

Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday
Waxa ay Hayada UNICEF bilowday dhismihii iskuuladada Taysa iyo Geed-abeera iskuuladaasi oo uu dhagaxa dhigay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasan Cabdi Cali( xasan shahar) iskuuladaasi oo ay hore uga dhisnaayeen iskuulo ku meel gaadh ahi(temparary) oo taandho ahaa, ayaa xafladii dhagax dhigada iskuuladaasi hadal kooban uu ka jeediyay Gudoomiye Degmada. Mr.Xasan waxa uu ugu horayn u mahadnaqay Haayada UNICEF oo ku amaanay dhismaha iskuuladaasi ay dhisayso haayadu, waxa kale oo uu yidhi waxa aan idinka rajaynayaa in aad sidii hore ee wax ku oolka ahayd ee aad hawlaha degmada uga wadi jirteen aad usii wadi doontaa hawlihii aad ka hayseen degmada ee ayna tani noqon doonin tii idiinku danbaysay.
Waxa kale oo halkaasi mahadnaq uga soo jeediyay Wasaarada waxbarashada JSL oo uu iyana ku amaanay sida ay markasta u dhinac taagan tahay hawlaha ka socda degmada, waxa kale oo uu dadwaynihii isugu yimid iskuuladaasi la dhisayay ku boriyay in ay ku dadaalaan siddii ay u gayn lahaayeen caruurtooda iskuulada, taasi oo uu yidhi waxa aad haystaan waxa ilaahay loogu mahadiyo oo aan ka jirin ama nadir ku ah Guud ahaan dalka JSL taasi oo uu yidhi guud ahaan waxbarashada degmada Allaybaday waa lacag la’aan(free of charge) oo habayaraatee wax lacag ah lama waydiiyo ardayda,taasina waxa suura galiyay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ka soo jeeda deegaankan Allaybaday kuwaasi oo ku amaanay hawshaasi waxtarka leh ee ay hayaan, Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi idinkana waxa la idiinka baahan yahay in aad ardayda iskuulada soo laban-laabtaan waayo waxa la isku dhaafay waxbarasho,ayuu hadalkiisii ku soo koobay Gudoomiyuhu.
Waxaa iyagu Xalfadaa ka hadlay, Laba nin oo qaatay Qaydaraaska dhismaha labada Dugsi, waxaa ka mid ahaa A/rasaq Sh. Adan Ali, waxayna ii sheegeen inay muddo 2 bilood ah ay ku dhamays tireen dhismaha labada Dugsi.
Waa dugsigii 4 aad ee Degmada Allaybaday laga dhiso, intii ururka UHWA gacanta ku haysay Dugsiga Degmada.
Dhismihii Cusbaa ee dugsiga LAAYE.
Dhinaca kale waxaa wiiggan la soo gabagabeeyay Dhismihii Dugsiga LAAYE, oo ay dhistay Hayda Oxfarm, waxaana lagu wareejiyay maamulka Degmada iyo ururka UHWA.
11 Dugsi ee ay Hayda UHWA gacanta ku hayo waxaan dhismo rasmi lahayn 4 dugsi oo kale,
1. Gees Dheere
2. Har Cadaad
3. Diini Gobaale
4. Wadi Xoor
Afartaa dugsi waxaa la rajaynayaa in sannadka 2008, ay dhismo rasmiya helaan.
Dhinaca Kale gudoomiihii Guud ee UHWA Mr. Ahmed Abdi BAKAAL ayaa socdaal ku saabsan kobcinka iyo dhaqaalo urur ku saabsan boardinkii Dugsiga Sarre ee magaalada Allaybaday, ka bilaaba wadanka Norway, isaga oo soo maraa dhamaan wadamada Europ.
Gudoomiyah UHWA , oo la soo dhawaynaayo.
Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY, SOMALILAND.
Telefon: + 2522357702 (Telecom,Allaybaday)
Email: hilqadm@hotmail.com
Website: http://www.allaybaday.com/
No comments:
Post a Comment