan aan lagaga tegin, cahdigii Tala
Xumada Taariikheed ee Dalkan soo Martey!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa.

No comments: